sixramid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixramid
-da: (magac, dhedig, keli) mid uu sixir qabtay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falmid
-da: (magac, dhedig, keli) isdacarbixin ama isdacarfaalid. Falmidda iska jooji.
falmid-da: (magac, dhedig, keli) sixramid ama qof sixran noqosho. Dh: sixramid, falan, falow.
falmid -da: (magac, dhedig, keli) wax ku mormid; wax dood iyo muran ku salaysan garran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirmid
m.f.dh eeg siran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid la siray ahaan. Dh: khatalmid, dagmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sixrid
(Sixrid-da)
Sixir ku samayn; falfalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixrid
m.f.dh eeg sixir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixrid
-da: (magac, dhedig, keli) sixir ku samayn. Dh: falfalid, raadqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirrabmid
m.dh la-mid: sharribmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirrabmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax shirraban noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirsamid
(Biirsamid-da)
Wax aayar aayar layska dabaggeeyey oo ururay oo batay noqosho; kordhid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirsamid
m.f.dh eeg biirsan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biirsamid
vl. n. act of increasing, intensifying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirsamid
-da: (magac, dhedig, keli) qunyar u sii kordhid, aayar aayar sii biirid. Biirsamid malaha ganacsigu sannadka. Dh: kordhid, badasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biirsamid
de: act of increasing, intensifying
lx: biirsamid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: biirsamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itixaamid
m.dh la-mid: imtixaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirrabmid
m.f.dh eeg jirraban¹. la-mid: shirrab-mid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirrabmid
-da: (magac, dhedig, keli) kadeed iyo dhib marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharqamid
(Sharqamid-da)
Shanqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqamid
m.dh la-mid: sanqarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharqamid
-da: (magac, dhedig, keli) sanqadh samayn. Dh: sanqadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shinrimid
m.f.dh eeg shinrin². la-mid: shinrin¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinrimid
-da: (magac, dhedig, keli) rimayqaadista neef xoola ah oo xilligii ku habboonaa rimay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirrabid
m.dh la-mid: sharribid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirrabid
-da: (magac, dhedig, keli) hab loo eego inta uu neefka irmaani caano leeyahay; waxa la gaaggixiyaa dhawr jeer oo lala sugaa kol lisidda loo wada goobjoog yahay. Dh: shirrabaad.
shirrabid-da: (magac, dhedig, keli) wax cusub oo hor leh tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shixnadid
m.f.dh eeg shixnad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shixnadid
-da: (magac, dhedig, keli) shixnad saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirgaxmid
m.f.dh eeg sirgaxan¹. la-mid: sirga-camid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tixraacid
m.f.dh eeg tixraac². la-mid: tixraac¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tixraacid
-da: (n) the act of refering to; quoting (ku-wooting)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tixraacid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore loo yidhi ama loo qoray, dabaggelid. Dh: tixraacis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Simid
(Simid-da)
1. Wax siman ka dhigid.
2. Qiimayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
simid
m.f.dh eeg sin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
simid
vl. n. equalization, making something equal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
simid
-da: (n) 1. alignment (a-laayn-ment)-, equalization 2. levelling; smoothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simid
-da: (magac, dhedig, keli) isku sar goyn; wax siman ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
simid
de: equalization, making s.t. equal
initial: s
lx: simid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: simid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sirid
(Sirid-da)
Dhagrid; khatalid; dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirid
m.f.dh eeg sir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirid
-da: (magac, dhedig, keli) khiyaamayn; khatalid; dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixad
m.l la-mid: saxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixad
-ka: (magac, lab, keli) cunaha oo waxyari kuu galaan oo aad ku qufacdaa; wax ad hunguriga. marinayso ku saxasho oo ku quficid. Dh: saxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sixid
(Sixid-da)
Wax saxan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixid
m.dh la-mid: saxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sixid
vl. n. correction; correcting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixid
-da: (n) the act correcting; correction (korek-shin); amendment ~ saxitaan, sixitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saxan ka dhigid; ka eegid in siidii ladoonayey ay tahay oo toosin. Dh: toosin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sixid
a: saxniin
de: correction; correcting
initial: s
lx: sixid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: sixid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sixid
تصحيح
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siimid
m.f.dh eeg siin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinmid
(Sinmid-da)
Wax siman noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinmid
m.f.dh eeg siman¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinmid
-da: (magac, dhedig, keli) caddaalad ku dhiqid; kala soo dhoweysi la'aan.
sinmid-da: (magac, dhedig, keli) isku sargoyn; isle'ekaysiin; simis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siraad
(Siraad-ka)
1. Weel gudaha gaaska shidma ama dufan kale oo la mid ah loogu shubo oo liifad leh, oo habeenkii la daarto; masrad; if; ilays.
