ereyga

snuff

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

snuff

DHAN

n., (powdered tobacco) nashug, -gi, buri, -gi; snuff box, qasacad, -di; v.tr., (to draw in with the breath) urso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

scuff

DHAFAN

/skaf/ (v) 1. cagaha dhulka ku jiidid adigoo soconaya (si siniqsi ah u socosho) 2. xoqmidda iyo dhammaanshaha kabaha (siiba markii meel sidaas loogu socdo).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

sniff

DHAFAN

/snif/ (v) 1. sanka neef ku soo jiidid sida qof cabbursan) 2. ursasho (sanka la raacid).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

sniff

DHAFAN

v.tr. and v.i., sin cesho, sariqo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

stuff

DHAFAN

/staf/ (n) 1. walax (wax) (n) 2. alaabo (siiba alaab kala du-duwan) (v) 3. ku cufayn (ku cabbayn, aad wax uga buuxin).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

uri

DHAABAN

-yey -say uraya: (v) smell (ismeel); snuff (isnaaf); sniff (isniif) ~ urso

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

urso

DHAABAN

-ursadayursatay: (v) smell (ismeel); snuff (isnaaf); sniff (isniif) ~ uri

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

take

DHAABAN

v.tr., hoo, hay, hayso, qab, qabo, qaad, qaado, qabso; I took the cup at his hand, fujaanki gacantiisaan ka qaaday; take that malefactor, laayaanka qabso; they took the town, magaaladi qaatay; if I can take him, hadaan qaadan karo; take the meat out of the pot, cadka kasoo bixi distiga; take that physic, daawada qaado; it has taken root, xididay leedahay; take hold of that, waxaas qabso or xajiso; take a snuff, nashug urso; we took the longest way, dawgi ugu dheeraa baannu qabsannay or raacnay; take the shortest way, dawga ugu gaaban qabso; take care, heed, is garaw, foojigow, iska eeg, iska dhawr; take you no care of that, dan adigu ha u gelin; let your friends take part with you, u daa saaxiibyadaadu hakula wadaageenay; he took alarm at the noise, sanqadhii buu ku naxay; take a good resolution, tala aada qaado; I take you at your word, hadalkaagaan kuu daynayaa; take that word in good part, hadalkaa ha qoonsan; take him in a lie, been ku qabo; take in a bad deed, falniin xun ku qabo; take pity on him, u naxariiso; I took a great affection to him, jacayl wanaagsan baan u qabay; I shall take it as a great favour, sidii sado wanaagsan baan kaga aqbali; I will take that affair at my own peril, hawshaas sababtaydu ku qaadan doonaa; what course shall I take now? dawma aan qabsanayaa?; I take it to be the best way, sidii ugu wanaagsanayd baan u wadaa or u sidaa; he took offence at that, waxaasi cay u qaatay; take an account of the suit, arrintii war nooga keen; take my word for it, hadalkayga rumayso; take time, waqti qaado, dulqaado; take and keep, hoo oo qaado; take again, mar kale qaado; take back again, cesho; take him along with you, sii kaxayso; take that asunder, baydi; take away, meesha ka qaad, ninka ka kaxai or ka saar; take away his flock, adhigiisa kala tag; take that down, waxaas deji; take him down, iska hoosaysii, iska jooji; I shall take his pride down, amarkiisa waan jebin or basarin; I took him for another, nin kalaan mooday; take from, ka dufo, ka qabo, ka qaad, soo dufo; take of, la tag; take off the skin, haragga or duubka iska jar or goo; take off your hat, koofiyadda iska dhig; take him off from his work, shuqulkiisa ka saar; take out that tooth, iligga soo bixi or soo jiid; take to pieces, jeexjeex; take to, kaxay, soo kaxay; take up arms, hub qaata; that will take up a good deal of time, hawl badan baa igaga bixi doonta; take up the book, kitaabka qaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

snuffle

DHAFANDHAAF

v.i., (speak through the nose) sanqada ka hadal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

scruff

DHAFANDHAAF

/skraf/ (n) tunka (qadaadka hoostiisa).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

snuffler

DHAFANDHAAF

n., nin sanqo leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

cuff

DHAFANDHAAF

/kaf/ (n) 1. dhammaadka gacanta shaatiga, jaakad iwm (n) 2. saka-buundo (dhammaadka surweelka) (n) 3. dharbaaxo (n) 4. jeebbo (handcuffs, oo lasoo gaabiyey).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

huff

DHAFANDHAAF

/haf/ (n) caro, dhirif.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

huff

DHAFANDHAAF

v.i., (swell with anger) ciil u surun.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

puff

DHAFANDHAAF

/paf/ (v) 1. qiiq ama neef sii deyn 2. neef-tuurid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

puff

DHAFANDHAAF

v.tr., (blow) afuuf, buufi; (pant) v.i., hinraag.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

sauf

DHAFANDHAAF
1

sauf, adj. - khasnad; ammaan ah; ka dhowrsanaan khatarta; bad qaba; badbaadsan; nabad qaba

