socotee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
socotee
v. travel, walk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socotee
(fal) safar gal; goob ka tag oo u dhaqaaq meel fog. Dh: safar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
socotee
de: travel, walk
initial: s
lx: socotee
pd: (socoteeyey)
ps: v2b=
key: socotee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqad
-da: (magac, dhedig, keli) meel la furi karo lana xidhi karo oo guri, gaadhi ama meel kale leedahay oo looga laydhsado ama dano kale looga faa'ideysto. Daaqadda guriga soo xidh dabayl baa socotee. Dh: dariishad.
daaqad -da: (magac, dhedig, keli) duub maro ah oo cusub oo dharka laga tolo. Daaqad dhar ah i ijar qiimaahana ii sheeg.
daaqad -da: (magac, dhedig, keli) awood iyo karti wax lagu qabto. Waryaa iga teg anu hadalkaaga daaqad uma hayee. Dh: itaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiido
(fal) dad aad wada socoteen ka fogow ka dheeree. Dh: dheerow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootee
f.mg2 (-teeyay, -taysay) U b.: faan iyo hanjabaad been ah cid u jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bootee
f.mg2 (-teeyay, -taysay) U b.: faan iyo hanjabaad been ah cid u jeedin. m.f.dh, bootayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bootee
/buutii/ (n) kabaha caruurta ee suuf-suufka ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
socota
(adj) ongoing; unfinished; in progress, in hand ~ soconaya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Socoto
(Socota-da)
Dad meel ka tegey oo meel kale u socda; dad socdaal ku jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
socoto
m.dh.u Cid meel ka tagtay oo meel kale safar u aaday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
socoto
m.dh.u Cid meel ka tagtay oo meel kale safar u aaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
socoto
f. n., [collective] traveler; visitor, guest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
socoto
-socotada: (n) unexpected visitor or guest
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Socoto
Viaggiatori
Travellers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socoto
-da: (magac, dhedig, keli) dad meel ka tegey oo meel kale u socda; dad socdaal ku jira. Socoto ayaa noo soo hoyatay xalay. Dh: marti, safar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
socoto
de: traveler; [ext.] visitor, guest (people who travel from place to place)
initial: s
lx: socoto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: socoto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Mindi iyo wixi lamida soofe ku afayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soofee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Mindi iyo wixi lamida soofe ku afayn. m.f.dh, soofayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soofee
v. sharpen (with a whetstone)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soofee
-yey / soofeysay: (v) file (faayl)-, sharpen (shaarpen); hone (hoon); rasp (raasp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofee
(fal) af u yeel. Dh: afee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soofee
de: sharpen (with a whetstone)
initial: s
lx: soofee
pd: (soofeeyey)
ps: v2b=tr
key: soofee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soosee
(fal) soos ku rid: lab; qas; wareeri.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
soothe
/suud/soothingly; (v) dejin (qaboojin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
soothe
(see soften).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wootee
f.mg2 (-teeyay, -teysay) la-mid: wood².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wootee
v. cast a vote
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wootee
-yey / wooteysay: (v) vote (vowt); elect (i-lekt); cast a ballot; have a vote
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wootee
(fal) doorasho, codkaaga ka dhiibo. Dh: wood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wootee
a: wood
de: cast a vote
initial: w
lx: wootee
pd: (wooteeyey)
ps: v2b=intr
key: wootee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socotid
-da: (magac, dhedig, keli) socosho; socod.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
suçoter
suçoter, v. - nuugid; nuujis; jiqis; jaqid
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
soccorere
v.tr. - u gargaarid, kaalmayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scortése
agg. - dad dhaqan xun, edebdaran.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scuotere
v.tr.- ruxid, gilgilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sonkoree
(fal) sonkor ku dar; sokoree.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
soucoupe
soucoupe, n.f. - seesar; saxan yar oo bagacasan oo koobka la dul saaro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
soccómbere
v.intr. - go'id, dhimasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
côte
côte, n.f. (anatomie) - Feedh.
bord de la mer - Xeeb; Badda dhinaceeda.
côté, n.m. (mathématiques) - (Xisaab) Barbaaro.
flanc - Dhinac; Hareer.
de côté - Ka durugsan
mettre de côté - Keydinta lacagta.
du côté de - Xaggiisa; Xaggas.
