so'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
So'
(So'-da)
Hilibka intiisa jiirka ah ama cas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
so'
m.dh 1. Hilibka intiisa jiirka ah ama cad. 2. Cagaarka meel bannaan oo biyo ku fideen ku hara. 3. Meel ceelal badan oo isu dhow ku yaallaan. 4. Dhulka intay joogsadaan xoolaha ceelka ka cabbayaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
so'
-da: (magac, dhedig, keli) dooxada halka biyaha leh; meel biyo leh.
so' -da: (magac, dhedig, keli) dhulka intay joogsadaan xoolaha ceelka ka cabbayaa; dixda meesha ay xooluhu ku biyarogtaan kolka ay soo cabbaan.
so'-da: (magac, dhedig, keli) hilibka intiisa jiidhka ah ama cas. Ma so' baa ma saan baa, waxa hadhay bal suuree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
so'
cf: hilib
de: red meat
initial: s
lx: so'
pd: (/da)
ps: n0-f-mass
key: so'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadid
(Aadid-da)
Meel u socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalkol
* (Aalkol-ka)
Biyabbiyood aan midab lahayn, oo ur sillan, oo daarmi og, oo baabbi'i og, oo siyaalo badan loo soo saaro, waxna loogu qabsado, (ama aalkolo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ab
(Ab-ka)
Awooweyaashii hore oo laga soo jeedey; isir; wasiir; walcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaaraha
Goor aan la sugi karin, laakiin la soo dhoweynayo; ku dhowaad; meelahaas; qiyaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abraar
(Abraar-ka)
Soo bood; meel dad badan ama dhir badan xoog ku marid; jibaax; majiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarrey
(Afarrey-da)
1. Gabay yar, shanley.
2. (shax) afar iska soo horjeedda oo hogi u dhexayso, oo ka samaysan labo jare oo taagan (isku dhici kara).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarsuulle
(Afarsuulla-ha)
Muruq afar suul ama afar madax leh, siiba muruqa weyn oo ku yaal bowdada docdeeda kore, oo kolka uu isku soo rooro lugtu kala baxdo oo fidsanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afayn
(Afayn-ta)
Bir iyo wixii kaloo wax lagu gooyo, af u yeelid; soofayn; lisid; sibid; loolin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaysan
Af leh; soofaysan; lisan; looshan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afeef
(Afeef-ta)
Hadal, kolka la dooda hayo la hormarsado, oo waxyaalo la oran doono marmarsiinyo looga dhigo, ama waxyaalo laga baqa hayo sooqaadkood lagu gudbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Affur
(Affur-ka)
Cunnada la cuno kolka qorraxdu dhacdo bisha soonqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Affuran
Aan soommanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Affurid
(Affurid-da)
Soonka jebin; cunnada affurka cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgaab
(Afgaab-ka)
Cudur sida furuqa oogada nabarro biyo leh ka soo yaaciya; furuqbiyoole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afmeerid
(Afmeerid-da)
Wax wareegsan ama qaab kaleba leh, afkiisa ku soo wareegid, soo koobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afuufid
(Afuufid-da)
Neef afka ka soo deyn, oo meel ama wax ku toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyaal
(Afyaal-ka)
1. Madax; horfiiq.
2. Qofka dadka soo dhoweyntiisa u qaybsan.
3. Oodafo; dhacan.
4. Horgalka tusbaxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaagse
(Agaagsa-ha)
Qof wax badan helay (hilib; lacag, ...) wax yar oo uu u gooyo kii aan wax helin, ama laga qaado; xoolaha la soo dhaco, waxa laga baxsho; loog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aji
(Aji-ga)
1. Dhalad ah; gob; xor.
2. Soomaali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
o'
de: O [letter of the Somali alphabet]
lx: o'
pd: (-da)
ps: n-f
key: o'
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
so
/sow/ (adv) 1. aad (ilaa heer, ilaa xad) (adv) 2. sidaas (sidoo kale); xataa (conj) 3. sidaas-awgeed (sidaas-darteed).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
so
a., sida, sidaas, sidii, saa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Go'
(Go'-a)
1. Wax labo cad ama ka badan u kala go'ay midkood; cad: jeex; gabal; qaar.
2. Maro labo qeyd ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'
go'¹: m.l (-'yaal, m.l/dh) 1. Maro aan afka isaga tolnayn oo raggu xirto ama huwado. 2. Gabal; cad.
