sinjaarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinjaarid
(Sinjaarid-da)
(gaadiidka badda...) labo ama ka badan, sinjaar isu raacid, wada dhoofid, wada socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinjaarid
m.f.dh eeg sinjaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinjaarid
-da: (magac, dhedig, keli) 'badmarid' labo ama in ka badan, isweheshad oo wada dhoofid, sinji-ga: (magac, lab, keli) asalkii hore oo laga soo jeeday, wax isirkiisa hore halkuu ka yimaado. Dh: asal, ab, isir, wasiir; abooti, abnaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ijaarid
(Ijaarid-da)
Aqal, kd. ijaaro ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijaarid
m.f.dh eeg ijaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinjaar
(Sinjaar-ka)
Isweheshadka iyo wadadhoofka gaadiidka badda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinjaar
sinjaar¹: m.l 1. Is-weheshadka iyo wada dhoofka gaadiidka badda. 2. S. ah: deris.
sinjaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Gaadiid badeed si ay isu weheshadaan hal mar wada dhoofid. 2. Deris si wanaagsan ula dhaqmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinjaar
m. n. fleet (of ships), convoy (of trucks)
sinjaar v. go, move ~ sail in convoy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinjaar
-ka: (magac, lab, keli) israaca safarka badda oo kol gaadiidka la wada dhaqaajiyo: isweheshadka iyo wadadhoofka gaadiiddka badda. Dh: israac; israacid; wada dhoof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inkaarid
(Inkaarid-da)
Habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkaarid
m.f.dh eeg inkaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, karaahi ku ridid, habaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sitaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qol isku furan, iyo wixii la mid ah, shay lagu kala qaybiyo oo lagu kala gooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaarid
m.f.dh eeg sannaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaarid
-da: (magac, dhedig, keli) sannaar ku dabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibbaarid
m.f.dh eeg sibbaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinjaar_1
de: fleet (of ships), convoy (of trucks) (i.e., simultaneous movement of transport vehicles)
hm: 1
initial: s
lx: sinjaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sinjaar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinjaar_2
de: go, move ~ sail in convoy
hm: 2
initial: s
lx: sinjaar
pd: (sinjaaray)
ps: v1=intr
key: sinjaar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minjasaarid
m.dh la-mid: manjasaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinqaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo fadhiya ama jiifa, laabta la sara kicid oo hingad.
hinqaarmid-da: (magac, dhedig, keli) yalaalugood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiraarid
m.f.dh eeg shiiraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naarid
(Naarid-da)
Naar gelin; cadaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naarid
m.f.dh eeg naar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naarid
-da: (magar, dhedig, keli) fogayn oo Shaydaan iyo dhibtiisa Eebbe ka magangalid. Shaydaan iska naariddu way fiican tahay.
naarid-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, cadaabid holac ku tuurid. Naarid Ilaahbaa laga baryaa. Dh: cadaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saarid
(Saarid-da)
1. Wax meel hoose yaal meel kore dhigid.
2. (wax) wax sarreeya dushiisa dhigid.
3. (gaadiid, kd.) ku rarid.
4. Dibad u bixin.
5. (soo saarid) soo bixin, keenid; dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saarid
m.f.dh eeg saar².
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
saarid
disqualifies tion
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saarid
vl. n. placing, putting (on top)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sarreeya dushiisa dhigid, wax meel hoose yaallay meel sare dhigid. Dh: saaris, fuushiin. Li: dejin, dhaadhicin.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) gaadiid ku rarid.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan jirin cid ku nabid. Dh: masabbidid.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) cillaan, gacmaha ama cagaha ku samaysad. Li: saaris.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) soo bixin; soo saaris; dibad u soo bixin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saarid
de: placing, putting (on top)
initial: s
lx: saarid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: saarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinaad
(Sinaad-ka)
Qiime; sicir; sinni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinaad
m.l Qiime; sicir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinaad
m. n. price, cost, value
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qüime.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinaad
cf: qiime, sicir, sinni
de: price, cost, value
initial: s
lx: sinaad
pd: (-ka)
ps: n-m
key: sinaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ijaabid
(Ijaabid-da)
Yeelid; maqlid; ajiibid, aqbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijaabid
m.f.dh eeg ijaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sintaar
m.dh.u Maanyoodka Yibraha, marka ay samaanyo ka rabaan wiil dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sintaar
-ka: (magac, lab, keli) shay laba meelood. Siiba qol lagu kala qaybiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjarid
-da: (magac, dhedig, keli) neef ka bixidda shaagga. Banjaridda shaagga wax ugu wacan musbaar muday.