2. (jidka Siraadka) jidka naarta kor mara oo aakhiro dadku wada qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraad
siraad¹: m.l 1. la-mid: siraaji. Weel gaaska shidma ama dufan kale lagu shubo liifadna leh oo habeenkii la daarto; faynuus. 2. Waddo cadaabta kor marta oo aakhiro dadku wada maro. 3. Iftiin.
siraad²: f.g1 (-day, -dday) Wax iftiin kee-naya shidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siraad
siraad¹: m.l 1. la-mid: siraaji. Weel gaaska shidma ama dufan kale lagu shubo liifadna leh oo habeenkii la daarto; faynuus. 2. Waddo cadaabta kor marta oo aakhiro dadku wada maro. 3. Iftiin.
siraad²: f.g1 (-day, -dday) Wax iftiin keenaya shidid. m.f.dh, siraadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Siraad
pr. n., [feminine] Sirad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siraad
n. lamp; light, glow
siraad v. light (up a lamp), illuminate
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Siraad
name- unisex lamp, light; glow, illuminate; light on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siraad
-ka: (n) light (leeyi) ~ iftiin
siraad -ay: (v) light (leeyt); ignite (ig-naayt); kindle (kin-dhel) ~ dhaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Siraad
magac loo baxsho gabadh lagu tilmaamay in ay reerka iftiin u tahay ama ay qurux darteed la ifayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraad
(fal) faynuus, nal, iyo wixii la mid ah oo hore u densanaa, daar; shid.
siraad -ka: (magac, lab, keli) iftiin muuqda. Dh: laydh. Li: madow.
siraad -ka: (magac, lab, keli) jidka naarta kor mara oo aakhiro dadku wada mari doono.
siraad -ka: (magac, lab, keli) weel gudaha gaaska shidma ama dufan kale oo la mid ah loogu shubo oo liifad leh oo habeenkii la daarto. Dh: nasrad, if, ilays, faynuus, tiriig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirqid
m.f.dh eeg siriq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sixran
La sixray; falan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixran
f.mg4 (sixranaa, sixranayd) Wax la sixray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sixran
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la sixray ahaansho. m.f.dh, sixranaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sixran
der. [adjective] bewitched
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixran
-aa / ayd: (adj) bewitched (bi-wijidh); enchanted (en-jaantidh); hypnotized (hip-nitaaysidh); under a spell, under a charm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixran
(tilmaame) la sixray; wax loo qabtay; la baabay; la raadqaaday; falan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sixran
de: bewitched
initial: s
lx: sixran
pd: (sixranaa)
ps: adj-der
key: sixran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surmid
-da: (magac, dhedig, keli) mandheer isku martay darteed, soo bixiwaayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax tiran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tixmid
m.dh la-mid: taxmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tixmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku dabajira noqosho; taxmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirmid
(Xirmid-da)
Wax xirmay ama xiran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirmid
m.f.dh eeg xiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xirmay noqosho. Albaabka xirmidda ka ilali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alxamid
m.f.dh eeg alxan². la-mid: alxan¹ (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alxamid
-da: (n) welding (welding); soldering (soodering); brazing (bareyzing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alxamid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dhalaalinta biraha iyada oo la adeegsanayo kulayl xoog weyn. Dh: laxaamadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arxamid
(Arxamid-da)
Jimic u gelid; u turid; u naxariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arxamid
m.f.dh eeg arxan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arxamid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, jimic u gelid; u tudhid oo u naxariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirmid
(Diirmid-da)
Diirku ka murxid ama ka dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirmid
m.f.dh eeg dįiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirmid
-da: (magac, dhedig, keli) iskii, diirku uga qaadmid. Dh: diirmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miirmid
(Miirmid-da)
Wax miiran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirmid
m.f.dh eeg miiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirmid
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoon cidi taaban kala saafiyoobid oo kala soocmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitamid
m.f.dh eeg mitan². la-mid: miltan¹, miltamid, mitan¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Pyramid
Ahraam
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Pyramid
Gunbur
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pyramid
/piramidh/ (n) 1. ahraamta (dhismaha qadiimiga ah ee Masar) 2. shaxan xagal kor u fiiqan iyo saddex xaglood oo hoose leh (shaxan u eg ahraamta).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibmid
(Siibmid-da)
Soo bixid; ruqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibmid
m.f.dh eeg siiban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibmid
-da: (magac, dhedig, keli) soo bixid; ruqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax siman noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siririd
m.f.dh eeg sirir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siririd
-da: (magac, dhedig, keli) cunaha oo lays qabtay dartiis, la miyirbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siximad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sixiimad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacramid
m.f.dh eeg bacran¹.