sinyaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinyaro
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun qofka uu ku dhaco luga'tira; dabayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Minyaro
(Minyara-da)
Naago nin wada qabo, tan guurkeedu ugu danbeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minyaro
m.dh Naago nin wada qabo tan ugu guur dambeysay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minyaro
f. n. junior wife
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
minyaro
-minyarada; (n) second wife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minyaro
-da: (magac, dhedig, keli) xaaska labaad ee nin horay reer u lahaa uu guursado. Gashaanti baa tidhi: anoo minweyno noqon kara maxaa minyaro i badi. Li: minweyno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minyaro
cf: minweyn
de: junior wife
lx: minyaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: minyaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geestaan
(Geestaan-ta)
Xanuun daran oo qabta sinta iyo bowdada; inta badan wuxuu ku dhacaa xididka dheer oo bowdada jirjirkeeda la roora; sinyaro (ama geestahanyo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabayl
-sha: (magac, dhedig, keli) laydh xoog leh oo siigo iyo carro wadata. Dabayl xooggan ayuu roobkii xalay watay. Dh: xanfar.
dabayl -sha: (magac, dhedig, keli) xanuunka ku dhaca dareemayaasha carruurta oo curyaan ka dhiga ama kala dhantaala laxaadkooga. Dabaysha ka tallaal carruurta. Dh: sinyaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geestahanyo
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun daran oo qabta sinta iyo cududda. Dh: sinyaro, dabayl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugyaro
-da: (magac, dhedig, keli) cudur ku dhaca lugaha oo lugtii uu ku dhaco ay ka yaraato lugta kale ama ka gaabato.
lugyaro -da: (magac, dhedig, keli) xanuun carruurta ku dhaca oo u keena inuu yaraanta ku naafoobo oo labada lugood middood tan kale ka gaabato. Dh: sinyaro, dabayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinsaaro
m.dh la-mid: sinsaaryo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinsaaro
(fal) wax ad xambaarayso sinta saaro.
sinsaaro -da: (magac, dhedig, keli) tabaha legdanka mid ka mid ah; sinsaaryo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Inyar
un peu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilyaro
m.dh Marinka ilmada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilyaro
f. n. lachrymal duct; inner corner of the eye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilyaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ilyar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilyaro
de: lachrymal duct; inner corner of the eye
lx: ilyaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ilyaro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sigaro
s.m. - siigaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danyaro
m.dh la-mid: danyaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyaro
-da: (magacwadareed) dad aan xoolo badan haysan ama caydhba ah. Dh: danlay, caydh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sincèro
agg. - daacad ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sindaco
s.m. - duq magaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaaro
(Siyaara-da)
1. Booqasho cid loogu tago.
2. Xus qof dhintay loo dhigo oo loogu duceeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaaro
siyaaro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Booqasho cid loogu tago. 2. Xus qof dhintay loo dhigo oo loogu duceeyo.
siyaaro²: f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Cid booqasho ugu tegid. 2. Qof dhintay xusid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaaro
siyaaro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Booqasho cid loogu tago. 2. Xus qof dhintay loo dhigo oo loogu duceeyo.
siyaaro²: f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Cid booqasho ugu tegid. 2. Qof dhintay xusid. m.f.dh, siyaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siyaaro
f. n. visit, pilgrimage; memorial ceremony for a dead person
siyaaro v. visit; commemorate, hold a memorial ceremony for
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siyaaro
-siyaarada: (n) 1. commemoration (ko-mema-reey-shin) usually for a dead person; visitation at the burial of the dead 2. visit (vi-zit); visitation (vi-zi-teey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaaro
(fal) xus u samay.
siyaaro: (fal) booqo.
siyaaro -da: (magac, dhedig, keli) xoolo, iyo wixii la mid ah, oo deeq iyo hadyad ah, culimada iyo ardayda la siiyo. Dh: jil.
