sikilaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikilaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax sikilo laga dhigay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikilaysnaan
m.f.dh eeg sikilaysan. la-mid: sikilaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikilayn
m.f.dh eeg sikilee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: shiilan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la sikilay ahaansho (badar).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikilan
(tilmaame) badar, wax la sikilay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax iin leh ahaansho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iimaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax iin leh ahaansho (nafley). m.f.dh, iimaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilaysan
(wadaan, kd.) afka joogta; aad u buuxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysan
jilaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wadaan wax aad u buuxa noqosho.
jilaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wadaan iyo wixi lamida wax aad u buuxa ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilaysan
der. [adjective] filled up, full to the brim
jilaysan [inchoative] v. get filled up, become brim full
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Likaysan
Sida likaha kor u soo taagan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
likaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax meel ku mudan oo aan dhaqdhaqaaqin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
likaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax meel ku mudan oo aan dhaqdhaqaaqin ahaansho. m.f.dh, likaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
likaysan
der. [adjective] standing upright ~ erect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
likaysan
-aa: (adj) projecting outward or forward; vertical ~ ka soo taagan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
likaysan
(tilmaame) wax sida likaha soo foocsan ama wax kale ka dultaagan. Qanjidh likaysan ayaa laga qalay. Dh: foocsan. Li: diisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
likaysan
de: standing upright ~ erect
lx: likaysan
pd: (likaysnaa)
ps: adj-der
key: likaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ku s.: wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ku s.: wax, wax kale ku tiirsan ahaansho. m.f.dh, salaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salaysan
der. [adjective] confirmed, reliable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaysan
(tilmaame) sal loo yeelay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salaysan
de: confirmed, reliable
initial: s
lx: salaysan
pd: (salaysnaa)
ps: adj-der
key: salaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifaysan
sifaysan¹: f.mg1 (sifaysmay, sifaysantay; sifaysmi) 1. Wax nadiif ah noqosho. 2. Wax kala miirmay noqosho. la-mid: safaysan¹.
sifaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la nadiifiyey ahaansho. 2. Wax la sharxay ahaansho. la-mid: safaysan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sifaysan
sifaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Wax nadiif ah noqosho. 2. Wax kala miirmay noqosho. m.f.dh, sifaysmid. la-mid: safaysan.
sifaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la nadiifiyey ahaansho. 2. Wax la sharxay ahaansho. m.f.dh, sifaysnaan. la-mid: safaysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sifaysan
-sifaysnaa / sifaysnayd: (adj) refined (rifaaynidh); purified (piy-uuri-faayidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifaysan
(tilmaame) tilmaaman; sharraxan.
sifaysan: (tilmaame) wax la safeeyey ahaan. Weel sifaysan wax noogu soo riid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax silic hayo ahaansho. la-mid: silicsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
silacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax silic hayo ahaansho. m.f.dh, silacsanaan. la-mid: silicsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
silacsan
der. [adjective] miserable, suffering, undergoing difficulty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
silacsan
-aa:(adj) in pain; distressed; troubled; unhappy ~ silicsan, rafaadsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silacsan
(tilmaame) mid dhibaataysan oo dhibi hayso oo darxumoonaya. Dh: darxumaysan. Li: raaxaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
silacsan
cf: silic
de: miserable, suffering, undergoing difficulty
initial: s
lx: silacsan
pd: (silacsanaa)
ps: adj-der
key: silacsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifaysan
(tilmaame) wax qurxoon. Dhar biifaysan ii soo saar. Dh: quruxsan, caddaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislaysan
(tilmaame) ah wax la bisleeyey. Hilib bislaysan oo baruur leh noo keen. Dh: karsan, diyaarsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax ciiro qarisay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciiraysan
der. [adjective] cloudy; obscure, dusty, unclear, gray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiraysan
(tilmaame) wax ciiro loo yeelay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciiraysan
de: cloudy; obscure, dusty, unclear, gray
lx: ciiraysan
pd: (ciiraysnaa)
ps: adj-der
key: ciiraysan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cillaysan
-cillaysnaa I cillaysnayd: (adj) defective (di-fektiv) ~ see [eeg] cilladaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diifaysan
Diifi ku taal ama ka muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diifaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax diifi hayso ahaansho (nafley).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diifaysan
der. [adjective] weak, worn out, exhausted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diifaysan
(adj) weary; fatigued; exhaust; tire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifaysan
(tilmaame) mid diifi ku taal oo dhibaatadu dushiisa ka muuqato. Xoolo diifaysan ayaa dooxa daaqaya. Dh: dhibaataysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diifaysan
de: weak, worn out, exhausted
lx: diifaysan
ps: adj-der
key: diifaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiileysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la hiileeyay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ku l.: wax wax kale ku lammaan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miinaysan
