sixid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sixid
(Sixid-da)
Wax saxan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixid
m.dh la-mid: saxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sixid
vl. n. correction; correcting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixid
-da: (n) the act correcting; correction (korek-shin); amendment ~ saxitaan, sixitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saxan ka dhigid; ka eegid in siidii ladoonayey ay tahay oo toosin. Dh: toosin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sixid
a: saxniin
de: correction; correcting
initial: s
lx: sixid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: sixid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sixid
تصحيح
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shixid
(Shixid-da)
Shax cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shixid
m.dh la-mid: shaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shixid
-da: (magac, dhedig, keli) qoryo dhaadheer si is garabyaal ah u dhigid. Dh: shaxid, shixis.
shixid -da: (magac, dhedig, keli) shax ciyaarid. Ragga badhkii shixidda sharad bay ku kala qaataan. Dh: shixis, shaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sixrid
(Sixrid-da)
Sixir ku samayn; falfalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixrid
m.f.dh eeg sixir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixrid
-da: (magac, dhedig, keli) sixir ku samayn. Dh: falfalid, raadqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bixid
(Bixid-da)
1. Meel (gudo, dhex...) ka tegid.
2. (ganacsi) gadmid, iibsamid; dhalid.
3. (xoolo) dhimasho.
4. Caloolbixid, shubmid, falmid, dooxmid.
5. (dhir, time, dab, qaylo, ...) soo dheeraan; korid. 6. Muuqasho; arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bixid
m.f.dh eeg bax.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
bixid
to trip
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bixid
vl. n. going, departing; act of withdrawing; exit
bixid vl. n. rising; shoots (of grain); shooting up out of the ground (plants)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bixid
-da: (n) the act of leaving; departure (di baarjar) ~ bixitaan
bixid -da: (n) the act of growing [for example, a plant] ~ baxid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bixid
-da: (magac, dhedig, keli) meel guda ah ama aad ku dhex jirtey ka tegiddeed. Dh: bixis.
bixid-da: (magac, dhedig, keli) samaysanka iyo ururitaanka subagga ciir la lulayo. Dh: bixis.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bixid
مُغَادَرَة، ذَهَابِ، خُرُوجٍ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fixid
-da: (magac, dhedig, keli) caymadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nixid
(Nixid-da)
Naxdin iska garasho, dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nixid
m.f.dh eeg nax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nixid
-da: (magac, dhedig, keli) sasid oo cabsi dareemid.
nixid-da: (magac, dhedig, keli) naxariis iyo raxmad cid loo hayo dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qixid
m.f.dh eeg qax². la-mid: qaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxid
m.f.dh eeg sax². la-mid: saxniin, sixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxid
-da: (magac, dhedig, keli) 'su'aal iyo wixii la mid ah, siday ahayd u sheegid, u qorid; sugid.
saxid-da: (magac, dhedig, keli) inta khalad ku jira eegid oo caddayn, khalad ka saaridoo wax saxan ka dhigid. Dh: toosin, sixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sidid
(Sidid-da)
Wax kor loo hayo meel ku hayn ama meel u wadid, u qaadid; xanbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidid
m.f.dh eeg sid³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dushaada ku saaran ama aad gacanta ku hayso qaadiddiisa, sii wadid illaa aad halkii la dhigi lahaa geynayso. Dh: qaadid, xanbaarid, sidis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifid
m.f.dh eeg sif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifid
-da: (magac, dhedig, keli) saf saf ka dhigid; sarcid; safid.
sifid-da: (magac, dhedig, keli) eeg sifayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sigid
(Sigid-da)
1. Wax halis ah ama waxyeello leh, cid wax yar u marid, u jirsasho.
2. Meel ama wax la tooganayo, meel u dhow ku dhufasho, ag marin, ku dhufan gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigid
m.f.dh eeg sig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigid
-da: (magac, dhedig, keli) dirqi ku baxid.
sigid-da: (magac, dhedig, keli) meel ama wax la tooganayo, meel u dhow ku dhufasho; ag marin. Dh: sigis.
