simanid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax siman noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siman
Is le'eg; aan kalana horrayn kalana danbayn; isku darajo ah; isku jaan go'an; (ama sinan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siman
siman¹: f.mg1 (-nmay, -mantay; -nmi) 1. Laba wax ama ka badan, xag derejo, dhalasho, dherer iyo wixi lamida iskaga mid ah noqosho. 2. Dul aan meelo kala sarreeya lahayn noqosho. 3. Ku s.: wax meel ku eg oo aan dhaafsiisnayn noqosho. la-mid: sinan¹.
siman²: f.mg4 (-mnaa, -mnayd) 1. Laba wax ama ka badan, xag darajo, dhalasho, dherer iyo wixi lamida iskaga mid ah ahaansho. 2. Dhul aan meelo kala sarreeya lahayn ahaansho. 3. Ku s.: wax meel ku eg oo aan dhaafsiisanayn ahaansho. la-mid: sinan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siman
siman¹: f.mg1 (-nmay, -mantay; -nmi) 1. Laba wax ama ka badan, xag derejo, dhalasho, dherer iyo wixi lamida iskaga mid ah noqosho. 2. Dul aan meelo kala sarreeya lahayn noqosho. 3. Ku s.: wax meel ku eg oo aan dhaafsiisnayn noqosho. m.f.dh, sinmid. la-mid: sinan.
siman²: f.mg4 (-mnaa, -mnayd) 1. Laba wax ama ka badan, xag darajo, dhalasho, dherer iyo wixi lamida iskaga mid ah ahaansho. 2. Dhul aan meelo kala sarreeya lahayn ahaansho. 3. Ku s.: wax meel ku eg oo aan dhaafsiisanayn ahaansho. la-mid: sinan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siman
der. [adjective] smooth; flat, level; equal; parallel
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Siman
plat, horizontal.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Siman
name-f smooth; flat; equal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siman
-sinnaa / sinnayd: (adj) level (leval); smooth (ismuuth); horizontal (hori-zental); same level; even (i-van)~ sinan, is-le'eg
ku siman: (expression) limited to, restricted to, confined to, circumscribed to
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Siman
Uguale, uniforme
Equal; uniform
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Siman
magac loo baxsho gabadh dhankii laga eegaba, qurux kugu deeqda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siman
(fal) si aan kala dheeray, isu taag, isa sin.
siman: (tilmaame) isle'eg; aan kalana korrayn, kalana horrayn; isku derejo ah; isku jaan go'an; siman, la simay: lays le'ekaysiyey, aan kala dheerayn; isku sargo'an.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siman
bw: sinan
de: smooth; flat, level; equal; parallel
initial: s
lx: siman
nt: siman (sinmay) [v1=inch]
pd: (simnaa)
ps: adj-der
key: siman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Simid
(Simid-da)
1. Wax siman ka dhigid.
2. Qiimayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
simid
m.f.dh eeg sin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
simid
vl. n. equalization, making something equal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
simid
-da: (n) 1. alignment (a-laayn-ment)-, equalization 2. levelling; smoothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simid
-da: (magac, dhedig, keli) isku sar goyn; wax siman ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
simid
de: equalization, making s.t. equal
initial: s
lx: simid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: simid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaanid
m.dh la-mid: tilmaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaanid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tilmaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ammaanid
(Ammaanid-da)
Hadal ammaan ah ku dhihid; faanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanid
m.f.dh eeg ammaan³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax fiican ka sheegid, wanaaggiisa ka warramid. Dh: faanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaanid
m.f.dh eeg hamaan². la-mid: hamaansad, hamaansasho, hamaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaanid
-da: (magac, dhedig, keli) hamaansi iyo caajis daraaddii afka la kala qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidmarid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaalid waddo la qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiimarid
-ka: (magac, lab, keli) raqüisin; inta wax la siiyo hoos u dhigid; qiima dhimid. Qumaridku shaqada suuqa ayuu ka mid yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamaxid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux gef galay cafiyid. Saamaxiddii madaxweynahaa lagu soo daayey maxaabiis badan. Dh: denbidhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samadiid
m.l Qof xumokatalis ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samadiid
m.l Qof xumokatalis ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samadiid
m. n., [compound] bad faith; evil person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samadiid
-ka: (magac, lab, keli) qof wanaagga iyo wixii san diida.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samadiid
de: bad faith; [ext.] evil person (i.e., a person who likes enmity, fighting, etc.)
initial: s
lx: samadiid
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: samadiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirabid
-da: (magac, dhedig, keli) shirib cayaarid: shirbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibaagid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iyo wixii la mid ah sibaaq marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simbiidh
-a: (magac, lab, keli) kolka qodaxi si dadban wax u mudo; siblidh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
simpatia
s.f. - jinni, shucuur soo jiidasho leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siraadid
(Siraadid-da)
Siraad daarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadid
m.f.dh eeg siraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadid
-da: (magac, dhedig, keli) siraad daarid, shidid, shidid ama noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirgaxid
m.f.dh eeg sirgax². la-mid: sirgixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirgaxid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sirgax ah ka dhigid; qalloocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sitaacid
m.f.dh la-mid: sitaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sitaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qol isku furan, iyo wixii la mid ah, shay lagu kala qaybiyo oo lagu kala gooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixramid
-da: (magac, dhedig, keli) mid uu sixir qabtay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaadid
(Siyaadid-da)
Siyaado ku darmid; kordhid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadid
m.f.dh eeg siyaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaadid
-da: (magac, dhedig, keli) siyaado ku darmid; soo kordhid; soo badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumajiid
m.dh Summad alif ah oo xoolaha sinta looga dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iman
v.-inf: to come
iman v., neg., simple past tense: did not come
iman v., neg.-imp: don't come!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iman
-imaaday / imaatay: (v) come. Ex: Cali ma iman; Ali didn't come
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imid
v., sg., simple past tense: I came
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imid
(v) I came. Ex: dhawaan baan magaaladda imid; I came recently in the city ~ imi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imid
de: I came
lx: imid
ps: v4b-1sg-past
xe: I came but you were absent!
