smarrirsi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
smarrirsi
v.rifl. - lumid, habaabid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
smarrire
v.tr. - lumin, habaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marris
-ka: (magac, lab, keli) waddada xerada xoolaha gasha. Dh: hilin.
marris -ka: (magac, lab, keli) eeg maris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrinsi
m.l la-mid: arrinsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arrinsi
vl. n. consultation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arrinsi
-ga: (n) counseling; the act of giving or taking of advice; consultation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrinsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg arrinsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arrinsi
de: consultation
lx: arrinsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: arrinsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samirsi
(fal) cid kale ku waani samir, ku waani adkaysi iyo in uu is ka illaawo wixii dhib ah ee soo maray. Dh: illowsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg marmarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maroorsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirriqsi
(Mirriqsi-ga)
Neef xoolo ah, mirrijin ku maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirriqsi
m.l la-mid: mirriqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirriqsi
-ga: (magac, lab, keli) xooxsad oo candho caano yar ka dhiijisasho. Mirriqsiga saca ka daa wuu gudhaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriiji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax sharafta iyo haybadda ku xun qof ku qasbid. 2. Wax dhogorta ka murxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriiji
(fal) dhogorta ama wax kale ka murxi; ka diir.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
esaurirsi
v.rifl. - dhammaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharribmid
m.f.dh eeg sharriban¹. la-mid: shirrabmid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
slanciarsi
v.rifl. - xoog isu tuurid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
stabilirsi
v.rifl. - degid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
impadronirsi
v.rifl. - hantiyid, hanasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajirsi
-ga: (magac, lab, keli) «ka cid kale, dar Alle wax u sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrimi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka a.: arrin, talo ka dhiibid. 2. U. a.: cid u talin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arrimi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka a.: arrin, talo ka dhiibid. 2. U. a.: cid u talin.D1534. m.f.dh, arrimin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arrimi
v. make a decision about, look after, come up with an idea, counsel, lead
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arrimi
-yey I say: (v) make an advice or guidance; counsel (kown sel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrimi
(fal) talo keen; guddoomi. Arrimi adiguu shacbigu kii idmaday hawle. Dh: tali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arrimi
de: make a decision about, look after, come up with an idea, counsel, lead rw: arrin
lx: arrimi
pd: (arrimiyey)
ps: v1=
key: arrimi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arursi
-ga: (magac, lab, keli) wax kala baahsanaa, meel ku urusad. Dh: urursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carris
m.l Dhul geednagaar leh oo u dhexeeya buur iyo bannaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carris
m.l Dhul geednagaar leh oo u dhexeeya buur iyo bannaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarii
-ga: (magac, lab, keli) qayb ka mid ah ciidammada nabadgelyada ee dalalka faransiska ku hadlaa ay leeyihiin oo dalka Jabuutina ka jira. Mid hadduu la tego baasaboor xerada maariiga. Dh: jandarmaarii, jaandaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaris
m.l la-mid: maadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maaris
bisha saddexaad ee taariikhda miilaadiga. Dh: maarso, maaj.
Maaris: mid ka mid ah meerayaasha hawada sare oo aad u fog. Cirbixiyeennadu waxay biyo ka raadshaan meeraha maaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarsi
(Maarsi-ga)
Maarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maarsi
vl. n. doing without
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maarsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maarsi
a: maarsasho (/da) [vn-f]
de: doing without
lx: maarsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: maarsi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marais
marais, n.m. - meel biyo fadhiistaan; dhiiqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
margis
m.l la-mid: merjin.

marjis
m.l la-mid: merjin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MARJIS
(Marjis) S Premna resinosa Schauer. Verbenaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
markii
xi. eeg mar³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
markii
conj. when
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
markii
(conj.) at the time that; when (ween)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
markii
(xidhiidhiye) erey laba weedhood oo tegey isku xidha oo inta badan gala weedha bilawgeeda. Markii uu dembiga qirtay ayaa la xidhay. Dh: kolkii, xilligii, goortii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
markii
de: when Lit: the time
lx: markii
ps: conj
xe: When I was dining, my friend came in.
xv: Markii aan casheynayay, saaxiibkay baa soo galay.
key: markii
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
markii
عِنْدَمَا
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
markis
m.l la-mid: markin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqis
m.l la-mid: marqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marras
(Marras-ta)
Maato; hoomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marras
m.dh.u Dadka intiisa jilicsan sida carruurta, odayada iyo masaakiinta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marras
m.dh.u Dadka intiisa jilicsan sida carruurta, odayada iyo masaakiinta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marras
f. n., [collective] dependents in a community (children, old people, the poor)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marras
-ka: (magac, lab, keli) dubbe qori ah oo lagu tumo dhikilaha neefka lab ee la dhufaanayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marras
de: dependents in a community (children, old people, the poor)
lx: marras
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: marras
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Marrin
Exit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marrin
-ka: (magac, lab, keli) jid bannaan oo la maro. Dh: waddo, dhabbe, daw, jid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Cid arrin si khasab ah ku oggoleysiin. 2. Wax kale dul marin (wax). 3. Wax meel ku dul socodsiin. 4. Arrin cid kale ogaysiin (gob). 5. Arrin, warqad iyo wixi lamida meel geyn si ay meeshaasi u sii gudbiso (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Cid arrin si khasab ah ku oggoleysiin. 2. Wax kale dul marin (wax). 3. Wax meel ku dul socodsiin. 4. Arrin cid kale ogaysiin (gob). 5. Arrin, warqad iyo wixi lamida meel geyn si ay meeshaasi u sii gudbiso (qof). m.f.dh, marsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marsii
ditransitive v. make someone pass something; let pass
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marsii
-yey / say: (v) make pass, cause to across or pass through
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsii
(fal) cadar iyo wixii la mid ah ugu shub oo u mari. Cadarkaaga ii marsii.
