sisibasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sisibasho
(Sisibasha-da)
Sidbasho; salxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sisibasho
m.f.dh eeg sisibo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sisibasho
-da: (magac, dhedig, keli) sidbasho; sulxasho; siibasho; fashilan ama siibtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibasho
(Siibasha-da)
Wax siibmey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibasho
m.f.dh eeg siibo. la-mid: siibad¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
siibasho
sliding tackle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoon la arkayn dhuumasho. Dh: fikasho, dusid, siibad.
siibasho -da: (magac, dhedig, keli) wax siibmay noqod, wax aad gacanta ku haysay oo si aanad filayn u dhaca.
siibasho -da: (magac, dhedig, keli) siibad; sinbiriiraxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraarasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel quluul ah hoos uga sisibasho. Xaraarasho ha lagu tartamo. Dh: daadegid.
xaraarasho-da: (magac, dhedig, keli) meel tiiri ah oo fuuliddeedu aad u dhib badan tahay fanasho oo fuulid. Dh: fanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niibasho
(Niibasha-da)
(dhegaha niibasho) dhegaha aad u nabasho, orod badan oo lagu jiro, darti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niibasho
m.f.dh eeg niibo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niibasho
-da: (magac, dhedig, keli) dheerayn oo orod isa sii dayn. Faras niibasho laguma gaadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sidbasho
(Sidbasha-da)
Sibiibixasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidbasho
m.f.dh eeg sidbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidbasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel sibiil ah ku sibiibixasho. Dh: sinbiriirixasho, siblasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siisasho
m.f.dh eeg siiso².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siisasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku baddalasho. Dh: baddalasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sasabasho
-sasabashada: (n) flattering (falaat-tering); cajoling (kajool-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sasabasho
-da: (magac, dhedig, keli) sasabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sijisasho
m.f.dh eeg sijiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikilasho
m.f.dh eeg sikilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibsiibasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer siibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribsasho
m.f.dh eeg ciribso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cidhbaha kor u qaadid oo faraha ku joogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jicsimasho
m.dh eeg jicsimo. la-mid: jiscimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiscimasho
m.f.dh la-mid: jicsimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silifsasho
m.f.dh eeg silifso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siliqsasho
m.dh eeg siliqso. la-mid: siliqsad, siliqsi, siniqsad, siniqsasho, siniqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siniqsasho
m.f.dh la-mid: siliqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siniqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) aayar socodka; qunyar socotay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siriqsasho
m.f.dh eeg siriqso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siriqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) siriq dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xisaabasho
m.f.dh eeg xisaabo. la-mid: xisaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xisaabasho
-da: (magac, dhedig, keli) tirsasho oo inta uu yahay tirakoobasho. Dh: xisaabsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sisibo
f.mg3 (sisibtay, sisibatay) Sisib ku kufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sisibo
v. slip, slide
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sisibo
(fal) sidii wax shalwanaya hoos u sinbiriirixoo. Dh: sidbo, sulxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sisibo
bw: sidbo
de: slip, slide
initial: s
lx: sisibo
nt: sisibasho (/da) [vn-f]
pd: (sisibtay)
ps: v3b=intr
key: sisibo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hibasho
(Hibasha-da)
Wax hor u dhacay oo laga samri waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hibasho
m.f.dh eeg hibo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hibasho
f. n. unforgettable event
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hibasho
-hibashada: (n) memorable experience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibasho
-da: (magac, dhedig, keli) xasuus dhib horay loo soo maray; wax horay u dhacay oo laga samriwaayo. Dh: gocasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hibasho
de: unforgettable event
lx: hibasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hibasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
igbasho
m.f.dh eeg igbo. la-mid: igbad, igmad, igmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iilasho
(Iilasha-da)
Doc u dheelliyid; liicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilasho
m.f.dh eeg iilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato ama hagardaamo. Dh: guuldarro. Li: guul.
iilasho-da: (magac, dhedig, keli) waddadii dhabta ahayd, ka baydhid; xaqa weydaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iiqasho
(Iiqasha-da)
Ciriiri gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibasho
(Jibasha-da)
Cargaagtan; soo dhaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisasho
m.f.dh eeg liso. la-mid: lisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo maalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ribasho
m.f.dh eeg ribo². la-mid: ribad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabasho
m.f.dh eeg sabo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabasho
-da: (magac, dhedig, keli) sasabasho.
