soomaliyayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soomaliyayn
m.f.dh eeg Soomaaliyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soomaaliyayn
(Soomaaliyayn-ta)
Soomaali ama wax Soomaaliyeed ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Soomaaliyayn
m.f.dh eeg soomaalyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Soomaaliyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) Soomaali ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomalmay
-ga: (magac, lab, keli) midab caddaan iyo guduud furan isugu jira oo geelu yeesho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Soomaaliya
pr. n., loc. Somalia
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Soomaaliya
Somalie.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Soomaaliya
(n) Somalia; Mogadishu is the capital and the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Soomaaliya
de: Somalia
initial: s
lx: Soomaaliya
ps: n0-loc-f
key: Soomaaliya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soomal-may
m.l Midab caddaan iyo guduud furan isugu jira oo geelu yeesho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Soomaaliyad
f. n. Somali woman
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Soomaaliyad
de: Somali woman
initial: s
lx: Soomaaliyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: Soomaaliyad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Soomaaliyeed
n. phr., genetive: Somali, of Somalia
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Soomaaliyeed
(tilmaame) afka ama jinsiyadda daka Soomaalida.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Soomaaliyeed
de: Somali, of Somalia
initial: s
lx: Soomaaliyeed
ps: np-gen
key: Soomaaliyeed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soomaaliyoob
inch. v. become Somali
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soomaaliyoob
de: become Somali Alt sp: soomaaliyow
initial: s
lx: soomaaliyoob
pd: (soomaaliyoobay)
ps: v1=inch
key: soomaaliyoob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomahoydaan
-ka: (magac, lab, keli) nacas; garaadlaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomanayn
m.dh Biyo ka saaridda walax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Satiyayn
(Satiyayn-ta)
Sati u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
satiyayn
m.f.dh eeg satiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
satiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sati u yeelid, u samayn; satiyays.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Soomayya
jeûner.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooryayn
m.f.dh la-mid: soorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooryayn
-ta: (magac, dhedig, keli) soorid; martigelin; sooryayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaliyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qiimaha uu joogo biirin oo mid ka sarreeya ku iibin; sicirkii hore mid ka badan ku gadid; qaali ka dhigid. Qaaliyayntu waxay ku xidhan tahay hadba qiimaha suuqu sida uu yahay: Dh: qaaligarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tegey sida aad u maaraysay ama uu kuu dhaafay ka xumaasho oo ka welwelid; tiiraanyo samayn; is ciil kaambiyid. Kolka hore ayaa la is ilaaliyaa ama qoomammaynta ayaa la iska daayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kootaliyad
m.dh (-do, m.l) Haweeney aan Ilaah iyo Nabigiisa rumasnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoomammayn
(Qoomammayn-ta)
Qoomammo dareemid, qabasho, hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoomammayn
m.f.dh eeg qoommammee. la-mid: qoomammays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soohdimayn
m.f.dh eeg soohdimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soohdimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kala xadayn oo xad u kala samayn. Soohdimaynta dalal baan wali wax ka jira is afgaran waa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomalhaad
-ka: (magac, lab, keli) harraad ama jidiin qallal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Soomaaliyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Soomaali ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
Soomaaliyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Soomaali ka dhigid. m.f.dh, Soomaaliyayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soomaaliyee
v. Somalize, make something Somali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Soomaaliyee
(fal) dhaqanka Soomaalida u yeel oo Soomaali ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soomaaliyee
de: Somalize, make s.t. Somali
initial: s
lx: soomaaliyee
pd: (soomaaliyeeyey)
ps: v2b=tr
key: soomaaliyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Soomaaliyow
f.mg1 (-oobay, -owday) Soomaali noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Soomaaliyow
-ga: (magac, lab, keli) dhaqanka iyo afka Soomaaliga barasho; Soomaali noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mookhalitaan
-ka: (magac, lab, keli) kala hufitaan oo kala sifayn. Dh: shaandhayn, shaandhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Soomaalinimo
-da: (magac, dhedig, keli) Soomaali ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosaaligisayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof oo dagaallamaya dhexgelid oo midkood si qarsoodi ah ugu hiilin; labada midkood u garabgorayeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soomaaliyoobid
(Soomaaliyoobid-da)
Soomaali noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Soomaaliyoobid
m.f.dh (-oobay, -owday; - oobi) eeg Soomaaliyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Soomaaliyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) Soomaali noqosho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hooligan
/huuligan/ (n) fallaago (rabshoole aad wax u kharriba).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maanyayn
(Maanyayn-ta)
Hees gaar ah (maanyo) tirin, qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo aad u butaacid; mawjado waawayn kicin. Maanyyntiisa kolba moojad kicintiisa.
maanyayn -ta: (magac, dhedig, keli) carruur bidhibidhi ciyaarsiin. Maanyaynta waan ka daallee dhuumaalaysi aan ciyaarno. Dh: bidhibidhayn.
