soojeedsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soojeedsad
-ka: (magac, lab, keli) dhinacuu ka jeeday u soo jeedin; soojeedsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soojeedid
(Soojeedid-da)
1. Qofka hadlaya ama wax eegaya xaggiisa, wejiga iyo laabta ku jeedin; qaabbilid.
2. Seexasho iyo hurdo iska dhawrid, isu diidid; dhafrid.
3. Soojeed habeen (xus, caways...) ka qaybgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soojeedid
m.f.dh eeg soojeed².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soojeedid
-da: (magac, dhedig, keli) qofka hadlaya ama wax eegaya xaggiisa, wejiga iyo laabta ku jeedin; qaabbilid.
soojeedid-da: (magac, dhedig, keli) seexasho iyo hurdo iska dhawrid; isu diidid; dhafrid.
soojeedid -da: (magac, dhedig, keli) soojeed habeen, sida: xus, caweys, iyo wixii la mid ah ka gaybgelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soojeedso
(fal) xaggayga soo eeg; soo noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soojeedsasho
-da: (magac, dhedig, keli) soojeedsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedsad
m.l la-mid: jeedsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedsad
-ka: (magac, lab, keli) dhinac daymood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soojeed
(Soojeed-ka)
1. Oogada qaarkeeda sare, docda wejiga iyo laabtu ku yaalliin; hagaag; qaabbil.
2. Docdaas oo qofka wax eegaya xaggiisa dhuganeysa, soo xigta.
3. Seexasho la'aan; hurdo la'aan; dhafar.
4. Xus ama caways ama wax la mid ah oo habeenka gudihiisa la sameeyo oo lagu raago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soojeed
soojeed¹: m.l 1. Habeenka oo aan la seexan. 2. Habeen dhan oo allabari lagu soo jeedo. 3. (-dyo, m.dh) Aqallada iyo wixi lamida dhankooda suuqyada u jeeda. 4. Oogada dadka, dhanka wejiga iyo laabtu ku yaaliin.
soojeed²: f.mg1 (-day, -dday) Habeen hurdo seegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soojeed
soojeed¹: m.l 1. Habeenka oo aan la seexan. 2. Habeen dhan oo allabari lagu soo jeedo. 3. (- dyo, m.dh) Aqallada iyo wixi lamida dhankooda suuqyada u jeeda. 4. Oogada dadka, dhanka wejiga iyo laabtu ku yaaliin.
soojeed²: f.mg1 (-day, -dday) Habeen hurdo seegid. m.f.dh, soojeedid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soojeed
m. n. vigil, being awake, staying up late
soojeed v. stay awake ~ up late, be sleepless, lie awake
soojeed m. n. front (of building ~ body); direction one is facing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soojeed
-ka: (n) 1. the act of being awake (aweek)', not in a state of sleep. 2. opposite (o-pazify, facing the other way
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soojeed
(fal) ha seexan. U Soojeed caawa reerka.
soojeed -ka: (magac, lab, keli) qofka wax eegaya xagga soo xigta, ku soo jeedda, inta u muuqata ee ku toosan indhihiisa.
soojeed -ka: (magac, lab, keli) oogada qaarkeeda sare, docda wejiga iyo laabtu ku yaalliin. Dh: hagaag, qaabbil.
soojeed -ka: (magac, lab, keli) seexasho la'aan; hurdo la'aan; dhafar.
soojeed -ka: (magac, lab, keli) xus ama caweys ama wax la mid ah oo habeenka gudihiisa la sameeyo oo lagu raago oo aan la seexan; dhafar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soojeed_1
de: vigil, being awake, staying up late
hm: 1
initial: s
lx: soojeed
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: soojeed_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soojeed_2
de: stay awake ~ up late, be sleepless, lie awake
hm: 2
initial: s
lx: soojeed
pd: (soojeeday)
ps: v1=intr
key: soojeed_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soojeed_3
de: front (of building ~ body); direction one is facing
hm: 3
initial: s
lx: soojeed
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: soojeed_3
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
soojeedin
افتراح
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedlad
-ka: (magac, lab, keli) fardo ku baxsad: carar meel laga firxado oo dhul kale oo la joogi karo la tago. Waa jeedlad Soomaalidii meelay joogtaba e. Dh: fakad, baxsad, firxad, caymad, soogal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeensad
(Jeensad-ka)
Jeensasho; (ama jeedsasho, jeesad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeensad
m.l la-mid: jeesasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeensad
-ka: (magac, lab, keli) dhinac kale, daymoo. Dh: jeesad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofsad
m.l la-mid: foofsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofsad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo aad leedahay foofsad. Dh: daaqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodsad
m.l la-mid: xoodsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheegsad
m.l la-mid: sheegsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheegsad
-ka: (magac, lab, keli) haybsad; sheegsi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo jeed
-ka: (n) 1. the act of being awake (aweek); not in a state of sleep. 2. opposite (o-pazit); facing the other way
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horjeedid
m.f.dh eeg hoorjed.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sideedaad
huitième.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siijeedid
(Siijeedid-da)
