sinbiidhasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinbiidhasho
-da: (magac, dhedig, keli) si dadab ah u dhicid; sinbiidhad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinbiidho
(fal) dhinac dhinac u dhac; si dadban dhulka ugu dhacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinbiidhad
-ka: (magac, lab, keli) sinbiidhasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cindiidasho
-da: (magac, dhedig, keli) caano badhxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidhasho
-da: (magac, dhedig, keli) naqaysasho inta la rabo wax badan laga dhex madho; inta la rabo gurasho oo dhan u naqaysasho. Dh: miidhad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg finiinad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isjiidasho
m.dh la-mid: is-haysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siniqsasho
m.f.dh la-mid: siliqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siniqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) aayar socodka; qunyar socotay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biniinsasho
-da: (magac, dhedig, keli) biniinsad wax ku arkid. Biniinsasho ma wax arag baa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabiidsasho
(Cabiidsasha-da)
Addoonsasho; beelaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsasho
m.f.dh eeg cabiidso. la-mid: cabiidsad, cabiidsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cabiidsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Finiinsasho
(Finiinsasha-da)
Mid wax badan oo wadajira oo carara haya kamid ah, gooni u leexsasho, u goosasho, u ceyrsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiinsasho
m.f.dh eeg finiinso. la-mid: finiinsad, finiinsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
finiinsasho
vl. n. act of splitting off, forming a splinter-group
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg finiinsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
finiinsasho
a: finiinsad (ka) [vn2-m]
de: act of splitting off, forming a splinter-group
lx: finiinsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: finiinsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjiidasho
m.f.dh eeg hanjiido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiniifsasho
-da: (magac, dhedig, keli) caanaha weelka ama sacabka kolba in yar ku shubasho oo leefid. Dhuuryadu dhiisha hiniifsasho ayay ku dhammaysaa. Dh: daarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinbiidhmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qodaxi mudday oo waxyeelloobay noqosho. Dh: heermid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbiidsasho
-da: (magac, dhedig, keli) adoonsasho ama bidde ka dhigasho. Dh: cabiidsasho, beelaysasho, biddeysasho, adoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dingiigsasho
m.dh la-mid: dangiigsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dingiigsasho
-da: (magac, dhedig, keli) jiif dingiig ah jiifsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhiidhasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhiidhad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sibiibaxasho
-sibiibaxashada: (n) gliding (galaaydh-ing)-, skidding (iskiding)-, slipping (islip-ing)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sibiibixasho
(Sibiibixasha-da)
Sidbasho; sinbiriirixasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibiibixasho
m.f.dh eeg sibiibixo². la-mid: sibiibixo¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiibixasho
-da: (magac, dhedig, keli) sidbasho; sibiibixasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibsiibasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer siibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinbiriirixasho
(Sinbiriirixasha-da)
Sibiibixasho; sidbasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sinbiriirixasho
-sinbiriirixashada: (n) slipperiness (islipari-nes)-, sliding movement ~ simbiriirixasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinbiriirixasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka qofku uu siibasho ku kufo. Dh: sibiibixad, sidbasho, siibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinbiriirsasho
(Hinbiriirsasha-da)
Weji tubid sida qof ooyi doona ama qawadsan ama aan dhab wax u arag oo indhaha xoog ka raadina haya; wejiga biriir u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiinhiinsasho
(Hiinhiinsasha-da)
Wax yar oo caano ah oo weel ku jira, ka fuuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinhiinsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hiinsad; hiinsi; fuuqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibindhabasho
m.f.dh eeg jibindhabo. la-mid: jibindhabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simbiriiraxasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel dhiiqo oo jilicsan lugta kuu cararid. Dh: siibasho. simbiriirixad -ka: (magac, lab, keli) sidbasho; siibasho; sibiibixasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
simbiriirixasho
m.f.dh eeg simbiriirixo. la-mid: simbiriirixad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
simbiriirixasho
-simbiriirixashada: (n) sliding; gliding on a slick or slippery surface ~ sinbiriirixasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhfurasho
-da: (magac, dhedig, keli) kala furashada awr ama wax kale oo xidhiidh ah.
xidhiidhfurasho -da: (magac, dhedig, keli) dad iska warqabi jirey kala war beelid oo kala baadid cilaaqaad jiray go'id. Kala fogaantu waxay kenta xidhiidhfurasho degdeg ah. Dh: kala go'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadhasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama meel, hanti si sharcidarro ah kaga qaadasho.
baadhasho -da: (magac, dhedig, keli) wax maqan ama daahan, doondoonasho.
