sixad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixad
m.l la-mid: saxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixad
-ka: (magac, lab, keli) cunaha oo waxyari kuu galaan oo aad ku qufacdaa; wax ad hunguriga. marinayso ku saxasho oo ku quficid. Dh: saxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dixad
(Dixad-ka)
Dixasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dixad
m.l la-mid: dixasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dixad
-ka: (magac, lab, keli) dareere, si aayar ah meel ugu duxid. Dh: dixasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxad
(Saxad-ka)
Saxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxad
m.l la-mid: saxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxad
vl. n. choking (on something)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAXAD
(Sahad) S, C Nectaropetalum kaessneri Engl. Erythroxylaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxad
-ka: (magac, lab, keli) cunto ku roorta hunguriga cad ee neefi kuu raacdo oo lagu xuurtoobo oo qufac kala kulamto. Dh: saxasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxad
de: choking (on s.t.)
initial: s
lx: saxad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: saxasho, saxo
key: saxad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sigad
(Sigad-ka)
Sigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigad
m.l la-mid: sigasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sigad
Sul punto di pericolo
Danger-brink
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sigad
magac loo baxsho wiil dhalashadiisii ku sigtay in uu ku surmo oo ku dhinto ama hooyadii halis ku gashay fooshiisii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigad
-ka: (magac, lab, keli) halis ama cabsi ku dhiciddeed wax yar u jirsasho; sigasho. Dh: sikad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikad
-ka: (magac, lab, keli) sigasho.
sikad -ka: (magac, lab, keli) silasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sixid
(Sixid-da)
Wax saxan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixid
m.dh la-mid: saxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sixid
vl. n. correction; correcting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixid
-da: (n) the act correcting; correction (korek-shin); amendment ~ saxitaan, sixitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saxan ka dhigid; ka eegid in siidii ladoonayey ay tahay oo toosin. Dh: toosin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sixid
a: saxniin
de: correction; correcting
initial: s
lx: sixid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: sixid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sixid
تصحيح
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxasho
m.f.dh eeg saxo. la-mid: saxad, sixad, sixasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixo
-sixada: (n) good health; healthiness (helthines) ~ saxo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sanitaires
sanitaires, n.m.pl. - isku dubbaridista ilaalinta fayada ama sixada
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shixnad
(Shixnad-da)
In kol markab ama doonniyi qaaddo; qaad; rar; qaatin: mug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shixnad
shixnad¹: m.dh (-do, m.l) Xamuul doon ama markab hal mar qaado.
shixnad²: f.g1 (-day, -dday) Markab, doon iyo wixi lamida xamuul ka buuxin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shixnad
m.dh (-do, m.l) Xamuul doon ama markab hal mar qaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shixnad
f. n. cargo, load, freight
shixnad v. load (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shixnad
-da: (n) load (lowdh); cargo (kaar-gow); shipment (shiip-mant); freight ((fareeyt) ~ xammuul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shixnad
-da: (magac, dhedig, keli) in markab ama doonniyi qaaddo; qaad; rar; mug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siximad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sixiimad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firxad
(Firxad-ka)
Firxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firxad
m.l la-mid: firxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firxad
vl. n. escape, act of escaping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firxad
-ka: (n) sudden forward motion by running; dash (daash); rush (raash) ~ fashkax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firxad
-ka: (magac, lab, keli) baxsadka cabsi darteed lala cararo.
firxad: (tilmaame) mid cabsi darteed la cararaya. Dh: baydad, baxsad, carar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firxad
a: firxasho (/da) [vn6-f]
de: escape, act of escaping
lx: firxad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: firxad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lixaad
(Lixaad-ka)
1. Xoog, itaal; tabar, baaxad.
2. Tiro taxan oo is-dabajoogta kan lixda jagadeeda ku abbaaran; kan shanaadka iyo toddobaadka u dhexeeya (6d.)
3. (lixda lixaad) Oogada nafleydu xubnaha ay ku garato oo ku dareento waxyaalaha dibadda ka dhaca haya ama uga iman haya; lixaad (ama laxaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixaad
lixaad¹: m.l.t.j Tirada jagaale, keeda u dhigma lixda. la-mid: laxaad.