marsii: (fal) wax socodsii oo meel la og yahay sii mari. Dh: mari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marsii
de: make s.o. pass s.t.; let pass
lx: marsii
pd: (marsiiyey)
ps: v2a=ditr
key: marsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marxis
(Marxis-ka)
Marxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marxis
m.l la-mid: marxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg marxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirsi
m.l 1. Quursi. 2. la-mid: miyirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miriri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax mirir u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miriri
v. rust, oxodize, cause something to become rusted ~ oxidized
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miriri
de: rust, oxodize, cause s.t. to become rusted ~ oxidized
lx: miriri
pd: (miririyey)
ps: v2a=tr
key: miriri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrir
qarrir¹: m.l Dillaac uu yeesho derbi, weel, dhul iyo wixi lamida. la-mid: qarrer¹, qarririd.
qarrir²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f. g) Wax qiimahooda, wakhtigooda, tiradooda iyo wixi lamida xaddidid. 2. (f.mg) la-mid: qarrer. Dhul, dhar iyo wixi lamida dillaacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarrir
f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Wax qiimahooda, wakhtigooda, tiradooda iyo wixi lamida xaddidid. 2. (f.mg) la-mid: qarrer. Dhul, dhar iyo wixi lamida dillaacid. m.f.dh, qarririd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarrir
v. decide on, determine, fix; earmark, set aside
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarrir
-ay / tay: (v) limit (limit)-, specify (espee-sifaay)-, fix (fiksi) ~ xaddid, qarrar. Ex: maalintii 20 shilin oo mushaar ah baa loo qarriray; his wage has been fixed at 20 shillings per day
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrir
(fal) wax qiimahiisa, wakhtigiisa, tiradiisa, xaddid.
qarrir -ka: (magac, lab, keli) dillaac uu yeesho derbi, weel, dhul ama wax kale. Dh: qarrer, qarririd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarrir
de: decide on, determine, fix; earmark, set aside
lx: qarrir
pd: (qarriray)
ps: v1=tr
key: qarrir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samris
-ka: (magac, lab, keli) wax qof ku samro u samee ama sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sariir
(Sariir-ta)
1. Saabaanka guriga mid ka mid ah oo lagu kor seexdo inta joodari iyo barkimooyin la saaro.
2. Salka weelka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sariir
m.dh (-ro, m.l) 1. Saabaanka guriga mid ka mid ah oo lagu korseexdo inta joodari iyo barkimooyin la saaro. 2. Salka weelka. 3. Saliid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sariir
m.dh (-ro, m.l) 1. Saabaanka guriga mid ka mid ah oo lagu korseexdo inta joodari iyo barkimooyin la saaro. 2. Salka weelka. 3. Saliid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sariir
Serir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sariir
f. n. bed
sariir [feminine] n. bottom of a vessel
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sariir
name-m bed; very patient one
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sariir
-ta: (n) bed (beedh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariir
-ta: (magac, dhedig, keli) meel la dhisay o sare loo qaaday oo beerta shimbirta lagaga celiye iyo wixii kale ee galayaba.
sariir-ta: (magac, dhedig, keli) saabaanka aqalka jaad ka mid ah oo ka samaysan bir ama gori oleh guro la saaro joodari ama furaash, lagu seexdo Ku seexo sariirta. Wa: sariiro.
sariir-ta: (magac, dhedig, keli) salka weelka: daar.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sariir
سرير
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarrif
(Sarrif-ka)
1. Lacag waaweyn oo isku taal oo tu jajab ah ama cadadi, oo la qiime ah, loo rogo, loo beddelo.
2. Sarraafad siin; masruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarrif
sarrif¹: m.l 1. Lacag jajab ah oo qiimaheedu santiyaal yahay. 2. la-mid: sarrifid.
sarrif²: f.g1 (-fay, -ftay) Lacag isku taal googo' u dhigma u beddelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarrif
sarrif¹: m.l 1. Lacag jajab ah oo qiimaheedu santiyaal yahay.
sarrif²: f.g1 (-fay, -ftay) Lacag isku taal googo' u dhigma u beddelid. m.f.dh, sarrifid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarrif
m. n. exchange (of money); small change
sarrif v. give change, change (money)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarrif
-ka: (n) change (jeenji)-, coins (kooynis); exchange (ikis-janji)
sarrif -ay / tay: (v) change money. Ex: boqol Shillin ma ii sarrifi kartaa? can you change 100 Shillings for me?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarrif
(fal) lacag isku taalla' yaryaree; jarjar.
sarrif -ka: (magac, lab, keli) lacag, lacag kale, ku bedalashada.
sarrif -ka: (magac, lab, keli) lacag waaweyn oo isku taal oo la yaryareeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharsi
-ga: (magac, lab, keli) qof, arrin, iyo wixii la mid ah, shar ka dhigad; sharaysad; sharsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siriri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid suuxin. 2. Cid ceejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siriri
v. strangle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siriri
(fal) ceeji, cunaha qabo oo ha sii deyn, tan iyo intuu ka miyirbeelayo. Cunaha qabo oo siriri haddii aad ka ammaan waydo.