sonkor-caanood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sonkor-caanood
m.dh (baayoloji) Sonkor ka kooban hal molikiyuul oo gulukows ah oo ku xidhan hal molikiyuul oo galaktows ah. S. c.da waxa soo saara ganjidho caanoodda waxaana laga helaa caanaha oo keliya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sonkor-caanood
m.dh (baay.) Sonkor ka kooban hal molikiyuul oo gulukows ah oo ku xidhan hal molikiyuul oo galaktows ah. S. c.da waxa soo saara ganjidho caanoodda waxaana laga helaa caanaha oo keliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sonkorcaanood
-da: (magac, dhedig, keli) sonkor ka kooban hal molikiyuul oo gulukows ah oo ku xidhan hal molikiyuul oo galaktows ah. Sonkorcaanoodda waxa soo saara qanjidho caanoodda waxaana laga helaa caanaha oo keliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaktoos
m.l (kiimika) Sonkor sahlan (C6 H12 O6), taas oo dabeeci ahaan ka timaadda mid ka mid ah maxsuulka dheefshiidka insaymeed ee sonkor caanoodda laaktows, asal ahaanna waa xabag carbeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galaktoos
m.l (kiim.) Sonkor sahlan (C6 H12 O6), taas oo dabeeci ahaan ka timaadda mid ka mid ah maxsuulka dheefshiidka insaymeed ee sonkor caanoodda laaktows, asal ahaanna waa xabag carbeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lactose
Sonkor caanood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaktoos
-ka: (magac, lab, keli) sonkor fudud oo dabeeci ahaan ka timaadda mid ka mid ah maxsuulka dheefshiidka insaymeed ee sonkor caanoodda laaktows, asal ahaanna waa xabag Carbeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buro-caanood
(Buro-caanood-da)
Burada nafleyda jirkeeda ka soo baxda, jaadkeeda fiican.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buro-caanood
f. n. benign growth, cyst
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddo-caanood
m.dh Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela. la-mid: waddo-hunguri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waddo-caanood
m.dh Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela; waddo-hunguri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbircaanood
-ka: (magac, lab, keli) shinbiraha yaryar jaad ka mid ah oo unuunku cad yahay. shinbircaloolo -da: (magac, dhedig, keli) cudur caloosha iyo xiidmaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
summad-caanood
m.dh Summad xoolaha dhegta looga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buracaanood
m.dh (-dyo, m.dh) (daawo) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buracaanood
m.dh (-dyo, m.dh) (daaw.) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burocaanood
m.dh (daawo) Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burocaanood
m.dh (daaw.) Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkacaanood
-ka: (magacwadareed) ilkaha u horeeya ee carruurta u soo baxa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sonkoraysan
(adj) with sugar; sugary (shugari). Ex: shaah sonkonraysan i sii; give me tea with sugar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sonkorqandi
m. n., [compound] yam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sonkorqandi
-da: (magac, dhedig, keli) baradhada macaan; sonkorqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sonkorqandi
de: yam Lit: sugar bag
initial: s
lx: sonkorqandi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: sonkorqandi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirracaanood
-da: (magac, dhedig, keli) cirro carruurnimada ku soo baxda, oo la aaminsan yahay in ay hoodafiicni tahay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-CAANOOD
(Ged-anod) S Euphorbia granulata Forsk. Euphorbiaceae.
S Euphorbia hirta L. Euphorbiaceae.
S Pergularia daema (Forsk)Chiov. Asclepiadaceae.
C Euphorbia somalensis Pax. Euphorbiaceae.
S Euphorbia indica Lam. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Laas-Caanood
pr. n., loc. Las-Anod [region in north Somalia.]
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sonkornabaad
m.dh la-mid: sokornabaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sonkornabaad
-da: (magac, dhedig, keli) sonkor aan furfur ahayne midho buurbuuran ah oo la muudmuudsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
summadcaanood
-da: (magac, dhedig, keli) summad xoolaha dhegta looga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diillin-caanood
(Diillin-caanood-da)
Diillin ballaaran oo ka samaysan iftiin ciiro ku rogan tahay oo habeenkii cirka ka muuqata oo la yiraahdo sheyddaan baa habarti ku jiidey; haddii qalabyada wax weyneeya oo soo dhoweeya lagu eego, diillintu waxay isu rogtaa xiddigo ciiddaas ah oo aan la tirin karin; waq-habaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Diillin-Caanood
pr. n., loc. Milky Way (galaxy)