soofayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soofayn
(Soofayn-ta)
Soofe marmarin; ku afayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofayn
m.f.dh eeg soofee. la-mid: soofays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soofayn
-ta: (n) tha act of sharpening; filing (faayling)-, honing (hooning), rasping (raasping)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofayn
-ta: (magac, dhedig, keli) soofe marin si af loogu yeelo. Soofayn ayay u baahantahay mindidu. Dh: afayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofayn
m.f.dh eeg oofee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofay
(fal) soofe mari; afay; soofee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moofayn
m.dh la-mid: muufayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moofayn
-ta: (magac, dhedig, keli) moofo ka dhigid; hilib ama cunto kale foorno ku bislayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofays
m.l la-mid: soofayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofays
-ka: (magac, lab, keli) mindi iyo wixii la mid ah, soofe marin oo af u yeelid. Dh: afays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afayn
(Afayn-ta)
Bir iyo wixii kaloo wax lagu gooyo, af u yeelid; soofayn; lisid; sibid; loolin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarri
f.g2 (-iyay, -isay) Mindi, masaar, toorray iyo wixi lamida oo afbeeshay soofayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soofee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Mindi iyo wixi lamida soofe ku afayn. m.f.dh, soofayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fillings
/faylins/ (n) xanafta ka daadata wax la soofaynayo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grind
/grayndh/ground/ (v) 1. ridqid, shiidid (v) 2. soofayn, mindi, maqas iwm oo la afeeyo (v) 3. ku-xoqid. e.g. Please stop grinding your teeth. (v) 4. dulmid, qaxrid, rafaadin. e.g. people ground down by tyranny (n) 5. hawl dhib-leh. e.g. It was a real grind (infl) 6. ardayga shaqada-badan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hone
/hown/ (v) soofayn, afayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rasp
/raasp/rasping;(v) 1. soofayn (bir ama wax gana yar-yar leh ku xoqid, ku afayn) 2. hadal qayla ah oo foolxun dhihid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sharpen
/sharpan/ (v) afayn, soofayn (af-u yeelid, mindi, qalin qorid iwm).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
whet
/wet/ (v) afayn (soofayn).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afayn
-ta: (n) sharpening (sharpening)-, honing (hooning) ~ soofayn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afee
-yey I say: (v) 1. sharpen (shaarpen); whet (wet); hone (hoon); [a knife, for example] ~ soofayn, lis
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
To grind a tool
Soofayn
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
affilare
v.tr. - afayn, soofayn, lisid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
limare
v.tr.- soofayn, lisid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
limatura
s.f. - soofayn (ta); daqiiqda ka soo go'da shayga la soofeeyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
temperare
v.tr.- dejin, qaboojin; soofayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bir af ay wax ku goyso ama turqa soofayn oo af u eyelid. Mindidan saawirta ahi afayn bay u baahantahay. Dh: soofayn, lisitaan, lisid, loollin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano ka maalid. Dh: maalid. Li: gaagixin.
lisid -da: (magac, dhedig, keli) afaynta wax saawir ah. Middidu lisid ayey u baahan tahay. Dh: afayn, soofayn. Li: saawirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loolid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta loolka ciyaarid. Dh: loolis.
loolid -da: (magac, dhedig, keli) soofayn oo lool marin. Dh: loolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soofaysan
La soofeeyey; afaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la soofeeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soofaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la soofeeyey ahaansho. m.f.dh, soofaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soofaysan
der. [adjective] sharpened, honed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soofaysan
-soofaysnaa / soofaysnayd: (v) sharpened (shaar-panidh), filed (faaylidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofaysan
(tilmaame) wax afaysan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soofaysan
de: sharpened, honed
initial: s
lx: soofaysan
pd: (soofaysnaa)
ps: adj-der
syn: afaysan
key: soofaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofayso
f.mg3 (-stay, -satay) Bir afaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofayso
(fal) soofe marso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooftaan
-ka: (magac, lab, keli) daaq tegitaan; dareeritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooryayn
m.f.dh la-mid: soorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooryayn
-ta: (magac, dhedig, keli) soorid; martigelin; sooryayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oodayn
(Oodayn-ta)
Ood saarid; ood ku celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodayn
m.f.dh eeg oodee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) oodsaarid ama ood ku meerin. Isaga ayaa loo xilsaaray oodaynta xerada. Dh: oodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qofayn
m.f.dh eeg qofee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safayn
m.dh la-mid: sifayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax safaysan ka dhigid. Dh: nadiifin, safays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sifayn
(Sifayn-ta)
1. Wax sifaysan ka dhigid; nadiifin.
2. Sifo wax lee yihiin sheegid; tilmaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifayn
m.f.dh eeg sifee. la-mid: safayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sifayn
-ta: (n) 1. purification (piy-uuri-fi-keey-shin); cleaning (kilin-ing); refinement (ri-faayn-mant) purifying (piyuurafaaying) 2. characterising, describing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sifo wax leeyihiin sheegid; tilmaamid.