2

sauf, prép. - mooye; maahee

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

snub

DHAFANDHAAF

/snab/ (v) xumayn (xumaan ku falid, siiba xaqirid, caayid iwm).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

snug

DHAFANDHAAF

/snag/ (adj) 1. qandac ah oo raaxa leh (meel dugsoon oo diirran) 2. dhar le'eg (jin ku ah, maro qofka le'eg).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Suuf

DHAFANDHAAF
1

(Suuf-ka)

2

1. Dhogorta nafleyda qaarkeed.

3

2. Dharka dhogortaas laga sameeyo; dhogor.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

suuf

DHAFANDHAAF

m.l 1. Geedgaab ka mid ah dalagga lagu beero dhulalka kulul oo ubax cad iyo miro kulkulucsan oo marka ay bislaadaan dillaaca leh oo uu ka soo baxo walax cad oo dharka laga sameeyo. 2. Duf cad oo geedka suufku dhalo oo dharka laga sameeyo. 3. Dhogorta idaha iyo wixi lamida oo dharka iyo gogosha qaarkeed laga sameeyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

suuf

DHAFANDHAAF

m. n., (mass n.) (adj.): wool; cotton-wool; woolen

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

SUUF

DHAFANDHAAF
1

(Suf) All.Som. Gossypium sp. Malvaceae.

2

S Gossypium arboreum L. Malvaceae.

3

S Gossypium barbadense L. Malvaceae.

4

S Gossypium herbaceum L. Malvaceae.

5

C,S Ipomoea paolii Chiov. Convolvulaceae.

6

S, May, C Gossypium hirsutum L. Malvaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

suuf

DHAFANDHAAF

-ka: (n) 1. cotton (ko-tan); wool (wuul) 2. feminine sanitary pads used during the menstruation

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

suuf

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) dharka dhogorta laga sameeyo; dhogor.

2

suuf -ka: (magac, lab, keli) dhogorta nafleyda qaarkeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

suuf

DHAFANDHAAF
1

bw: Arabic

2

cf: dhogor

3

de: wool; cotton-wool; [atr.] woolen

4

initial: s

5

lx: suuf

6

pd: (-ka)

7

ps: n-m-mass

8

key: suuf

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Bluff

DHAFANDHAAF

Garbo -

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

bluff

DHAFANDHAAF

/balaf/bluffs, bluffing, bluffed;(v) 1. falaxgoodin (handadaad been ah ama hadal fulay bajin ah) (n) 2. handad iyo faataa-dhuglayn

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]

bluff

DHAFANDHAAF

/blaf/ (v) dhedheelow (wal qofky ing haayny isky weweelow). He was bluffing that he was a relative of the president.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

fluff

DHAFANDHAAF

/flaf/ (n) 1. duf, gas (v) 2. duf ka kicin (v) 3. gefid, khalad u samayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

gruff

DHAFANDHAAF

/graf/ (adj) hadal ama dabci qalafsan. e.g. She is a bit gruff, but really very kind.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

scoff

DHAFANDHAAF

/skoof/ (v) 1. ku jees-jeesid (xaqirid) 2. boobid (si dhakhsa ah oo cir-weyni ah wax u cunid).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

scoff

DHAFANDHAAF

(see mock).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

scurf

DHAFANDHAAF

n., (dry mealy scab) canbaar, -ti.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

shuuf

DHAFANDHAAF

f.g1 (-fay, -ftay) Wax ama qof ilaalin ama fiirin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

shuuf

DHAFANDHAAF

v. keep an eye on; hate (for no reason)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shuuf

DHAFANDHAAF

(fal) waa qof iyo wixii la mid ah sannif oo nac. Li: jeclaw

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

shuuf

DHAFANDHAAF
1

de: keep an eye on; [fig] hate (for no reason)

2

initial: s

3

lx: shuuf

4

pd: (shuufay)

