sogordah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sogordah
sogordah¹: m.l Maldahidda hadal iyo wixi lamida la maldaho. la-mid: sogordahid.
sogordah²: f.g1 (-hay, -hday) Hadal iyo wixi lamida maldahid; wax sarbeebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogordah
(fal) eeg sogodhdah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogojdah
(fal) eeg sogodhdah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogordoh
-ha: (magac, lab, keli) maldah ama. qarin. Tunta sogordoh haw yeelin.
sogordoh: (fal) dood toos ha u qaawin oo sheesheeli ama oo yare hullaab, si cad ha u odhan oo hu' sarbeebeed huwi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sogordahan
f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Hadal wax la maldahay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sogordahid
m.f.dh eeg sogordah². la-mid: sogordah¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogordahid
-da: (magac, dhedig, keli) qarin. Dh: maldahid. cadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sogordahnaan
m.f.dh eeg sogordahan. la-mid: sogordahnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sogordahnaansho
m.l/dh la-mid: sogordahnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandahid
-da: (magac, dhedig, keli) sogordahid ama qarin. Dh: dadid. Li: caddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogodhdah
(fal) si maldahan oo aan la caddayn wax u dhihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogojdahid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sogodhdahid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogodhdahid
-da: (magac, dhedig, keli) si maldahan oo aan shaaca laga qaadin u dhihid. Dh: maldahid, sogordahid, sogodhdihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogor
-ka: (magac, lab, keli) adhi aan badnayn; xayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soodh
-ka: (magac, lab, keli) bir dilaaya oo qoryaha afka hore lagaga xidho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gordan
Gorodda midab ku leh; gorod ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gordan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax madaxa midab ku leh ahaansho (neef riyo ah). 2. Wax qaarka hore madow ahaansho (neef ido ah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gordan
der. [adjective] mottled, (animal) with head of a different color
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gordan
nickname; name-f mottled
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gordan
a: garan
de: mottled, (animal) with head of a different color
lx: gordan
pd: (gordanaa)
ps: adj-der
key: gordan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogodh
-ka: (magac, lab, keli) weelka guriga intiisa la tolo. Dh: hogor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soonah
-a: (magac, lab, keli), dhir kamid ah geed gaabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax si isla eg loo qaybiyey ahaansho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sooraan
name-m giver of food; host; distributor. Syn: Sade, Soore
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soorgad
m.l S. leh: qof had iyo jeer caato ah oo aan cuntadu hilib ku kordhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soorgad
-da: (magac, dhedig, keli) qof cuntada ku cayilin si kaste oo wax loo siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
logardam
m.l (-myo, m.dh) (xisaab) Tiro loo tibaaxay jibbaarka tiro kale tiro kasta x waxa loo qori karaa sansaanka x = ay, taas oo y ay tahay logardamka x ee sal a, logardam waxa loo soo gaabiyaa “log”.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Logardam
Logarithm
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
logardam
m. n. logarithm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
logardam
-ka: (magac, lab, keli) xisaab ahaan, tiro loo tibaaxay jibbaarka tiro kale tiro kasta x waxa loo qori karaa sansaanka x = ay, taas oo y ay tahay logardamka x ee sal a, logardam waxa loo soo gaabiyaa 'log'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
logardam
de: logarithm {Eng}
lx: logardam
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: logardam
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Algoordam
Algorithm
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
algoordan
m.l (-amo, m.dh) (xisaab) Urur qaanuunno ah oo hagaag u qeexan, loona adeegsado furfirista mas'alad iyada oo la qaadayo tallaabooyin tiradoodu koobantahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Algoridam
Algorithm
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhogorsan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Wax arag wanaagsan ahaansho (nafley).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhogorsan
der. [adjective] having a good appearance ~ healthy skin complexion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhogorsan
(tilmaame) caafimaadqaba oo muuqaal fiicanna leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhogorsan
de: having a good appearance ~ healthy skin complexion
lx: dhogorsan
pd: (dhogorsamaa)
ps: adj-der
key: dhogorsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorgortan
(Gorgortan-ka)
Gorgortamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorgortan
gorgortan¹: m.l Isdhaafsiga laba qof oo wax kala gadanaya ay isdhaafsadaan gorgoro. la-mid: gorgortamid.
gorgortan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba qof oo wax kala gadanaya gorgoro isdhaafsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gorgortan
gorgortan¹: m.l Isdhaafsiga laba qof oo wax kala gadanaya ay isdhaafsadaan gorgoro.
gorgortan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba qof oo wax kala gadanaya gorgoro isdhaafsi. m.f.dh, gorgortamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gorgortan
v. bargain (with each other)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gorgortan
-ta: (n) bargain (baar gen) ~ gorgoro; negociation
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gorgortan
Contrattare
Bargaining
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorgortan
-ka: (magac, lab, keli) ka wada hadal iyo wax isla meel dhig; isla eegid si meel la isugu yimaado iyo wixii la mid ah. Qiimahaad ii sheegtay gorgortan la'aan ayaan ku qaatay. Dh: baayactan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gorgortan
de: bargain (with each other)
lx: gorgortan
pd: (gorgortamay)
ps: v1=recip
key: gorgortan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogocraac
f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: hogolraac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogocraac
(fal) si joogto ah, naqa roobka u daba soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogolraac
f.mg1 (-cay, -cday) Meel roob ka da'ay u guurid; roobraac. la-mid: hogocraac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
logaridam
m.l (-myo, m.dh) (xisaab) Tiro loo tibaaxay jibbaarka tiro kale tiro kasta x waxa loo qori karaa sansaanka x = ay, taas oo y ay tahay logardamka x ee sal a, logardam waxa loo soo gaabiyaa 'log'.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Loogardam
Logarithm
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sabordage
sabordage, n.m. - markab daloolin