soof'eeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soof'eeg
-ga: (magac, lab, keli) ninka degaankiisa ceeb iyo sumcadxumo ka ilaaliya ee colaadaha ka hor tega. Dh: indheergarad. Li: suul'eeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Mindi iyo wixi lamida soofe ku afayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soofee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Mindi iyo wixi lamida soofe ku afayn. m.f.dh, soofayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soofee
v. sharpen (with a whetstone)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soofee
-yey / soofeysay: (v) file (faayl)-, sharpen (shaarpen); hone (hoon); rasp (raasp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofee
(fal) af u yeel. Dh: afee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soofee
de: sharpen (with a whetstone)
initial: s
lx: soofee
pd: (soofeeyey)
ps: v2b=tr
key: soofee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Cid oof ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oofee
(fal) cid kale, oof ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soofe
(Soofa-ha)
Qalab birlab ah oo korka gan wax xagta ku leh, oo birta iyo wixii la mid ah oo adag lagu sinsimo ama lagu afeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofe
m.l (-fayaal, m.l/dh) Qalab bir ka samaysan oo korka gano wax xagta ku leh oo birta iyo wixi lamida lagu simo ama lagu afeeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soofe
m.l (-fayaal, m.l/dh) Qalab bir ka samaysan oo korka gano wax xagta ku leh oo birta iyo wixi lamida lagu simo ama lagu afeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soofe
m. n. knife-sharpener, whetstone
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Soofe
nickname-m sharpener, whetstone, grindstone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soofe
-soofaha: (n) file (faayl); sharpener (shaar-piner)', hone (hoone), whetstone (wit-istoori)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofe
-ha: (magac, lab, keli) qalab birlab ah oo korka gan wax xagta ku leh, oo birta iyo wixii la mid ah oo adag lagu simo ama af loogu yeelo ama lagu soofeeyo. Soofe mari gudinta. Dh: Lisin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Soofe
Qalabka birta ama looxa lagu xaquuqo ee leh xanaf wax hoosha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soofe
cf: sikhile
de: knife-sharpener, whetstone
initial: s
lx: soofe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: soofe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moofee
f.g2 (-feeyay, -feysay) la-mid: muufee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moofee
v. bake flat bread
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moofee
(fal) moofo ku bislee. Qooshka adkee oo innoo moofee. Dh: muufee, moofay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moofee
de: bake flat bread
lx: moofee
pd: (moofeeyey)
ps: v2b=tr
key: moofee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soosee
(fal) soos ku rid: lab; qas; wareeri.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koofeer
-ka: (n) coiffure (kofyeer); hairdresser ~ koofiyeer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofiye
m.l (-yayaal, m.l) Xarig yar, jilicsan oo awrta rarayda lugaha lagaga xiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soojeed
(Soojeed-ka)
1. Oogada qaarkeeda sare, docda wejiga iyo laabtu ku yaalliin; hagaag; qaabbil.
2. Docdaas oo qofka wax eegaya xaggiisa dhuganeysa, soo xigta.
3. Seexasho la'aan; hurdo la'aan; dhafar.
4. Xus ama caways ama wax la mid ah oo habeenka gudihiisa la sameeyo oo lagu raago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soojeed
soojeed¹: m.l 1. Habeenka oo aan la seexan. 2. Habeen dhan oo allabari lagu soo jeedo. 3. (-dyo, m.dh) Aqallada iyo wixi lamida dhankooda suuqyada u jeeda. 4. Oogada dadka, dhanka wejiga iyo laabtu ku yaaliin.
soojeed²: f.mg1 (-day, -dday) Habeen hurdo seegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soojeed
soojeed¹: m.l 1. Habeenka oo aan la seexan. 2. Habeen dhan oo allabari lagu soo jeedo. 3. (- dyo, m.dh) Aqallada iyo wixi lamida dhankooda suuqyada u jeeda. 4. Oogada dadka, dhanka wejiga iyo laabtu ku yaaliin.
soojeed²: f.mg1 (-day, -dday) Habeen hurdo seegid. m.f.dh, soojeedid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soojeed
m. n. vigil, being awake, staying up late
soojeed v. stay awake ~ up late, be sleepless, lie awake
soojeed m. n. front (of building ~ body); direction one is facing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soojeed
-ka: (n) 1. the act of being awake (aweek)', not in a state of sleep. 2. opposite (o-pazify, facing the other way
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soojeed
(fal) ha seexan. U Soojeed caawa reerka.
soojeed -ka: (magac, lab, keli) qofka wax eegaya xagga soo xigta, ku soo jeedda, inta u muuqata ee ku toosan indhihiisa.
soojeed -ka: (magac, lab, keli) oogada qaarkeeda sare, docda wejiga iyo laabtu ku yaalliin. Dh: hagaag, qaabbil.
