siilholac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siilholac
m.l (daawo) Halaamacoodka siilka oo uu keeno sida badan deris ku noolka la iraahdo “trichomonas vaginalis”, oo u sabab ah: cunto xumo iyo nadaafad xumo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siilholac
m.l (daaw.) Halaamacoodka siilka oo uu keeno sida badan deris ku noolka la iraahdo 'trichomonas vaginalis', oo u sabab ah: cunto xumo iyo nadaafad xumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siilholac
-a: (magac, lab, keli) halaamacoodka siilka oo uu keeno sida badan deriskunoolka la yidhaahdo 'trichomonas vaginalis' oo ay sababaan cuntoxumo iyo nadaafadxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinoolaad
-ka: (magac, lab, keli) muddo nolol ku sii jirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xubinholac
m.l (-bno ..., m.l) (daaw.) Halamacoodka xubno kalagoyska mid ama ka badan astaamihiisu: barar, kuleyl, xanuun iyo dhaqaaq la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iillan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax in yar la weeciyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iillan
der. [adjective] tilted, tipped, inclined
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iillan
-iishay: (v) decline; fail. Ex: Ha iillan; don't fail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iillan
(tilmaame) dhinac u weecsan; jidka toosan ka leexsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iillan
de: tilted, tipped, inclined
lx: iillan
pd: (iillanaa)
ps: adj-der
key: iillan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siihay
v. hold on to, keep temporarily
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siihay
-ey / say: (v) hold for, put aside for, keep for, reserve for
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siihay
de: hold on to, keep temporarily
initial: s
lx: siihay
pd: (siihayey)
ps: v2a=tr
key: siihay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siilad
(Siilad-da)
1. (gobollada qaarkood) Weel macdan ah oo siddo leh oo sida wadaanta biyaha la darsado ama lagu qaato.
2. Baaldi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siilad
m.dh 1. Weel macdan ah, sidda leh oo sida wadaanta biyaha loo darsado. 2. Baal-di. 3. la-mid: saylad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siilad
f. n. bucket, pail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siilad
-da: (magac, dhedig, keli) weel macdan ah oo sidde leh, sida wadaanta biyaha la darsado. lagu qaato. Dh: baaldi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siilad
de: bucket, pail
initial: s
lx: siilad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: baaldi
key: siilad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sillan
Wax lala yaabo ah; sirgaxan; duwan (ama silloon).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sillan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: silloon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sillan
[adjective] strange, odd, different
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sillan
(tilmaame) wax lala yaabo; aan abuurkii iyo dabeecaddii caadiga ahayd lahayn, wax lala yaabo ah. Sabeentani way sillan tahay oo la mid maaha adhiga kale. Dh: sirgaxan, doorsan, duwan, silloon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sillan
a: silloon
de: strange, odd, different
initial: s
lx: sillan
pd: (sillanaa)
ps: adj
key: sillan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciillan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax ciil hayo ahaansho. 2. la-mid: cillan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciillan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax ciil hayo ahaansho. 2. la-mid: cillan. m.f.dh, ciillaanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciillan
der. [adjective] angry, annoyed, offended, resentful, irritated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciillan
(tilmaame) mid la ciilay; mid ciil qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciillan
de: angry, annoyed, offended, resentful, irritated
lx: ciillan
pd: (ciillanaa)
ps: adj-der
key: ciillan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scholar
/skolar/ (n) 1. caalim aqoon- yahan 2. arday (siiba arday deeq wax-barasho la siiyo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
scholar
n., barad, -ki, arday, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shillal
(Shillal-ka)
Dhis qoryo ka samaysan oo korkiisa xoolaha lagu qalo; miisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shillal
m.l (-llo, m.l) 1. Dhis qoryo ka samaysan oo korkeeda xoolaha lagu qalo. 2. la-mid: kullan, shillan, shillin. Geed abaareed dheer oo qodxo, qori adag iyo miro macaan oo la cuno leh; dhirta daawada laga sameeyana ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shillal
m. n. wooden structure upon which an animal is skinned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shillal
-ka: (magac, lab, keli) dhis qoryo ama dhagaxaan ah oo la tuulay oo xoolaha lagu kor qalo ama qarbedyada la dulsaaro. Lax waliba shillalka ay is dhigto, ayaa lagu kor qalaa. shillal -ka: (magac, lab, keli) qarbidda iyo wixii la mid ah geedaha la hoos dhigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shillal
de: wooden structure upon which an animal is skinned
initial: s
lx: shillal
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: kullan
key: shillal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shillan
m.l la-mid: shillal.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHILLAN
(Scillan) C, S, 0g, N? Balanites scillin Chiov. Balanitaceae.