banjarid -da: (magac, dhedig, keli) gerigo'an ku dhacid; meel cidla' ciirsila' ah ku go'doomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cinaadid
(Cinaadid-da)
Cinaad ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinaadid
m.f.dh eeg cinaad². la-mid: canaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cinaadid
-da: (magac, dhedig, keli) amardiiddo samayn; madax'adaygid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarid
m.dh la-mid: cayaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka qaybgelid. Dh: dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaasid
(Hinaasid-da)
Qof isgarabtaagid, inuu qof kale ka adkaado darteed; hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaasid
m.f.dh eeg hinaas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasid
-da: (magac, dhedig, keli) qof hinaasan ahaansho. Dh: masayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijbaarid
m.f.dh eeg ijbaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ijbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ijbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaarid
(Ishaarid-da)
Baaqid; far ku fiiqid; astayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaarid
m.f.dh eeg ishaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jikaarid
(Jikaarid-da)
Diidmo iyo asaraar ka horkeenid; jactadid; murmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jikaarid
m.f.dh eeg jikaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jikaarid
-da: (magac, dhedig, keli) talo la soo jeediyay, si ula kac ah u diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinaabid
m.f.dh eeg jinaab. la-mid: junoobid, junubid, junuubid, junuunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinaabid
-da: (magac, dhedig, keli) jinaabo yeelad oo cid u galmood ama biyo keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midaarid
(Midaarid-da)
Baaq midaar ah, ku baaqid, cid wax ku barid, ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midaarid
m.f.dh eeg midaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minaarad
m.dh la-mid: munnaarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minaarad
-da: (magac, dhedig, keli) dhis bed kooban qaata oo masaajidda laga garab dhiso oo inta la dheereeyo aadna loo qurxiyo oo makarafoonnada la duldhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nijaarad
-da: (magac, dhedig, keli) goobta farsamada alwaaxda lagu sameeyo. li tilmaan nijaarad qalab fiicani yaal. Dh: najaarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qidaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qiyaasid, beegid, cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaari
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka s.: nafley ka qaylisiin. 2. Ka s.: wax ka dhawaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanqarid
(Sanqarid-da)
Shanqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqarid
m.f.dh eeg sanqar². la-mid: shanqarid, sharqamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqarid
-da: (magac, dhedig, keli) sanqar la maglo samayn; sharqamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibaagid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iyo wixii la mid ah sibaaq marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifaarad
-da: (magac, dhedig, keli) guriga iyo xafiiska safiirku ku yaal; safaaro; safaarad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sigaarad
f. n. cigarette, cigar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sigaarad
bw: Arabic
de: cigarette, cigar
initial: s
lx: sigaarad
pd: (-da)
ps: n1-f-enum
key: sigaarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sijaayad
m.dh la-mid: sajaayad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sijaayad
-da: (magac, dhedig, keli) darmo yaro oo maro, saan ama wax kale ka samaysan oo lagu tukado. Sijaayad ayaan hadyad ugu keenay shalay Dh: sijaadad, sajaayad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinsaaro
m.dh la-mid: sinsaaryo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinsaaro
(fal) wax ad xambaarayso sinta saaro.
sinsaaro -da: (magac, dhedig, keli) tabaha legdanka mid ka mid ah; sinsaaryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siraadid
(Siraadid-da)
Siraad daarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadid
m.f.dh eeg siraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadid
-da: (magac, dhedig, keli) siraad daarid, shidid, shidid ama noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sitaacid
m.f.dh la-mid: sitaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sitaarad
-da: (magac, dhedig, keli) xayndaab ama deyr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaadid
(Siyaadid-da)
Siyaado ku darmid; kordhid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadid
m.f.dh eeg siyaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaadid
-da: (magac, dhedig, keli) siyaado ku darmid; soo kordhid; soo badasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaarad
-ka: (magac, lab, keli) siyaarasho.
siyaarad -ka: (magac, lab, keli) xus u samayn; siyaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tijaarad
m.dh la-mid: tijaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tijaarad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo lacagley ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xijaabid
(Xijaabid-da)
1. Xijaab u yeelid, ku gudbid.
2. Qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xijaabid
m.f.dh eeg xiijaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xijaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xirsi xijaab u samayn oo duco iyo qur'aan akhrisasho si shar laga bagayo looga badbaado. Dh: xijaabis.
xijaabid-da: (magac, dhedig, keli) xijaab u xidhid Dh: asturid, xijaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fansaarid
(Fansaarid-da)
Fangelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fansaarid
m.dh la-mid: fangelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xagga danbe ee muurka aad wadato, korsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gungaarid
m.f.dh eeg gungaar². la-mid: gungaar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaarid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku dhirfid; ku jaahwareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinraagid
(Hinraagid-da)
Neeftuurid; xuurtood; haftood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinraagid
m.f.dh eeg hinraag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinraagid
-da: (magac, dhedig, keli) neeftuurid iyo xuurtood; haftood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqdaarid
(Liqdaarid-da)
Wax liqdaaran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqdaarid
m.f.dh eeg liqdaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqdaarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax toosan meel ku tigtigid oo ku xajin.