sineemo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sineemo
m.dh la-mid: shineemo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sineemo
f. n. movie theater; motion picture, cinema
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sineemo
-da: (magac, dhedig, keli) shaneemada laga daawado filimada, ruwaayadaha iyo wixii la mid ah. Dh: shaneemo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sineemo
de: movie theater; motion picture, cinema {It}
initial: s
lx: sineemo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sineemo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shineemo
* (Shineema-da)
1. Qalab masawirro degdeg isu dabajooga, daah korki ku qabta oo ka muujiya, ishuna ay mooddo muuqaallo run ah oo noolnool oo dhaqdhaqaaqaya.
2. Meesha muuqaalladaas lagu daawado, (ama sineemo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shineemo
m.dh (-ooyin. m.l) 1. Golaha filimada lagu daawado. 2. Filin. la-mid: sinee-mo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shineemo
m.dh (-ooyin. m.l) 1. Golaha filimada lagu daawado. 2. Filin. la-mid: sineemo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shineemo
f. n. movie theater, cinema
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shineemo
-shineemada: (n) cinema (sinima);, movies (muuvis); movie theater ~ shaneemo filin,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shineemo
-da: (magac, dhedig, keli) meesha filimada lagu daawado; sineemo; shaleemo.
shineemo -da: (magac, dhedig, keli) qalab masawirro degdeg isu dabajooga, daah korkii ku qabta oo ka muujiya, ishuna ay mooddo muuqaallo run ah oo noolnool oo dhaqdhaqaaqaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shineemo
de: movie theater, cinema {It}
initial: s
lx: shineemo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: shineemo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaneemo
f. n. movie theater, cinema
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaneemo
-shaneemada: (n) cinema (sinima);, movies (muuvis); movie theater ~ filin, shineemo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaneemo
-da: (magac, dhedig, keli) meesha lagu daawado filimada oo aad uballaadhan. Dh: sinimoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaneemo
cf: filin {It}
de: movie theater, cinema
initial: s
lx: shaneemo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: shaneemo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
infèmo
s.m. - naar, jahannamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheemo
m.dh la-mid: shiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheemo
-da: (magac, dhedig, keli) guulista laboodka nafleyda qaarkeed oo diida in raxantiisa laga soo dhex galo.
sheemo -da: (magac, dhedig, keli) xanuun lo'da dhogor badan u yeela oo ka dhasha cabbeebka. Dh: cabeebgasle.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sincèro
agg. - daacad ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sineyso
v. commit adultery; have sexual relations (with)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sineyso
-sineystay / sineysatay: (v) commit adultery; fornicate (foor-ni-keeyt); commit fornication; have an unlawful sexual intercourse ~ sinay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sineyso
de: commit adultery; have sexual relations (with) With preposition ka
initial: s
lx: sineyso
pd: (sineystay)
ps: v3b=intr
key: sineyso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sintomo
s.m. - astaan (jirro).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lanleemo
-da: (magac, dhedig, keli) gariirka xubnaha qaarkood ku dhaca, kolka la weynaado. Duqi laleemo ayaa ku dhacday. Dh: gacmogariir.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sinònimo
agg. e s.m. la micna ah, la mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kushineeto
f. n. ball-bearing ~ -bearings
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kushineeto
-kushineetada: (n) bearing (beering)-, friction-reducing bearing; ball bearing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kushineeto
de: ball-bearing ~ -bearings {It}
lx: kushineeto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: kushineeto
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
seem
/siim/ seems;(v) u eg (la moodo, u san-saan eg).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seem
(fal) timaha ka dhammee. Seem timaha oo muldhi. Dh: dhukur.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
seem
v.., mood; it seems, waa la moodaa, waa muuqataa.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sine
Sayn
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sine
Sayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sino
(Sina-da)
Dhillaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sino
m.dh Isu galmood ay isu galmoodaan nin iyo naag aan meher isu hayn; macsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sino
m.dh Isu galmood ay isu galmoodaan nin iyo naag aan meher isu hayn; macsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sino
f. n. adultery, fornication, harlotry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sino
-sinada: (n) unlawful sexual intercourse; the act of committing adultery (a-dhal-tari); fornication (foor-na-keey-shin)-, illicit love; love affair
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sino
(o fino) prep. - ilaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sino
-da: (magac, dhedig, keli) galmood xaaraan ah: galmada xaaraanta ah. Dh: macsiyo, qarraaf, dhillaysi. Li: dhawrsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sino
bw: Arabic
de: adultery, fornication, harlotry
initial: s
lx: sino
pd: (/da)
ps: n0-f
syn: dhillaysi, sinaysi
key: sino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemo
heemo¹: m.dh Illin ama duuf aan layska tirin.