go'²: f.mg1 (-'ay, -'day) 1. Wax meel ka jarmid. 2. Dhimasho. 3. Wax wada jiray qaar, goonni uga soocmid. 4. U g.: niyadda wada siin. 5. Biyo iyo wixi lamida meel ka dhammmaansho. 5. Caano baqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
go'
go'¹: m.l (-'yaal, m.l/dh) 1. Maro aan afka isaga tolnayn oo raggu xirto ama huwado. 2. Gabal; cad.
go'²: f.mg1 (-'ay, -'day) 1. Wax meel ka jarmid. 2. Dhimasho. 3. Wax wada jiray qaar, goonni uga soocmid. 4. U g.: niyadda wada siin. 5. Biyo iyo wixi lamida meel ka dhammmaansho. 5. Caano baqid. m.f.dh, go'id.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
go'
-ay / day: (v) 1. become separated in two pieces: break off (bareek of), cut off (kat of). Ex: xarrigii wuu go'ay; the rope had broken off. 2. die (dhaay), pass away
go' -a: (n) sheet (shiit), a broad rectangular piece of cloth serving as a basic article of bedding or clothing ~ maro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'
(fal) naftu ha kaa baxdo. Dh: dhimo.
go': (fal) (kala ~) labo u kala jaran. Xadhigaa go' wallee hashanaan gaawe laga buuxin.
go'-a: (magac, lab, keli) maro la huwado oo ballaadhan marmarna xarrago loo qaato. Wiilka go' baan u sidaa gabadhana guntiino.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JO'
[JO] Cadaba baccarinii 01, Opilia campestris 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JO'
(Jo) C Opilia campestris Engl. Opiliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lo'
(Lo'-da)
Xoolaha dadku dhaqdo, jaadka ugu waxtar badan; waa calannaqsataa; waxay leedahay calool afar qol ah, geeso dhexda ka daloola iyo qoobab; qaarkeed tuur bay leedahay; waxa dadku ku qabo waxaa ka mid ah: hilib, harag, caano, subag, baacug, waxyaalo laysku daweeyo iyo waxyaalo kale oo aan la tirin karin (geeso, lafo, seedo, mergiyo, sayn, dhiig, uus, kd. oo midba waxtar gaar ah lee yahay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lo'
m.dh.u 1. Naasley caws ku nool ah oo xoolaha la dhaqdo ka mid ah, leh geeso, sayn dheer, raafaf iyo tuur, lana manaafacaadsado caanaheeda, hilibkeeda, haraggeeda iyo wixi lamida. 2. Koox xiddigo ah oo si xiriir ah isu daba yaal; saco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lo'
m.dh.u 1. Naasley caws ku nool ah oo xoolaha la dhaqdo ka mid ah, leh geeso, sayn dheer, raafaf iyo tuur, lana manaafacaadsado caanaheeda, hilibkeeda, haraggeeda iyo wixi lamida. 2. Koox xiddigo ah oo si xiriir ah isu daba yaal; saco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lo'
f. n., [collective] cattle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lo'
-da: (n) [plural of cow] cattle (kaatal), cows
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
LO'
(I) Bovino, generico;
(E) Cattle, generic
(S) Lo' (S. E. m.; Lo)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lo'
-da: (magacwadareed) xoolaha dadku dhaqdo jaadadkiisa kuwa ugu waxtarka badan jaad ka mid ah oo calanaqsata. Waxay leedahay calool afar qaybood ah, geeso dhexda ka daloola iyo qoobab. Lo'da qaarkeed tuur bay leedahay. Manaafacaadkeeda waxa ka mid ah: hilib, harag, caano, subag, waxyaabaad la isku daweeyo iyo waxyaalo kale oo badan. Nimankaan lo'daydii casayd laanta uga qaaday. Dh: giir.
