siiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siiri
m.l (-iyaal, m.l/dh) Firimbi. la-mid: siidhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siiri
m. n. whistle; siren
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siiri
-ga: (n) whistle (wisel) ~ firinb, siidhi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siiri
a: siidhi
de: whistle; siren
initial: s
lx: siiri
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: siiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siriri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid suuxin. 2. Cid ceejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siriri
v. strangle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siriri
(fal) ceeji, cunaha qabo oo ha sii deyn, tan iyo intuu ka miyirbeelayo. Cunaha qabo oo siriri haddii aad ka ammaan waydo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siriri
cf: ceego
de: strangle
initial: s
lx: siriri
pd: (siririyey)
ps: v2a=tr
key: siriri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siir
(Siir-ka)
Sicir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siir
m.l la-mid: sicir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siir
m. n. rate, price
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siir
-ka: (magac, lab, keli) qiime; sicir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siir
a: sicir
de: rate, price
initial: s
lx: siir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: siir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biiri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax si tiradoodu u badato uruurin. 2. Wax inta uu yahay wax kale oo la nooc ah ku kordhin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biiri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax si tiradoodu u badato uruurin. 2. Wax inta uu yahay wax kale oo la nooc ah ku kordhin. m.f.dh, biirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biiri
v. increase, add to, accumulate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiri
(fal) in ku dar oo kordhi. Mishaharka dadka u biiri. Dh: kordhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biiri
de: increase, add to, accumulate
lx: biiri
pd: (biiriyey)
ps: v2a=
key: biiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax in yar kululayn. la-mid: diirri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax in yar kululayn. m.f.dh, diirin. la-mid: diirri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiri
v. warm up, make something warm, heat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diiri
-yey / say: (v) make warm (mayk woorm); raise temperature; heat ~ kululee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiri
(fal) dabka saar oo kulayli. Diiri shaaha oo ii keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiri
a: diirri
de: warm up, make s.t. warm, heat
lx: diiri
pd: (diiriyey)
ps: v2a=tr
key: diiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiri
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1.(f.g) Wax eegid. 2. (f.g) Wax ka fekerid. 3. (f.mg) Isu f.: waxyaabo isbarbardhigid. 4. (f.mg) Ka f.: wax, wax kale ka ilaalin. 5. (f.mg) Ka f.: cid wax ka sixid. 6. (f.mg) Ku f.: wax, wax kale ku tijaabin. 7. (f.mg) U f.: cid wax u raadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiiri
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1.(f.g) Wax eegid. 2. (f.g) Wax ka fekerid. 3. (f.mg) Isu f.: waxyaabo isbarbardhigid. 4. (f.mg) Ka f.: wax, wax kale ka ilaalin. 5. (f.mg) Ka f.: cid wax ka sixid. 6. (f.mg) Ku f.: wax, wax kale ku tijaabin. 7. (f.mg) U f.: cid wax u raadin. m.f.dh, fiirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiiri
v. look at; ponder, reflect on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiiri
-yey / say: (v) see (sii), look (luuk) ~arag, eeg, day, dhugo
iska fiiri -yey say: (v) check over, look over; examine (ig-zaaman)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiri
(fal) eeg oo arag. Fiiri sida ninku kubadda u ciyaarayo. Dh: eeg, day, arag.
fiiri: (fal) feker oo baadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiiri
de: look at; ponder, reflect on
lx: fiiri
pd: (fiiriyey)
ps: v2a=
key: fiiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiri
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: miyiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiri
f.g2 (-iyay, -isay) Dad badan si ay arrin uga doodaan meel isugu keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiri
f.g2 (-iyay, -isay) Dad badan si ay arrin uga doodaan meel isugu keenid. m.f.dh, shirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiri
v. bring together, call to a meeting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiri
de: bring together, call to a meeting
initial: s
lx: shiri
pd: (shiriyey)
ps: v2a=tr
key: shiri
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Siidi
name-m Saeed or Said; loyal, obedient (Arb)
name-m master
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Siidi
magac loo baxsho wiil daacad in uu noqdo loo rajaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siimi
f.g2 (-iyay, -isay) Duuf iska soo saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siimi
f.g2 (-iyay, -isay) Duuf iska soo saarid. m.f.dh, siimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siimi
(fal) «u ~» ilmo iyo wixii la mid ah, duuf iyo siin ka bi'i. Ka siimi cunugga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siiro
(Siira-da)