lixaad²: m.l 1. Xoog, itaal. 2. Baaxad. 3. Lixda l.: indhaha, lugaha iyo gacmaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lixaad
lixaad¹: m.l.t.j Tirada jagaale, keeda u dhigma lixda. la-mid: laxaad.
lixaad²: m.l 1. Xoog, itaal. 2. Baaxad. 3. Lixda l.: indhaha, lugaha iyo gacmaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lixaad
numeral: sixth
lixaad m. n., [collective] strength, power, ability, physical capability
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Lixaad
sixième.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lixaad
-ka: (adj) sixth (sikisth); 6th
lixaad -ka: (n) physical strength of body.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Lixaad
Forza
Strength
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lixaad
(tilmaame) tiro taxan oo is dabjoogta kan lixda halkeedii ku abbaaran; kan shanaad iyo toddonaad u dhexeeya; 6aad.
lixaad -ka: (magac, lab, keli) awoodda iyo tamarta cidi leedahay. Wax la liqiyo xoolaba raggaan ugu lixaad yeelay. Dh: laxaad.
lixaad -ka: (magac, lab, keli) (lixda ~) oogada nafleydu xubnaha ay wax ku garato oo ku dareento waxyaabaha dusheeda ama agagaarkeeda ka dhacaya kuwa ay adeegsato oo wax ku qabsato. Dh: laxaad.
lixaad -ka: (magac, lab, keli) xoog iyo itaal; tabar iyo baaxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mixnad
(Mixnad-da)
Arrin dhib iyo isasuro badan; xannib; (ama mixno).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mixnad
m.dh (-do, m.l) Dhibaato badan. la-mid: mixno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mixnad
m.dh (-do, m.l) Dhibaato badan. la-mid: mixno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mixnad
f. n. problem, complication, difficulty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mixnad
-da: (n) difficulty (difikalti); problem (porobalem)-, obstacle (obistikal) hardship (haard'shiip), crisis (karaaysis); ordeal (oordiil) ~ dhibaato, lur, saxariir, mashaakil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mixnad
-da: (magac, dhedig, keli) dhib xoog ah oo saamayn yeelata. Dh: mushkilad, dhibaato, mixno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mixnad
bw: Arabic
de: problem, complication, difficulty
lx: mixnad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: mixnad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagxad
m.dh (-do, m.l) 1. Meel fidsan oo aan godnayn. 2. la-mid: sadax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sagxad
m.dh (-do, m.l) 1. Meel fidsan oo aan godnayn. 2. la-mid: sadax.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sagxad
-da: (n) the hard floor (fa-loor); deck (dhek)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagxad
-da: (magac, dhedig, keli) gaadhiga buudigiisa halka aan waxha ka hoosayn oo wax la saaro, baabuurka guradiisa alaabada ama rarka la saaro. Sagxadda gaadhiga saar salka.
sagxad-da: (magac, dhedig, keli) gunta ama salka hoose ee shey godani u leeyahay. Dh: gun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seexad
(Seexad-ka)
Seexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexad
m.l la-mid: seexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seexad
vl. n. act of sleeping
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Seexad
Dormire
Sleep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexad
-ka: (magac, lab, keli) hurdo raadsad. Seexad buu u baahan yahay. Dh: jiifsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seexad
a: seexasho (/da) [vn-f]
de: act of sleeping
initial: s
lx: seexad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: seexad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirad
m.l (-dyo, m.dh) la-mid: sharad¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shixid
(Shixid-da)
Shax cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shixid
m.dh la-mid: shaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shixid
-da: (magac, dhedig, keli) qoryo dhaadheer si is garabyaal ah u dhigid. Dh: shaxid, shixis.
shixid -da: (magac, dhedig, keli) shax ciyaarid. Ragga badhkii shixidda sharad bay ku kala qaataan. Dh: shixis, shaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siblad
-ka: (magac, lab, keli) sibiibixad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidbad
-ka: (magac, lab, keli) sibiibixad; sinbiriirixasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sifaad
name-f one who has a distinguishing mark, characteristic or description
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifaad
-ka: (magac, lab, keli) cayaariyo kaftan isku jira, oo qof la kula kaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibad
1. (Siibad-da) Deyr; xero; sariibad.
