sirsiriq
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SIRSIRIQ
Acacia walwalensis 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SIRSIRIQ
(Sirsirg) Og,C Acacia walwalensis Gilliland. Mimosaceae.
C Caucanthus edilus Forsk. Malpighiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siriri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid suuxin. 2. Cid ceejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siriri
v. strangle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siriri
(fal) ceeji, cunaha qabo oo ha sii deyn, tan iyo intuu ka miyirbeelayo. Cunaha qabo oo siriri haddii aad ka ammaan waydo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siriri
cf: ceego
de: strangle
initial: s
lx: siriri
pd: (siririyey)
ps: v2a=tr
key: siriri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sirsir
(Sirsir-ka)
Sallax: digdigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirsir
m.l.kh (-rro, m.dh) 1. Dowlisgoys; xariggoys. 2. S. ah: sallax; digdigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sirsir
m. n. flat slippery rock; lines drawn above one another (in art work); slim but strong, small but powerful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirsir
-ka: (magac, lab, keli) wixii adag ee aan hore loo jarin.
sirsir-ka: (magac, lab, keli) digdigo; sallax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sirsir
cf: sallax
de: flat slippery rock; [ext.] lines drawn above one another (in art work); [fig.] slim but strong, small but powerful
initial: s
lx: sirsir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sirsir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiririq
m.dh.sh.r Cod ay sameeyaan xayawaanka iyo cayayaanka qaarkood. J. dheh: jiririqleyn. la-mid: jirriq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiririq
m.dh.sh.r Cod ay sameeyaan xayawaanka iyo cayayaanka qaarkood. J. dheh: jiririqleyn. la-mid: jirriq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiririq
f. n. squeak, creak
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiririq
(ereycodeed) lagu tusmeeyo codka ka baxa wax aad loo xidhayo oo la adkaynayo.
jiririq: (ereycodeed) lagu tusmeeyo jabaqda ay sameeyaan xayawaanka iyo cayayaanka qaarkood.
jiririq -da: (magac, dhedig, keli) si adag u xidhid aad u dhuujisan; xadhig aad u roorsan oon debec, iyo raabakh yeelan. Dh: adag, giigsan, dhuuqsan, xidhan. Li: sajalaato, debecsan, duug, furfuran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiririq
de: squeak, creak
lx: jiririq
pd: (dheh)
ps: np-f-expr
key: jiririq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siririd
m.f.dh eeg sirir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siririd
-da: (magac, dhedig, keli) cunaha oo lays qabtay dartiis, la miyirbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siririn
(Siririn-ta)
Ceejin; cunaqabatayn; miijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siririn
m.f.dh eeg siriri. la-mid: siriris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siririn
-ta: (magac, dhedig, keli) ceejin, tan iyo intuu ka miyirbeelayo; siriris, miyirbeelid; sirinsirqays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siriris
m.l la-mid: siririn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siriris
-ka: (magac, lab, keli) siririn. siriritaan-ka: (magac, lab, keli) miyirbeelitaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sirsiro
-sirsirtay / sirsiratay: (v) influnce someone for someone's own advantage; take advantage of one's ignorance ~ sasabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiririq
-da: (magac, dhedig, keli) wax yar oo meel ku jiray oo inta laga shubay oo aan xoog ku socone, aayar u shubmaaya.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birbiriq
-ay/birbiriqday: (v) reflect light; glint or glisten; shine (shaayn)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sirsir-ka
nerveux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irsiq
m.l la-mid: irsaaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irsiq
-a: (magac, lab, keli) eeg irsaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siiri
m.l (-iyaal, m.l/dh) Firimbi. la-mid: siidhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siiri
m. n. whistle; siren
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siiri
-ga: (n) whistle (wisel) ~ firinb, siidhi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siiri
a: siidhi
de: whistle; siren
initial: s
lx: siiri
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: siiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siriq
(Siriq-da)
Il, xargaha iyo wixii la mid ah loo yeelo, oo kolkii la dhifto isku roorta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siriq
siriq¹: m.dh Qool xargaha iyo wixi lamida loo yeelo oo markii la dhufto isku roora.