lo'-da: (magac, dhedig, keli) xiddigo dhowr ah oo tobaneeyo ku dhaw. Lo'da urur ku mooraysa iyo cirirka maansheeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lo'
de: cattle
lx: lo'
pd: (-da)
ps: n0-f-col
xe: aad cow's milk
xv: dibi, sac
key: lo'
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
lo'
بقرة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sa'
(fal) aad u'carood, u xanaaq; is madaxmar oo si aad ah u cadhoo; si daran u xanaaq. Sulaymaan koolkii seefta loola baxay buu sa'ay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sa'
a: siin
de: S [letter of the Somali alphabet] Voiceless alveolar fricative
initial: s
lx: sa'
pd: (-da)
ps: n-f
key: sa'
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sob
/sob/ (v) baroorasho (oohin iyo qaylo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sob
n., (convulsive sigh) hiqlay, -ihi; v.i., hiqlay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
soc
soc, n.m. - saami; qayb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sol
f.g1 (solay, soshay) 1. Hilib iyadoo aan weel iyo biyo la isticmaalin dab ku bislayn. 2. Biyo ku harraad-belid. la-mid: sal³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sol
f.g1 (-olay, -oshay) 1. Hilib iyadoo aan weel iyo biyo la isticmaalin dab ku bislayn. 2. Biyo ku harraad-belid. m.f.dh, solid. la-mid: sal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sol
v. grill, toast, roast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sol
-ay / soshay: (v) roast (roost); broil (barooyl); grill (giriil); charcoal grill, barbecue ~ dub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sol
(fal) 'hilib, iyo wixii la mid ah' holaca dabka ku bislay, ku dub. Sol hilibka sakaarada.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sol
sol, n.m. - ciid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sol
de: grill, toast, roast
initial: s
lx: sol
pd: (solay)
ps: v1=tr
key: sol
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
son
/san/ (n) igaar (wiil aad dhasho)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
son
son, n.m. - dhawaaq; jabaq; sangadh;
son, adj. poss. - waxeeda; wixiisa; kiisa
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
son
n., ina, inan, -ki, wiil, -ki;
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soo
Erey tixaha hadalka ulajeeddooyin kala duwduwan u yeela (sida: soo soco; dayuurad soo raac; sida xaalkaagu yahay soo sheeg, ...) wuxuu ka soo horjeedaa sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soo
soo¹: fk.we la-mid: sow.
soo²: qr. fk 1. Qurub tilmaamaya in falku uu u jeedo dhinaca hadlaha ama yeelaha. Tusaale: “Soo gal! Hoosta u soo deg! Ii soo sheeg!”. 2. Qurub tilmaamaya in falku uu keenayo sii aadid iyo soo noqosho. Tusaale: “Cali soo eeg! Hilib baan soo iibsanayaa”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soo
qr.fk 1. Qurub tilmaamaya in falku uu u jeedo dhinaca hadlaha ama yeelaha. Tusaale: Soo gal! Hoosta u soo deg! Ii soo sheeg! 2. Qurub tilmaamaya in falku uu keenayo sii aadid iyo soo noqosho. Tusaale: Cali soo eeg Hilib baan soo iibsanayaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo
deictic, preposition: this way, here, back, hither, in this direction
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Soo
ici (exprime le rapprochement).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo
(preposition) in this direction or toward this direction. Ex: soo gal; come in
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soo
falkaabee la raaciyo falalka imaatinka tusinaya sida: 'Soo soco.' 'Dayuuradda soo raac.' 'Soo bood!' Li: sii.
soo: (ereydhawaaq) la adeegsado marka adhiga la hakinayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soo
de: this way, here, back, hither, in this direction
initial: s
lx: soo
nt: indicates movement towards the speaker or return after an action is performed; often no English equivalent; Opp: sii
ps: deic-prep
key: soo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
SOS
/es ow es/ (n) qayla-dhaan gargaar dalab ah ~ save our souls, oo la soo gaabiyay, badbaadi nafteena.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sot
sot, adj. - doqon; dabbaal; fikrad gaab ah; nacas; dammiin; qofka yara maskaxda adag; qofka sakhiifka ah
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sot
a., nacas ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sou
sou, n.m. - lacag ganbo ah; kuumi; 1/100 shillin
sans le sou - lacag la'aan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sow
Malaha; mindhaa; armaa; show.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sow
fk.we Armaa, billaa, malaha. Tusaale: “Sow sidaa ma aha? Sow taad tiri waan imaanaya? Sow iga tagee.” la-mid: saw, show, soo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sow
fk.we Armaa, billaa, malaha. Tusaale: Sow sidaa ma aha? Sowtaad tiri waan imaanaya? Sow iga tagee. la-mid: saw, show, soo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sow
class: perhaps, possibly, suppose that ..., what if ...?
sow [conjunction] but, on the contrary
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sow
/sow/ (v) 1. abuurid (siiba dhir ku beeridda dhulka) (n) 2. doofaarka dheddig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sow
(falkaabee) erey hubin ah, oo su'aal curiya. Sow maaha sidaa. Dh: malaha; mindhaa; armaa; show.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sow
v.tr., (scatter seed) iniinaha ku daadi or firdhi or ku firdhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
su'
m.dh 1. Erey lagu yiraahdo awrka marka la raraayo si uu araxda u toosiyo; samay; qayso. 2. Erey lagu yiraahdo awrka la dabrayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
su'
-da: (magac, dhedig, keli) erey lagu yidhaahdo awrka marka la raraayo si uu araxda u toosiyo; samay: qayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoo'
shoo'! (falkaabee) layaab iyo quudhsi muujinaya. Dh: ya'! wager! aga! dhega! now! ba'a! joo! Yaa!