siyaadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaadid
(Siyaadid-da)
Siyaado ku darmid; kordhid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadid
m.f.dh eeg siyaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaadid
-da: (magac, dhedig, keli) siyaado ku darmid; soo kordhid; soo badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax xaddigooda kordhin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax xaddigooda kordhin. m.f.dh, siyaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siyaadi
v. add to, augment, increase
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siyaadi
-yey / say: (v) make greater or larger; increase (in-kiriis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaadi
(fal) dheeraad ku dhar; kordhi; badi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siyaadi
de: add to, augment, increase
initial: s
lx: siyaadi
pd: (siyaadiyey)
ps: v2a=tr
key: siyaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siraadid
(Siraadid-da)
Siraad daarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadid
m.f.dh eeg siraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadid
-da: (magac, dhedig, keli) siraad daarid, shidid, shidid ama noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaadin
(Siyaadin-ta)
Siyaado u yeelid; wax dheeri ah ku darid; kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadin
m.f.dh eeg siyaadi. la-mid: siyaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) dheeraad ku darid; badin; wax dheeri ah ku biirin; kordhin badin; siyaadis. Dh: kordhin. Li: dhimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadis
m.l la-mid: siyaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaadis
-ka: (magac, lab, keli) siyaadin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
escalate
/eskaleyt/ (v) deg-deg u kordhid, si dhakhso ah u siyaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaligaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) qaali noqosho: qiimihii caadiga ahaa ka siyaadid. Dalabka badani qaaligaroobidda qayb ayuu ka yahay: Dh: qaaliyoobid, qaaligaraw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaliyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qaali noqosho: qiimihii caadiga ahaa ka siyaadid. Dalabka badani qaaliyoobidda qayb ayuu ka yahay: Dh: qaaligaroobid, qaaligaraw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miryaadid
(Miryaadid-da)
Wax miryaadaya noqosho; harjadid; werfid; haarid; (ama maryaadid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miryaadid
m.dh la-mid: maryaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miryaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax miryaadaya oo xanuun la waalan noqosho. Dh: werfid, harjedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhici doona astaamahooga ka sii sheegid; mala'awaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaad
f.mg1 (siyaaday, siyaadday) Wax xaddigooda kordhid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaad
f.mg1 (-day, -dday) Wax xaddigooda kordhid. m.f.dh, siyaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Siyaad
name: Siad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siyaad
v. increase, be added to, have a surplus, get overfull
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Siyaad
name-m extra, addition, increase, surplus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siyaad
-ay / siyaadday: (v) become greater or larger; increase (in-kiri-is)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaad
(fal) siyaado noqo; bado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idaadid
m.f.dh eeg idaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaado
(Siyaada-da)
Dheeri; buro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaado
m.dh Inta ku kororta wax xaddi-gooda hore loo ogaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaado
m.dh Inta ku kororta wax xaddigooda hore loo ogaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siyaado
f. n. addition, increase, surplus, extra
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siyaado
-siyaadada: (n) surplus (ser-palas); extra (ikistara); supernumerary ~ dheeri, buro ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaado
-da: (magac, dhedig, keli) in intii loogu talo galay ku dheeraada. Siyaado ayaa ku raacdee iska soo celi. Dh: buro, dheeri, dheeraad, saayid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siyaado
de: addition, increase, surplus, extra
initial: s
lx: siyaado
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: buro
key: siyaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaasi
(Siyaasi-ga)
Ku siyaasada aad u yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaasi
m.l (-iin, m.dh) 1. Qof cilmiga siyaasadda yaqaan kuna shaqeeya. 2. Qof si xirfad leh arrimaha u maareeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaasi
m.l (-iin, m.dh) 1. Qof cilmiga siyaasadda yaqaan kuna shaqeeya. 2. Qof si xirfad leh arrimaha u maareeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siyaasi
m. n. politician
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siyaasi
-ga: (n) politician (polatis-han); diplomat (diplomaat)
xisbi siyaasi ah: (n) political party
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaasi
-ga: (magac, lab, keli) qofka maammulka bulshada yaqaanna; qofka siyaasada ku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siyaasi
bw: Arabic
de: politician
initial: s
lx: siyaasi
pd: (-ga Pl: siyaasiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: siyaasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidaadid
-da: (magac, dhedig, keli) weel la culay, madawgii ku hadhay iyo huubihii culayga, ka masaxid oo wixii uu ku reebay ka sifayn. Dh: catirid.
