sirrow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sirrow
(Sirrow-ga)
Kan sirta yaqaan ama sirta badan; dhagarqabe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirrow
m.l (-wyo, m.dh) Qof sir badan; khayaanalow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sirrow
m. n. secretive person, swindler, cheat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sirrow
-ga / sirrey-da: (n) trickster (tiriikister); hoaxer (hook-ser); cheater (jii-ter); cozener
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirrow
-ga: (magac, lab, keli) qofka sir yaqaan ama sir badan. Dh: dhagarqabe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sirrow
de: secretive person, swindler, cheat {C & S}
initial: s
lx: sirrow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: sirrow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirrow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cirrow yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirrow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cirrow yeelasho. m.f.dh, cirroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirrow
(fal) timo cad yeelo; cirraw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirrow
m.l Baaba'; kharrib; laystaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirrow
-da: (magac, dhedig, keli) cad kiish ah oo futada ku jira oo sindhadu fadhiisato inta aanay soo bixin. Dh: tirraw, malawad, walamad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirrow
m.l Biyo culus dhano ah oo geela u fiican.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirrow
-ga: (magac, lab, keli) biyo culus dhano ah oo geela u fiican.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIRROW
(Miraw) N Ochrandenus somalensis Bak.F. Resedaceae.
N Ochrandenus baccatus Del. Resedaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirqow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Sirqo noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirqow
fal) fac weynow. Dh: gaboow, dugow.
sirqow-ga: (magac, lab, keli) sirqo noqosho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sorrow
/soorow/ (n) murugo (calool-xumo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sorrow
n., calaacal or alaanacal, -ki, xumaan, -ti, weerweer, -ki, qulub, -ki, wahan, -ki; v.i., weerweer, qulub, calaacal, wahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddamdam
m.l (-myo, m.dh) Sirrow; munaafaq.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
traditóre
agg. e s.m. - dhagarqabe (ah), sirrow (ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sixirrow
(Sixirrow-ga)
Kan wax sixra ama sixirka yaqaan; falanfallow; saaxir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixirrow
m.l (sixirrowyo, m.dh) Qof sixirka yaqaan. la-mid: sixiroole.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sixirrow
m.l (-wyo, m.dh) Qof sixirka yaqaan. la-mid: sixiroole.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sixirrow
m. n. wizard, magician, sorcerer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixirrow
-ga: (n) magician (ma-ji-shin) ~ see [eeg] sixiroole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixirrow
-ga: (magac, lab, keli) kan wax sixra ama sixirka yaqaan. Dh: falalow, falanfalow, saaxir, sixiroole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sixirrow
de: wizard, magician, sorcerer
initial: s
lx: sixirrow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: sixirrow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirkow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Shirko noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shirkow
v. become partners ~ associates
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shirkow
shirkoobay / shirkowday: (v) become a partner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirkow
(fal) shirko noqo; urur shirkad ah cid la samayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shirkow
de: become partners ~ associates
initial: s
lx: shirkow
pd: (shirkoobay)
ps: v1=intr
key: shirkow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Cid sir wax kaga qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siro
(fal) cid sir wax kaga qaadid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Arrow
Fallaar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
arrow
/aarow/arrows; (n) 1. leeb ama falaadh 2. xarriiq falaadh u eg oo wax lugu tilmaamo ama lugu calaamadiyo. e.g. The one-way sign is marked with an arrow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
arrow
/aarow/ (n) 1. gammuung, filleer. 2. sumud gammuung haang eh. The road sign had an arrow to show which way vehicles. should go.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
arrow
n., (shaft) fallaadh, -i, gantal, -ki; a poisonous arrow, qamis, -ki; when the arrow is poisonous they call it qamis, kolka fallaadhu doxban tahay, waxa la yidhaahdaa qamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birow
(Birow-ga)
Daasad bir ah; qasac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birow
m.l (-wyo, m.dh) Weel yar oo bir ka samaysan; daasad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birow
m. n. metal can, container
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birow
-ga: (magac, lab; keli) daasad ka samaysan bir. Birowga gadaanka haanta saaran ii soo qaad. Dh: qasacad, qasac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birow
cf: daasad, qasac
de: metal can, container
lx: birow
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: birow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirro
(Cirra-da)
Timaha madaxa, garka, kd.; oo caddaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirro
m.dh Timo caddaaday oo ka baxa madaxa ama garka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirro
m.dh Timo caddaaday oo ka baxa madaxa ama garka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirro
f. n., (mass n.): gray hair
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirro
-cirrada: (n) white hairs; gray hairs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirro
-da: (magac, dhedig, keli) timaha madaxa, gadhka iyo wixii la mid ah oo madawga ka taga oo isu beddela caddaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirro
de: gray hair
lx: cirro
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: cirro
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cirro
شيب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Wax firo yeelasho. 2. Waraaq turub oo gembisan dhanka kale isu geddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firow
(fal) siigo iyo boodh yeelo.
