sogodhdah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogodhdah
(fal) si maldahan oo aan la caddayn wax u dhihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogodhdahid
-da: (magac, dhedig, keli) si maldahan oo aan shaaca laga qaadin u dhihid. Dh: maldahid, sogordahid, sogodhdihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogojdah
(fal) eeg sogodhdah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sogordah
sogordah¹: m.l Maldahidda hadal iyo wixi lamida la maldaho. la-mid: sogordahid.
sogordah²: f.g1 (-hay, -hday) Hadal iyo wixi lamida maldahid; wax sarbeebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogordah
(fal) eeg sogodhdah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soodha
m.dh (kiimika) Naatriyam Kaarbooneyt (Na2CO3). Budo wiriqlaawe ah oo cad, taas oo kuusanta marka loo banneeyo hawada sababtoo ah waxa ay noqotaa cokane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soodha
m.dh (kiim.) Naatriyam Kaarbooneyt (Na2CO3). Budo wiriqlaawe ah oo cad, taas oo kuusanta marka loo banneeyo hawada sababtoo ah waxa ay noqotaa cokane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soodhac
m.l (kiim.) Saxarro kaahfaleed oo ka soo dhaca atmoosfeerka marka uu qarax bu'eed dhaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogordoh
-ha: (magac, lab, keli) maldah ama. qarin. Tunta sogordoh haw yeelin.
sogordoh: (fal) dood toos ha u qaawin oo sheesheeli ama oo yare hullaab, si cad ha u odhan oo hu' sarbeebeed huwi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogoldhaaf
gogoldhaaf¹: m.l Oggolanshaha naag la qabo ay oggolato in uu u galmoodo nin kale.
gogoldhaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Naag la qabo nin kale in uu u galmoodo aqbalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gogoldhaaf
gogoldhaaf¹: m.l Oggolanshaha naag la qabo ay oggolato in uu u galmoodo nin kale.
gogoldhaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Naag la qabo nin kale in uu u galmoodo aqbalid. m.f.dh, gogoldhaafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gogoldhaaf
v. commit adultery, be sexually unfaithful to (one's husband)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogoldhaaf
-ka: (magac, lab, keli) qof reer leh, gogoshiisa dhaafis oo cid kale la seexad; galmo sharci darro ah oo uu sameeyo qof reer lihi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gogoldhaaf
de: commit adultery, be sexually unfaithful to (one's husband)
lx: gogoldhaaf
nt: gogoldhaaf (ka) [vn-m]
pd: (gogoldhaafay)
ps: v1=tr
key: gogoldhaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogojdahid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sogodhdahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sogordahan
f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Hadal wax la maldahay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sogordahid
m.f.dh eeg sogordah². la-mid: sogordah¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogordahid
-da: (magac, dhedig, keli) qarin. Dh: maldahid. cadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sogordahnaan
m.f.dh eeg sogordahan. la-mid: sogordahnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogodh
-ka: (magac, lab, keli) weelka guriga intiisa la tolo. Dh: hogor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
odhaah
-da: (magac, dhedig, keli) hawraar ama hadal la yidhi. Odhaah nin si u yidhi nin si u qaaday. Dh: oraah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soddoh
(Soddoh-da)
Afada hooyadeed, waxa ay saygeeda u tahay ama ugu toosan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddoh
m.dh (-hyo, m.dh) 1. Haweeney gabadha ay dhashay ninka qaba waxa ay u tahay ama haweeney wiilka ay dhashay gabadha uu qabo waxa ay u tahay. 2. Haweeney gabadh leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soddoh
m.dh (-hyo, m.dh) 1. Haweeney gabadha ay dhashay ninka qaba waxa ay u tahay ama haweeney wiilka ay dhashay gabadha uu qabo waxa ay u tahay. 2. Haweeney gabadh leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soddoh
f. n. mother-in-law, mother of wife ~ husband
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soddoh
-da: (n) mother-in-law (maathar-in-loo)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddoh
-da: (magac, dhedig, keli) hooyada labada qof ee isguursaday midkood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soddoh
de: mother-in-law, mother of wife ~ husband Contrast: soddog
initial: s
lx: soddoh
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: soddoh
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
soddoh
حَمَاةَ، أَمُّ الزَّوْجِ أَو الزَّوْجَةَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soodhe
m.l la-mid: soode.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soohan
La soohay; la sameeyey; la falkiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soohan
f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Waax la soohay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soohan
f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Waax la soohay ahaansho. m.f.dh, soohnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soohan
der. [adjective] plaited, woven, spun
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Soohan
name-f plaited, woven, spun. Lit: proportionate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soohan
-soohnaa / soohnayd: (adj) interlaced (inter-laaysidh)', interwoven
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Soohan
magac loo baxsho gabadh qaab ama muuqaal habboon leh oo la moodo in la soohay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soohan
(tilmaame) la soohay; la sameeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soohan
de: plaited, woven, spun
initial: s
lx: soohan
pd: (soohnaa)
ps: adj-der
key: soohan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soonah
-a: (magac, lab, keli), dhir kamid ah geed gaabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodhar
m.l Budo cad oo siigo ah udgoon oo waqtiga kuleylaha la marsado si ay dhidika u nuugto. la-mid: boolbare, boolbire, bootar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boodhar
m.l Budo cad oo siigo ah udgoon oo waqtiga kuleylaha la marsado si ay dhidika u nuugto. la-mid: boolbare, boolbire, bootar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooddad
m.l/dh (-do, m.l) Garbasaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodhac
-a: (magac, lab, keli) dhul ciiddu kor u soo kacdo oo ay dildillaacdo. Dh: fooc, foorac.