à côté de - Dhinaceeda; ku naban,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soco
f.g/mg3 (-cday, -cotay) 1. (f.g) Socod samayn. 2. (f.g) Hadal la hayey sii wadid. 3. (f.mg) La s.: cid la saaxiibid. 4. (f.mg) La s.: wax xogtooda hayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soco
f.g/mg3 (-cday, -cotay) 1. (f.g) Socod samayn. 2. (f.g) Hadal la hayey sii wadid. 3. (f.mg) La s.: cid la saaxiibid. 4. (f.mg) La s.: wax xogtooda hayn. m.f.dh, socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soco
v. walk, go on, move, proceed; continue, be in progress
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soco
-socday / socotay: (v) 1. walk (wook); go for a walk; step (isteep); pace (paaj) ~ lugee. 2. move (muuv); go (goow) ~ dhaqaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soco
(fal) dhaqaaq; taltallaabso. Li: joogso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soco
de: walk, go on, move, proceed; continue, be in progress
initial: s
lx: soco
pd: (socday / socotay)
ps: v3b=intr
syn: aad, tag
key: soco
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soot
m. n. vote; voice
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
soot
/suut/ (n) danbas (budada madow ee gubashada ka samaysanta).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soot
bw: Arabic
de: vote; voice
initial: s
lx: soot
pd: (-ka)
ps: n-m
key: soot
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
soot
n., madun, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codee
f.mg2 (-deeyay, -daysay) 1. U c.: cid la dooranayo cod siin. 2. Ku c.: eray kor u akhriyid si loo maqlo. 3. Wax heesid; wax halaburid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
codee
f.mg2 (-deeyay, -daysay) 1. U c.: cid la dooranayo cod siin. 2. Ku c.: eray kor u akhriyid si loo maqlo. 3. Wax heesid; wax halaburid. m.f.dh, codayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
codee
v. provide musical accompaniment for, compose a melody
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
codee
-yey / codaysay: (v) create or produce a musical note of song; compose (kom-poows)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
codee
(fal) eeg coday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
codee
de: provide musical accompaniment for, compose a melody
lx: codee
pd: (codeeyey)
ps: v2b=
key: codee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Xero iyo wixi lamida ood saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oodee
v. enclose with a brushwood fence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodee
(fal) irrid, ood saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oodee
de: enclose with a brushwood fence
lx: oodee
pd: (oodeeyey)
ps: v2b=
key: oodee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Cid oof ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oofee
(fal) cid kale, oof ku ridid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
potée
potée, n.f. - doofaar yar hilibki oo lagu kariyey khudrad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scone
/skown/ (bre) biscuit (ame) (n) buskud.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scope
/skowp/ (n) 1. xadka, hawl ama hadal aan la dhaafsiin karin 2. fursad, hawl-qabad ama fikradeed (fursad u haysasho).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
scope
n, (aim, end) damac, -i, dug, -ti.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Score
Labaatan, dhibco
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
score
dhalin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
score
/skoor/ (n) 1. dhibco, gool (buundada ciyaaraha ama baratan kale). (n) 2. laxan muusiko oo qoran (laxan muusiko dejin) 3. xagatin (jeexdin)(v) 4. guuleysi (foosid) (n) 5. aasaaska ama sababta arin loo cuskado 6. labaatan (labaatameeyo).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Score
Dhalis
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
score
score, n.m. - dhibco (buundo tirsiga ciyaaraha).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
secte
secte, n.f. - dad isku dariiqa; isku wax caabuda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Socod
(Socod-ka)
1. Socoshada lafteeda.
2. Joogsad la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
socod
m.l 1. Lugaha oo si isbada-joog ah loo qaado iyadoo meel laga dhaqaajinayo. 2. Dhaqdhaqaaq aan joogsi lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
socod
m.l 1. Lugaha oo si isbada-joog ah loo qaado iyadoo meel laga dhaqaajinayo. 2. Dhaqdhaqaaq aan joogsi lahayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Socod
Motion
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
socod
travelling, walk
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
socod
vl. n. going, walking, march; movement; trip, journey; course
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
socod
-ka: (n) walking (woolking); movement (muuv-ment) ~ lugays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socod
-ka: (magac, lab, keli) dhaqaaqid; joogsad la'aan; socosho, socoshada lafteeda; lugayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
socod
de: going, walking, march; movement; trip, journey; course
initial: s
lx: socod
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: socod
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
socod
مَشي، سَعِي
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sokee
f.mg2 (sokeeyay, sokaysay) Wax, wax kale ka dhow noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sokee
f.mg2 (-keeyay, -kaysay) Wax, wax kale ka dhow noqosho. m.f.dh, sokayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sokee
v. be near, be on this side
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sokee
-yey / sokeysay: (v) be closer; be nearby
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sokee
de: be near, be on this side
initial: s
lx: sokee
pd: (sokeeyey)
ps: v2b=intr
key: sokee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soode
m.l Biyo cusbo leh ama budo dharka, alaabta iyo wixi lamida lagu dhaqo. la-mid: soodhe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soofe
(Soofa-ha)
Qalab birlab ah oo korka gan wax xagta ku leh, oo birta iyo wixii la mid ah oo adag lagu sinsimo ama lagu afeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofe
m.l (-fayaal, m.l/dh) Qalab bir ka samaysan oo korka gano wax xagta ku leh oo birta iyo wixi lamida lagu simo ama lagu afeeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soofe
m.l (-fayaal, m.l/dh) Qalab bir ka samaysan oo korka gano wax xagta ku leh oo birta iyo wixi lamida lagu simo ama lagu afeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soofe
m. n. knife-sharpener, whetstone
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Soofe
nickname-m sharpener, whetstone, grindstone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soofe
-soofaha: (n) file (faayl); sharpener (shaar-piner)', hone (hoone), whetstone (wit-istoori)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofe
-ha: (magac, lab, keli) qalab birlab ah oo korka gan wax xagta ku leh, oo birta iyo wixii la mid ah oo adag lagu simo ama af loogu yeelo ama lagu soofeeyo. Soofe mari gudinta. Dh: Lisin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Soofe
Qalabka birta ama looxa lagu xaquuqo ee leh xanaf wax hoosha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soofe
cf: sikhile
de: knife-sharpener, whetstone
initial: s
lx: soofe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: soofe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soome
(Sooma-ha)
Soomaggale (ama soone).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soome
m.l la-mid: soomaggale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soome
m. n. medicinal herb species