socota
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
socota
(adj) ongoing; unfinished; in progress, in hand ~ soconaya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Socoto
(Socota-da)
Dad meel ka tegey oo meel kale u socda; dad socdaal ku jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
socoto
m.dh.u Cid meel ka tagtay oo meel kale safar u aaday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
socoto
f. n., [collective] traveler; visitor, guest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
socoto
-socotada: (n) unexpected visitor or guest
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Socoto
Viaggiatori
Travellers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socoto
-da: (magac, dhedig, keli) dad meel ka tegey oo meel kale u socda; dad socdaal ku jira. Socoto ayaa noo soo hoyatay xalay. Dh: marti, safar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
socoto
de: traveler; [ext.] visitor, guest (people who travel from place to place)
initial: s
lx: socoto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: socoto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Berri
(Berri-da)
Maalinta la joogo, tan ka danbaysa oo soo socota; maalinta maanta iyo saaddanbe u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birriyad
(Birriyad-da)
Dabayl xagga birriga ka timaadda oo xagga badda u socota.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolbax
(Caloolbax-a)
Caloosha oo socota oo laga baxo, xanuun ha wehesho ama yuusan weheline; shuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caymis
(Caymis-ka)
Heshiis dhexmara ku wax cayminaya oo lacag u socota la siiyo iyo ku la cayminayo oo shil ama dhibaato, aan la hubin dhicise karta (caymiska nafta, dabka, tuugada, ...) looga nabaaddiinaxirayo ama ka gaashaamanaya, oo haddii waxa laga baqayey dhacaan, caymiyuhu, isaguna kolkiisa, wax lagu heshiiyey bixinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digtoon
U warhaya cabsi ama dhib ama arrin kale oo soo socota oo iska jira; digniin qaba; diyaar ah; darban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digtoonaansho
(Digtoonaansha-ha)
Digniin qabid; cabsi, kd., soo socota ka hortegiddeed isu golaadin; darbannaansho; diyaarsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habso
(Habsa-da)
Si xilliyada qaarkood baddu noqoto; waxay badda gashaa labo bilood oo dayax isgalohooda ama gudcurka iyo caddada (isku bil) isgalohooda; caarida iyo buuxa labadooduba waa darraadaan, dhawr maalmood bayna socotaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadhow
Had dhow; goor aan fogeyn oo soo socota; goor dhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaq
(Halaq-a)
1. Nafleyda inta bogga ku socota sida maska iyo goodka; xamaarato.
2. Masaska mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hingo
(Hinga-da)
Neefta xagga sanbabbada u socota, kala go'go'eeda; waxaa ku wacan xuubka xargaha codka daboola oo kolkol, u kasid la'aan, isku roora (ama higgo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoteel
(Hoteel-ka)
Aqal socotadu degto oo wax ka cunto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irbadayn
(Irbadayn-ta)
1. Irbad ka dhigid.
2. Irbad gaar ah oo dhexda ka daloosha oo dhuun dhalo ah wadata, inta dawo socota lagu shubo, oogada ku mudid oo dawadii ku dhiijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khuuro
(Khuura-da)
Sharqan aan loo bogin oo kolka la hurdo neefsashada la socota, badanaana, afka la kala hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liire
(Liira-ha)
Lacag dhulal badan ka socota, gaar ahaan dhulka Talyaaniga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lug
(Lug-ta)
1. Xubnaha dadka iyo nafley kale oo badani ku socoto, middood; tan dadku waxay ka kooban tahay bowdo iyo kub iyo cag; xoolaha iyo nafleyda kale oo afarta addin ku socota, labada danbe keliya baa lagu magacaabaa lugo, labada horena jeenyo.
