silikeyt
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silikeyt
m.l (-tyo, m.dh) (kiimika) Iskudhisyo tiro badan oo leh ayoonno bireed iyo iskudhisyo silikon-ogsijiin oo kakan. Silikeytyo badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhagaxda iyo macdanta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
silikeyt
m.l (-tyo, m.dh) (kiim.) Iskudhisyo tiro badan oo leh ayoonno bireed iyo iskudhisyo silikon-ogsijiin oo kakan. Silikeytyo badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhagaxda iyo macdanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silikeyt
-ka: (magac, lab, keli) iskudhisyo tiro badan oo leh ayoonno bireed iyo iskudhisyo silikon-ogsijiin oo kakan. Silikeytyo badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhagaxda iyo macdanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liitiyam
m.l (-mo, m.dh) (kiimika) Bir firfircoon oo fudud oo sida xariirta oo kale ah; waana curiyaha ugu horreeya biraha alkali (ururka 1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha). Waxay ku jirtaa silikeytyo kakan oo badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikal
m.l (kiimika) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka oo dabiici ahaan u jira isagoo salfaydh ama silikeyt ah. Nikalka waxa loo adeegsadaa kalkaaliye ahaan marka la samaynaayo falgalka haydarojiineynta ee alkiinada, sida soo saaridda margariin, iyo birdhafyada lacagta. Summad Ni; bartadhalaalka 1450 C ; cufnaanta 8.9; tirada atamka 28; cufka atamka 58.7.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shamiinto
shamiinto¹: m.dh Budo marka lagu qaso ciid, nuurad iyo wixi lamida dhagxanta, bulukeetiyada iyo wixi lamida ee wax lagu dhisayo la iskula qabto.
shamiinto²: m.dh (jooloji) Iskujir budaysan oo ka kooban silikeytyada iyo luumineytyada kaalsiyam, kaas oo ka samaysmay didib (CaCO3) iyo dhoobo la isku kululeeyey ka dibna la ridkay. Marka lagu qaso biyaha, waxa dhaca falgallo; kuwaas oo sameeya adke adag oo alluumiinno silikeyt ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liitiyam
m.l (-mo, m.dh) (kiim.) Bir firfircoon oo fudud oo sida xariirta oo kale ah; waana curiyaha ugu horreeya biraha alkali (ururka 1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha). Waxay ku jirtaa silikeytyo kakan oo badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nikal
m.l (kiim.) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka oo dabiici ahaan u jira isagoo salfaydh ama silikeyt ah. Nikalka waxa loo adeegsadaa kalkaaliye ahaan marka la samaynaayo falgalka haydarojiineynta ee alkiinada, sida soo saaridda margariin, iyo birdhafyada lacagta. Summad Ni; bartadhalaalka 1450 C ; cufnaanta 8.9; tirada atamka 28; cufka atamka 58.7.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shamiinto
shamiinto¹: m.dh Budo marka lagu qaso ciid, nuurad iyo wixi lamida dhagxanta, bulukeetiyada iyo wixi lamida ee wax lagu dhisayo la iskula qabto.
