siligle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siligle
m.l Hab geelu u socdo marka uu seetaysan yahay; sulsul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siliglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Si siligle ah u ordid (geel).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biligle
-ha: (magac, lab, keli) wax kasta oo iftiin biligbilig ah bixinaya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siliqle
m.l Hab uu u socdo neef geel ah oo seeto dheeri ku xiran tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siliqle
-ha: (magac, lab, keli) hab uu u socdo neef geel ah oo seeto dheeri ku xiran tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siligleyn
m.f.dh egg siliglee. la-mid: siligleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siligleys
m.l la-mid: siligleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biliglee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Iftiin meel dheer bilig ka dhihid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biliglee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Iftiin meel dheer bilig ka dhihid. m.f.dh, biliglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saljigle
m.l (-layaal, m.l/dh) la-mid: barijugle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siliqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Si siliqle ah u socosho (neef geel ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siliqlee
(fal) si siliqle ah u socosho (neef geel ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigle
-ha: (magac, lab, keli) dambarka ugu horreeya ee caanaha neefka dhalay. Dh: danbar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sigle
sigle, n.m. - calaamad (dalwalba ugaar)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Silig
(Silig-ga)
Xarig ama dun dheer oo bir ah; taar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silig
m.l Daliig dheer oo bir ah, oo siyaabo badan loo isticmaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
silig
m.l Daliig dheer oo bir ah, oo siyaabo badan loo isticmaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
silig
m. n. wire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
silig
-ga: (n) 1. wire (waayar); usually a steel wire ~ fiilo. 2. telegram (teela-garaam); telegraph (teela-garaaf); wire (waayer); cablegram ~ teelagaraam, taar
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Silig
Filo spinato
Barbed wire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silig
-ga: (magac, lab, keli) xadhig ama dub dheer oo bir ah. Dh: taar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
silig
bw: Arabic
de: wire
initial: s
lx: silig
pd: (-ga Pl: silko (/ha))
ps: n2a-m, n3-m
key: silig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siible
-ha: (magac, lab, keli) gawaadhida yaryar kan ugu weyn oo waddooyinka xunxun mari kara oo aad u dheereeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siigee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) 1. (fg.) Wax habaas u yeelid. 2. (fmg.) Cid habaas kicin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siigee
v. make dusty, cover with dust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigee
(fal) boodh, siigo iyo uuro kici.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siigee
de: make dusty, cover with dust
initial: s
lx: siigee
pd: (siigeeyey)
ps: v2b=tr
key: siigee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinle
-ha: (magac, lab, keli) qofka siinka aan iska tirin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
simile
/simali/ (n) is-barbar dhig (isku-shabbihid).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
simile
agg. u ek, shabbaha.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
single
/singal/ (adj) 1. kali (mid qura) (adj) 2. kasta (mid walba oo ka mid ah) (n) 3. doob (aan guursan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
single
a., (sole) gooni ah, keli ah, qudh, qudh ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
filiale
s.f. - laan, farac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilible
(Hilibla-ha)
Kan hilibka ganacsada oo dadka ka iibsada; kawaanle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilible
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hilibka ka ganacsada; kawaanle. 2. Kawaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hilible
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hilibka ka ganacsada; kawaanle. 2. Kawaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilible
m. n. butcher, meat vendor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilible
-hiliblaha: (n) one who sells meats; butcher (buyer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilible
-ha: (magac, lab, keli) qofka hilib ka ganacsada ama iibiya. Dh: gasaarle, kawaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilible
bw: qale, sugiye
de: butcher, meat vendor
lx: hilible
pd: (/ha Pl: hilibley (da))
ps: n7-m, n5b-m
syn: kawaanle
key: hilible
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
midigle
right-footed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
silimbe
- silimbaha: (n) garbage collector (gaarbeeyj kolektar) ~ qashin uruuriye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
silinge
-silingaha: (n) syringe (sarinj) ~ irbadda wax lagu duro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidigle
-ha: (magac, lab, keli) askari sita derejada sargaalnimada u horraysa; askari derajadiisu u dhexayso saddexadhigle iyo labaxiddigle. Dh: kowle, xiddigle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siliqleyn
m.f.dh eeg siliqlee. la-mid: siliqleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siliqleys
m.l la-mid: siliqleyn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bilingue
agg. - laba af ku qoran, laba af ku hadla.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bilingue
bilingue, adj. - laba af (Luqadood) ku hadlaya; laba af yaqaan oo qori kara akhriyina kara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digdigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof faan iyo dafdaf badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digdigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof faan iyo dafdaf badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digdigle
m. n. bluffer, person who threatens but never does ~ who pretends to possess merits that he doesn't have
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digdigle
-ha: (magac, lab, keli) qofka samaynaya cabsigelinta sidii wax uu cagaha dhulka ugu dhufanayo oo kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digdigle
de: bluffer, person who threatens but never does ~ who pretends to possess merits that he doesn't have
lx: digdigle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: digdigle
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
esiliare
v.tr. - musaafirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiliblee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Hilib ka ganacsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
milkiile
-milkiilaha: (n) owner (oow-nar); proprietor (pereparaayatar) ~ hantiile
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salicole
salicole, adj. - milix soo saara
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saljugle
(Saljugla-ha)
Kufid salka dhulka loogu hormaro; barijugle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saljugle
m.l (-layaal, m.l/dh) Salka oo loo dhaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saljugle
m. n., [compound] falling on one's rump
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saljugle
-ha: (magac, lab, keli) kufid salka loo dhaco; barijugle; badhijugle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saljugle
de: falling on one's rump
initial: s
lx: saljugle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
syn: barijugle
key: saljugle
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Siigaale
nickname-m dust-maker. Lit: dust colored
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Siigaale
magac loo baxsho wiil meel boodh ah ama siigo leh ku dhashay ama midabkiisu boodh xigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siliinge
-da: (magac, dhedig, keli) caagga irbadda dadka lagu turqaayi ku jirto ee dawada lagu soo nuugo. Dh: silingo. Wa: siliingooyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Sargaal ciidan oo hal xiddig leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiddigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Sargaal ciidan oo hal xiddig leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddigle
m. n. second lieutenant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiddigle
-xiddiglaha: (n) second lieutenant (sekendhi luu-tanant).
