siigaale
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Siigaale
nickname-m dust-maker. Lit: dust colored
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Siigaale
magac loo baxsho wiil meel boodh ah ama siigo leh ku dhashay ama midabkiisu boodh xigo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mud rain
Roob siigaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafcadde
-ha: (magac, lab, kali) xiddig ka mid ah xiddigaha mahluukta waana xiddigga u horreeya oo waxa kale oo loo yaqaan qanbaar siigaale Naafcadduhu wuxuu u dhexeeyaa xiddiga afagaalka iyo naafmadoobaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giingaale
-ha: (magac, lab, keli) qof hadalka googooya oo aan si toos ah u soo saarin. Dh: shigshiglow, shigshigaaye, haghagle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siigal
vl. n. act of going out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siigal
-ay / siigashay: (v) go inside; going inside; enter (en-ter). Ex: asagoo guriga siigalaya, baan arkay; I saw him, entering the house
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siigal
de: act of going out Opp: soogal
initial: s
lx: siigal
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: siigal
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Digaale
name-m good fortune, good luck. Syn: Falxad, Falxado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigaal
m.l.kh la-mid: fiigtaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigaal
-ka: (magac, lab, keli) neef dadka ka carara. Dh: fiige, fiigtaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifaale
m.l Xaalad lagu suganyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifaale
-ha: (magac, lab, keli) qof sifo lagu aqoonsado ama lagu yagaan leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigaan
-ka: (magac, lab, keli) quruun aan dhul u gaar ah lahayn oo iyagoo kooxkoox ah qaaradda Yurub iyo Aasiya wareegaalaysata; waxa la yiraahdaa muddo lagu qiyaasay ilaa 6000 oo sano horteed ay ka soo guureen Aasiyada Fog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiigaal
(Tiigaa-sha)
Wax la doonayo in la gaaro, in la tiigsado; wax la higsanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiigaal
m.dh la-mid: tiigsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiigaal
f. n. distant place; aim, goal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiigaal
-sha: (magac, dhedig, keli) yool iyo meel loo socdo; wax la tiigsanayo ama loo danleeyahay; wax la doonayo in la gaaro oo la hiigsanayo. Dh: taamid. Li: timaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiigaal
de: distant place; [fig.] aim, goal
initial: t
lx: tiigaal
pd: (/sha)
ps: n2-f
key: tiigaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigaale
-ha: (magac, lab, keli) inta qaraabo ahaan ninka u dhaw. Dh: xigto, sokeeye, xigaalo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ciiraale
nickname-m grayish in color; cloudish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiinaale
-fiinaalaha: (n) final game ~ faaynaale
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hiiraale
nickname-m bald. Syn: Bidaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hiiraale
magac loo baxsho wiil salxo leh oo wejigiisa ay timuhu ka durugsan yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraale
-ha: (magac, lab, keli) qof bidaar leh. Dh: bidaarre.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiraale
m.l (-layaal, m.l/dh) Roob xoog leh oo habeenkii da'a oo xilliga dayrta yimaada. la-mid: miiroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiraale
-ha: (magac, lab, keli) roob weyn oo ungod iyo daroora cufan leh. Waxaa mayay soo madaw waxaa miiraale yimid ninkii meelloow ka roor.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sinyaale
Signal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiisaale
-ha: (magac, lab, keli) qof kolba meel iyo kolba wax xiiseeya oo xiise badan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ciidagale
nickname-m reptile; sand borer; sand diver; sandie
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciidagale
-ciidagalaha: (n) 1. worm (weerm); especially earthworm ~ ciidaggale 2. name of a Somali clan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidagale
-ha: (magac, lab, keli) bahal yar oo halaqa u eg oo ciidda gudaheeda ku dhuunta. Ciidagale ayaan mas mooday. Dh: isxabaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giiryaale
(Giiryaala-ha)
Qof aan geesi ahayn; fuley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giiryaale
m.l Qof aad fuley u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giiryaale
m. n., [compound] coward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giiryaale
-ha: (magac, lab, keli) qof fule ah.Li: geesi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giiryaale
de: coward
lx: giiryaale
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: giiryaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiyiwaale
(Hiyiwaala-ha)
Kasha waxyaalo saldhig iyo xasilloonaan u diida, ku soo rida; hiyiga waala oo kiciya; hiddiwaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiyiwaale
m.l 1. Kasha waxyaalo saldhig iyo xasilloonaan u diida, ku soo rida; hiyiga waala oo kiciya. 2. la-mid: hirimmaale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiyiwaale
m.l 1. Kasha waxyaalo saldhig iyo xasilloonaan u diida, ku soo rida; hiyiga waala oo kiciya. 2. la-mid: hirimmaale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiyiwaale
m. n. longing, yearning, hankering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiyiwaale
-ha: (magac, lab, keli) wax qalbiga qofka kiciya oo deggenaanshaha u diida. Dh: hiddiwaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiyiwaale
a: hiddiwaale
de: longing, yearning, hankering
lx: hiyiwaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: hiyiwaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sangaalle
(Sangaalla-ha)
Dixiri sanqada gudeheeda ku abuurma, siiba tan geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sangaalle
m.l Tixri sanka geela iyo ariga gudihiisa ku dhasha. la-mid: sangal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sangaalle
m. n. insect which gets inside animal's snout
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sangaalle
-sangaallaha: (n) worm which lives inside a camel's nose or snout (isnaawt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sangaalle
-ha: (magac, lab, keli) dixiri sanqada gudehiisa ku abuurma, siiba tan geela.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sangaalle
de: insect which gets inside animal's snout
initial: s
lx: sangaalle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: sangaalle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawiraale
-ha: (magac, lab, keli) qof sawirrada qaada ama duuba ama meesha lagu qaado ama lagu duubo lafteeda. Dh: sawirle, taswiiraale, taswiirle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifafaale
-ha: (magac, lab, keli) saansaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siigadaaq
m.l.kh S. ah: xoolo meel cagtu ku badatay daaqa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siiriwale
m.l la-mid: seeriwale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiriwale
-ha: (magac, lab, keli) eeg siidhiwale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiigaalid
-da: (magac, dhedig, keli) yeel iyo ujeeddo ama meel u qasdid. Dh: tiigsi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ximidaale
Trellis, trellised drainage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taswiiraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka sawirada qaada; sawirqaade.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigle
-ha: (magac, lab, keli) dambarka ugu horreeya ee caanaha neefka dhalay. Dh: danbar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sigle
sigle, n.m. - calaamad (dalwalba ugaar)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cigaal
1. (Cigaal-ka) Qoofal gaar ah oo xarrago madaxa loo gashado.
