sirmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirmid
m.f.dh eeg siran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid la siray ahaan. Dh: khatalmid, dagmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Simid
(Simid-da)
1. Wax siman ka dhigid.
2. Qiimayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
simid
m.f.dh eeg sin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
simid
vl. n. equalization, making something equal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
simid
-da: (n) 1. alignment (a-laayn-ment)-, equalization 2. levelling; smoothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simid
-da: (magac, dhedig, keli) isku sar goyn; wax siman ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
simid
de: equalization, making s.t. equal
initial: s
lx: simid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: simid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sirid
(Sirid-da)
Dhagrid; khatalid; dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirid
m.f.dh eeg sir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirid
-da: (magac, dhedig, keli) khiyaamayn; khatalid; dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siimid
m.f.dh eeg siin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinmid
(Sinmid-da)
Wax siman noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinmid
m.f.dh eeg siman¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinmid
-da: (magac, dhedig, keli) caddaalad ku dhiqid; kala soo dhoweysi la'aan.
sinmid-da: (magac, dhedig, keli) isku sargoyn; isle'ekaysiin; simis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirqid
m.f.dh eeg siriq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surmid
-da: (magac, dhedig, keli) mandheer isku martay darteed, soo bixiwaayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax tiran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirmid
(Xirmid-da)
Wax xirmay ama xiran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirmid
m.f.dh eeg xiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xirmay noqosho. Albaabka xirmidda ka ilali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khatalmid
(Khatalmid-da)
Qof la khatalay noqosho; sirmid; dagmid; khatalan; hodmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beembeeni
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof been ku maaweelin. 2. Is b.: sirmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siran
siran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Ku s.: wax khatalmay noqosho. m.f.dh, sirmid.
siran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Ku s.: wax khatalmay ahaansho. m.f.dh, sirnaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fall for
/fool-for/ (v) 1. ku-khatalmid (ku-sirmid) (v) 2. deg-deg u jeclaansho (jeclaan deg-deg ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casirmid
-da: (magac, dhedig, keli) calool xanuun dareemid; majiirmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawirmid
m.f.dh eeg sawiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixramid
-da: (magac, dhedig, keli) mid uu sixir qabtay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirmid
(Diirmid-da)
Diirku ka murxid ama ka dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirmid
m.f.dh eeg dįiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirmid
-da: (magac, dhedig, keli) iskii, diirku uga qaadmid. Dh: diirmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miirmid
(Miirmid-da)
Wax miiran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirmid
m.f.dh eeg miiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirmid
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoon cidi taaban kala saafiyoobid oo kala soocmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shidmid
(Shidmid-da)
Wax shidma ama shidan noqosho; (dab, xaabo, ...) bixid, hurid; ololid, daarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shidmid
m.f.dh eeg shidan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax shidma ama shidan noqosho. Dh: hurid, ololid, daarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shirbid
(Shirbid-da)
Shirib cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirbid
m.f.dh eeg shirib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirbid
-da: (magac, dhedig, keli) shirib ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirfid
m.f.dh eeg shirif². la-mid: shurfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiriid
(Shiriid-ka)
Libaax-badeed dadqaad ah oo leh madax sillan oo dubbaha u eg, iyo indho kala fog oo midiba gees ku taal; ~ gareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiriid
m.l Libaaxbadeed dad qaad ah oo madax dubbaha u eg iyo indho kala fog oo midiba gees ku taal leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiriid
m. n., [collective] hammerhead shark
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiriid
-ka: (magac, lab, keli) libaaxbadeed dadqaad ah oo leh madax sida dubbaha u eg iyo indho kala fog oo midi ba gees ku taal; gareen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiriid
de: hammerhead shark
initial: s
lx: shiriid
pd: (-ka)
ps: n-m-col
syn: gareen
key: shiriid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibmid
(Siibmid-da)
Soo bixid; ruqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibmid
m.f.dh eeg siiban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibmid
-da: (magac, dhedig, keli) soo bixid; ruqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siririd
m.f.dh eeg sirir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siririd
-da: (magac, dhedig, keli) cunaha oo lays qabtay dartiis, la miyirbeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imid
v., sg., simple past tense: I came
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imid
(v) I came. Ex: dhawaan baan magaaladda imid; I came recently in the city ~ imi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imid
de: I came
lx: imid
ps: v4b-1sg-past
xe: I came but you were absent!
xv: Waan imid oo waad maqnayd!
