soddoho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddoho
m.dh (-ooyin, m.l) Dabayl weyn, qashin iyo boor badan oo cirka isku shareerta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddohow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) soddoh noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddohow
-ga: (magac, lab, keli) soddog ama soddoh noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soddoh
(Soddoh-da)
Afada hooyadeed, waxa ay saygeeda u tahay ama ugu toosan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddoh
m.dh (-hyo, m.dh) 1. Haweeney gabadha ay dhashay ninka qaba waxa ay u tahay ama haweeney wiilka ay dhashay gabadha uu qabo waxa ay u tahay. 2. Haweeney gabadh leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soddoh
f. n. mother-in-law, mother of wife ~ husband
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soddoh
-da: (n) mother-in-law (maathar-in-loo)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddoh
-da: (magac, dhedig, keli) hooyada labada qof ee isguursaday midkood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soddoh
de: mother-in-law, mother of wife ~ husband Contrast: soddog
initial: s
lx: soddoh
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: soddoh
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
soddoh
حَمَاةَ، أَمُّ الزَّوْجِ أَو الزَّوْجَةَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soddohoobid
(Soddohoobid-da)
Soddoh noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddohoobid
m.f.dh eeg soddohow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soddohoob
inch. v. become a mother-in-law
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soddohoob
de: become a mother-in-law Alt sp: soddohow
initial: s
lx: soddohoob
pd: (soddohoobay)
ps: v1=inch
key: soddohoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddogow
f.mg1 (soddogoobay, soddogowday; soddogoobi) Soddog noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soddogow
inch. v. become a father-in-law
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddogow
-ga: (magac, lab, keli) soddog noqosho. Soddogow oo xishood nin wayn aayaad tahaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soddogow
de: become a father-in-law Alt sp: soddogoob
initial: s
lx: soddogow
pd: (soddogoobay)
ps: v1=inch
key: soddogow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooho
f.mg3 (-hday, -hatay) Xarig sooh ah samysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soddog
(Soddog-ga)
Afada aabbeheed, waxa uu saygeeda u yahay ama ugu toosan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddog
m.l (soddogyo, m.dh) Haweeney la qabo aabbaheed waxa uu ninkeeda u yahay ama waxa ninka aabihiis u yahay haweeneyda uu qabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soddog
m.l (-gyo, m.dh) Haweeney la qabo aabbaheed waxa uu ninkeeda u yahay ama waxa ninka aabihiis u yahay haweeneyda uu qabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soddog
m. n. father-in-law, father of wife ~ husband
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soddog
-ga: (n) father-in-law (faather-in-loo)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddog
-ga: (magac, lab, keli) aabbaha labada qof ee is guursaday midkood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soddog
de: father-in-law, father of wife ~ husband Contrast: soddoh
initial: s
lx: soddog
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: soddog
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
soddog
حَمْو، أَبُو الزَّوْجِ أَو الزَّوْجَةَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soddon
(Soddon-ka)
Tiro ka kooban saddex meelood oo meeshiiba toban tahay; saddex tobnaad (30).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddon
m.l.t Tiro ka kooban saddex tobnaad oo laysku daray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soddon
m.l.t Tiro ka kooban saddex tobnaad oo laysku daray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soddon
num: thirty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soddon
-ka: (n) thirty (theerti); 30
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddon
-ka: (magac, lab, keli) tiro ka kooban saddex meelood oo meeshiiba toban tahay; saddex tobnaad; 30.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soddon
de: thirty
initial: s
lx: soddon
pd: (-ka)
ps: num-m
key: soddon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toddobo
m.dh.t la-mid: toddoba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soddohnimo
(Soddohnima-da)
Soddoh ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddohnimo
m.dh Soddoh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soddohnimo
f. n., [abstract] status of mother-in-law
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddohnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ruux hooyo ah oo ilmeheedu guursaday ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soddohnimo
de: status of mother-in-law
initial: s
lx: soddohnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: soddohnimo
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Soddoh-da
belle-mère.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooddoog
f.mg1 (-gay, -gtay) Jiilaal dheer ama abaar waxyeeladeed nur da'ay kaga soo kabasho. la-mid: soodoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooddoog
-ga: (magac, lab, keli) jiilaal dheer ama abaar waxyeeladeed nur da'ay kaga soo kabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soddognimo
(Soddognima-da)
Soddog ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddognimo
m.dh Soddog ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soddognimo
f. n., [abstract] status of father-in-law
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddognimo
-da: (magac, dhedig, keli) labada is guursatay midkood aabbe u ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soddognimo
de: status of father-in-law
initial: s
lx: soddognimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: soddognimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddomeeyo
m.l/dh Tiro soddon ku dhawaad ah. la-mid: soddomeeye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soddomeeyo
m.l/dh Tiro soddon ku dhawaad ah. la-mid: soddomeeye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddomeeyo
-da: (magac, dhedig, keli) tiro soddon ku dhow; soddomeeye, tiro soddonna ka sarraysa afartanna ka hoosaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doho
f.mg3 (-hday, -hatay) la-mid: diho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
odho
(fal) wax dheh oo hadal. Dh: oro, dheh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooho
(eraydhawaaq) loogu yeedho geela kolka la soo ururinayo. Dh: hooba, ohoy.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sòdo
agg. - adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sooh
(Sooh-a)
1. Soohidda dharka, xargaha, ... iyo waxa laga sooho laftooda.
2. Wax la falkiyey ama la saabcaareeyey.
3. Dunta xubnaha iyo hilibka nafledu ka samaysan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooh
sooh¹: m.l S. ah: xarig aan tidac ahayn oo laba dhudood ka samaysan.
