silacdilyeyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silacdilyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) si silica ab nafta kaga saarid. Dh: silicdilild.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silacdilyayn
m.dh la-mid: silicdilyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silacdilyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) silic u dilid; silicdilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silacdilyee
f.g2 (-eeyey, -eysay) la-mid: silicdilyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silacdilyee
(fal) si silic ah nafta uga saar oo ku idil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silicdilyayn
m.f.dh eeg silicdilyee. la-mid: silacdilyayn, silicdilyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silicdilyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Si nacdiir (nacayb) leh cid wax u yeelid. la-mid: silacdilyee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
silicdilyee
-yey / silicdilyeysay: (v) torture unto death; put to slow death, painful death.
silicdilyo -dilyada: (n) the act of torturing; slow death, painful death
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silicdilyee
(fal) si silic leh u dil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Silicdilyo
(Silicdilya-da)
Si silic iyo nacdiir leh, haddana la qarinayo, oo cid wax loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silicdilyo
m.dh Si nacdiir leh oo cid wax loo yeelo. la-mid: silicdilyayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
silicdilyo
f. n., [compound] torture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
silicdilyo
-silicdilyada: (n) tortrue (toor-jar); torment (toorment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silicdilyo
-da: (magac, dhedig, keli) si silic i nacdiir leh, haddana la qarinayo, oo cid loo waxyeelleeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
silicdilyo
de: torture
initial: s
lx: silicdilyo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: silicdilyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirdilyayn
m.f.dh la-mid: sirdilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirkudilyayn
m.dh la-mid: sirdilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dariiqa xaqa ah ka leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galacleyn
m.f.dh eeg galaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulacyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) raadka daadku ku sameeyo dixaha iyo niiska dushiisa. Dh: mulacyays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacdaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid cadho Ilaahay gaba ka yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shardiley
f. n. conditional, subjunctive {grammar}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shardiley
de: conditional, subjunctive {grammar}
initial: s
lx: shardiley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shardiley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siligleyn
m.f.dh egg siliglee. la-mid: siligleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siliqleyn
m.f.dh eeg siliqlee. la-mid: siliqleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirdilyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: sirdil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacsiyeyn
(Tacsiyeyn-ta)
Cid laga dhintay, hadal tacsi ah oo laabta u qaboojiya kula hadlid, u dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacsiyeyn
m.f.dh eeg tacsiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacsiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid laga dhintay. samirsiis ugu tegid; hadal tacsi ah laabta ugu qaboojin, kula hadlid, ama u dirid ama waxtar dhaqaale u gayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belediyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhig beled iyo magaalo joog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacdalleyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sandulleyn
(Sandulleyn-ta)
Si sandulle ah u khasbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sandulleyn
m.f.dh eeg sandullee. la-mid: sandulleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandulleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) sandullay; khasbid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sharciyeyn
Legalizzazione
Legalization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharciyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) sharci ka dhigid; sharciyeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silicdilid
-da: (magac, dhedig, keli) si silic iyo nacdiir leh, haddana la qarinayo, wax ku yeelid; silicdilyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waardiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ilaalin; waardiyeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirkudilyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: sirdil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dilindillayn
(Dilindillayn-ta)
Wax duuban ama kankoonsan garangarin, (sida birmiil la riixa hayo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilindillayn
m.f.dh eeg dilindillee. la-mid: dilindillo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilindillayn
-ta: (magac, dhedig, keli) giraangirin wax wareegsan duurin oo dhulka sida shaagga u eryesho. Taayirka dilindillayn ayaan halkan ku keenay. Dh: wilaanwilin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dilindillayn
Garaangarin, Fuustada waa la dilindilleeyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silooneeyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax silloon ka dhigid; silloonayn.