5

ps: v1=tr

6

key: shuuf

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

staff

DHAFANDHAAF

/staaf/ (n) 1. shaqaale (shaqaale meel ka shaqeeya) (v) 2. shaqaalaysiin (shaqaale qorid) (n) 3. ul (siiba matoobada iwm oo dadku qaato).

waa la naqliyay ✓

Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]

Staff

DHAFANDHAAF

Qori cabbir

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

staff

DHAFANDHAAF

n., ul, -shi, qori, -gi; staff of a spear, samay, -di; staff of an arrow, gamuun, -ki, leeb, -ki; bended staves used for making a Somali hut, dhig, -ti, dhig dooxo, -adi, dhig lool ah, -ihi, kabal, -ki, kaballo, -adi, lool, -ki, law, -ti.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]

stiff

DHAFANDHAAF
1

(n) difficult to bend or stretch; rigid.

2

dhisaan

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

stiff

DHAFANDHAAF

/stif/ (adj) 1. adag (qalafsan, aan sahal loo qalloocin karin) (adj) 2. dhib-badan (aan sahlanayn) (adj) 3. ad-adag (hadal ama dabci aan dabacsanayn) (adj) 4. xoogan (adayg badan).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

stiff

DHAFANDHAAF

a., adag, qalafsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Suufi

DHAFANDHAAF
1

(Suufi-ga)

2

1. Qof danihiisa adduun illaawey ama aan dan u gelin oo cibaadada Ilaah keliya u go'ay.

3

2. Qof had iyo goor jidbeysan ama jidbo ka dhowdahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

suufi

DHAFANDHAAF

m.l (-iyo, m.dh) 1. Qof aan aqoon u lahayn diinta aadna u jecel. 2. Qof fudfudud oo waxyaabaha uu samaynayo aan ka fiirsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

suufi

DHAFANDHAAF

m.l (-iyo, m.dh) 1. Qof aan aqoon u lahayn diinta aadna u jecel. 2. Qof fudfudud oo waxyaabaha uu samaynayo aan ka fiirsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

Suufi

DHAFANDHAAF
1

m. n. Sufi mystic; adherent to one of the Sufi orders

2

Suufi name: Sufi

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

suufi

DHAFANDHAAF

m. n. (adj.): eccentric man; not very smart, not on the ball {slang}

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Suufi

DHAFANDHAAF

name-m Sufi mystic; adherent to one of the Sufi orders. Lit: one who belongs to Sufism

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

suufi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) qof, adduun iyo amuurihiisa aan dan u dangelin oo cibaadada Rabbi oo keliya u go'ay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

scruffy

DHAFANDHAAF

/skrafi/ (adj) dhusuq leh (tir-tir iyo wasakh leh).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

scuffle

DHAFANDHAAF

/skafal/ (n) dagaal (siiba dagaal is-qab qabsi ah).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

scuffle

DHAFANDHAAF

n., (for women) isku bood, -ki; (for men) dirir, -ti.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

shuffle

DHAFANDHAAF

/shafal/ (v) 1. baan-dhayn (shaan-dhaynta turubka iwm) 2. luudid (si tartiib ah oo caga jiid ah u socosho).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Shunuuf

DHAFANDHAAF
1

(Shunuuf-ta)

2

(badanaa koox ahaan: shunuufo) suuqadda dumarku xarragada iyo quruxda u qaato, waxyaalaha laga lullulo oo lagu bilo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

shunuuf

DHAFANDHAAF

m.dh (-fo, m.l) Suuqadda dumarku quruxda u qaato waxyaalaha laga lulo oo lagu qurxiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

shunuuf

DHAFANDHAAF

f. n. necklace with a group of pendants

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shunuuf

DHAFANDHAAF

-ta: (magacwadareed) suuqadda dumarku xarragada iyo quruxda u qaato, waxyaalaha laga lullulo oo lagu bilo; biro yaryar oo sida shucubka oo dharka lagu qurxiyo oo marka la dhaqaaqo sanqadh bixiya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

shunuuf

DHAFANDHAAF
1

de: necklace with a group of pendants

2

initial: s

3

lx: shunuuf

4

pd: (-ta)

5

ps: n1-f

6

key: shunuuf

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

sniffle

DHAFANDHAAF

/snifal/ (v) fiifsi is-dabajoog ah (fiq-fiqlayn, sida hargabka ama oohinta qaarkeed).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

souffle

DHAFANDHAAF

souffle, n.m. - neef; dabayl

waa la naqliyay ✓