xv: Waan imid oo waad maqnayd!
key: imid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
maid
/meydh/ (n) adeegto (gabar ka adeegta guri ama huteel iwm).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
maid
n., gabadh, -di, ugub, -ki, gashaan, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mani
(Mani-da)
Biyaha laboodka; mino; shahwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mani
m.dh la-mid: mino.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mani
f. n., (mass n.): sperm, semen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mani
-da: (magac, dhedig, keli) dareere cad oo layiig ah oo dhegdhe leh oo ay dhexdabbaashaan malaayiin ilimagabatayga taranka ah oo ay soo saaraan dhikilaha labku asaasna u ah taranka. Dh meni, shahwad, xawo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mani
bw: Arabic
de: sperm, semen
lx: mani
pd: (-da)
ps: n-f-mass
see: mino
key: mani
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
said
/sedh/ (v) yiri (la yiri) (say oo fal tagay ah).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sand
Bataax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sand
/saandh/ (n) 1. cammuud (ciid) 2. sulub ka dhigid (sulbin).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Sand
Bacaad, ciid
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sand
n., amud, -di, ciid, -di; salted sand, carro, -adi ; sand storm, ciro, -adi, seesa, siisa, siigo, -adi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sani
f.g2 (-iyay, -isay) Wax urin (xoolo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sani
-ga: (magac, lab, keli) roorsiga ugu horreeya ee awrku roorsado qaalin ugub. Sanigii buu ku rimiyay qaalinta.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sima
Siima
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganid
(Ganid-da)
Xabbad, fallaar, iyo wax kale oo la mid ah, ridid, tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganid
m.f.dh eeg gan³. la-mid: gamid, ganiin, gemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganid
-da: (magac, dhedig, keli) wax caaro uu wax ku turqo leh, ridid ama tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
imaad
m.l la-mid: imaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaad
vl. n. arrival, coming
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imaad
(pronoun plus negative) you ... not ... me. Ex: imaadarag;yoiit didn't see me
imaad -ay / imaatay: (n) come (kam); arrive (areeyf) ~ timid, yimid. Ex: Cali ma imaaday? did Ali came?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imaad
-ka: (magac, lab, keli) meel kale soo gaadhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaad
a: imaatin
de: arrival, coming
lx: imaad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: imaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limad
m.l Falidda dhul beereed sarac ku yaal oo caws iyo wixi lamida laga falay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limad
-ka: (magac, lab, keli) dhiiqo iyo wixii la mid ah, ku dhaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liman
La limay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Beer wax la limay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liman
der. [adjective] cultivated, farmed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liman
-limnaa: (adj) ploughed (palaawidh)-, tilled soil; cultivated ~ carrorogan, falan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liman
(tilmaame) carragedisan oo loo diyaariyay in la qodo. Beerta oo liman ayuu roob ku da'ay. Dh: rogan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liman
de: cultivated, farmed
lx: liman
pd: (limnaa)
ps: adj-der
key: liman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Limid
(Limid-da)
Yaanbo ama qalab kale beer ku falid; beer, abuurid u darbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limid
m.f.dh eeg lin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limid
-da: (magac, dhedig, keli) yaanbo ama qalab kale beer ku falid oo abuur u diyaarin ama geeda ka gurid. Dh: darbid, limis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mabid
m.dh la-mid: maamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madid
m.f.dh eeg mad². la-mid: medid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magid
(Magid-da)
1. Mag bixin, gudid.
2. Qaan ama wax kale oo laysku lee yahay bixin, gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magid
m.f.dh eeg mag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magid
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax loo geytay mag siin. Magid lagu heshiis yahay dhib ma leh. Dh: kafalid, magis. Li: bi'in, dafirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malid
m.f.dh eeg mal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamid
m.f.dh eeg mam. la-mid: mabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku noqnoqosho oo samaytiisa aad u jeclaan. Dhandhamadi uu dhandhamiyay ayuu mamid ka qaaday Dh: mamis, walfid, hororoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manad
-ka: (magac, lab, keli) kiish balaastiig, xig, dun iyo wixii la mid ah laga sameeyo oo inta badan konton kiiloo qaada oo raashinka lagu shubo laguna kaydsado. Manad beriis ah iga iibi. Dh: kiish, joonyad, kiintaal.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
mania
(n) a mental disorder, characterized by rapidly changing ideas, exaggerated walking stride, increased energy, physical overactivity and confusion.
maskaxda deganayn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mania
/meyniya/manias;(n) 1. waalli (jirro maskaxda gasha). 2. ku waalan (wax qof ku waalan yahay oo uu aad u jecel-yahay).