sogodhdahid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogodhdahid
-da: (magac, dhedig, keli) si maldahan oo aan shaaca laga qaadin u dhihid. Dh: maldahid, sogordahid, sogodhdihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogodhdah
(fal) si maldahan oo aan la caddayn wax u dhihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogojdahid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sogodhdahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sogordahid
m.f.dh eeg sogordah². la-mid: sogordah¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogordahid
-da: (magac, dhedig, keli) qarin. Dh: maldahid. cadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogoldhaafid
m.f.dh eeg gogoldhaaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogoldhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqanxumida naag ama nin reer leh, cid kale u galmood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogojdah
(fal) eeg sogodhdah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sogordah
sogordah¹: m.l Maldahidda hadal iyo wixi lamida la maldaho. la-mid: sogordahid.
sogordah²: f.g1 (-hay, -hday) Hadal iyo wixi lamida maldahid; wax sarbeebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogordah
(fal) eeg sogodhdah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooddamid
-da: (magac, dhedig, keli) dood ka qayb qaadasho. Hadduuse maanta dooddamo senguhu waan dagaal geliye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaagid
-da: (magac, dhedig, keli) wax laagid. Boodhaagid shuuro looma cuno. Dh: labid, qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sogordahan
f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Hadal wax la maldahay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ama hawl la qaban doono isku sii diyaarin ama wax u sii diyaarin; u sii hawlgelid; sii qabanqaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodhyid
-da: (magac, dhedig, keli) foodhin afuufid. Dh: fooryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddamid
m.f.dh eeg saddan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandahid
-da: (magac, dhedig, keli) sogordahid ama qarin. Dh: dadid. Li: caddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogordoh
-ha: (magac, lab, keli) maldah ama. qarin. Tunta sogordoh haw yeelin.
sogordoh: (fal) dood toos ha u qaawin oo sheesheeli ama oo yare hullaab, si cad ha u odhan oo hu' sarbeebeed huwi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooddiyid
(Dooddiyid-da)
Ordid; tartamid; bedertamid; soo dheerayn; ka soo dhexbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooddiyid
m.f.dh eeg dooddi². la-mid: doodi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) baxsasho oo orod isa sii dayn; tartan ku baddin. Dh: ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dowddarid
m.f.dh eeg dowddar². la-mid: dawdarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodhicid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka ka soo buurnaansho, kor u soo foocid. Dh: foocid, fooricid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gogoldhig
(Gogoldhig-ga)
Gogol; Arar; Goobxaarad; hordhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogoldhig
m.l Arar; hordhac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gogoldhig
vl. n., [compound] introduction, prelude; preliminaries
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gogoldhig
-ga: (n) an introductory section, as of a speech; introduction (intadhak-sheri); preface (perefas); ~ hordhac, arart-a
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gogoldhig
Premessa
Premise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogoldhig
(fal) «u ~» dad is haya, nabadayntooda ka sii shaqee.
gogoldhig: (fal) «u ~» aasaas u diyaari; unug sii diyaari. u goggoldhig ciyaaraha la qaban doono.
gogoldhig-ga: (magac, lab, keli) hadal ama qoraal inta u horraysa ee lagu billaabo ee nuxurkiisa kooba. Dh: hordhac, arar.