sigid-da: (magac, dhedig, keli) wax halis ah ama waxyeello leh, cid wax yar u jinsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Simid
(Simid-da)
1. Wax siman ka dhigid.
2. Qiimayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
simid
m.f.dh eeg sin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
simid
vl. n. equalization, making something equal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
simid
-da: (n) 1. alignment (a-laayn-ment)-, equalization 2. levelling; smoothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simid
-da: (magac, dhedig, keli) isku sar goyn; wax siman ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
simid
de: equalization, making s.t. equal
initial: s
lx: simid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: simid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqid
m.f.dh eeg siq.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Siqid
Approach,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqid
-da: (magac, dhedig, keli) beer ku socod, marka aayar la durko. Dh: gurguurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sirid
(Sirid-da)
Dhagrid; khatalid; dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirid
m.f.dh eeg sir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirid
-da: (magac, dhedig, keli) khiyaamayn; khatalid; dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixad
m.l la-mid: saxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixad
-ka: (magac, lab, keli) cunaha oo waxyari kuu galaan oo aad ku qufacdaa; wax ad hunguriga. marinayso ku saxasho oo ku quficid. Dh: saxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixin
m.l Burcad la shiilay subagga saafiga ah oo ka soo baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sixin
m.l Burcad la shiilay subagga saafiga ah oo ka soo baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sixin
m. n., (mass n.): ghee, butter clarified after being cooked with spices
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixin
-ah: (n) a pure ghee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixin
-ka: (magac, lab, keli) weel dhoobo, macdan ama wax kale ah oo fidsan ama gudo leh oo cunnada lagu gurto. Dh: beleydh, sixan, saxan.
sixin-ta: (magac, dhedig, keli) subaga saafiga ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sixin
de: ghee, butter clarified after being cooked with spices
initial: s
lx: sixin
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: sixin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sixir
(Sixir-ka)
Fal; falfal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixir
sixir¹: m.l Farsamo ku dhisan aqoon qarsoon oo la moodo in ay saamays weyn leedahay oo cid wax lagu yeeli karo; falfal.
sixir²: m.dh Nooc siilaanyada ka mid ah oo dusha ku leh midabbo.
sixir³: f.g1 (-xray, -xirtay; -xri) Cid sixir wax ku yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sixir
m.l Farsamo ku dhisan aqoon qarsoon oo la moodo in ay saamays weyn leedahay oo cid wax lagu yeeli karo; falfal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sixir
m. n. magic, sorcery, spell
sixir v. bewitch; hypnotize; perform magic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixir
-ka: (n) magic (maajik); sorcery (soorsari); witchcraft (wij-karaaft) —sixir -ay / sixirtay: (v) cast a spell over; put a curse on; be witch (bi-wij); spell (ispeel); spellbind (ispeel-baayndh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixir
(fal) sixir ku samay; fal; raadqaad; baab.