sifayn -ta: (magac, dhedig, keli) uskaga ka nadiifin. Dh: cadayn. Li: uskagayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sokayn
(Sokayn-ta)
Meel dhow ku sugnaan; dhowaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sokayn
m.f.dh eeg sokee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sokayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dhow ku sugnaan; dhowaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soocan
La soocay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soocan
soocan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Wax la kala soocay noqosho.
soocan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la kala soocay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soocan
soocan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Wax la kala soocay noqosho. m.f.dh, soocmid.
soocan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la kala soocay ahaansho. m.f.dh, soocnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soocan
der. [adjective] separate, separated, divided; distinguished
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soocan
-soocnaa / soocnayd: (adj) pure (piyuurf unmixed (an-mik-sidh); cleansed (kaleenzidh)', separated (sapareeytidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soocan
(tilmaame) la soocay; la miidhay, sooc ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soocan
de: separate, separated, divided; distinguished
initial: s
lx: soocan
nt: soocan (soocmay) [v1=inch]
pd: (soocnaa)
ps: adj-der
key: soocan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soofin
(Soofin-ta)
(xoolo) daaq geyn; foofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofin
m.dh la-mid: foofin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofin
-ta: (magac, dhedig, keli) 'xoolo' daaq geyn; soofinta xoolaha adaan kugu qoray maanta. Dh: daajin, dareerin, foofin, soofis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soogan
La soogey; kala jiidan; taagan; miiqan; togan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Cid meel taagan oo aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho. 2. Qof dhuuban oo xoog leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soogan
der. [adjective] stretched (out); thin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soogan
(tilmaame) mid kala jiidan; mid tataagan oo aan fadhi iyo socod toona lahayn. Col soogan baan u galay. Dh: taagan, qotoma.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soogan
de: stretched (out); [ext.] thin
initial: s
lx: soogan
pd: (soognaa)
ps: adj-der
key: soogan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soohan
La soohay; la sameeyey; la falkiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soohan
f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Waax la soohay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soohan
f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Waax la soohay ahaansho. m.f.dh, soohnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soohan
der. [adjective] plaited, woven, spun
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Soohan
name-f plaited, woven, spun. Lit: proportionate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soohan
-soohnaa / soohnayd: (adj) interlaced (inter-laaysidh)', interwoven
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Soohan
magac loo baxsho gabadh qaab ama muuqaal habboon leh oo la moodo in la soohay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soohan
(tilmaame) la soohay; la sameeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soohan
de: plaited, woven, spun
initial: s
lx: soohan
pd: (soohnaa)
ps: adj-der
key: soohan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax si isla eg loo qaybiyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boodayn
(Boodayn-ta)
Bood dhar ku mayrid; aad u caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodayn
m.f.dh eeg boodee. la-mid: boorayn (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar maydhid oo aad u caddayn. Boodaynta dharkaa gaari lagu yaqaanaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogayn
m.f.dh eeg boogee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh aroosad ah gudniinkii fircooniga ahaa ka furid. Dh: reerayn. boogayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel, nabar boog ah ka dhigid. Xoqiddu qayb libaax ayay ka ciyaartaa boogaynta finanka yaryar. Dh: nabarayn, boogays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolayn
m.f.dh eeg boolee. la-mid: boolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) turub afar baadh ah haadka lagu booleeyey magacaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorayn
m.f.dh eeg booree. la-mid: boodayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo ku asoorid. Dadka booraynta ka daa. Dh: boodhayn, siigayn. booraysad -ka: (magac, lab, keli) carro si sharcigu dhigay la isku marsho si salaadka loo bannaysto kolka biyo la waayo. Dh: boodhaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootayn
m.f.dh eeg bootee. la-mid: bootays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadallada kulul ee dhex mara labada isu cadhaysn. Bootaynta aayara naag walayba buulkaaga tag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobayn
-ta: (magac, dhedig, keli) doob noqosho; qaangaadhid. Wiilkayga haddeed doobayn waxba ugama hadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogayn
m.f.dh eeg doogee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul naq helay. doog yeelasho. Buurihii doogayn ayaa ka muuqata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomayn
m.f.dh eeg doomee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomayn
-ta: (magac, dhedig, keli) doomo samayn. Doomaynta waxa laga sameeyaa geed baar la yidhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goobayn
(Goobayn-ta)
Goobo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobayn
m.f.dh eeg goobee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobayn
-ta: (magac, dhedig, keli) goobo u yeelid ama goobo ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl milayayn; hawl milay la qabto u yeelid. Goorayn ayay u baahan tahay hawshan culus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorfayn
m.f.dh eeg gorfee. la-mid: gorfays.