1. Dhaqan; dabeecad; guhaad.
2. Sheeko; qiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siiro
m.dh 1. Taariikh nololeed. 2. Asluub; dhaqan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siiro
m.dh 1. Taariikh nololeed. 2. Asluub; dhaqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siiro
f. n. nature, comportment, character; biography
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiro
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan; dabeecad; guhaad.
siiro-da: (magac, dhedig, keli) taariikh la weriyo, gaar ahaan na ta Nebi Muxamad (NNK) iyo asxaabtiisa. Dh: taariikh, siire, sheeko, qiso, Wa: siirooyinka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siiro
bw: Arabic
cf: dhaqan, dabeec(ad); qiso, sheeko
de: nature, comportment, character; biography
initial: s
lx: siiro
pd: (/da)
ps: n-f
key: siiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiiri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel ku santeecin. 2. Wax xoojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiiri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel ku santeecin. 2. Wax xoojin. m.f.dh, tiirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiiri
v. incline, lean something (on ~ against something else)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiiri
-yey / say: (v) lean against; place against; lean (liin); put against; rest against. Ex: darbiga ku tiiri; put against the wall
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiiri
(fal) waxtar, gargaar, taageer. Tiiri ninka dhacay.
tiiri: (fal) wax aan iskii isu taagi karin ku miskaami meel. Tiiri muraayadu yey jabine.
tiiri: (fal) ku si aanu u dhicin, wax cuski, ku takhraar.
tiiri-da: (magac, dhedig, keli) eeg tiiroda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiiri
de: incline, lean s.t. (on ~ against s.t. else)
initial: t
lx: tiiri
pd: (tiiriyey)
ps: v2a=tr
key: tiiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeriwale
m.l (-layaal, m.l/dh) Laba kooxood oo cayaar kubbadeed isaga soo horjeeda, qofka dhexdhexaadinaya oo seeriga u haya; garsoore. la-mid: siiriwale.

siidhi
m.l (-iyaal, m.l/dh) la-mid: siiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuri
suuri¹: m.l Maryo qurux badan oo dalka Siiriya laga sameeyo.
suuri²: f.g.2 (-iyay, -isay) Nafley muddo dheer hurdisiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seeriwale
m.l (-layaal, m.l/dh) Laba kooxood oo cayaar kubbadeed isaga soo horjeeda, qofka dhexdhexaadinaya oo seeriga u haya; garsoore. la-mid: siiriwale.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Compound pendulum
Siirimiiri laablaaban
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
final whistle
siiriga dhamaadka
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
referee's whistle
siiriga garsooraha
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
starting whistle
siiriga bilowga
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
to whistle
yeerin siiri
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
whistle
siiriga
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cereal
/siiriyal/ (n) 1. heed (badar badanaa laga sameeyo qamadiga oo lugu quraacdo) 2. dhir miroodka, sida galleyda qamadiga,bariiska.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
serial
/siiriyal/ (adj) taxane ah (musal- sal ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
serious
/siiriyas/ (adj) 1. dhab (aan ciyaar iyo kaftan ahayn, daacad ah) 2. halis ah (khatar ah) 3. muhiim ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
seriously
/siiriyasli/ (adv) dhab ahaan (run ahaan, daacad ahaan).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Suuriya
(n) Syria; a country of south west Asia, Damascus is the capital ~ Siiriya
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daran
-darnaa / darnayd: (adj) 1. severe (se-viyar) bad (baadh), serious (siiri-yas); tough (taf) harsh (haarsh)~ si daran. 2. daran -ta: (n) small salty plant eaten by camels ]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhab
-ta: (n) fact (faakt); reality (riyaaliti); truth (turuuth) ~ xaqiiq