soojeed -ka: (magac, lab, keli) seexasho la'aan; hurdo la'aan; dhafar.
soojeed -ka: (magac, lab, keli) xus ama caweys ama wax la mid ah oo habeenka gudihiisa la sameeyo oo lagu raago oo aan la seexan; dhafar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooryee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: soor³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sooryee
v. entertain, give a feast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sooryee
-yey / sooryeysay: (v) cater to a guest; provide food and entertainment; serve as host to a guset
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooryee
(fal) sooryo sii; cunto sii. Sooryee odayaasha martidaa. Dh: soor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sooryee
de: entertain, give a feast
initial: s
lx: sooryee
pd: (sooryeeyey)
ps: v2b=tr
key: sooryee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab lagu cabbiro heerka iyo joogga badda laga sarreeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobbeeg
m.l (-gyo, m.dh) Qalab lagu cabbiro heerka roob da'ay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
roobbeeg
m.l (-gyo, m.dh) Qalab lagu cabbiro heerka roob da'ay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roobbeeg
m. n., [compound] rain gauge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab lagu cabbiro inta awoodda roobka da'ay tahay; aalad lagu qiyaaso roobka da'ay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roobbeeg
de: rain gauge
lx: roobbeeg
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: roobbeeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoofeer
-ka: (magac, lab, keli) qofka baabuurta wada; darewal.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo jeed
-ka: (n) 1. the act of being awake (aweek); not in a state of sleep. 2. opposite (o-pazit); facing the other way
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodbeeg
m.l (-gmo, m.l) (xisaab) Xoodbeeggu waa fogaanta u dhexeysa xoodka iyo kulmiska oo loo qaybshay fogaanta u dhexeysa xoodka iyo jeedshaha. Nooca toobineed waxa uu ku xiranyahay qiimaha saamiga halbeegga (e). Marka e<1 toobineedku waa qabaal; marka e=1 toobineedku waa saab iyo marka e>1 toobineedku waa labo saab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoodbeeg
m.l (-gmo, m.l) (xisaab) Xoodbeeggu waa fogaanta u dhexeysa xoodka iyo kulmiska oo loo qaybshay fogaanta u dhexeysa xoodka iyo jeedshaha. Nooca toobineed waxa uu ku xiranyahay qiimaha saamiga halbeegga (e). Marka e<1 toobineedku waa qabaal; marka e=1 toobineedku waa saab iyo marka e>1 toobineedku waa labo saab.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xoodbeeg
Eccentricity
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Soofiyeeti
n. Soviet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Soofiyeeti
-ka: (n) the former Soviet Union
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Soofiyeeti
de: Soviet
initial: s
lx: Soofiyeeti
ps: n -m
xe: Soviet puppet
xv: Midowga Soofiyeeti, Ruush
key: Soofiyeeti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goorsheeg
-ka: (magac, lab, keli) aalad tirada wakhtigu ku yaal oo la socota marba inta la joogo. Goorsheegtu immisadii bay tilmaamaysaa? Dh: saacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogbeege
m.l (-gayaal, m.l/dh) Qalab lagu cabbiro joogga dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Joogbeege
Altimetre
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Joogbeege
Hypsometer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kasoofeen
(Kasoofeen-ka)
Caano dhay ah oo dhowaan la lisay; kafoofeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kasoofeen
m.l Caano dhay ah oo aan weli isbeddelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kasoofeen
m. n., (mass n.): fresh milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kasoofeen
-ka: (magac, lab, keli) caano dhay ah oo markaas la lisay. Dh: kafoofeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kasoofeen
de: fresh milk
lx: kasoofeen
pd: (-ka)
ps: n-m-mass
key: kasoofeen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koofiyeer
-ka: (n) coiffure (kofyeer); hairdresser ~ koofeer
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Roob beeg
Gauge, rain
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo jeedi
v. propose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo jeedi
-yey I say: (v) 1. turn or place with the front toward the speaker's direction; face (feeys) 2. propose (para-pows); suggest (sa-jast); put forward a suggestion; discussion, or proposal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soo_jeedi
de: propose
initial: s
lx: soo jeedi
pd: (soo jeediyey)
ps: v2a=expr
key: soo_jeedi
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Soojireen
Secular
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soojireen
-ka: (magac, lab, keli) dadka waawayn ee wax badan u soo joogay; oday soo jireen ah ayay isu la tageen si uu ugu gar qaado. Dh: waaya-rag. waayeel, waayaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaseeg
-ga: (magac, lab, keli) qof aan xoolo jir ku fiicnayn oo aan ilaalintooda lagu hallayn karin. Dh: caanamadhame, xoolamoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooloseeg
-ga: (magac, lab, keli) qof xoolaha baylihiya.