1. Docda laga xigo maahee docda kale u jeedid; dadka dhabarka u duwid.
2. Sii socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siijeedid
-da: (magac, dhedig, keli) docda laga xigo maahee docda kale u jeedid; dadka dhabarka u du'wid.
siijeedid -da: (magac, dhedig, keli) sii socosho; siijeedis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo jeedi
v. propose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo jeedi
-yey I say: (v) 1. turn or place with the front toward the speaker's direction; face (feeys) 2. propose (para-pows); suggest (sa-jast); put forward a suggestion; discussion, or proposal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soo_jeedi
de: propose
initial: s
lx: soo jeedi
pd: (soo jeediyey)
ps: v2a=expr
key: soo_jeedi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedsad
m.l la-mid: cadceedsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedsad
-ka: (magac, lab, keli) cadceedda isku dhigid oo wax cadceedsanaya ahaansho. Dh: cadceedsasho, cadceedsi.
cadceedsad -ka: (magac, lab, keli) socoto iyo wax la mid ah, dib u dhicid illaa cadceeddu kululaanayso; kallahaadda dib uga dhicid. Dh: bariisasho, cadceedsasho, cadceedsi.
cadceedsad -ka: (magac, lab, keli) milay galab ah, xagga cadceeddu jirto u jeesasho ama aadid. Dh: cadceedasho, galbasho, cadceedsi.
cadceedsad -ka: (magac, lab, keli) diinta ka bixid; gaaloobid ama riddoobid. Dh: riddoobid, cadceedsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doonyeysad
m.l la-mid: doonyeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneedsad
m.l la-mid: haaneedsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosteesad
-da: (n) a female flightattendant: stewardess (stuu-war-dhes);
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeersad
m.l la-mid: janjeersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shafeecsad
m.l la-mid: shaafeecsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siddeedaad
(Siddeedaad-ka)
Tiro isdabajoogta, kan jagada siddeedda ku abbaaran oo u dhexeeya toddobaadka iyo sagaalaadka; (8d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddeedaad
m.l.t. j Tirada jagaalada ah, kan u dhigma siddeedda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siddeedaad
m.l.t.j Tirada jagaalada ah, kan u dhigma siddeedda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siddeedaad
numeral: eighth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siddeedaad
-ka: (n) eighth (ee-ytiyath); 8th
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siddeedaad
-ka: (magac, lab, keli) tiro taxan, tan jagada siddeeda ku abbaaran oo u dhexeeya toddobaadka iyo sagaalaadka; wax isdaba taxan kan siddeeda ku abaaran; 8aad. Kaalinta siddeedaad ayuu galay wiilku.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siddeedaad
de: eighth
initial: s
lx: siddeedaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: siddeedaad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo jeedin
-ta: (n) proposal (para-poosal); suggestion (sag-jes-shin); supposition (sapo-si-shiri)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolbeenaad
m.dh la-mid: fooldiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foolbeenaad
f. n. false labor pains
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foolbeenaad
-da: (n) false labor contractions [pains] ~ fooldiinj
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolbeenaad
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun fool la moodo oo qof ama neef qabta oo foosha ka horreeya. Dh: jajabow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foolbeenaad
de: false labor pains
lx: foolbeenaad
pd: (-da)
ps: n0-f
key: foolbeenaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeedhsan
(tilmaan) weel dhinac u ciirsan oo aan toos u oollin. Dh: qalloocsan. Li: toosan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joogjoogsad
(Joogjoogsad-ka)
Joogjoogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogjoogsad
m.l la-mid: joogjoogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogjoogsad
-ka: (magac, lab, keli) dhaqaaq uu kolba joogsi ku xigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeysad
m.l la-mid: saddexeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomajeeste
-ha: (magac, lab, keli) qofka geesiga ah ama halyayga ah. Dh: naftiihure, geesi. Li: fulay.