siriq²: f.mg1 (-qay, -qday) Il xarig isku roorid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siriq
m.dh Qool xargaha iyo wixi lamida loo yeelo oo markii la dhufto isku roora.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siriq
f. n. noose, slip knot; rope trap
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siriq
-da: (n) slipknot (islip-noot); noose (nuus). Ex: siriq u dhig; catch in a noose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siriq
-da: (magac, dhedig, keli) il, xadhkaha iyo wixii la mid ah loo yeelo, oo kolkii la dhufto isku roorta oo wax qabata.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siriq
de: noose, slip knot; rope trap
initial: s
lx: siriq
pd: (-da Pl: sirqo (/ha))
ps: n2a-f, n3-f
key: siriq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sirir
(Sirir-ta)
Cunaqabad; ceego; miijis; mirjis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirir
sirir¹: m.dh Nafley la ceejiyey wareerka iyo xanuunka ka gaara ee ay la indhacaddayso.
sirir²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Nafley suuxid. 2. Nafley ceegsamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sirir
f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Nafley suuxid. 2. Nafley ceegsamid. m.f.dh, siririd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sirir
f. n. strangling
sirir [inchoative] v. be ~ get strangled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirir
(fal) miyirbeel.
sirir -ta: (magac, dhedig, keli) cuna'qabad; ceego; ceejo; miijis; mirjis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biriiq
m. n. husk (of rice), grain
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biriiq
a: bariiq
de: husk (of rice), grain
lx: biriiq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: biriiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birriq
-da: (magac, dhedig, keli) dhiiqid yar oo hal mar ah; in yar oo caano dhirriq ka siin. Biriq caano ahna laga waa hashii. Dh: bidhiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįriri
f.mg2 Habeenka uu didirka la fariisto (dayax).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diriri
v. have the star Dirir visible (i.e., the sky shows, reveals it); be beside ~ near Dirir (of the moon)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diriri
(fal) cid kale, dagaalgeli. Dh: dirirsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diriri
de: have the star Dirir visible (i.e., the sky shows, reveals it); be beside ~ near Dirir (of the moon)
lx: diriri
pd: (diririyey)
ps: v2a=intr
key: diriri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firiri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: firdhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firiri
v. scatter, disperse, cause to run in different directions
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firiri
-yey/say: (v) scatter (iskaa ter); disperse (dis-peers), dissipate (disepeeyt), dispel (dis-peel) ~ firdhi
kala firirsan -aa / ayd: (adj) scattered (iskaa-teridh); disbanded, demobilized ~ kala firdhisan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firiri
(fal) wax fidhidhay ka yeel oo kala kaxee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firiri
a: firdhi
de: scatter, disperse, cause to run in different directions
lx: firiri
pd: (fiririyey)
ps: v2a=tr
key: firiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriq
m.l/dh.sh.r la-mid: jiririq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirriq
f. n. shrill, sharp sound
jirriq m. n., [collective] tree species, with thorny branches
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirriq
(ereycodeed) lagu tusmeeyo codka ka soo baxa ilkaha oo xoog la iskugu qabto iyada oo la isku xaquuqayo.