firow: (fal) warqad turub, kashifan; muuqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirro
-da: (magac, dhedig, keli) erey la yidhaa marka la kala badiyo ciyaar. Dh: hirroo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ibrow
name-m Ibraahim or Abraham; father of many nations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirow
-ga: (magac, lab, keli) ceel biyo adag oo qadhaadh leh. Dh: wiyeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirro
(Jirra-da)
Fayoobi la'aan; cudur; bugto; xanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirro
jirro¹: m.dh (-ooyin, m.l) Isbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda; bugto; fayoobi la'aan; cudur; xanuun.
jirro²: f.mg3 (-raday, -ratay) Isdbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda la kulmid; bukasho; xanuunsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirro
jirro¹: m.dh (-ooyin, m.l) Isbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda; bugto; fayoobi la'aan; cudur; xanuun.
jirro²: f.mg3 (-raday, -ratay) Isdbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda la kulmid; bukasho; xanuunsasho. m.f.dh, jirrasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirro
f. n. illness, disease, malady
jirro [inchoative] v. get sick, become ill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirro
-jirraday / jiratay: (v) become sick or ill; sicken (sikan)
jirro -da: (n) illness (iilnes); sickness (siknes); disease (disiis); disorder (disoordher) ~ cudur, Ex: jirro khatar ah bay qabtaa; She had a serious illness
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Jirro
Malattia
Disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirro
-da: (magac, dhedig, keli) buktaanta iyo xanuun.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
siéro
s.m. - dhacaan dhiig, qayb ka mid ah dhiigga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifow
f.mg1 (sifoobay, sifowday; sifoobi) Ku sifow: wax caan ku noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sifow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ku s.: wax caan ku noqosho. m.f.dh, sifoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifow
(fal) ha lagu fahmo oo is cadee. Ku sifow qof wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siiro
(Siira-da)
1. Dhaqan; dabeecad; guhaad.
2. Sheeko; qiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siiro
m.dh 1. Taariikh nololeed. 2. Asluub; dhaqan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siiro
m.dh 1. Taariikh nololeed. 2. Asluub; dhaqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siiro
f. n. nature, comportment, character; biography
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiro
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan; dabeecad; guhaad.
siiro-da: (magac, dhedig, keli) taariikh la weriyo, gaar ahaan na ta Nebi Muxamad (NNK) iyo asxaabtiisa. Dh: taariikh, siire, sheeko, qiso, Wa: siirooyinka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siiro
bw: Arabic
cf: dhaqan, dabeec(ad); qiso, sheeko
de: nature, comportment, character; biography
initial: s
lx: siiro
pd: (/da)
ps: n-f
key: siiro
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sirop
sirop, n.m. - sharoobo; dawooyinka dareeraha ah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sirqo
(Sirqa-da)
Qof aad iyo aad u duqoobey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirqo
m.dh (-ooyin, m.l) Qof aad u duqoobay oo tabar dhigay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sirqo
f. n. decrepit, very old ~ senile person; foolish woman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirqo
-da: (magac, dhedig, keli) qof aad u gaboobay oo cad ah. Awoowgii waa oday weyn oo sirqo ah. Dh: cad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sirqo
de: decrepit, very old ~ senile person; foolish woman
initial: s
lx: sirqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sirqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surow
m.l Nooc cayaaraha ka mid ah oo jiib iyo jaan leh oo dumarku cayaaraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
surow
m.l Nooc cayaaraha ka mid ah oo jiib iyo jaan leh oo dumarku cayaaraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
surow
m. n. kind of dance with clapping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surow
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar da weyn oo ka mid ah ciyaaraha leh jiibta, jaanta iyo sacabka oo shirib leh, waxayna caan ku tahay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Banaadir. Qalabka loo qaato ama tumo waa labo birood oo la isku garaaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
surow
de: kind of dance with clapping {S}
initial: s
lx: surow
pd: (-ga)
ps: n-m
key: surow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirow
(fal) dheh hadal tiraab ah oo aan qaafiyad lahayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Barrow
nickname-m, name-m specked, speckled, spotted, marked, stained. Lit: he who was born with a birth mark. Syn: Barre, Barrey
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
barrow
/baarrow/barrows;(n) 1. gaari-gacan (kaaryoone)(n) 2. gaariga alaabta iyo cuntada dariiqyada lugu iibiyo ama lugu qaado.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
barrow
/baarrow/ (n) gaary yer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Barrow
magac loo baxsho wiil bar ama calaamad muuqata jidhka ku leh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
barrow
n., (hand-barrow) rarab, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax biir leh noqosho (biyo, caano iyo wixi lamida).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirow
(fal) biirta ceelka guntiisa ku sumow. Dh: sumow
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
borrow
/borrow/ (v) daymasho, la amaahiyo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
borrow
/boorrow/ (v) etheeghythow. We borrow books from the library.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
borrow
borrowing, n., amaah, -di.
borrow: v.tr., amaaho, soo yeelo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
burrow
/baarow/ (v) 1. qodid (god qodid) (n) 2. godka xayawaanku qoto.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
burrow
/burow/ (n) 1. god, haluul. (v) 2. god qothow, haluuluthow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
burrow
n., (hole made in the ground by rabbits) god, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrow
f.mg1 (-raabay, -rowday; -raabi) 1. Wax ciid yeelasho. 2. la-mid: carraaw.