sabasho -da: (magac, dhedig, keli) meel sabo ah fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidasho
m.f.dh eeg sido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo ama wax kale gacanta ama dhabarka ku qaadasho. Dh: haysasho. Li: dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sigasho
(Sigasha-da)
Halis ama cabsi ku dhiciddeed wax yar u jirsasho, u gaarid, kaga baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigasho
m.f.dh eeg sigo. la-mid: sigad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigasho
-da: (magac, dhedig, keli) halis ku dhici lahayd wax yar kagaga baxsaho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sikasho
(Sikasha-da)
Wax yar durkid, dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikasho
m.f.dh eeg siko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikasho
-da: (magac, dhedig, keli) halis, cabsi ku dhiciddeed wax yar u jirsad, u gaarid, wax yar kaga baxsad; qarka isu taagid; u dhowaad.
sikasho-da: (magac, dhedig, keli) wax yar durkid, dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqasho
m.f.dh eeg siqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoo aad fadhido badhida ku soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirasho
m.f.dh eeg siro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sisibad
-ka: (magac, lab, keli) sidbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixasho
m.dh la-mid: saxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunaha oo wax kaagaleen darteed qufac badan samayn. Sixasho badan waa halis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilasho
m.f.dh eeg biilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto siisasho. Biilashada reerkii sii baa lagu kari waayey. Dh: masruufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiqasho
m.f.dh eeg ciiqo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cinbasho
-da: (magac, dhedig, keli) dibudhac ku yimaad xilligii garta la qaadi lahaa oo ay keento wax dan u ah ka go'aan-gaadhidda talada loo fadhiyo; maalin kale u riixid. Kol hadduu garyagaan Samaale maqan yahay, ballantu cinbasho ka maarmi mayso. Dh: dibudhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibbasho
(Dibbasha-da)
1. Soo hoyasho la'aan: dibad ku dhixid.
2. (dayax) soo bixid la'aan; dibbad ahaansho; (ama dubbasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbasho
m.f.dh eeg dibbo. la-mid: dibbad, dubbad¹, dubbasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, xilligii la xerayn lahaa dib uga dhicid. Dh: dib'udhacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilasho
m.f.dh eeg diilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirasho
dįirasho: m.f.dh eeg diiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirasho
-da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadasho; dubka sare ka xoodhin. Dh: hoolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqasho
m.f.dh eeg fiiqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqasho
-da: (magac, dhedig, keli) indho araggoog naaqusmay, daaweysasho.
fiiqasho-da: (magac, dhedig, keli) waran iyo war la mid ah, caaradiisa yuubasho.
fiiqasho-da: (magac, dhedig, keli) meel, qushaashka ka xaaqasho.
fiiqasho -da: (magac, dhedig, keli) aale iyo war mid ah, diirka ka qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirasho
m.f.dh eeg giiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirasho
-da: (magac, dhedig, keli) wajiga giir ka kicin oo ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiigasho
m.f.dh eeg hiigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibsasho
(Iibsasha-da)
Alaabta, kd., geddiska rogrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibsasho
m.f.dh eeg iibso. la-mid: iibsad, iibsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibsasho
vl. n. act of buying, purchase (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibsasho
-iibsashada: (n) the act of purchasing (peer-jaaysingf buying (baaying) ~ gadasho, iibsi-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibsasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaab ama xoolo suuq la keenay, lacag ama wax kale ku beddelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibsasho
de: act of buying, purchase (for oneself)
lx: iibsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: iibsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiidasho
(Jiidasha-da)
1. Docdiisa u jiidid.
2. Wax la tegid, iyadoo dhulka lagu jiida hayo.
3. Meel fog aadid, tegid.
4. Dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiidasho
m.f.dh eeg jiido. la-mid: jiidad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiidasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale ku dhegid oo qabsasho.
jiidasho -da: (magac, dhedig, keli) xoogdanabeedka ama birlabeedka ka dhexdhaca labo walxood oo leh labo danab oo kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiirasho
(Jiirasha-da)
(oogada nafleyda) xoog wax isaga keenid; docosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirasho
m.f.dh eeg jiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog wax iskaga keened. Dh: ducasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinbasho
m.f.dh eeg jinbo². la-mid: jinbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kasbasho
(Kasbasha-da)
Xoogsi iyo kasab ku helid; tabcasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kasbasho
m.f.dh eeg kasbo².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kasbasho
-kasbashada: (n) merit (meerit)-, earning (eening); deserving (dizeering)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kasbasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoogsi iyo kasab ku helid.Dh: tacbasho.