sijisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sijisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la sijiyay ahansho (badar la tumay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sijisnaan
m.f.dh eeg sijisan. la-mid: sijisnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giijisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: giigsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giijisan
(tilmaame) mid la giijiyey; wax dhuuqsan; mid giigsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miijisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nafley wax cunaha la qabtay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miijisan
der. [adjective] strangled, choked
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miijisan
de: strangled, choked
lx: miijisan
pd: (miijisnaa)
ps: adj-der
key: miijisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silicsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: silacsan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
silicsan
-aa / ayd: (adj) in pain; distressed; troubled; unhappy ~ silicsan, rafaadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siriqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax dhuunta xarig looga rooriyey ahaansho (nafley). 2. Xarig siriq leh ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la siririyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirirsan
(tilmaame) cunaha oo laqabtay dartiis la miyir beelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiijisan
(tilmaame) hiinraagsan oo xuurtaysan ah. Nin xiijisan ayaa soo galay. Dh: xiiqsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sijin
m.f.dh eeg siji. la-mid: sijis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sijis
m.l la-mid: sijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diisan
Hoos u gotey, dillaac la'aan, xoog ama baari la saaray darti; riixan; buusan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax hoos u godan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax hoos u godan ahaansho. m.f.dh, diisnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diisan
der. [adjective] compressed, squashed, dented
diisan [inchoative] v. get dented ~ compressed, become squashed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diisan
-diisnaa / diisnayd: (adj) dented (den-tidh) ~ buusan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisan
(tilmaame) wax hoos u buusan oo deri yeeshay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miisan
La miisay; la beegay; la buuxiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la miisay ahaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Miisan
Balance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miisan
der. [adjective] measured out (grain, etc.); filled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisan
(tilmaame) wax la miisay oo intuu yahay la garanayo ah. Dh: cabbiran.
miisan: (tilmaame) buuxa oon waxba ka dhinnayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miisan
de: measured out (grain, etc.); filled
lx: miisan
pd: (miisnaa)
ps: adj-der
key: miisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siiban
La siibey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siiban
siiban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax la siibay noqosho.
siiban²: f.mg4 (siibnaa, siibnayd) Wax la siibay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siiban
siiban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax la siibay noqosho. m.f.dh, siibmid.
siiban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la siibay ahaansho. m.f.dh, siibnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siiban
der. [adjective] slipped out, detached, pulled out, uprooted
siiban [inchoative] v. come ~ slip out, get detached, be pulled out ~ uprooted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiban
(fal) (kala ~) soo bax; ruq.
siiban: (tilmaame) la siibay.
siiban: (tilmaame) qaarka danbe aad ugu dhuuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sijiso
f.g3 (-stay, -satay) Badar la tumay haldhan, buunsho iyo wixi lamida u kala baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: caajisan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajisan
(tilmaame) mid caajis hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la sikilay ahaansho (badar).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikilan
(tilmaame) badar, wax la sikilay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xejisan
(tilmaame) aad u giijisan oo sigib tiran. Dh: adkaysan, dhuujisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sijisasho
m.f.dh eeg sijiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baajisan
(tilmaame) wax ka baaqday inuu dhaco ama maaro loo helay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilicsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax muuqaalkooda indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilicsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax muuqaalkooda indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan ahaansho. m.f.dh, bilicsanaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilicsan
-aa I ayd: (adj) graceful (gareeysfuul); elegant (ela-gent); beautiful (bi-yuuti-fuul); lovely (laav-li); cute (kiyuui) ~ xiisa-leh, qurxoon, quruxbadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilicsan
(tilmaame) qurux badan oo nuur iyo ilays leh. Magaalo bilicsan ayaan soo gallay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biliqsan
(tilmaame) wax fidhidhsan. Xadhiggan biliqsan meesha ka qaada oo duuba. Dh: firidhsan. biliqsan: (tilmaame) wax kala daadsan ama kala quban. Dh: filiqsan, firidhsan, firdhisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilisayn
(Bilisayn-ta)
1. Bilis ka dhigid; xorayn.
2. Gudid (gabdho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilisayn
m.f.dh eeg bilisee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilisayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dumar ka dhigid. Bilisaynta dumarkoo kaluu ka dhigay raganimadi doobeede. Dh: naagayn.