C, Og, S Balanites aegyptiaca (L)Del. Balanitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shillan
(tilmaame) la shiilay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shishac
m.l Ood neefka la qalayo la kor saaro si aan hilibka ciiddu u gaarin; shillal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishac
-a: (magac, lab, keli) ood neefka la qalayo la kor saare si aan hilibka ciiddu u gaarin shillal.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Siil-ka
vagin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiistola
m.l (-layaal, m.l/dh) Isudalooshamid aan caadi ahayn ee labo xubnood oo uurkujirtada ka mid ah ama xubin jirka dibeddiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiistola
m.l (-layaal, m.l/dh) Isudalooshamid aan caadi ahayn ee labo xubnood oo uurkujirtada ka mid ah ama xubin jirka dibeddiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafholac
m.l (-fo ..., m. l) (daawo) Halaamacoodka lafta oo uu keeno caabuq, waxyeelo ama isbeddel meetabooliisiimka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lafholac
m.l (-fo ..., m.l) (daaw.) Halaamacoodka lafta oo uu keeno caabuq, waxyeelo ama isbeddel meetabooliisiimka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafholac
-a: (magac, lab, keli) halaamacoodka lafta oo uu keeno caabuq, waxyeelo ama isbeddel meetabooliisiimka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloolad
(Saloolad-ka)
Saloolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloolad
m.l la-mid: saloolasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloolad
-ka: (magac, lab, keli) nafleyda qaarkeed inta ay labada lugood laysku taago, labada jeenina, laamaha sare lagu qabsado, is dheerayn, si meel kore loo gaaro oo wax looga daaqo. Dh: saloogad, saloolasho.
saloolad -ka: (magac, lab, keli) saloogad; saloolasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saloolan
der. [adjective] parched
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloolan
(tilmaame) mid la saloolay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saloolan
de: parched
initial: s
lx: saloolan
pd: (saloolnaa)
ps: adj-der
key: saloolan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sciàbola
s.f. - seef.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiillan
(tilmaame) wax saliid ama subag lagu dubay ahaan. Hilib shiillan ayaan soo cunay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Silsilad
(Silsilad-da)
Xarig ka samaysan ilo ama garangaro bir ah ama wax kale oo midiba mid ku gudajirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silsilad
silsilad¹: m.dh (-do, m.l) 1. Xarig ka samaysan ilo ama garangarro bir ah ama wax kale oo middiiba mid ku gudajirto. 2. Taxane gabay ama maadees ama sheeko.
silsilad²: m.dh (-do, m.l) (juqraafi) Layn buuro is haysta, oo fig leh ama aan lahayn, buurahaas is haysta, meesha ugu sarraysa waa dhuubantahay; haddii jooggu uu gaabanyahay waxay silsilladdu ka kooban tahay gunburo is haysta halkii ay ka koobnaan lahayd buuro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
silsilad
silsilad¹: m.dh (-do, m.l) 1. Xarig ka samaysan ilo ama garangarro bir ah ama wax kale oo middiiba mid ku gudajirto. 2. Taxane gabay ama maadees ama sheeko.
silsilad²: m.dh (-do, m.l) (juqraafi) Layn buuro is haysta, oo fig leh ama aan lahayn, buurahaas is haysta, meesha ugu sarraysa waa dhuubantahay; haddii jooggu uu gaabanyahay waxay silsilladdu ka kooban tahay gunburo is haysta halkii ay ka koobnaan lahayd buuro.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Silsilad
Chain
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Silsilad
Chain, Range
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
silsilad
f. n. chain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
silsilad
-da: (n) 1. chain (jeeyn) 2. necklace (neek-laays)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silsilad
-da: (magac, dhedig, keli) xadhig ka samaysan garaangiro ama ilo bir, iyo wixii la mid ah midiba midda kale ku dhex jirto ama sudhantahay. Dabar iyo silsilad haysa iyo suun ma dhaafan ah, waxa dadku Sahraay heedhe, kaga soocan yahay xoolaha weeye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
silsilad
bw: Arabic
de: chain
initial: s
lx: silsilad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: silsilad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
silsilad
سلسلة
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sinkhole
Godon saxaneed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Siishalis
pr. n., loc. Seychelles
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Siishalis
de: Seychelles
initial: s
lx: Siishalis
ps: n0-loc
key: Siishalis
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asiidhooman
m.l (-dyo ..., m.dh) (kiim.) Iskudhisyada la falgala biyaha soona saara asiidh. Tusaale ahaan, karboon laba ogsaydh waxa uu lafalgalaa biyaha waxaana samaysma kaarboonig asiidh: CO2(g) + H2O(aq) = H2CO3(aq).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiniinxolac
m.l (-yo, m.dh) (daaw.) Halaamacoodka xiniinyaha wuxuu keena xanuun, casaan iyo barar maqaarka xiniinyaha waxaana wehelin kara halaamacoodka dhuumaha shahwada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubin-holac
m.l (-bno ..., m.l) (daawo) Halamacoodka xubno kalagoyska mid ama ka badan astaamihiisu: barar, kuleyl, xanuun iyo dhaqaaq la'aan.