heemo²: f.mg3 (-maday, -matay) 1. Degid isu diyaarin. 2. Ku h.: wax ku soo uruurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemo
(fal) haad, degitaan isku diyaari; soo hoobo.
heemo: (fal) wax farabadan, soo gawriirso; meel ku soo shumuum.
heemo: (fal) «u ~» u xagaldaac; u hamro.
heemo -da: (magac, dhedig, keli) dheecaan aad u qoyan oo indhaha dadka ka yimaad. Dh: himish, dhalxan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scémo
s.m. - nacas, doqon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seego
m.dh Galmo la'aan qof shahwo isaga keeno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seego
m.dh Galmo la'aan qof shahwo isaga keeno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seego
-da: (magac, dhedig, keli) bir yar oo sida miinshaarka ilko yaryar leh oo biraha lagu jaro; seegafeero.
seego -da: (magac, dhedig, keli) xubinta taranka oo la salaaxo oo shahwadda gacanta la iskaga keeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeme
(Seema-ha)
Billaawe weyn oo lagu dagaallamo keliya; golxob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeme
m.l (-mayaal, m.l/dh) Billaawe weyn oo lagu dagaallamo; golxob.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seeme
m. n. large combat dagger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeme
-ha: (magac, lab, keli) billaawe weyn oo dagaallanka qudha loo haysto. Seemaha dagaal baa loo sitaa. Dh: billaawe, qolxob, golxad.
seeme -ha: (magac, lab, keli) galka toorreyda la geliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seeme
de: large combat dagger
initial: s
lx: seeme
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: seeme
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seero
f.g3 (-rtay, -ratay) Dhul iyo wixi lamida xuduud u samaysasho. la-mid: seerayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seero
v. mark (out) for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seero
(fal) meel meegaaro; meel xad ah jeexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seero
cf: seer
de: mark (out) for oneself
initial: s
lx: seero
pd: (seertay)
ps: v3b=tr
key: seero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeto
(Seeta-da)
(geel...) Xarig labada jeeni (dhudhummada) lagaga xiro si uusan u fogaan; dabar dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeto
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xiridda la isku xiro labada addin oo hore ee awrka. 2. Xargaha awrta lagu seeteeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seeto
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xiridda la isku xiro labada addin oo hore ee awrka. 2. Xargaha awrta lagu seeteeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seeto
f. n. hobbling-rope for livestock, slack enough to allow movement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seeto
-seetada: (n) a hobble for an animal; shackle (shaakal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeto
-da: (magac, dhedig, keli) 'geel', xadhig labada jeeni lagaga xidho si uusan u fogaan. Dh: dabar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seeto
de: hobbling-rope for livestock, slack enough to allow movement
initial: s
lx: seeto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: seeto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexo
f.mg3 (-xday, -xatay) 1. Qof, gam'id. 2. Dab iyo wixi lamida damid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seexo
f.mg3 (-xday, -xatay) 1. Qof, gam'id. 2. Dab iyo wixi lamida damid. m.f.dh, seexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seexo
v. go to bed, sleep; go out (fire), be extinguished (light)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seexo
-seexday / seexatay: (v) sleep (isliip); go to bed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexo
(fal) hurdo gal; jiifso oo gama'.
