silsilad-cunto
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
silsilad-cunto
m.dh (baay.) Beddelka tamarta ee laga keenay dhirta cagaaran, iyada oo maraysa dariiqad taxana ah oo noolayaasha mid waliba cunayo ka ka hooseeya ee silsiladda, isagana uu cunayo kan ka sarreeyaa. Haddaba dhirta waxa cuna daaq cunayaasha, iyada oo iyagana ay cunaan hilbo cunayaasha kala duwani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silsilad cunto
m.dh (baayoloji) Beddelka tamarta ee laga keenay dhirta cagaaran, iyada oo maraysa dariiqad taxana ah oo noolayaasha mid waliba cunayo ka ka hooseeya ee silsiladda, isagana uu cunayo kan ka sarreeyaa. Haddaba dhirta waxa cuna daaq cunayaasha, iyada oo iyagana ay cunaan hilbo cunayaasha kala duwani.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Silsilad-da
chaîne.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Silsiladayn
(Silsiladayn-ta)
Silsilad ku xirid, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silsiladayn
m.f.dh eeg silsiladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silsiladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) silsilad ku xidhid. Dh: jeebayn, katiinadayn.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Silsilad (Cr.)
Catena
Chain
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Silsilad buureed
Serra