siyaaro -da: (magac, dhedig, keli) 'nebiga, awliyada, waalidka, iyo wixii la mid ah xus sanadeed loo sameeyo; xus; duco.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
zingaro
s.m. - magac qabiil oo asalkiisa ka yimid Aasiya haatanna ku firirsan Yurub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinsaaryo
(Sinsaarya-da)
Tabaha legdanka mid ka mid ah; (ama sinsaaro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinsaaryo
m.dh Nooc ka mid ah tabaha legdanka oo qofka inta sinta la saaro la legdo. la-mid: sinsaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinsaaryo
f. n., [compound] hoisting one's opponent onto one's hip (in wrestling)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinsaaryo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sinsaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinsaaryo
de: hoisting one's opponent onto one's hip (in wrestling)
initial: s
lx: sinsaaryo
pd: (/da)
ps: n-f-cmp
key: sinsaaryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyayaro
m.dh Meel aan biyo badan lahayn. la-mid: biyayari, biyayarood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanyaro
m.dh la-mid: maanyaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minyaray
(fal) adoo minweyno qaba mid kale guurso. Afar ayuu Ilaahay kuu xalaaleeyee minyaray. Dh: labee, minyaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbiro
-ha: (magac, lab, keli) cudur dadka ku dhaca; shinbirow.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sinistro
agg. e s.m. - dhinaca bidix; belo, masiibo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sinyaale
Signal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiinbaro
-ha: (magac, lab, keli) eeg tiimbaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tincaaro
-da: (magac, dhedig, keli) sannab ay caabudi jireen dadkii hore.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vineyard
/vin-yardh/ (n) beer-yar oo lugu abuuro geedka cinabka ee khamriga laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidanyaro
m.dh Xaaladda uu ku sugan yahay qof aan ciidan ku filan haysan. la-mid: ciidanyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinaysasho
m.f.dh eeg sinayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) galmo xaaraan ah samayn. Dh: dhilaynimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sineysasho
-sineysashada: (n) the act of committing adultery; unlawful sexual intercourse; fornication (foor-na-keey-shin); illicit love; love affair ~ sineys, sino, sinaysi, dhillaysasho, sharmuutaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saro
saro¹: m.dh Sumoobidda wax sumoobaan. la-mid: sadho.
saro²: f.g3 (-rtay, -ratay) Wax dillaac yar u yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saro
(fal) meel sarniin ku samayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sino
(Sina-da)
Dhillaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sino
m.dh Isu galmood ay isu galmoodaan nin iyo naag aan meher isu hayn; macsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sino
m.dh Isu galmood ay isu galmoodaan nin iyo naag aan meher isu hayn; macsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sino
f. n. adultery, fornication, harlotry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sino
-sinada: (n) unlawful sexual intercourse; the act of committing adultery (a-dhal-tari); fornication (foor-na-keey-shin)-, illicit love; love affair
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sino
(o fino) prep. - ilaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sino
-da: (magac, dhedig, keli) galmood xaaraan ah: galmada xaaraanta ah. Dh: macsiyo, qarraaf, dhillaysi. Li: dhawrsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sino
bw: Arabic
de: adultery, fornication, harlotry
initial: s
lx: sino
pd: (/da)
ps: n0-f
syn: dhillaysi, sinaysi
key: sino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Cid sir wax kaga qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siro
(fal) cid sir wax kaga qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iinyo
-da: (magac, dhedig, keli) erey la isticmaalo marka wax la diidayo. Dh: i'iinyo, diiday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilyar
(Ilyar-ta)
Masarka dumarku xirtaan jaad kamid ah oo ilo badan oo yaryar leh; ganbo; maskan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilyar
m.dh 1. Nooc gambada ka mid ah oo leh ilo badan oo yaryar. 2. Nooc shabaagta lagu jillaabto ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilyar
m.dh 1. Nooc gambada ka mid ah oo leh ilo badan oo yaryar. 2. Nooc shabaagta lagu jillaabto ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilyar
f. n., [compound] head scarf worn by married women
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilyar
-ta: (n) kind of woman's headdress; veil (veeZ); scarf (iskaarf) ~ gambo, ganbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilyar
-ta: (magac, dhedig, keli) shabagyada kalluunka lagu soo dabo mid ka mid ah.