2. (Siibad-ka) Siibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibad
siibad¹: m.l la-mid: siibasho.
siibad²: m.dh (siibado, m.l) Dayr; heeraar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siibad
f. n. enclosure, fence
siibad vl. n. slipping out, being pulled out ~ uprooted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibad
-da: (magac, dhedig, keli) deyr, xero; sariibad; maskarad.
siibad -da: (magac, dhedig, keli) suusadda ama halka shey laga furo ama laga xidho.
siibad: -ka: (magac, lab, keli) siibasho; sinbiriiraxasho.
siibad -ka: (magac, lab, keli) 'miiq' siibasho.
siibad-ka: (magac, lab, keli) dhuumasho, dusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siifad
(Siifad-da)
Libaaxa badda beerkiisa saliidda laga shiilo, siiba tan aan si cilmi ah loo nadiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siifad
m.dh 1. Saliidda beerka libaax-badeedka laga shiilo. 2. Urka saliidda beerka libaax-badeedka iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siifad
f. n., (mass n.): shark liver oil; fish oil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siifad
-da: (magac, dhedig, keli) saliidda beerka libaax-badeedka laga shiilo, siiba tan aan sida cilmiyaysan loo farsamayn oo looxaanta doonyaha la mariyo in uu looxu faaxo ama cayayaan galo.
siifad -da: (magac, dhedig, keli) isbedelka ku dhaca dharka iyo wax la mid ah, uskag ama. qorrax iyo bisaarad awgood; ur aan fiicnayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siifad
de: shark liver oil; fish oil
initial: s
lx: siifad
pd: (-da)
ps: n1-f-mass
key: siifad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siilad
(Siilad-da)
1. (gobollada qaarkood) Weel macdan ah oo siddo leh oo sida wadaanta biyaha la darsado ama lagu qaato.
2. Baaldi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siilad
m.dh 1. Weel macdan ah, sidda leh oo sida wadaanta biyaha loo darsado. 2. Baal-di. 3. la-mid: saylad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siilad
f. n. bucket, pail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siilad
-da: (magac, dhedig, keli) weel macdan ah oo sidde leh, sida wadaanta biyaha la darsado. lagu qaato. Dh: baaldi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siilad
de: bucket, pail
initial: s
lx: siilad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: baaldi
key: siilad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siinad
(Siinad-da)
Qurux; luuli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siinad
m.dh 1. Qurux. 2. (-do, m.l) Naqshad iyo xarar wax lagu qurxiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siinad
m.dh 1. Qurux. 2. (-do, m.l) Naqshad iyo xarar wax lagu qurxiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siinad
f. n.; [abs.]: ornament, decoration; beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinad
-da: (magac, dhedig, keli) qurux; luuli, bilic leh. Dharku waa siinadda aadanaha. Dh: bilic.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siinad
de: ornament, decoration; [abs] beauty
initial: s
lx: siinad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: siinad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinaad
(Sinaad-ka)
Qiime; sicir; sinni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinaad
m.l Qiime; sicir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinaad
m. n. price, cost, value
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qüime.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinaad
cf: qiime, sicir, sinni
de: price, cost, value
initial: s
lx: sinaad
pd: (-ka)
ps: n-m
key: sinaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sincad
-ka: (magac, lab, keli) neef sinta ku leh bar cad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siraad
(Siraad-ka)
1. Weel gudaha gaaska shidma ama dufan kale oo la mid ah loogu shubo oo liifad leh, oo habeenkii la daarto; masrad; if; ilays.
2. (jidka Siraadka) jidka naarta kor mara oo aakhiro dadku wada qaado.