2. (Cigaa-sha) Riddo dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cigaal
cigaal¹: m.l (-llo m.dh) Xarig dun madow ka samaysan oo cimaamadda madaxa lagula xajiyo.
cigaal²: m.dh Tuuryo meel dheer ku dhacda.
cigaal³: f.mg1 (-aalay, -aashay) Tuuryo meel dheer ku dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cigaal
m.l (-llo m.dh) Xarig dun madow ka samaysan oo cimaamadda madaxa lagula xajiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cigaal
name: Igal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cigaal
m. n. headband, turban
cigaal v. put a turban on someone
cigaal [feminine] n. long range shot
cigaal v. shoot a long-range shot
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cigaal
name-m headband, turban; long range shot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cigaal
-ka: (n) a traditionally Arab headdress; turban (toor-ban) for a men only
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cigaal
magac loo baxsho wiil dhashay ka dib kolkii uu walaalkiisii ka horreeyay dhintay. Waxa kale oo loo baxshaa wiil kolkii uu dhashay xayuub cigaal u eg uu madaxa kaga duubnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cigaal
-ka: (magac, lab, keli) wax lagu beddelay, wax kale oo hore loo waayay ama u lumay. Dh: cige.
cigaal -ka: (magac, lab, keli) xadhig wareegsan oo dun madoobi ku dahaadhan tahay oo cimaamadda madaxa korka laga saaro. Waa xadhig si qurux badan loo farsameeyo oo xarrago darteed madaxa loo gashado.
cigaal -sha: (magac, dhedig, keli) riddo dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilgaal
(Ilgaal-ka)
Geedsaar miro kulkulucsan oo la cuno leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgaal
m.l 1. (botani) Geed-saar caleemo ballaaran leh oo dhala miro kuuskuusan oo biseyl iyo qardaba lagu cuno. 2. (botani) Miraha ilgaalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilgaal
m.l 1. Geed-saar caleemo ballaaran leh oo dhala miro kuuskuusan oo biseyl iyo qardaba lagu cuno. 2. Miraha ilgaalka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilgaal
m. n., [collective] climbing plant species, with edible fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgaal
-ka: (magac, lab, keli) geedsaar midho kulkulucsan leh oo isku cufan. Dh: ilgeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilgaal
de: climbing plant sp., with edible fruit
lx: ilgaal
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: ilgaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagaal
(Sagaal-ka)
Tirada u dhexaysa siddeedda iyo tobanka; toban mid la'; (9).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagaal
m.l.t. Tirada siddeedda iyo tobanka u dhexeysa; “9”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sagaal
m.l.t. Tirada siddeedda iyo tobanka u dhexeysa; 9.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sagaal
num: nine
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sagaal
neuf (9).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sagaal
-ka: (n) nine (naayn); number [9]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaal
-ka: (magac, lab, keli) tirada u dhexaysa sideedda iyo tobanka; toban mid la'. Dh: 9; IX.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sagaal
de: nine
initial: s
lx: sagaal
pd: (-ka)
ps: num-m
key: sagaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifaal
m.l (sifaallo, m.dh) Shay badanaa ka samaysan caw, qaab wareegsanna leh oo sooryooyinka waaweyn cuntada lagu geeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifaal
-ka: (magac, lab, keli) ifafaalo ama sifo. Dh: calaamo, sifaale, tilmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sigaar
(Sigaar-ka)
Sakareed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigaar
m.l Tubaako shiidan oo xaashi khafiif ah lagu duubay oo laga qiijiyo. la-mid: saka-reed
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sigaar
m.l Tubaako shiidan oo xaashi khafiif ah lagu duubay oo laga qiijiyo. la-mid: sakareed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sigaar
m. n. cigarette
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sigaar
-ka: (n) cigarette (siga-reef)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigaar
-ka: (magac, lab, keli) xabbado dhuudhuuban oo ka samaysan tubaako si wanaagsan loo jarjaray iyo xaashi khafiif ah oo ku duuban oo inta af laga daaro afka kale laga nuugo oo laga qiiqiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sigaar
de: cigarette
initial: s
lx: sigaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-enum
xe: No smoking!
xv: sakareed {Eng}
key: sigaar
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Signal
Sinyaale
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
signal
baaq
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
signal
/signal/ (n) 1. seenyaale (seenyaale bixin) 2. samaafare (nalalka waddada ee baabuurta kala haga) 3. calaamad (astaan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
signal
signal, n.m. - seenyaale
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
signal
n., baaq, -hi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siible
-ha: (magac, lab, keli) gawaadhida yaryar kan ugu weyn oo waddooyinka xunxun mari kara oo aad u dheereeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siidal
m.l Carruur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siidal
-ka: (magac, lab, keli) carruur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigay
(fal) siigo kici, bidi. Dh: boodhee, siigee.