2. Ciidanka lugta ku socda, (lug iyo faras).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadin
(Maadin-ta)
Dhibaato soo socota ka hor tegid, celin, baajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maanta
Maalinta la joogo, oo u dhexaysa shalaydii la soo dhaafay iyo berrida soo socota.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moosin
(Moosin-ka)
1. Dabayl xilli ku socota oo ka dhacda Badweynta Hindi iyo Aasiyada Koofure. Waa labo: mid koofur-galbeed oo dhacda afar bilood (Maajo-Agosto) oo labo bilood oo celcelis ahi (tangambili) ku xigaan (Setember-Oktoobar) iyo mid woqooyi-bari oo iyana afar bilood dhacda (Nofember-Febraayo) oo iyadana ay ka danbeeyaan labo kale oo bilood oo celcelis ah (Maarso-Abriil).
2. Xilli; waqti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nooli
1. (Nooli-da) Wixii nool; inta aan dhiman.
2. (Nooli-ga) Lacagta nool ahaan, socotadu gaadiidka uga bixiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raxan
(Raxan-ta)
(ugaar, dugaag, kd.) in wada socota oo aan kala harin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
società
s.f. - bulsho; shirkad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
socotee
v. travel, walk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socotee
(fal) safar gal; goob ka tag oo u dhaqaaq meel fog. Dh: safar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
socotee
de: travel, walk
initial: s
lx: socotee
pd: (socoteeyey)
ps: v2b=
key: socotee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socotid
-da: (magac, dhedig, keli) socosho; socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soco
f.g/mg3 (-cday, -cotay) 1. (f.g) Socod samayn. 2. (f.g) Hadal la hayey sii wadid. 3. (f.mg) La s.: cid la saaxiibid. 4. (f.mg) La s.: wax xogtooda hayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soco
f.g/mg3 (-cday, -cotay) 1. (f.g) Socod samayn. 2. (f.g) Hadal la hayey sii wadid. 3. (f.mg) La s.: cid la saaxiibid. 4. (f.mg) La s.: wax xogtooda hayn. m.f.dh, socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soco
v. walk, go on, move, proceed; continue, be in progress
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soco
-socday / socotay: (v) 1. walk (wook); go for a walk; step (isteep); pace (paaj) ~ lugee. 2. move (muuv); go (goow) ~ dhaqaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soco
(fal) dhaqaaq; taltallaabso. Li: joogso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soco
de: walk, go on, move, proceed; continue, be in progress
initial: s
lx: soco
pd: (socday / socotay)
ps: v3b=intr
syn: aad, tag
key: soco
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soot
m. n. vote; voice
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
soot
/suut/ (n) danbas (budada madow ee gubashada ka samaysanta).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soot
bw: Arabic
de: vote; voice
initial: s
lx: soot
pd: (-ka)
ps: n-m
key: soot
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
soot
n., madun, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cocoa
/kowkow/ (n) geedka shukulaatada laga sameeyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scópa
s.f. - xaaqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Socod
(Socod-ka)
1. Socoshada lafteeda.
2. Joogsad la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
socod
m.l 1. Lugaha oo si isbada-joog ah loo qaado iyadoo meel laga dhaqaajinayo. 2. Dhaqdhaqaaq aan joogsi lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
socod
m.l 1. Lugaha oo si isbada-joog ah loo qaado iyadoo meel laga dhaqaajinayo. 2. Dhaqdhaqaaq aan joogsi lahayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Socod
Motion
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
socod
travelling, walk
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
socod
vl. n. going, walking, march; movement; trip, journey; course
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
socod
-ka: (n) walking (woolking); movement (muuv-ment) ~ lugays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socod
-ka: (magac, lab, keli) dhaqaaqid; joogsad la'aan; socosho, socoshada lafteeda; lugayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
socod
de: going, walking, march; movement; trip, journey; course
initial: s
lx: socod
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: socod
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
socod
مَشي، سَعِي
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooma
-ha: (magac, lab, keli) geednagaadh foodda ubax cad ku leh oo ka baxa banaannada.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sòsta
s.f. - hakad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scórta
s.f. - qof ama ciidan hubaysan oo madaxda ilaalisa; kayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socobaan
-ka: (magac, lab, keli) kaluunka nooc ka mida. Dh: sacobaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soconaya
soconaysa: (adj) moving (muuving); walking (woolking)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
socooban
m.l la-mid: sacoobaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
boccata
s.f. - inta afku hal mar qaadi karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
borotan
(fal): taratan orad ah dad la gal. Borotama oo buuraha ka dhaca. Dh: beretan, tartan.