sooh²: f.g1 (-hay, -hday) 1. Wax miiqid. 2. Wax isku tidcid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sooh
f.g1 (-hay, -hday) 1. Wax miiqid. 2. Wax isku tidcid. m.f.dh, soohid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sooh
m. n. weave, weaving; spinning
sooh v. wind, spin (thread); weave (cloth)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sooh
-ay / day: (v) interweave (inter-wiiv)', interlace (inter-laayz); weave (wiiv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooh
(fal) 'maydhax' xadhig ka samay, ka samee.
sooh-a: (magac, lab, keli) dunta xubnaha iyo hilibka nafleydu ka samaysan yihiin.
sooh-a: (magac, lab, keli) soohidda dharka, xadhkaha.
sooh -a: (magac, lab, keli) wax la soohay, la saabcaareeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kodho
m.dh Harag waxar yar oo haamaha caanaha lagu lulo loo hoos dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kodho
-ha: (magac, lab, keli) harag waxar yar oo haamaha caanaha lagu lulo la hoos dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoddo
(Qodda-da)
1. Inta qodan dhererkeeda.
2. Wax intiisa aasan; sal; gun; (ama qoto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoddo
m.dh 1. Dhererka meel la qoday leedahay. 2. Wax intiisa aasan. 3. Macnaha fog ee hadal leeyahay. la-mid: qoto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoddo
m.dh 1. Dhererka meel la qoday leedahay. 2. Wax intiisa aasan. 3. Macnaha fog ee hadal leeyahay. la-mid: qoto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoddo
f. n. depth; roots, any part under ground ~ water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoddo
-da: (magac, dhedig, keli) gun dheer oo hoos u qodan; god intuu hoos dheeryahay. Qodku wuu qoddo dheer yahay. Dh: gun, sal, qoto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoddo
cf: gun; sal
de: depth; roots, any part under ground ~ water
lx: qoddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qoddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadho
m.dh Aafo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadho
-da: (magac, dhedig, keli) digo ama wax kale oo xajiin leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siddo
(Sidda-da)
Meel alaabada iyo weelasha loo yeelo oo loogu talaggalay in gacanta lagu qabto oo lagu qaado ama lagu sido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddo
m.dh (siddooyin, m.l) Meel alaabta wax lagu rito sida dambiilaha, boorsooyinka iyo wixi lamida loo yeelo oo loogu talaggalay in gacanta lagu qabsado marka la qaadayo. la-mid: sidde.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siddo
m.dh (-ooyin, m.l) Meel alaabta wax lagu rito sida dambiilaha, boorsooyinka iyo wixi lamida loo yeelo oo loogu talaggalay in gacanta lagu qabsado marka la qaadayo. la-mid: sidde.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siddo
f. n. handle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siddo
-siddada: (n) handle (haandhal); sling (sling)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siddo
-ha: (magac, lab, keli) meesha gacanta lagu gabto ee weelasha ama boorsooyinka loo yeelo si loogu laalaadiyo. Joogga siddo u samee. Dh: sidde.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Siddo
Dheg meel la suro, sida siddada indhasaabka, baarinleyda iwm.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siddo
de: handle
initial: s
lx: siddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: siddo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sòldo
s.m. - lacag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooco
f.g3 (-cday, -catay) 1. Wax intooda fiican xulasho. 2. Kala s.: wax isku jira noocyada ay u kala baxaan u kala saarasho. 3. Wax isku darsan inta qof leeyahay ka baxsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sooco
f.g3 (-cday, -catay) 1. Wax intooda fiican xulasho. 2. Kala s.: wax isku jira noocyada ay u kala baxaan u kala saarasho. 3. Wax isku darsan inta qof leeyahay ka baxsasho. m.f.dh, soocasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sooco
v. separate, select ~ choose for oneself; discriminate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sooco
-soocday / soocotay: (v) sort out or separate for one's self
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooco
(fal) xulo oo la bax; madho; miiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sooco
de: separate, select ~ choose for oneself; discriminate
initial: s
lx: sooco
pd: (soocday)
ps: v3b=
key: sooco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soodh
-ka: (magac, lab, keli) bir dilaaya oo qoryaha afka hore lagaga xidho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sooro
-soorada: (n) [plural soorooyin -ka] nun (nan)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sórdo
agg. - dhega la'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudho
(fal) ganto meel sare ku taal, ka soo laadlaadso, ka soo deldel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodho
-da: (magac, dhedig, keli) meesha geela dhiigga ah lagu kala qaato ee lagu oodo. Geelu kolkuu boodhada ku oodanyahayee wada ololaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddoo
f.mg3 (-ooday,-ootay) la-mid: deddoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddoo
(fal) dhaxan iyo qabaw daraaddii, la qadhqadhyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qabow aad ah oo dhaxan badan leh. la-mid: daddoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deddoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qabow aad ah oo dhaxan badan leh. la-mid: daddoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddoo
(fal) qabaw ha ku helo; aad u qadhqadh. Dh: qadhqadhyoo, dhaxmoo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hoodoo
Tiir dhuleed
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
koodoo
n., (antelope in general) adeeryo, -adi; lesser koodoo, adeeryo ari, -gi; male koodoo, goodir, -ki.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
odióso
agg. - la kahdo.