soo noqo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo noqo
v. return, come back; recur
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo noqo
-noqday / noqotay: (v) come back. Ex: mar danbe ha soo noqon; don't came back again
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soo_noqo
de: return, come back; recur
initial: s
lx: soo noqo
pd: (noqday)
ps: v3b=expr
xe: Come back soon!
xv: Dhaqso soo noqo!
key: soo_noqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calannaqsi
(Calannaqsi-ga)
(xoolaha badankood) cunnada oo kol labaad caloosha hore ka timaadda oo afka ku soo noqota, halkasoo kol labaad si wanaagsan loogu calaliyo oo dabadeed liqid labaad la liqo oo caloosha shishe loo gudbiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhugmar
(Dhugmar-ka)
Inta dhugi ku dhacday ka biskoodey, ayan kuna soo noqonayn; kabbax, guri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galbasho
(Galbasha-da)
1. Meel ka tegid, iyadoo badanaa aan la soo noqona hayn.
2. Lala tegid, aan in la soo dhacsado rajo laga qabin.
3. (guur) guri geyn; guurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guryannoqosho
(Guryannoqosha-da)
Guryihii laga guurey, dib ugu soo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabasho
(Laabasha-da)
(ka laabasho, ku laabasho, soo laabasho) wax fidsanaa oo qof xaggiisa u laabo; meel ka noqosho ama ku noqosho; soo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labakaclayn
(Labakaclayn-ta)
Labo jeer kicid ama boodid ama soo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miyirsasho
(Miyirsasha-da)
Miyir yeelasho, ku soo noqosho, suuxdin ama wax kale oo caqliga tebiya kaddib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taa'ibid
(Taa'ibid-da)
Ilaah u soo noqosho; toobadkeenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid jahada toosan ka lumin. 2. Nafley meel fog oo aanay si sahlan uga soo noqon karin geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqool
aqool¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Waqtiga hawlmaalmeedka la dhammeeyo ee guryaha loo noqdo. 2. Sida cuntada loo qaybiyo.
aqool²: m.dh 1. (-lo, m.dh) Gooraha wax la cuno middood. 2. la-mid: aqoolid.
aqool³: f.g/mg1 (-oolay, -ooshay) 1.(f.g) Dad badan cunto u qaybin. 2.(f.g) Wax dad badan ka dhexeeya maamulid. 3. (f.mg) Iyadoo hawl maalmeed la soo dhammeeyay guri u soo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaani
danaani: f.mg2 (-iyay, -isay) U d.: dad si danaana ah gacan ku siin.
dąnaani¹: m.l 1. Soo noqoshada dhawaaqa marka uu ku dhaco qararka darbiyada iyo wixi lamida. 2. Buuq ama bulaan ka soo baxa dad badan ama xoolo iyo wixi lamida. 3. Cida dameeraha; durruqaan. la-mid: dannaanni¹.
dąnaani²: f.mg1 (-nyay, -niday; -nyi) Qar, derbi iyo wixi lamida dhawaaq soo celin. la-mid: dannaanni².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Warqad sharciyaysan oo hal dal mar lagu geli karo lagagana soo noqon karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foontaano
m.dh Dar dhis ah oo dhexda ku leh ilo kor biyo u sayraya ayadoo isla darka biyuhu ku soo noqonayaan. la-mid: fontaano, funtaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbo
f.mg3 (-baday, -batay) 1. Galab carraabid. 2. Tegid aan soo noqosho lahayn sameyn. 3. Aqalgelid (guur).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudo-noqod-dhan
m.l (fiisikis) Marka fallaadh ilays kaga dhacdo dusha dhextaal cufnaan obtikaad yar, xagal abbaar ka weyn xagal qirinqiirka, halkii ay uga gudbi lahayd dhextaalka cufnaanta yar ayay dib ugu soo noqotaa dhextaalka cufnaanta badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaa
h I. ama i. iyo inta: jeer laga gaaro; laga bilaabo; tan iyo. Tusaale: “I. (ama i. iyo intaa) aan soo noqonayo halkaan joog”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
in
in¹: m.dh 1. (ino, m.l) Xoogaa, qaar, wax aan badnayn; wax; tiro. 2. Qayb, cad. 3. Waqti, goor. 4. Xag, meel, kob. 5. Inna: waxna.
in²: xi. 1. Eray lagu xiriiriyo weer dhammaystire ah (weer yeele ah, weer layeele ah iyo wixi lamida). Tusaale: “In uu imaanayaa waa hubaal”, “Waxaan doonayaa in aan tago”, “Magaaladii buu u tegey in uu dawo soo iibsado”. 2. Eray lagu xiriiriyo weer waqtiley, haddii. Tusaale: “Bal inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii bal inay fog tahay”. 3. Inta: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tusaale: “Inta aan soo noqonayo”, “Ninku wuu hadlaa intii uu ka noogo”. 4. Waa intaas: malaha, waxaa suuraggal ah in. Tusaale: “Waa intaasuu yimaadaa ee cunto meel u dhig”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laagfaaf
m.l (-fyo, m.dh) (juqraafi) Farac ka baxa oo ka taga webiga intiisa mudan oo aan mar dambe ku soo noqon oo biyaha uu sido ku dara badda ama haro. Waxaa lagu isticmaalaa keliyada badan ee webiga afkiisa ee loo yaqaan delta ama marawaxad suubaaneed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidaami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel durugsan oo ka soo noqodkeedu dhib yahay u eryid. 2. Nabar ama riddo si qiyaas la'aan ah meel ugu gemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soo
soo¹: fk.we la-mid: sow.
soo²: qr. fk 1. Qurub tilmaamaya in falku uu u jeedo dhinaca hadlaha ama yeelaha. Tusaale: “Soo gal! Hoosta u soo deg! Ii soo sheeg!”. 2. Qurub tilmaamaya in falku uu keenayo sii aadid iyo soo noqosho. Tusaale: “Cali soo eeg! Hilib baan soo iibsanayaa”.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo hoo
v. carry ~ bring; procure something; bring about
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka soo noqo
v. retreat, withdraw; return from a place
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
soo noqosho
rebound
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_soo_noqo
de: retreat, withdraw; return from a place
lx: ka soo noqo
pd: (kasoo noqday)
ps: v3b=expr
key: ka_soo_noqo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sonoro
agg. - dhawaaq leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka noqo
v. die (of one's infant, child ~ parent)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku noqo
v. return to a place; repeat, do something again
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la noqo
v. appear ~ seem to be something to someone; take back something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
la noqo
la noqday / la noqatay: (v) take back; withdraw (with daroo)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soo_hoo
de: carry ~ bring; procure s.t.; bring about
initial: s
lx: soo hoo
pd: (hooyey)
ps: v2a=expr
key: soo_hoo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soognow
(fal) taagnow. Halkaa soognoow bahaluhu ha kugu cunaane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo dhoobo
v. gather into a crowd
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo dhowow
v. welcome
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Soo socoto
1) prochain, 2) futur (adj.).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bar noqod
Point of reflection
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bar noqod
Turning point
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo baxso
v. take out for oneself; serve oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo socda
(adj) upcoming (ap-kam-ing); forthcoming (foorth-kaming); coming (kaming). Ex: shirka soo socda; the upcoming meeting
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo dhoofso
v. import