seexo: (fal) 'dab, nal' dam; bakhti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seexo
de: go to bed, sleep; [ext.] go out (fire), be extinguished (light)
initial: s
lx: seexo
pd: (seexday / seexatay)
ps: v3b=intr
xe: Let him sleep!
xv: Ha seexdo!
key: seexo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeyo
m.dh Caws adag oo gogosha laga samaysto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheem
v. protect ~ defend the herd (of leading male animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheem
(fal) cawlka iyo wixii la mid ah, mid kale guul oo raxanta ka saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheem
de: protect ~ defend the herd (of leading male animal)
initial: s
lx: sheem
nt: sheemid (da) [vn-f]
pd: (sheemay)
ps: v1=tr
key: sheem
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sidee
Sidee?
Habkee? Xaaladdee? Waxee? Maxaa? Maxay ku noqotay?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidee
fk.we Habkee; xaaladdee?; waxee?; maxaa? maxay ku noqotay?. la-mid: see.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sidee
fk.we Habkee; xaaladdee?; waxee?; maxaa? maxay ku noqotay?. la-mid: see.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidee
question word, [adverb] how?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sidee
(adv) how (haaw) Ex: sidee tahay? how are you? ~ sideed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidee
sidee? (falkaabe) su'aaleed laga horraysiiyo su'aasha xaaladda ku saabsan. Sidee casharka loo dhigaa? Dh: Habkee? Xaaladdee? Waxee? Maxaa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidee
de: how?
initial: s
lx: sidee
ps: qw-adv
xe: How is the temperature today?
xv: Maanta hawadu waa sidee?
key: sidee
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sidee
كيف
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
siéro
s.m. - dhacaan dhiig, qayb ka mid ah dhiigga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifee
f.g2 (sifeeyay, sifaysay) 1. Wax nadiifin. 2. Wax kala miirid. 3. Wax sharxid. la-mid: safee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sifee
f.g2 (-feeyay, -faysay) 1. Wax nadiifin. 2. Wax kala miirid. 3. Wax sharxid. m.f.dh, sifayn. la-mid: safee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sifee
v. clean; distinguish; explain, make clear, describe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sifee
-yey / sifeysay: (v) 1. purify (pi-yuuri-faay); refine (ri-faayn); clean (kiltin') ~ nadiifi. 2. characterise, describe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifee
(fal) caddee ama nadiifi. Li: uskagee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sifee
a: safee
de: clean; distinguish; explain, make clear, describe
initial: s
lx: sifee
pd: (sifeeyey)
ps: v2b=tr
key: sifee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
since
/sins/ (adv) 1. ilaa (taniyo waqtigaas) (conj) 2. sababtoo ah (maadaama).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
since
adv. and c., halkiyoo goorti; since you saw him, halkiyoo goortaad aragtay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sinew
/sin yu/ sinews;(n) seed (hilib adag oo muruqyada iyo lafaha isku xira).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sinew
n., seed, -di, boqon, -ti, boqon hore, bohon dambe, qanjidh, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
singe
/sinj/ (v) dab-gaarsiin (gubid- sahlan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
singe
singe, n.m. - daayeer.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SINGO
(Singo) S Coccinia grandis (L) Voigt. Cucurbitaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sneer
/sniir/ (v) 1. ku qoslid, si jees-jees ah 2. ku jees-jeesid (xaqirid); yasid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sneer
v.i., (laugh with contempt) qubixi; n., qubux, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aneexo
(Aneexa-da)
Geed dhirta yaryar ka mid ah oo bixiya miro arorro leh oo ceeriinka iyo bisaylkaba lagu cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aneexo
m.dh.u (botani) Geed nagaar faalala oo leh caleemo yaryar oo xanaf leh iyo miro kulkulucsan oo la cuno. la-mid: uneexo.