laba xiddigle: (n) first lieutenant (farest luu-tanant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigle
-ha: (magac, lab, keli) askari sita derejada sargaalnimada u horraysa; askari derajadiisu u dhexayso saddexadhigle iyo labaxiddigle. Dh: kowle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddigle
de: second lieutenant
initial: x
lx: xiddigle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: xiddigle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mililiglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) la-mid: miririglee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilig
(Ilig-ga)
Afka dadka iyo nafleyda riciraha leh badankeed, dhis ku sarcan oo lafaha u eg oo wax lagu gooyo oo lagu qaniino oo lagu calaliyo midkood; ilkaha dadku waa 32 (foolal, dhoolal, miciyo, gowso).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilig
m.l (ilko, m.l) (cilmiga naflayda) Xubno cadcad, adag ku teedsan daamanka lafdhabarreyda ee wax lagu gooyo laguna calashado middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilig
m.l (ilko, m.l) (cilmiga naflayda) Xubno cadcad, adag ku teedsan daamanka lafdhabarreyda ee wax lagu gooyo laguna calashado middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ilig
pr. n., loc. Ilig [coastal town in northeastern Somalia.]
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilig
m. n. tooth; teeth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilig
-ga: (n) [Pl.l ilko -ilkaha] teeth (tiith)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilig
-ga: (magac, lab, keli) mid ka mid ah lafaha yaryar ee Ilaahay afka noolaha ku dhex abuuray si wax loogu goosto ama loogu ridqo.
ilig -ta: (magac, dhedig, keli) jaadka qaybtiisa waddamarka loo adeegsado oo la siiyo jidjoogta. Ilig qaado oo bir iga qaad, qaadow adigaa leh.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ilig
سن
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siig
(Siig-ga)
Jaad ugaarta ka mid ah oo weynaan iyo dheerayn isku darsaday oo Afrika ku nool; wuxuu lee yahay geeso dheerdheer oo gadaal caaraddoodu u rogan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siig
m.l Ugaarta waweyn nooc ka mid ah oo biciidka u eg kana yar aadna u dheereeya lehna geeso dhaadheer oo gadaal u rogan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siig
m. n. African antelope species, hartebeeste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siig
-ga: (magac, lab, keli) jaad ugaadha ka mid ah oo weynaan iyo dherer isku darsaday oo Afrika ku nool; wuxuu leeyahay geeso dhaadheer oo gadaal caaraddoodu u rogan tahay. Dadku siigga dida maaha, sogob iyo ri' weyn maaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siig
de: African antelope sp., hartebeeste
initial: s
lx: siig
pd: (-ga Pl: siigag (ga))
ps: n4-m
key: siig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siil
m.l (-lal, m.l) Xubinta dhalmada ee haweenka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siil
m.l (-lal, m.l) Xubinta dhalmada ee haweenka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siil
m. n. vagina
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siil
-ka: (n), vagina (va-jeeyna); cunt (kant);, vulva (vo/-va); the female genital organ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siil
-ka: (magac, lab, keli) xubinta taranka ee dhedigoodka dadka. Dh: saxaax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siil
de: vagina
initial: s
lx: siil
pd: (-ka Pl: siilal (ka))
ps: n4-m
key: siil
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
siil
مَهْبِل
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sill
Daah oogeed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sill
/sil/ (n) xakabadda daaqadda ama albaabka (dhis alwaax ama dhagax ah oo daaqadda salkeeda laga dhiso).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Sill
Daah oogeed, sal daaqad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
aigle
aigle, n.m. - Gorgor; Shimbir weyn oo aragti fiican.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BIILE
(Bile) NFD Jatropha dichtar Macbr. Euphorbiaceae.
May, S Stipagrostis hirtigluma (Trin & Rupr) De Winter. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biile
-ha: (magac, lab, keli) cows ka baxa dooxyada iyo jeexjeexyada laagaha dhinacyadeedo. Biile badan baa ka baxay dixaha baashooda. Dh: birqin.
biile-ha: (magac, lab, keli) qaybta kor uga baxda galleyda ee xajiinta leh ka hor inta ayna yixda soo saarin oo bacrimiya. Biilihii bay tuurtay gallaydii.
biile-ha: (magac, lab, keli) tif yar oo sare uga baxa doogga qaarkii oo farraaqyo yaryar oo xajiin leeh bixiya oo markuu roobku da'o biqla, sida dareemada, ramaska iyo alaalida iyo waxii la mid ah. Bilihii dareemadaa indhaha naga galay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilig
(Bilig-ta)
Iftiin ama dhalaal yar oo muuqashadiisa iyo qarsoomiddiisu isu dhow yihiin; big; bidhaan; walac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilig
m.dh.sh.r If, inta muuqda durbadiiba qarsooma; big.