bilisayn -ta: (magac, dhedig, keli) gabar da' yar gudid; xalaalaynta gabadh yar. Dh: gabdhaggudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof caajis ah noqosho. la-mid: cajisan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caajisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof caajis ah noqosho. m.f.dh, caajisnaan. la-mid: cajisan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caajisan
der. [adjective] lazy, feeling lazy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caajisan
(adj) tired, lazy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisan
(tilmaame) caajis hayo; wahsanaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caajisan
de: lazy, feeling lazy Alt sp: cajisan
lx: caajisan
pd: (caajisnaa)
ps: adj-der
key: caajisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirirsan
Dagaal dhex yaal; col ah; isneceb; colloobey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) La d.: qof, qof kale la dagaalay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dirirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) La d.: qof, qof kale la dagaalay ahaansho. m.f.dh, dirirsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirirsan
der. [adjective] fighting, at war, hostile; quarreling, feuding, in disagreement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirirsan
-aa I aayeen: (adj) hostile (hoos-taiy, hating (heeyting); set against, opposing; antagonistic. Ex: ciidamo dirirsan; hostile forces',
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirsan
(tilmaame) dad dagaalsan oo colaadi dhextaal. Laba ciidan oo dirirsan lama dhex dego. Dh: dagaalsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirirsan
de: fighting, at war, hostile; quarreling, feuding, in disagreement
lx: dirirsan
pd: (dirirsanaa)
ps: adj-der
key: dirirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: durugsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fikirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: fekersan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fikirsan
der. [adjective] worried, preoccupied
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fikirsan
-aa: (n) absorbed in thought, preoccupied; worried (weeridh) ~ fakarsan, fekersan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fikirsan
(tilmaame) arrin ku mashquulsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fikirsan
a: fekersan
de: worried, preoccupied
lx: fikirsan
pd: (fikirsanaa)
ps: adj-der
key: fikirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filiqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la filqay ahaansho. la-mid: firiqsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filiqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la filqay ahaansho. m.f.dh, filiqsanaan. la-mid: firiqsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filiqsan
(tilmaame) wax baahsan oo kala daadsan; wax feylfeyllan oo kala quban. Aqalka waxan soo galay dharkii oo daaradda ku filiqsan. Dh: baahsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firiqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: filiqsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firiqsan
(tilmaame) wax kala daadsan. Dh: filiqsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firirsan
Wax la kala firdhiyey ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wada jirey oo kala yaacay ahaansho. la-mid: firdhisan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wada jirey oo kala yaacay ahaansho. m.f.dh, firirsanaan. la-mid: firdhisan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firirsan
der. [adjective] scattered, dispersed, spread out ~ about
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firirsan
(tilmaame) wax kala baahsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firirsan
a: firdhisan
de: scattered, dispersed, spread out ~ about
lx: firirsan
pd: (firirsanaa)
ps: adj-der
key: firirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilicsan
1. Aan adkayn; la jilciyey.
2. Fudud; aan dhib badnayn.
3. Aad u buka; ba'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilicsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax aan adkayn ahaansho. 2. Nafley wax awood-diisa iyo xooggiisu isdhintay ahaansho. la-mid: jilacsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilicsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax aan adkayn ahaansho. 2. Nafley wax awooddiisa iyo xooggiisu isdhintay ahaansho. m.f.dh, jilicsanaan. la-mid: jilacsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilicsan
der. [adjective] soft, flexible, tender, supple; easy; sick, weak with illness
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jilicsan
facile.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilicsan
-aa: (adj) 1. soft (sooft); delicate (dhalakeeyt); tender (tendhar). 2. easy (iizi); not difficulty. Ex: su'aal jilicsan; an easy question ~ fudud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilicsan
(tilmaame) shay nugul. Dh: adag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilicsan
bw: nugul
de: soft, flexible, tender, supple; easy; sick, weak with illness Opp: adag
lx: jilicsan
pd: (jilicsanaa)
ps: adj-der
syn: cabban
xv: jilacsan
key: jilicsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof kibray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kibirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof kibray ahaansho. m.f.dh, kibirsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kibirsan
der. [adjective] arrogant, conceited, proud
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kibirsan
-aa: (adj) insolent (in so lant); arrogant (aar-ro-gent)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibirsan
(tilmaame) qof kibir hayo; qof qab weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kibirsan
de: arrogant, conceited, proud
lx: kibirsan
pd: (kibirsanaa)
ps: adj-der
key: kibirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libirsan
Meel gudaggalay oo ku qarsoomay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qarsoon ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libirsan
der. [adjective] vanished, hidden
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libirsan
(tilmaame) wax meel ku siibtay co qarsoomay. Dh: libidhsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libirsan
de: vanished, hidden
lx: libirsan
pd: (libirsanaa)
ps: adj-der
key: libirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miliqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si aan habaysnayn isugu dhex jira ahaansho (xarig).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Milixsan
Saline
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax miriray ahaansho.