borotan -ka: (magac, lab, keli) taratan orad ah dad la geliddii. Borortankii haddaan badiyey basar baan u seexan. Dh: beretan, tartan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
boycott
/booykat/ (v) qaadacaad (cunaqabatayn)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
boycott
/booykat/ (v) gooyow, diithow.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
facolta
s.f. - karti; kulliyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Socdaal
(Socdaal-ka)
Meel durugsan oo socod lagu aado; safar (ama sodcaal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
socdaal
socdaal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Safar meel fog lagu aado. 2. S. ah: qof safar ah. la-mid: sadcaal¹, sodcaal¹.
socdaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) Meel fog safar ku aadid. la-mid: sadcaal², sodcaal².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
socdaal
socdaal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Safar meel fog lagu aado. 2. S. ah: qof safar ah. la-mid: sadcaal, sodcaal.
socdaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) Meel fog safar ku aadid. m.f.dh, socdaalid. la-mid: sadcaal, sodcaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Socdaal
name: Sodal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
socdaal
m. n. walking, movement; journey, travel; motion {physics}
socdaal v. travel
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Socdaal
name-m traveler
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
socdaal
-ka: (n) travel (taraavel); trip (tiriip); journey (jooyrni) ~ safar
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Socdaal
Viaggio
Travel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socdaal
(fal) meel durugsan oo socod lagu aado; safar aad, safar tag. Socdaal dheer baan soo galay. Dh: sacdaal.
socdaal -ka: (magac, lab, keli) meel durugsan oo socod lagu aado; safar; socdaal, sadcaal.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
socdaal
سَفَرٍ، رِحْلَةً
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
société
société, n.f. - bulsho wada nool isku dhaqan ah; mujtamac;
rebut de la société - jaallaha aan waxba ku wanaagsanayn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
society
/sasayati/ (n) 1. mujtamac (bulsho) 2. urur (jamciyad).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Society
Dad, xisbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Socosho
(Socosha-da)
Tallaabooyin isdabajoog ah qaadid; meel ka tegid ama meel aadid, iyadoo la lugaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
socosho
m.f.dh eeg soco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
socosho
vl. n. walking, traveling; progress
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socosho
-da: (magac, dhedig, keli) tallaabooyin isdabajoog ah qaadid; meel ka tegid ama meel aadid, iyadoo la lugaynayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
socosho
de: walking, traveling; progress
initial: s
lx: socosho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: socosho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socsoco
(fal) dhaqdhaqaaq.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Soor-ta
nourriture.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sootali
-ga: (magac, lab, keli) xadhig dhumuc yar oo aha xadhakaha jawaanda laga sooho. Sootali ayaan soohay maanta. Dh: shootali.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Stomata
Dalool
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
suçoter
suçoter, v. - nuugid; nuujis; jiqis; jaqid
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
suocera
s.f. - soddoh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
volontà
s.f. - dadaal; himmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsocoto
m.dh Socoto reero u marti ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korsocoto
f. n. woman ~ people who arrive in a place but don't reside there for long
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsocoto
-da: (magac, dhedig, keli) dad aan meel aan loogu talagalin si kedis ah dusha ugaga yimaada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korsocoto
de: woman ~ people who arrive in a place but don't reside there for long
lx: korsocoto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: korsocoto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sholohtan
-ka: (magac, lab, keli) xarrago darteed, marada shuulaha joojin..
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Soconayya
marcher.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Socoobaan
(Socoobaan-ka)
Sacoobaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
socoobaan
m. n. dorado, ocean fish species