cidaadid -da: (magac, dhedig, keli) meel yar oo daloosha, walax kale ku cadaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cinaadid
(Cinaadid-da)
Cinaad ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinaadid
m.f.dh eeg cinaad². la-mid: canaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cinaadid
-da: (magac, dhedig, keli) amardiiddo samayn; madax'adaygid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarid
m.dh la-mid: cayaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka qaybgelid. Dh: dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaamid
m.dh la-mid: dayaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawaaq weyn oo ka daba shanqadha bixin. Diyaamidda hubka meel dheer baa laga maqlaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gidaadid
(Gidaadid-da)
(xoolo, kd.) Gedaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidaadid
m.dh la-mid: gadoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyaadid
m.f.dh eeg hoyaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibaadid
(Jibaadid-da)
Xoog u reemid; aad u taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaadid
m.f.dh eeg jibaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaadid
-da: (magac, dhedig, keli) taahid oo xanuun ama ciil la reemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihaadid
m.dh la-mid: jahaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jihaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal jihaad ah oo sharciga ku dhisan qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaadid
-da: (magac, dhedig, keli) geeddi dheer guurid. Socdaal qayaadid ah ayaan Yugaandha ku tegney. Dh: hayaamid, guurid, qayaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiyaasid
(Qiyaasid-da)
Qiyaasta wax lee yihiin sheegid, cabbirid; malayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiyaasid
m.f.dh eeg qiyaas³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiyaasid
-da: (magac, dhedig, keli) inta uu noqon karo maanka ka cabbirid oo qaddar aan la hubin u malayn. Dh: malayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riyaaqid
(Riyaaqid-da)
Farxid; rayrrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riyaaqid
m.f.dh eeg riyaaq². la-mid: riyaaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) (u ~) farxad muujin. Dh: farxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riyaaxid
(Riyaaxid-da)
Riyaax ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riyaaxid
m.f.dh eeg riyaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun rigaax ah yeelasho. Dh: rigaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraadid
(Saraadid-da)
Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadid
m.f.dh eeg saraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraadid
-da: (magac, dhedig, keli) ka sii sheeg wax inta uuna dhicin, wax dhici doona timaadda sii sheeg. Dh: saadid, saadis, saadaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibaagid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iyo wixii la mid ah sibaaq marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sitaacid
m.f.dh la-mid: sitaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sitaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qol isku furan, iyo wixii la mid ah, shay lagu kala qaybiyo oo lagu kala gooyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siyaad_1
de: increase, be added to, have a surplus, get overfull
hm: 1
initial: s
lx: siyaad
pd: (siyaaday)
ps: v1=intr
key: siyaad_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Siyaad_2
de: Siad
hm: 2
initial: s
lx: Siyaad
ps: name-m
key: Siyaad_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax kordhisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax kordhisasho. m.f.dh, siyaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaarad
-ka: (magac, lab, keli) siyaarasho.
siyaarad -ka: (magac, lab, keli) xus u samayn; siyaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaasad
(Siyaasad-da)
Siyaaso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaasad
m.dh (-do, m.l) 1. Hab maamul dawladeed oo lagu wado waddan gudihiisa ama dibaddiisa. 2. Laan cilmiga bulshada ka mid ah oo lagu barto hab maamulka dawladeed. 3. Basar; dhagar. la-mid: siyaaso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaasad
m.dh (-do, m.l) 1. Hab maamul dawladeed oo lagu wado waddan gudihiisa ama dibaddiisa. 2. Laan cilmiga bulshada ka mid ah oo lagu barto hab maamulka dawladeed. 3. Basar; dhagar. la-mid: siyaaso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siyaasad
f. n.; [abs.]: policy; politics
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siyaasad
-da: (n) politics (poli-tikis); policy (polasi) ~ siyaaso
cilmiga siyaasadda: (n) political science
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaasad
-da: (magac, dhedig, keli) cilmiga, farsamada iyo tabaha loo maammulo danaha iyo arrimaha dadka, dalka, iyo dhaqaalahoodaba. Dh: siyaaso, xirrib, xeelad, dhagar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siyaasad
bw: Arabic
de: policy; [abs] politics
initial: s
lx: siyaasad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: siyaasad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
siyaasad
سياسة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiyaaqid
m.f.dh eeg tiyaaq². la-mid: tiyaaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiyaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) si gargaar iyo gurmad loo helo, qaylyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayaadid
(Xayaadid-da)
Hees ka luuqin, ku qaadid, ku dhawaaqid; madiixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayaadid
m.f.dh eeg xayaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayaadid
-da: (magac, dhedig, keli) hees ku luuqayn oo ku dhawaaqid. Dh: qaadid, madiixid.
xayaadid -da: (magac, dhedig, keli) iska raaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyaddiid
(Biyaddiid-ka)
Xoolaha (neef ama ka badan) oo sababo gaar ah dartood diida inay biyaha cabbaan; balaf.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyaddiid
biyaddiid¹: m.l (-dyo, m.dh) Neef aan biyaha cabbin marka uu wax qoonsado.
biyaddiid²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Biyo cabi waayid wax uu qoonsaday awgeed (neef). 2. Ka b.: maamul sida loo fulinaayo saluugid. m.f.dh, biyaddiidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyaddiid
vl. n., [compound] refusing water; animal that refuses water
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyaddiid
bw: sp: biyadiid
cf: balaf
de: refusing water; animal that refuses water
lx: biyaddiid
pd: (-ka)
ps: vn-m-cmp
key: biyaddiid