shamiinto²: m.dh (jool.) Iskujir budaysan oo ka kooban silikeytyada iyo luumineytyada kaalsiyam, kaas oo ka samaysmay didib (CaCO3) iyo dhoobo la isku kululeeyey ka dibna la ridkay. Marka lagu qaso biyaha, waxa dhaca falgallo; kuwaas oo sameeya adke adag oo alluumiinno silikeyt ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nikal
-ka: (magac, lab, keli) curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka oo dabiici ahaan u jira isagoo salfaydh ama silikeyt ah. Nikalka waxa loo adeegsadaa kalkaaliye ahaan. marka la samaynaayo falgalka haydarojiineynta ee alkiinada, sida soo saaridda margariin iyo birdhafyada lacagta. Summad Ni; bartadhalaalka 1450 C cufnaanta 8.9; tirada atamka 28; cufka atamka 58.7.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siligleyn
m.f.dh egg siliglee. la-mid: siligleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siligleys
m.l la-mid: siligleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siliqleyn
m.f.dh eeg siliqlee. la-mid: siliqleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siliqleys
m.l la-mid: siliqleyn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
silky
/silki/ silkiness;(adj) xariir ah (sidii xariirtii jilicsan, sulub ah oo dhalaalaya).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
silent
/saylant/ (adj) aamusan (aan hadal lahayn).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
silent
a., aamusan; be silent, aamus, aamusnaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siliko
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar haweenka u gaar ah oo leh jiib iyo jaan waana ciyaar aad loo xiiseeyo waxay u kala baxdaa laba qaybood: bili godgodlay oo la jeexo dhulka iyo bili suunlay oo lagu ciyaaro saan dusheed. Bili godgodleyda waxa la jeexaa shax ka dibna waxaa laka dhigtaa inta dugood ee la kala leeyahay haddaba shaxdaa waxa lagu ciyaara afar qori oo laga jeexay gobays oo leh bog-cad iyo bog-madaw afartaa qori ayaa intii la qabto kor laga keenaa oo dhulka lagu shaydhaa haddday afartu xagga cad u wada dhacaan waxaa la yidhaa: waa afar dugood; hadday midi cadaato oo ay saddexna madoobaato waxaa la yidhaa «xayla godan» hadday saddex cadaato oo ay midi madoobaato waxaa la yidhaa sangaw seeraw sintaawe» haddii ay laba cadaato labana madoobaato waxaa la idhaa «way gubatay hadday afartuba madoobaato waxa la yidhaa mija dhoqley» waana lix dugood waxaana ciyaarta hoggaaminaya ninkii ay afartu u madoobaatay oo ku hoggaamiya lix dugood ama lix dhibcood.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
silken
/silkan/ (adj) xariir ah (xariir u eg, ama ka samaysan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
salient
/seyliyant/ (adj) ka muuqda (ugu muhiimsan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siigeyn
(Siigeyn-ta)
Siigo kicin, ku bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siigeyn
m.f.dh eeg siigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo kicin; siigays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siikant
m.l 1. (xisaab) Fansaar tirigonoometeri ee xagal la mid ah rogaalka kosaynka xagasha. Taasoo ah sec(theta) = 1/cos(theta) 2. (xisaab) Xarriiq goysa xood. 3. (xisaab) Xarriiq toosan kana jara goobada laba barood. Qaybta xarriiqda leh u dhexeysa labada barood ee is- goyska waa boqonka xoodka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siikant
m.l 1. (xisaab) Fansaar tirigonoometeri ee xagal la mid ah rogaalka kosaynka xagasha. Taasoo ah sec(theta) = 1/cos(theta) 2. (xisaab) Xarriiq goysa xood. 3. (xisaab) Xarriiq toosan kana jara goobada laba barood. Qaybta xarriiqda leh u dhexeysa labada barood ee is- goyska waa boqonka xoodka.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Siikant
Secant
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siineyn
(Siineyn-ta)
Siinad u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siineyn
m.f.dh eeg siinee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siineyn
-ta: (magac, dheddg, keli) siin iska keenid. Dh: siimin, siimayn.
siineyn-ta: (magac, dhedig, keli) siinad u yeelid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
diligent
/dhilajant/ (adj) hawl-kar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
diligent
a., hawleed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
silikoon
m. n., (mass n.): silicon {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Silikoon
(n) Silicon (sili-koon); Symbol Si
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
silikoon
de: silicon {chemistry} {Eng}
initial: s
lx: silikoon
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: silikoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bulikeeti
-ga: (n) brick (biriik) ~ bulukeeti, jaajuur
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
diligènte
agg. - dadaal badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilibleyn
m.f.dh eeg hiliblee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiliyente
m. n. customer, client
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiliyente
de: customer, client {It}
lx: kiliyente
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kiliyente
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
resilient
/risilyant/ (adj) bogsan og (sidiisii ku soo noqon og, markii wax asiibaan, sida dhibta, jugta, xanaaqa iwm).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saliideyn
(Saliideyn-ta)
1. Saliid ka dhigid.
2. Saliid marin, u yeelid, ku shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliideyn
m.f.dh eeg saliidee. la-mid: saliideys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliideys
m.l la-mid: saliideyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliideys
-ka: (magac, lab, keli) saliideyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallideyn
-ta: (magac, dhedig, keli) saliid marin: saliid u yeelid.