gogoldhig-ga: (magac, lab, keli) (u ~) sii diyaarin; sii qabanqaabin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gogoldhig
de: introduction, prelude; preliminaries
lx: gogoldhig
pd: (-ga)
ps: vn2a-m-cmp
key: gogoldhig
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gogoldhig
تَقْدِيم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gooddiyid
(Gooddiyid-da)
Qof kale, hadal ama wax kale oo cabsi geliya kula kicid; u dhaarasho; cagajugleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooddiyid
m.f.dh eeg gooddi². la-mid: gooddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loodsamid
(Loodsamid-da)
Soo laabmid, soo nadoocsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loodsamid
m.f.dh eeg loodsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loodsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horay u fidsanaa, soo qalloocsamid ama soo laabmid. Dh: xoodsamid, loolsamid. Li: toosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdhabid
m.f.dh eeg magdhaw².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdhabid
-da: (magac, dhedig, keli) qof waxyeello loo geystey ama wax laga bi'iyay mag ka bixin oo wixii gaadhay beddelkiisii ciddii lahayd siin. Reerkii baabuurka iga jejebiyay magdhabid ayay oggolaadeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mookhalid
-da: (magac, dhedig, keli) kala sifayn oo wixii an loo baahnayn ka saarid. Dh: shaandhayn, kala madhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodqaadid
m.f.dh la-mid: geedqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardhabid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo la horayo kala celin ama dib u celin. Sardhabiddii adhigaan ku daalay. Dh: horid, sardhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Socdaalid
(Socdaalid-da)
Socdaal u bixid; safrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
socdaalid
m.f.dh eeg socdaal². la-mid: sadcaalid, sodcaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socdaalid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaal u bixid; safrid; sacdaal dheer galid. Socdaalidda badan waad xanuusanaysaaye iska ilaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sodcaalid
(Sodcaalid-da)
Socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sodcaalid
m.f.dh la-mid: socdaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sodcaalid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaalid; sadcaalid; safrid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Soo dirid
Spedizione
Forwarding
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
SOO RARID
Imbarco
Loading

Soo rarid
Caricamento
Loading
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Soodhacay
name-m fallen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soodoogid
m.f.dh la-mid: sooddoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soosaarid
m.dh 1. (kiimika) Dariiqada lagaga soo saaro bir macdanteeda. 2. (kiimika) Ka soocidda walax laga soocaayo iskujir iyadoo la adeegsanaayo milmidda xula-shada leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soosaarid
m.dh 1. (kiim.) Dariiqada lagaga soo saaro bir macdanteeda. 2. (kiim.) Ka soocidda walax laga soocaayo iskujir iyadoo la adeegsanaayo milmidda xulashada leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soosaarid
vl. n. production, producing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soosaarid
cf: kabixin
de: production, producing
initial: s
lx: soosaarid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: soosaarid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
soosaarid
إنتاج
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sooyaamid
(Sooyaamid-da)
Qaylin; qablamid; buuqid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooyaamid
m.f.dh eeg sooyaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylin; qablamid; buuqid; bulaamid; sooyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaadhi
-ga: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo bashbash ku hadhadal. Boodhaadhiga rahaa lagu gam'aa gellin barwaageedkiiye. Dh: foodhaadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booshaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) si bilaa qaab ah u walaaqid. Shuuro booshaaqid iyo shaah la shushubo sheeko lagu helaa macaan. Dh: rufaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foodsaarid
(Foodsaarid-da)
Legdan ama dagaal uga hortegid: kafool kafool wax uga hor imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodsaarid
m.f.dh eeg foodsaar². la-mid: foodsaar¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) legdan aan dagaal ahayn, uga hortegid; foolkafool wax uga hor imaansho.
foodsaarid -da: (magac, dhedig, keli) «u ~» u daliilsad; caddayn uga dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooldhaqid
-da: (magac, dhedig, keli) wejiga biyo ku maydhid. Dh: wajidhaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogoraacid
m.f.dh eeg hogoraac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socodbarad
-ka: (magac, lab, keli) qofka aan hore u socon jirin.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
SOO RAAGID
Ritardo
Lateness
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Soo raagid
Ritardamento
Lateness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo saarid
-da: (n) 1. production (poro-dhak-shin); the act of producing; discovery (dis-kaveri) 2. issuance (ishuwans) ~ soo saaris, soosaaris
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo waarid
v. import
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soo_waarid
bw: Arabic
de: import
initial: s
lx: soo waarid
nt: waarid (ka) [vn-m]
pd: (waariday)
ps: v1=expr
key: soo_waarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooddoogid
m.f.dh eeg sooddoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toodraacid
(Toodraacid-da)
Neef toodraac ku lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toodraacid
m.f.dh eeg toodraac². la-mid: toodraac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toodraacid
-da: (magac, dhedig, keli) farsamo uu u ogolaado lisida u samayn, geel toodraac ku lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foondhaafid
m.f.dh eeg foondhaaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogoldhigid
-da: (magac, dhedig, keli) gogol diyaarin; u saldhigid. Goggoldhigidda arrinta waxa qabanqaabiyay masuuliyiinta shirkadda. Dh: gogolfidin, gogolfidis, abaabulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogolxaarid
m.f.dh eeg gogolxaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaarid
-da: (magac, dhedig, keli) gogoldhigad; ararasho; gogoldhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogocraacid
m.f.dh la-mid: hogolraacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogocraacid
-da: (magac, dhedig, keli) si joogto ah, naqa roobka u daba socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogolraacid
m.f.dh eeg hogolraac. la-mid: hogocraacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerodhaafid
m.f.dh eeg xerodhaaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaadhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) barwaaqo awgeed la hadlid. Dh: foodhaadhiyid.