Miino ku aasan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miinaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la miineeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miinaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la miineeyey ahaansho. m.f.dh, miinaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miinaysan
der. [adjective] mined
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miinaysan
-miinaysnaa: (v) laid explosive mines; mined (maaynidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miinaysan
(tilmaame) miino la dhigay oo la miineeyey ah; miino lagu aasay ah. Goob miinaysan kolkaad socoto is jir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miinaysan
de: mined
lx: miinaysan
pd: (miinaysnaa)
ps: adj-der
key: miinaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiimaysan
(tilmaame) mid la qiimeeyay oo qiimihiisu go'an yahay ah. Dh: qiyaasan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiiraysan
-qiiraysnaa / qiiraysnayd: (adj) emotional (i-moo-shinal); intense (in-teensi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiiraysan
(tilmaame) mid qiiro haysa ah; mid dareen xamaasadeed oo ficil qaba ah. Ciidan wada qiraysan ayaa cadawgii dalka afka saaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax siddo loo yeelay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siddaysan
(tilmaame) sidde leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikilasho
m.f.dh eeg sikilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikilnaan
m.f.dh eeg sikilan. la-mid: sikilnaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milixaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: milxaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Satiyaysan
La satiyeeyey; sati leh ama loo yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
satiyaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la satiyeeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
satiyaysan
der. [adjective] having ~ set in a woven container (of bowl)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
satiyaysan
(tilmaame) la satiyeeyey; sati leh ama loo yeelay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
satiyaysan
de: having ~ set in a woven container (of bowl)
initial: s
lx: satiyaysan
pd: (satiyaysnaa)
ps: adj-der
key: satiyaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlaysan
(tilmaame) la fidhay; feedhan; fidhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilaysad
m.l la-mid: shiilaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilaysnaan
m.f.dh la-mid: shiilnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinniyaysan
(tilmaame) mid shinnidii lagu riday, la abuuray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basiiraysan
(tilmaame) nafaqadarraysan oo tabaalaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiimaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax casiimo lagu akhriyay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilmiyaysan
f.mg4 (-snaa, snayd) 1. Wax aqoon ku dhisan ahaansho. 2. Wax si wanaagsan loo habeeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilmiyaysan
der. [adjective] well conceived ~ well formed theory ~ idea (scientific)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilmiyaysan
-cilmiyaysnaa / cilmiyeysnayd: (adj) scientific (saayn-tiifik) ~ cilmi ku salaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilmiyaysan
(tilmaame) cilmi lagu saleeyay; la cilmiyeeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilmiyaysan
de: well conceived ~ well formed theory ~ idea (scientific)
lx: cilmiyaysan
pd: (cilmiyaysnaa)
ps: adj-der
key: cilmiyaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiillaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Cid dhiillo gashay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiillaysan
der. [adjective] apprehensive, worried, preoccupied
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiillaysan
-aa: (adj) filled with fear; fearful (fiyar-fuul); afraid (af-reeydh); apprehensive ~ baqaya, walaac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiillaysan
(tilmaame) mid aad u murugaysan oo dhiillo wejigiisa ku taal. Dh: murugaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiillaysan
de: apprehensive, worried, preoccupied
lx: dhiillaysan
pd: (dhiillaysnaa)
ps: adj-der
key: dhiillaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbiraysan
f.mg1 (-snaa, -snayd) la-mid: dibbirsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidimaysan
(tilmaame) mid cashaysan oo xeraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiscimaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax jiscin leh ahaansho (wadaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rinjiyaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: rinjiyan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rinjiyaysan
(tilmaame) wax ama meel renji leh.
rinjiyaysan: (tilmaame) biyo, caleen shaan lagu daray ah. Dh: ranjiyaysan, renjiyaysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saliidaysan
(adj) oily (ooyli); greasy (giriisi) ~ saliid leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidaysan
(tilmaame) la saliideeyay, saliid lagu shubay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sonkoraysan
(adj) with sugar; sugary (shugari). Ex: shaah sonkonraysan i sii; give me tea with sugar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bikilan
bikilan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Weel wax buuxsamay noqosho.
bikilan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Weel wax la bikilay ahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inaysan
[pronoun she/they followed by negative action verb] that she / they not.. or she /they must or shall not ... Ex: hooyadu waa inaysan carruuteeda dayicin; the mother should not neglect her children
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilayn
m.f.dh eeg kiilee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilays
-ka: (magac, lab, keli) marka neefku gaaddabalaxoobo ee uu ciyilo. Dh: ciyil, naaxid. Li: caato, wayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fasaxid; oodda ka rogid. Siidaynta dad badan ayuu Madaxweynuhu amray. Dh: fasxid. Li: haysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigaan
-ka: (magac, lab, keli) quruun aan dhul u gaar ah lahayn oo iyagoo kooxkoox ah qaaradda Yurub iyo Aasiya wareegaalaysata; waxa la yiraahdaa muddo lagu qiyaasay ilaa 6000 oo sano horteed ay ka soo guureen Aasiyada Fog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo kicin, boodh iyo omos kicin oo siigo abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigays
-ka: (magac, lab, keli) siigayn.