foodhac -a: (magac, lab, keli) wax dhulka ka soo baxaya oo ciidda la soo kacaya. Dh: fooc, foorac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodhar
-ka: (magac, lab, keli) baabuur; gaadhi.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Orod-da
vitesse.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogobid
-da: (magac, dhedig, keli) «isku dad isku dirid oo isku khatalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soodaal
v. be ~ get tired (after a long walk ~ hard work)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soodaal
de: be ~ get tired (after a long walk ~ hard work)
initial: s
lx: soodaal
pd: (soodaalay)
ps: v1=expr
key: soodaal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Soodaan
(n) Sudan; Khartoum is the capital and the largest city ~ Suudaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soohaad
-ka: (magac, lab, keli) waxa udgoon ee dumarku marsadaan. Soohaad ayaa gabadhu marsanayd. Dh: udug. Li: qadhmuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soohdin
(Soohdin-ta)
Seere; xudduud; xad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soohdin
soohdin¹: m.dh (-imo/-ino, m.l) Seere, xad.
soohdin²: m.dh (xisaab) Xaddeyn ama xannibaad lagu sammeeyo dambeedka fansaar. Soohdin sare waa tirada U, taas oo f(x)_<U dhammaan x-yada ku jira horaadka, soohdinta hoose waa tirada l, taas oo f(x)_>l dhammaan x-yada kujira horaadka. Tusaale ahaan, haddii f(x)=sinx markaa +1 waa soohdin sare iyo -1 waa soohdin hoose.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soohdin
soohdin¹: m.dh (-imo/-ino, m.l) Seere, xad.
soohdin²: m.dh (xisaab) Xaddeyn ama xannibaad lagu sammeeyo dambeedka fansaar. Soohdin sare waa tirada U, taas oo f(x)_<U dhammaan x-yada ku jira horaadka, soohdinta hoose waa tirada l, taas oo f(x)_>l dhammaan x-yada kujira horaadka. Tusaale ahaan, haddii f(x)=sinx markaa +1 waa soohdin sare iyo -1 waa soohdin hoose.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Soohdin
Bound, Boundary
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soohdin
f. n. boundary, border, limit; frontier
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soohdin
-ta: (n) boundary, border, frontier, limit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soohdin
-ta: (magac, dhedig, keli) meesha u dhaxaysa laba dal. Dh: made, seere, xuduud, xad. soohdindiiran -ta: (magac, dhedig, keli) Xariiqda xadka ee dhulka oogadiisa oo u dhaxaysa cuf horumaraya oo hawo diiran ah iyo hawada qabow ee ay ka kacayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soohdin
de: boundary, border, limit; [ext.] frontier
initial: s
lx: soohdin
pd: (-ta Pl: soohdimo (/ha))
ps: n1-f
xe: positions far from its borders
xv: antaro, seere, xad
key: soohdin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
soohdin
حَدٌ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soqodhi
-ga: (magac, lab, keli) qof caqligaab ah oo nacasnimo ku jirto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
woodhaq
-a: magac, lab, keli) makarafoon lagu xidho idaacadda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaaq
(fal) arrin ama wax kale laaqid.
boodhaaq-a: (magac, lab, keli) laaqitaan wax la laaqo. Boodhaaq badan ciir subug bay ku dhiiqdaa xaarna ur buu ku dhiigaa. Dh: lab, qas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodhadh
-ka: (magac, lab, keli) baabuur; magacii ay Soomaalidu u bixisay xilligii uu gaadhigu soo baxay; gaadhi la raaco. Muraadkoodu nimankuu ahaa moodhadhkiyo daarta. Dh: baabuur, gaadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodhqab
-ka: (magac, lab, keli) lab aan la dhufaanin oo xiniinyo qaba waxna saaran kara. Dibigu qublay maahee waa qoodhagab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soo dhac
m.l (kiimika) Saxarro kaahfaleed oo ka soo dhaca atmoosfeerka marka uu qarax bu'eed dhaco.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Soo dhac
Fall-out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo dhac
-ay / day: (v) fall down (faal dhaawn); drop or fall freely
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soodiyam
(n) sodium (soo-di-yam) Symbol Na ~ sodiyam
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Soodhacay
name-m fallen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogoldhigad
m.l 1. Keenidda cidi, cid ay wax ka tabanayso keento madal si ay ugala xaajooto arrintaas. 2. Gogoldhigasho; ararsasho. la-mid: gogoldhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gogoldhigad
m.l 1. Keenidda cidi, cid ay wax ka tabanayso keento madal si ay ugala xaajooto arrintaas. 2. Gogoldhigasho; ararsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogoldhigad
-ka: (magac, lab, keli) wax la doonaayo in la sameeyo ama loo gol leeyahay, waddada u sii bannaysasho. Dh: gogoldhigasho, araarasho.