soodoogid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soodoogid
m.f.dh la-mid: sooddoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooddoogid
m.f.dh eeg sooddoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soodoog
f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: sooddoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodrogid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, tigaad ood uga dulqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodoonid
-da: (magac, dhedig, keli) raadraadin oo wax maqan daydayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toodoobid
(Toodoobid-da)
Garasho; dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toodoobid
m.f.dh eeg toodow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toodoobid
-da: (magac, dhedig, keli) garasho, fahanka iyo dareenka. Dh: dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doondoonid
(Doondoonid-da)
In badan raadin ama meel walba ka deyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doondoonid
m.f.dh eeg doondoon². la-mid: doondoon¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doondoonid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lumay ama aan muuqan, raadraadin. Dh: raadraadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doordoorid
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad wax badan xulasho ku samaynaysid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoosjoogid
(Hoosjoogid-da)
1. Hoosjooge ahaansho.
2. Ku hoos dhaqmid, ku hoos noolaansho; ka tirsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosjoogid
m.f.dh eeg hoosjoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosjoogid
-da: (magac, dhedig, keli) taageero iyo waxsiin ka sugid; ku hoos noolaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogjoogid
m.f.dh eeg joogjoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogjoogid
-da: (magac, dhedig, keli) meel iska taagnida aan qiimo ku fadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moordoobid
m.f.dh eeg moordow². la-mid: moordow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moordoobid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho lai xoqo yeelasho. Xoolaha moordoobidda waa laga daweeyaa. Dh: cadhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roobdoonid
(Roobdoonid-da)
Roobdoon samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobdoonid
m.f.dh eeg roobdoon².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobdoonid
-da: (magac, dhedig, keli) roobdoon samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogid
m.f.dh eeg doog³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soogid
(Soogid-da)
Wax soogan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soogid
m.f.dh eeg soog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soogid
-da: (magac, dhedig, keli) taagid; kala jiidid; togid; soogis qof iyo wixii la mid ah meel taagid oo ka tagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
codrogid
vl. n. phoneme
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
codrogid
de: phoneme lit: changing voice
lx: codrogid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: codrogid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodrogad
-ka: (magac, lab, keli) meel reerka u dhaw u digarogasho; meeshii uu reerku yaallaymeel aan ka fogayn u guurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ooroobid
(Ooroobid-da)
1. Ooro ku dhicid.
2. Xumaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooroobid
m.f.dh eeg oorow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooroobid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ooro ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloogid
(Saloogid-da)
Saloog ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloogid
m.f.dh eeg saloog². la-mid: saloog¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloogid
-da: (magac, dhedig, keli) isku taagid; saloolasho.
saloogid -da: (magac, dhedig. keli) saloog ka dhigid, turmaagid. Dh: diirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooddoog
f.mg1 (-gay, -gtay) Jiilaal dheer ama abaar waxyeeladeed nur da'ay kaga soo kabasho. la-mid: soodoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooddoog
-ga: (magac, lab, keli) jiilaal dheer ama abaar waxyeeladeed nur da'ay kaga soo kabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogdooxid
m.f.dh eeg bogdoox². la-mid: bogdoox¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogoobid
m.f.dh eeg boogow². la-mid: boogow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad u bugta oo boog weyn qabta noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boosoobid
-da: (magac, dhedig, keli) boos noqosho; naafoobid ama curyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coomoobid
m.f.dh eeg coomow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodoonis
-ta: (magac, dhedig, keli) raadraadin oo wax maqan daydayid. Dh: raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogoobid
m.f.dh eeg doogow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul, doog yeelasho oo tigaad cusub bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'doomid
m.f.dh eeg go'doon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goldooxid
m.f.dh eeg goldoox². la-mid: goldoox¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goldooxid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinaca ka jeexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooloobid
m.f.dh eeg goolow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef gool ah noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horjoogid
m.f.dh eeg horjoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horjoogid
-da: (magac, dhedig, keli) waardiyeyn; kormeerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korjoogid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg korjoogeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) qool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoogoobid
(Xoogoobid-da)
Xoog yeelasho; tabaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogoobid
m.f.dh eeg xoogow². la-mid: xoogow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog biiraya yeelasho. Xoogoobidda daadka ka digtoonow. Dh: xoogoobis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabooloobid
(Sabooloobid-da)
Sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabooloobid
m.dh la-mid: saboolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) sabool noqosho. Dh: caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddogoobid
m.f.dh eeg soddogow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) soddog noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soddohoobid
(Soddohoobid-da)
Soddoh noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddohoobid
m.f.dh eeg soddohow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddohoobid
-da: (magac, dhedig, keli) soddoh noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soodoolnimo
f. n. immigration
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soodoolnimo
de: immigration Contrast: siidoolnimo
initial: s
lx: soodoolnimo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: dool
key: soodoolnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoomoobid
m.f.dh eeg agoomow. la-mid: agoonoobid, agoontoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoomoobid
-da: (magac, dhedig, keli) aabbe waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoonoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid labadiisii waalid ama midkood ka dhintay, noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaagid
-da: (magac, dhedig, keli) wax laagid. Boodhaagid shuuro looma cuno. Dh: labid, qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coorcoorid
m.f.dh eeg coorcoor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooboobid
m.f.dh eeg dhoobow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooboobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoobo noqosho; wax dhooqoobay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooqoobid
m.f.dh eeg dhooqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo, dhooqo noqosho. Biyuhu dhooqoobid kuma nijaasoobaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doocdoocin
m.dh la-mid: doocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorsoomid
(Doorsoomid-da)
Wax doorsoon noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsoomid
m.dh eeg doorsoon². la-mid: doorsoon¹; doorsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsoomid
-da: (magac, dhedig, keli) is beddelid oo sidii hore si ka duwan noqosho. Dh: doorsamid, beddelmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doqonoobid
m.f.dh eeg doqonow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doqonoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof coon iyo nacas ah noqosho. Baahidu doqonoobidda badh bay ku leedahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooldhigid
-da: (magac, dhedig, keli) weji u maydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godadoobid
m.f.dh eeg godadow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goolloobid
(Goolloobid-da)
(xoolo) neef gool ah noqosho, goolow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooryoomid
m.f.dh eeg gooryoon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoolhoolid
(Hoolhoolid-da)
In badan hoolid; si xun u xiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolhoolid
m.f.dh eeg hoolhool².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolhoolid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u xiirid; in badan hoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosdhigid
m.f.dh eeg hoosdhig². la-mid: hoosdhig¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hororoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqanka hororka yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isrogrogid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg isrogrog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moormoorid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u humoobid oo calal u noqosho. Dh: moodhmoodhid, humoobid.
moormoorid -da: (magac, dhedig, keli) bisayl darteed la jilcid oo la kala daadasho. Dh: muudhmuudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonqoomid
-da: (magac, dhedig, keli) naburro meelo badan ka gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooryoomid
m.f.dh eeg qooryoon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarajoogid
m.f.dh eeg sarajoog². la-mid: sarajoog¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarajoogid
-da: (magac, dhedig, keli) sare isu taagid, fadhi ka kicid, sare u kicid, taagnaansho, sarakicid. Dh: taagnaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sociologie
sociologie, n.f. - sayniska ama cilmiga dabeecadda iyo korniinka bulshada
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
SOO RAAGID
Ritardo
Lateness
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Soo raagid
Ritardamento
Lateness