maanyayn-ta: (magac, dhedig, keli) sida sagaarada samayn. Maanyaynta iska daa. Dh: sagaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) malab samayn. Kolka ubuxu dillaaco ayay shinnidu malabaynta bilawdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milixayn
m.dh la-mid: milxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milixayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cusbo ku darid ama dush ka marin. Dh: cusbayn, milixays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolisan
(tilmaame) si wanaagsan u maaraysan ah; si fiican loo maamulay ah. Aqal si wanaagsan u moolisan kolkaad aragto gaari inay gasho garo. Dh: maamulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nadiyayn
(Nadiyayn-ta)
Nadi la dhicid; jeedlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadiyayn
m.f.dh eeg nadiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nadi la dhicid: jeedal ku ulayn. Dh: jeedalin, ulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oodafayn
(Oodafayn-ta)
Afka ood (= oodafo) ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodafayn
m.f.dh eeg oodafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) irrid furan jiitin ku oodid. Dh: oodafays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomitaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo u baahasho. Oomitaanka ka ilaali beerta. Dh: harraaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaliyay
(fal) qiimaha uu joogo biiri oo mid ka sarreeya ku iibi. Qiimaha xoolaha qaaliyay Dh: qaaliyee. Li: jebi, rakhiisi, raqiisi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoofalan
Qoofal ku xiran yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoofalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax qoofalay ahaansho (awr ama faras).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoofalan
der. [adjective] hobbled, tied up, tethered (horse); locked up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoofalan
(tilmaame) mid dusha ka dedan ah oo waxa qudaha ku jira aan la arkayn. Dh: dedan, hagoogan.
qoofalan: (tilmaame) mid lug hore iyo lug dambe oo isweydaar ah ka xidhan. Faras qoofalan ma baxsado. Dh: shakaalan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qoofalan
Isku rakiban, diyaarsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoofalan
de: hobbled, tied up, tethered (horse); locked up
lx: qoofalan
pd: (qoofalnaa)
ps: adj-der
key: qoofalan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomamay
(fal) aad u nadaamoo; murugoo. Dembigii uu galay ayuu ka qoomamaynayaa. Dh: qoomammee.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qoomayya
blesser.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomiyad
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama bulsho af iyo dhaqan wadaagta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ra'yi ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salabayn
m.f.dh eeg salabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qalab u dhammayn; qalabayn; salabays.
salabayn -ta: (magac, dhedig, keli) meel mafiiq marin oo nadiifin. Dh: xaaqid, xaadhid, fiiqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samirsiin; samrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
satiyays
-ka: (magac, lab, keli) satiyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka qoomamayn; ka shallay: ka qoomamood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
solitaan
-ka: (magac, lab, keli) cad iyo wax la mid ah, dab ku dubitaan oo ku bislayn.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Soocayya
distinguer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soocelin
m.dh (taar.) Soo celintu waxay ahayd dhacdo dhacay 1660, markii Jaarleskii 2aad uu noqday boqorkii Ingiriiska, ka dib waqtigii uu noqday boqor iyo boqoradda la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soocelin
m.dh (taar.) Soo celintu waxay ahayd dhacdo dhacay 1660, markii Jaarleskii 2aad uu noqday boqorkii Ingiriiska, ka dib waqtigii uu noqday boqor iyo boqoradda la'aan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soodiyam
(n) sodium (soo-di-yam) Symbol Na ~ sodiyam
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soogelin
vl. n., [compound] importing, bringing in
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soogelin
cf: maalsoodejin
de: importing, bringing in
initial: s
lx: soogelin
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
key: soogelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soomaali
1. (Soomaali-da) Dadka Soomaaliya deggan.
2. (Soomaali-ga) a) Afka Soomaalidu ku hadasho. b) Shilinka Soomaaliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Soomaali
Soomaali¹: m.l.kh Luqadda Soomaalida u gaarka ah.
Soomaali²: m.dh Dadka Soomaaliya deggen ama ku hadla af-Soomaaliga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
Soomaali
Soomaali¹: m.l.kh Luqadda Soomaalida u gaarka ah.
Soomaali²: m.dh.u Dadka Soomaaliya deggen ama ku hadla af-Soomaaliga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Soomaali
m. n. Somali man; Somali shilling
Soomaali [feminine] n., pl. Somalis, Somali people
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Soomaali
-da / ga: (n) 1. Somalian. 2. Somali male person. af Soomaali; Somali language
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Soomaali
-da: (magac, dhedig, keli) quruunta ku hadasha afka uu ereykoobahani ku qoran yahay; waa ummad ka mid ah quruumaha Geeska Afrika oo deggan dhul aad u ballaadhan oo kulaala Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Soomaali been way sheegtaa, beense ma maahmaahdo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Soomaali
صومالي
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooryays
m.l la-mid: soorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooryays
-ka: (magac, lab, keli) sooryays: martigelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sooryeyn
(Sooryeyn-ta)
Soorid; martiqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooryeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg sooryayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ammaaradayn calaamadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baadiyayn
(Baadiyayn-ta)
Baadi ka dhigid; lumin; habaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiyayn
m.f.dh eeg baadiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) luminta xoolo qof ilaalinayay. Sahal waa nin baadiyayn badan. Dh: lumin, fakin, hallayn, dayacid.
baadiyayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof reer magaal ahaa, baadiye ka dhigid; dhaqanka baadiyaha u yeelis. Dh: miyiyeyn.
baadiyayn -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale qaldid oo khatalid. Dh: lumin.
baadiyayn -ta: (magac, dhedig, keli) jidka hagaagsan ee diintu tilmaantay ka leexin oo gaalnimo u horseedid. Li: hanuunin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) joogtaynta wax aad samayn jirtay. Caadiyayn ayuu ku dhameeyay hawsha. Dh: joogtayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camaliyad
m.dh (-aad/-ado, m.l) 1. Fal. 2. Dariiq, dhicitaan; hab, qaab. 3. Shaqo, hawl.