dhab -ah: (adj) 1. real (ri-yal); true (turuu); genuine (jeniwin); authentic (o-then-tik) ~ rasmi. Ex: waa harag dhab ah; this is genuine leather. 2. serious (siiriyas). Ex: -waa iga dhab, ciyaari mayo; I am serious, I am not joking
dhab -ta: (n) lap (laap); laps ~ Ex: dhabtayda ku soo fariiso; sit on my lap
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Whistle
Siiri, firimbi
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cereal
/siiriyal/ (n) 1. geetho misgheethy amy mera lahaku guruthaw. 2. mishaariyi lyky afbillaawythaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeriwale
-ha: (magac, lab, keli) qofka cayaarta garsoorka ka ah. Dh: siiriwale, siidhiwale, garsoore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiirid
(Shiirid-da)
Shiir yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiirid
m.f.dh eeg shiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiirid
-da: (magac, dhedig, keli) shiir yeelasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
siiriga
whistle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siririd
m.f.dh eeg sirir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siririd
-da: (magac, dhedig, keli) cunaha oo lays qabtay dartiis, la miyirbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siririn
(Siririn-ta)
Ceejin; cunaqabatayn; miijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siririn
m.f.dh eeg siriri. la-mid: siriris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siririn
-ta: (magac, dhedig, keli) ceejin, tan iyo intuu ka miyirbeelayo; siriris, miyirbeelid; sirinsirqays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siriris
m.l la-mid: siririn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siriris
-ka: (magac, lab, keli) siririn. siriritaan-ka: (magac, lab, keli) miyirbeelitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asiili
(Asiili-ga)
1. Sharaf leh; gob.
2. Asalkii ah; aan u'ekaysiis ahayn; asli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiili
m.l 1. la-mid: asali. 2. Dugsiga caruurta yaryar aadaabta iyo farta lagu baro inta aanay waxbarashada rasmiga ah bilaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Asiili
pr. n., [feminine] Asili
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asiili
n (adj.): genuine item; pure; dignified, noble
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Asiili
name-f genuine, pure, dignified, noble. Cf: Asli, Gobey, Sharaf
name-f of good lineage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Asiili
magac loo baxsho gabadh sharaf leh ama xidid wanaagsan ka dhalatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asiili
-da: (magac, dhedig, keli) dameeraha, jaad ka mid ah, oo aad loo jecel yahay oo feejignaan iyo karti badan. Inta badan waxa dhaqda reerguuraaga. Kuwa beeraleydu dhaqato wax la yidhaahdaa «humbanni». Dameer asiili ah baan soo gadannay.
asiili-ga: (magac, lab, keli) cidda sharafta leh ee gobta ah.
asiili-ga: (magac, lab, keli) asalkii ah oo aan u ekaysiis ahayn. Kani waa dahab asiili ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Asiili
de: Asili
hm: 2
lx: Asiili
ps: name-f
key: Asiili_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirid
(Biirid-da)
Inyar inyar u soo kordhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirid
m.f.dh eeg biir³. la-mid: biiris².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Biirid
Accumulo
Accrual
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirid
-da: (magac, dhedig, keli) ku darsamid. Kut biiridda mucaaradku xukuumadda waa bilow cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirin
(Biirin-ta)
Gundhig hadba wax yar ku sii darid si uu u bato; kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirin
m.f.dh eeg biiri. la-mid: biiris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku darid. Biirinta mishaarada waxa laga sugayaa batroonka. Dh: siyaadin, kordhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biiris
biiris¹: m.l la-mid: biirin.
biiris²: m.dh la-mid: biirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biiris
vl. n. accumulation