jirriq-da: (magac, dhedig, keli) dagaal afka ah iyo is'afgaranwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley roob meel dhisan ka gelin; okorin; asheerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirsii
v.caus: give existence to, cause to exist
jirsii v. shelter ~ protect from rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirsii
(fal) wax jira ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miriri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax mirir u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miriri
v. rust, oxodize, cause something to become rusted ~ oxidized
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miriri
de: rust, oxodize, cause s.t. to become rusted ~ oxidized
lx: miriri
pd: (miririyey)
ps: v2a=tr
key: miriri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirriq
(Mirriq-a)
Caano yar oo la mirrijiyo oo naasaha ku yaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirriq
m.l Godol yar oo ku soo dhaca candhada neef hore loo maalay marka la salaaxo dharaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirriq
-a: (magac, lab, keli) caano yar oo naasaha laga dhiijiyo. Sucu wuu gudhay oo mirriq kuma hadhin. Dh: dhiiq, miriq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqsiq
f.mg1 (-qay, -qday) Ka s.: ceeb ka dhowrsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siqsiq
v. feel disgusted; be sick (about), feel like vomiting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqsiq
-a: (magac, lab, keli) dhadhan ama ur sillan oo cunno xumaatay ama wax kale laga qaado oo mantag lagu sigto; yaqyaqsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siqsiq
cf: yaqyaqsi
de: feel disgusted; be sick (about), feel like vomiting
initial: s
lx: siqsiq
pd: (siqsiqay)
ps: v1=intr
key: siqsiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriiri
f.mg2 (-iyay, -isay) Weji biriir u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biririf
m.dh (-fo /-fyo, m.l) Dhowr daqiiqadood oo hawl la hayey laga nasto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biririf
m.dh (-fo /-fyo, m.l) Dhowr daqiiqadood oo hawl la hayey laga nasto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biririf
f. n. break, interval, pause (from work)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biririf
-ta: (n) a pause or an interval; recess (riises); break (bareek) bareeg
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Biririf
Intervallo
Interval; break-in time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biririf
-ta: (magac, dhedig, keli) fasaxa yar ee u dhexeeya xiisadaha waxbarashada. Dh: biriig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biririf
de: break, interval, pause (from work) Contrast: nusasaace {Russian}
lx: biririf
pd: (-ta)
ps: n2a-f, n1-f
key: biririf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciriiri
(Ciriiri-ga)
Meel (ama aqal ama wax kale) waxa ku gudajira aan si fiican u qaadin ee ka yar, kayaraanteeda; mugyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciriiri
ciriiri¹: m.l 1. Meel dhex mariddeedu dhib tahay yaraan awgeed. 2. Meel aan waxa ku jira qaadin, yaraan awgeed. 3. Wax heliddooda adagtahay. 4. Waqti aan ku filnayn in hawl lagu qabto. la-mid: cariiri¹.
ciriiri²: f.g/mg1/2 (-ryay,-riday/risay;-ryi) 1. (f.g) Meel, ciriiri ka dhigid. 2. (f.mg) Ku c.: meel, wax qaadkeeda ka badan ku kordhin. la-mid: cariiri².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciriiri
ciriiri¹: m.l 1. Meel dhex mariddeedu dhib tahay yaraan awgeed. 2. Meel aan waxa ku jira qaadin, yaraan awgeed. 3. Wax heliddooda adagtahay. 4. Waqti aan ku filnayn in hawl lagu qabto. la-mid: cariiri.
ciriiri²: f.g/mg1/2 (-ryay,-riday/risay;-ryi) 1. (f.g) Meel, ciriiri ka dhigid. 2. (f.mg) Ku c.: meel, wax qaadkeeda ka badan ku kordhin. m.f.dh, ciriiryid. la-mid: cariiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciriiri
m. n. (adj.): narrow and cramped area; closeness, crowding; bustle; difficulty; crowded, dense, tight,
ciriiri v. crowd something ~ someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciriiri
-ga: (n) narrowness (naarow nes)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciriiri
Strettezza
Tightness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciriiri
-ga: (magac, lab, keli) eeg cidhiidhi.
ciriiri: (tilmaame) aan faalal ahayn.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ciriiri
ضيق
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diririd
(Diririd-da)
Dagaallamid; xarbiyid; iscolaadin; fara'isasaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diririd
m.f.dh eeg dirir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diririd
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal aan dil iyo burbur loo aabbayeelin galid. Haddii lagu soo weeraro diririddu waa waajib. Dh: dagaallamid.
diririd -da: (magac, dhedig, keli) hanjabid oo canaan iyo cagajuglayn samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diririn
(Diririn-ta)
(dayax) habeenka uu dirirka la fariisto (aragga isha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįririn
m.f.dh eeg dįriri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diririn
-ta: (magac, dhedig, keli) dad dagaal gelin oo dirirsiin. Dh: dirirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firirid
m.dh la-mid: firdhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firirin
m.dh la-mid: firdhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax urusanaa, kala kaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiririg
(tilmaame) lagu cabbiro shanqadha wax dhulka la jiidayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirsiin
(Jirsiin-ta)
1. Wax jira ama abuuran ka dhigid.
2. Roob meel ka gelin.