sixir -ka: (magac, lab, keli) baab ama wax dadka lagu jaanjaamiyo oo aan diintu ogolayn. Dh: fal, raadqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tixid
(Tixid-da)
Wax taxan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tixid
m.f.dh eeg tax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tixid
vl. n. arrangement in a row; aligning, making straight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tixid
-da: (n) the act of connecting or linking in a series or chain; stringing together; interconnecting together
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tixid
-da: (magac, dhedig, keli) wax taxan ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tixid
de: arrangement in a row; aligning, making straight
initial: t
lx: tixid
pd: (-da)
ps: vn1-f
see: tax
key: tixid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxniin
(Saxniin-ka)
Wax sixidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiri
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1.(f.g) Wax eegid. 2. (f.g) Wax ka fekerid. 3. (f.mg) Isu f.: waxyaabo isbarbardhigid. 4. (f.mg) Ka f.: wax, wax kale ka ilaalin. 5. (f.mg) Ka f.: cid wax ka sixid. 6. (f.mg) Ku f.: wax, wax kale ku tijaabin. 7. (f.mg) U f.: cid wax u raadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiiri
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1.(f.g) Wax eegid. 2. (f.g) Wax ka fekerid. 3. (f.mg) Isu f.: waxyaabo isbarbardhigid. 4. (f.mg) Ka f.: wax, wax kale ka ilaalin. 5. (f.mg) Ka f.: cid wax ka sixid. 6. (f.mg) Ku f.: wax, wax kale ku tijaabin. 7. (f.mg) U f.: cid wax u raadin. m.f.dh, fiirin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
amendment
/amendhment/amendments; (n) sixid ama hagaajin; wax ku darid ama wax ka badelid qoraal hore ama sharci qornaa. e.g. We made a few amendments to the agreement before signing it.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
atone
/atoon/atones, atoning, atoned; (v) raalli gelin ama dib isu sixid. e.g. Ahmed atoned for his unkindness to Sarah by taking her to the restaurant.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
calibrate
/kaalibreyt/ (v) 1. suntid (summad u yeelid sida mastarad, miisaan iwm). (v) 2. hagaajin ama sixid qalab wax lagu cabbiro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
correct
/korrekt/ (adj) 1. sax (aan khalad lahayn) (v) 2. sixid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rectify
/rektafay/ (v) sixid (hagaajin, khaladka ka toosin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
redeem
/ridhiim/ (v) 1. dib u gadasho, dib u helid ama ku guulaysasho (sida rahmad lagaa reebtay) 2. madax-furasho (qof dembi loo haystey oo aad ka furato) 3. dib-isu sixid (khalad iska mayrid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
redress
/ridres/ (v) 1. dib-u sixid khalad ama gef dhacay 2. qaan-dhaw (lacag magdhaw ah oo la siiyo qofka dhibku gaaray, si uu uga dawoobo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
remedial
/rimiidhiyal/ (adj) 1. daaweyn ah (lugu dawoobayo, lugu raysanayo) 2. hagaajis (ama sixid ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
remedy
/remadhi/ (n) 1. daaweyn 2. sixid (hagaajin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
repair
/ripeer/ (v) 1. dib-u hagaajin (dayac tirid) 2. Sixid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
retrieve
/ritriiv/ (v) 1. dib-u helid (dib- ula soo bixid) 2. sixid (dib-u sixid).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Correction A/C holder
Sixidda xisaab hayeha
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Correction of address
rug sixid
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
correggere
v.tr. sixid, toosin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale wax aan sax ahayn u sheegid; cid marrin habaabin. Ninkaasi dadka qaldidda ha ka daayo. Dh: khaldid. Li: sixid
qaldid -da: (magac, dhedig, keli) laba wax iyo in ka badan isku laagid. Qaldidda sibidhka iyo niisku way dhib badan tahay. Dh: qaldadayn, iskulaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ansixid
(Ansixid-da)
Ansax noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansixid
m.f.dh eeg ansax². la-mid: ansax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansixid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hagaagsan ahaan; ansax noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asbixid
m.f.dh eeg asbax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasixid
(Fasixid-da)
Fasax siin; wax qabashadood ama yeeliddood oggolaansho; sii deyn; ruqsayn; aftixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasixid
m.f.dh eeg fasax². la-mid: fasaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasixid
-da: (magac, dhedig, keli) oggolaansho iyo rukhsad siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masixid
m.f.dh eeg masax². la-mid: masax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiixid
-da: (magac, dhedig, keli) marka qofku uu xishoodo. Dh: xishood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siximad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sixiimad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhixid
(Dhixid-da)
1. Soo hoyasho la'aan.
2. (ku dhixid) meel habeen ku maqnaansho.
3. (u dhixid) maranti u ahaan; xilo u ahaan; qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhixid
m.f.dh eeg dhax². la-mid: dhixis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhixid
-da: (n) 1. the act of staying) overnight 2. u dhixid -da: (n) married (maaridh)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiixid
(Fiixid-da)
Fiix noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiixid
m.f.dh eeg fiix³. la-mid: fiix¹ (4).