ilyar -ta: (magac, dhedig, keli) halka ay isha iyo sanqaroorku iska galaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilyar
de: head scarf worn by married women Lit: small eye
lx: ilyar
pd: (-ta)
ps: n0-f-cmp
key: ilyar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Naaro
pr. n., loc. Nauru
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Naaro
de: Nauru
lx: Naaro
ps: n0-loc
key: Naaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaro
f.g/lg3 (-rtay, -ratay) 1. Nin naag u galmoosho. 2. Wan lax kudud. 3. Wax, wax kale dul dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaro
f.g/lg3 (-rtay, -ratay) 1. Nin naag u galmoosho. 2. Wan lax kudud. 3. Wax, wax kale dul dhigasho. m.f.dh, saarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaro
v. place ~ put on top of for oneself; copulate, have sex with
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saaro
-saartay I saaratay: (v) put on (put on); place (paleeys) for one's own self. Ex:jaakadda halkaas saaro; put yourjacket over there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaro
(fal) wan, dibi, iyo wixii la mid ah, dheddigga kula nooca ah kud. Dh: fuul.
saaro: (fal) waxyaabo dhacay sababtooda, wax kale ama cid kale ku eedayso. Dh: halsaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaro
de: place ~ put on top of for oneself; [ext.] copulate, have sex with
initial: s
lx: saaro
pd: (saartay)
ps: v3b=
key: saaro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
siéro
s.m. - dhacaan dhiig, qayb ka mid ah dhiigga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siiro
(Siira-da)
1. Dhaqan; dabeecad; guhaad.
2. Sheeko; qiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siiro
m.dh 1. Taariikh nololeed. 2. Asluub; dhaqan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siiro
m.dh 1. Taariikh nololeed. 2. Asluub; dhaqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siiro
f. n. nature, comportment, character; biography
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiro
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan; dabeecad; guhaad.
siiro-da: (magac, dhedig, keli) taariikh la weriyo, gaar ahaan na ta Nebi Muxamad (NNK) iyo asxaabtiisa. Dh: taariikh, siire, sheeko, qiso, Wa: siirooyinka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siiro
bw: Arabic
cf: dhaqan, dabeec(ad); qiso, sheeko
de: nature, comportment, character; biography
initial: s
lx: siiro
pd: (/da)
ps: n-f
key: siiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinan
Siman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinan
sinan¹: f.mg1 (-nmay, -nmantay; -nmi) la-mid: siman¹.
sinan²: f.mg4 (-nnaa, -nnayd) la-mid: siman².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinan
inch. v. be smooth, level ~ equal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sinan
-sinnaa / sinnayd: (adj) level (leval)-, smooth (is-muuth); horizontal (hori-zental)-, same level; even (i-van) ~ siman, is-le'eg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinan
-ka: (magac, lab, keli) aan kala dheerayn; siman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinan
de: be smooth, level ~ equal
initial: s
lx: sinan
pd: (sinmay)
ps: v1=inch
see: siman
key: sinan
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SINGO
(Singo) S Coccinia grandis (L) Voigt. Cucurbitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyac
-a: (magac, lab, keli) urta wax qoyaan oo raagay ama xumaaday.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
snare
/sner/ (n) 1. dabin (v) 2. dabin ku qabasho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
snare
n., debin, -ki; the making or placing of a snare, dabniin, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
snarl
/snarl/ (v) 1. cod qaylo ah (siiba xayawaanku sameeyo) 2. isku-murgid (isku-xayirmid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
snarl
v.tr., (entangle) isku merji; v.i., (growl) cabaad; the camel is snarling, awrki waa cabaadayaa.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sparo
s.m. - toogasho(da), dhawaaq xabbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Antaro
(Antara-da)
Xad; seere; soohdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
antaro
m.dh (-ooyin, m.l) Xad; seere; sohdin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
antaro
f. n. limit; border, boundary, frontier