key: imid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
irid
f. n. door, entrance ~ exit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
irid
-da: (n) doorway (dhoor-weey); entranceway ~ albaab-ka ~ marin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
irid
de: door, entrance ~ exit
lx: irid
pd: (-da Pl: irdo (/ha))
ps: n3-f
see: irrid
key: irid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birid
(Birid-da)
Iftiin yar oo meel ka bilig yiraahda; daarmid; hurid; shidmid; hillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birid
m.f.dh eeg bir³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birid
vl. n. sparkling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bidhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birid
de: sparkling
lx: birid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: birid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirid
(Cirid-da)
Ciidda qorraxdu kululayso; cagaggubyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirid
m.dh 1. Bacaad qorraxdu kululaysay. 2. Kulaylka qorraxda. la-mid: ciriid, cirrid³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirid
m.dh 1. Bacaad qorraxdu kululaysay. 2. Kulaylka qorraxda. la-mid: cirrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirid
f. n., (mass n.): hot sand; ground heated by sun
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirid
-da: (n) the warmth or hotness generated by the sun; sun heat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirid
-da: (magac, dhedig, keli) camuud kulul. ciidda qorraxdu kulayliso.
cirid -da: (magac, dhedig, keli) ciid ay dabayshu kiciso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirid
de: hot sand; ground heated by sun
lx: cirid
pd: (-da)
ps: n0-f-mass
key: cirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirid
(Dirid-da)
Meel ka wadid oo meel kale aadsiin; meel ka qaadid oo meel kale u dawin; (ku dirid) qof qof nacsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirid
m.f.dh eeg dir². la-mid: diris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirid
vl. n. sending, dispatch; removal, export
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirid
-da: (n) the act of sending or dispatching, forwarding, routing, shipping or transmitting ~ diris-ta
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dirid
Invio
To send
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirid
-da: (magac, dhedig, keli) waraaq ama ergo cid ku hagaajin oo farriin ugu dhiibid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirid
de: sending, dispatch; removal, export
lx: dirid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: dirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firid
(Firid-da)
Timaha saqaf ku kala bixbixin, ku nabid; shanlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firid
m.f.dh eeg fir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firid
-da: (magac, dhedig, keli) timo iyo wixii la mid ah, fidhid. Dh: feedhid, firis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirid
m.f.dh eeg hir³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax iska celin; col iyo wixii la mid ah, iska dhebid; iska caabbiyid. Dh: hiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idmid
(Idmid-da)
Idan siin; in la falo, kd., oggolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idmid
m.f.dh eeg idan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idmid
-da: (magac, dhedig, keli) fasax iyo oggolaansho siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irrid
(Irrid-da)
Meel furan oo laga soo galo guryaha, qolalka, xeryaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irrid
m.dh (-do/irdo, m.l) Meel furan oo laga soo galo (deyr, guri qol iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
irrid
m.dh (-do/irdo, m.l) Meel furan oo laga soo galo (deyr, guri qol iyo wixi lamida); illin¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
irrid
f. n. door, entrance, exit, gate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
irrid
-da: (n) entrance (interansi); exit (egzit); entry (entari); door (dhoor)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irrid
-da: (magac, dhedig, keli) afaafka weyn ee reerka miyiga laga galo, lagana baxo.
irrid-da: (magac, dhedig, keli) meel furan oo laga soo galo guryaha ama meel kaste oo oodan. Dh: afaaf, kadin, albaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
irrid
de: door, entrance, exit, gate
lx: irrid
pd: (-da)
ps: n1-f
xe: Come through this entrance.
xv: Irriddan ka soo bax!
key: irrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irtid
(Irtid-ka)
Geesi aan digtoonaan ku darsan; abaddar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irtid
m.l.kh I. ah: geesi aan gabban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
irtid
m. n. reckless person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irtid
-ka: (magac, lab, keli) geesi aan digtoonaan ku darsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
irtid
de: reckless person
lx: irtid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: irtid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirid
(Jirid-da)
1. Wax abuuran ama jira ama jooga ahaansho.
2. Meel la yaqaan ama goor la yaqaan ku sugnaan, ku maqnaan, ku noolaan.
3. Ilaalin; dhawrid; eegid; fiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirid
m.dh eeg jir². la-mid: jirrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirid
vl. n. existing, being, existence
jirid [feminine] n. trunk, stem
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirid
-da: (n) trunk of a tree; trunk (taraangk); stalk (istook); stem (isteem) ~ jirrid