baadhasho -da: (magac, dhedig, keli) galgalashada ama doondoonashada fadhiga wanaagsan ee gaar ahaan geela. Baadhashada badanaa ma dhuug baa cunaya hasha!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhankaad u Socotay maahee dhinac kale u kacitaan. Jidka ma garanayo oday baydhasho badanaa. Dh: leexasho, weecasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biicsasho
m.dh eeg biicso. la-mid: beecsad, beecsasho, beecsi, biicsad, biicsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biicsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax soo iibsasho. Biicsasho cidna lagama xigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirsasho
m.f.dh eeg biirso. la-mid: biirsad, biirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ku darsasho; iska kordhisasho. Biirsashda fasaxa la iskuma ogola. Dh: kororsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiidsasho
(Fiidsasha-da)
Meel joogid taniyo fiidkii; bid soo gelid; caweysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidsasho
m.f.dh eeg fiidso. la-mid: fiidsad, fiidsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidsasho
-da: (magac, dhedig, keli) inta ay fiidka ka gaadhayso, sugid ama u kaadsasho. Dh: fiidsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firdhasho
(Firdhasha-da)
Wax qarxay ama col jabay, kd., wax ka kala yaacid, ka soo go'id; firxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhasho
m.f.dh eeg firdho. la-mid: firdhad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firdhad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mildhasho
-da: (magac, dhedig, keli) eegmo kedis ah oo aan isha laga buuxsan arkid. Mildhasho maahee ma hor fadhiisatay. Dh: milicsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandhasho
m.f.dh eeg qandho². la-mid: qandhood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandhasho
-da: (magac, dhedig, keli) xummad iyo xanuun aan badnayn yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilasho
m.f.dh eeg shiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilasho
-da: (magac, dhedig, keli) hilib ama wax kale, dhagax shiil ah ku dubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siinsasho
(Siinsasha-da)
Siin (duuf) iska keenid, iska bi'in; duufsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siinsasho
m.f.dh eeg siinso. la-mid: siinsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinsasho
-da: (magac, dhedig, keli) siin ama duuf iska keenid, duufsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sijisasho
m.f.dh eeg sijiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikilasho
m.f.dh eeg sikilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sisibasho
(Sisibasha-da)
Sidbasho; salxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sisibasho
m.f.dh eeg sisibo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sisibasho
-da: (magac, dhedig, keli) sidbasho; sulxasho; siibasho; fashilan ama siibtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afxidhasho
-da: (magac, dhedig, keli) soommanaan: soon xidhasho. Dh: soomid, afxirasho.
afxidhasho -da: (magac, dhedig, keli) hadal ka gaabsasho. Anoo adyadeeya duul, afxidhashaa iiga roon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilbilasho
m.f.dh ù eeg bilbilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Finixsasho
(Finixsasha-da)
Dood ama hadal hore oo la qaadan waayey, dabasocosho; cariiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finixsasho
m.f.dh eeg finixso. la-mid: finixsad, finixsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
finixsasho
vl. n. continuing to argue in order to get one's own way
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finixsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dood ama hadal hore oo laga samri waayey, dabasocosho oo tixraacid. Dh: finixsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
finixsasho
a: finixsad (ka) [vn2-m], finixsi (ga) [vn2a-m]
de: continuing to argue in order to get one's own way
lx: finixsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: finixsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinifsasho
(Hinifsasha-da)
Hadba caano yar weel ku dhiijin oo ka kabbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinifsasho
m.f.dh eeg hinifso. la-mid: hinifsad, hinifsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinifsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hinifsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinjisasho
m.f.dh eeg hinjiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibindhabo
f.mg3 (-btay, -batay) Sida jibinta u dhawaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibindhabo
(fal) sida jibinta u yeedh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiciirasho
m.f.dh eeg jiciiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jidiimasho
(Jidiimasha-da)
Jidiinqallal ka dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidiimasho
m.f.dh eeg jidiimo. la-mid: jidiimad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiimasho
-da: (magac, dhedig, keli) liqidda ama cunista wax cunaha la mariyo si loogu noolaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jinbacasho
(Jinbacasha-da)
Dhinac ama dib u leexasho, isu soo laabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libiqsasho
(Libiqsasha-da)
Si degdeg ah, il isugu qabasho oo u kala qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libiqsasho
m.f.dh eeg libiqso. la-mid: libiqsad, libiqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libiqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha oo kolba la isku qabto. Dh: gibidhsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannifasho
m.f.dh eeg sannifo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannifasho
-da: (magac, dhedig, keli) suugaan iyo wax hor leh, abuurasho ama curin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariigasho
-da: (magac, dhedig, keli) sharafta oo la ilaaliyo lagana durko waxa ceebta ah. Dh: dhowrsanaan, xishood, sheex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sariirasho
m.f.dh eeg sariiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiixasho
m.f.dh eeg saxiixo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiixasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof, gacantiisa ku saxiixad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiiqsasho
(Shiiqsasha-da)
Wax adag oo dhacaan leh oo inta afka la gashado la calaliyo oo dhacaanka laga liqo; bashuuqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiqsasho
m.f.dh eeg shiiqso. la-mid: shiiqsad, shiiqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax adag oo dheecaan leh oo inta afka la gashado la soo nuugo ama la calasho oo dabeed dheecaanka laga lego. Dh: bashuuqsi, bashuuqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silifsasho
m.f.dh eeg silifso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siliqsasho
m.dh eeg siliqso. la-mid: siliqsad, siliqsi, siniqsad, siniqsasho, siniqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinaysasho
m.f.dh eeg sinayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) galmo xaaraan ah samayn. Dh: dhilaynimo.