siifadayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siifadayn
(Siifadayn-ta)
Siifad ka dhigid, ku rogid, marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siifadayn
m.f.dh eeg siifadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siifadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) siifad ku rogid, ka dhigid, marin; siifadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siifaday
(fal) siifad mari, ku rog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siifadays
-ka: (magac, lab, keli) siifadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bilic u yeelid shay. Xafladdu siinaadayn bay u baahantahay Dh: qurxin; sharfid, hagaajin. Li: foolxumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fasaxid; oodda ka rogid. Siidaynta dad badan ayuu Madaxweynuhu amray. Dh: fasxid. Li: haysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqadayn
m.f.dh eeg diiqadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiradayn
m.dh (naxwe) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiradayn
m.dh (naxwe) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiikadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qori tiikad ah ku kaalid. Tiikadayn ayuu u baahan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Silsiladayn
(Silsiladayn-ta)
Silsilad ku xirid, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silsiladayn
m.f.dh eeg silsiladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silsiladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) silsilad ku xidhid. Dh: jeebayn, katiinadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sifayn
(Sifayn-ta)
1. Wax sifaysan ka dhigid; nadiifin.
2. Sifo wax lee yihiin sheegid; tilmaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifayn
m.f.dh eeg sifee. la-mid: safayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sifayn
-ta: (n) 1. purification (piy-uuri-fi-keey-shin); cleaning (kilin-ing); refinement (ri-faayn-mant) purifying (piyuurafaaying) 2. characterising, describing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sifo wax leeyihiin sheegid; tilmaamid.
sifayn -ta: (magac, dhedig, keli) uskaga ka nadiifin. Dh: cadayn. Li: uskagayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siifad
(Siifad-da)
Libaaxa badda beerkiisa saliidda laga shiilo, siiba tan aan si cilmi ah loo nadiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siifad
m.dh 1. Saliidda beerka libaax-badeedka laga shiilo. 2. Urka saliidda beerka libaax-badeedka iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siifad
f. n., (mass n.): shark liver oil; fish oil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siifad
-da: (magac, dhedig, keli) saliidda beerka libaax-badeedka laga shiilo, siiba tan aan sida cilmiyaysan loo farsamayn oo looxaanta doonyaha la mariyo in uu looxu faaxo ama cayayaan galo.
siifad -da: (magac, dhedig, keli) isbedelka ku dhaca dharka iyo wax la mid ah, uskag ama. qorrax iyo bisaarad awgood; ur aan fiicnayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siifad
de: shark liver oil; fish oil
initial: s
lx: siifad
pd: (-da)
ps: n1-f-mass
key: siifad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biifayn
(Biifayn-ta)
1. Biif ka dhigid.
2. Qurxin; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biifayn
m.f.dh eeg biifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku darid: biyo ku bilbilid oo ku qoyn.
biifayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax qurxin. Dh: caddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) carro ku rogid ama ku daadin; ciid ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diifayn
m.f.dh eeg diifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hagardaamayn oo wax diifi ku taallo ka dhigid. Dh: dhibaatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef irmaan gaaxqab ku lisid. Ibadayn baan ku lisay qaalinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miidayn
(Miidayn-ta)
Miid ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidayn
m.f.dh eeg miidee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sidde u samayn. Dh: siddays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigaan
-ka: (magac, lab, keli) quruun aan dhul u gaar ah lahayn oo iyagoo kooxkoox ah qaaradda Yurub iyo Aasiya wareegaalaysata; waxa la yiraahdaa muddo lagu qiyaasay ilaa 6000 oo sano horteed ay ka soo guureen Aasiyada Fog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo kicin, boodh iyo omos kicin oo siigo abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qurux u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhabbo tusid: meel ku hoggaamin. Wiidaynta ciidanka nin dhulyaqaan ah ayaa loo dhiibaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irbadayn
(Irbadayn-ta)
1. Irbad ka dhigid.
2. Irbad gaar ah oo dhexda ka daloosha oo dhuun dhalo ah wadata, inta dawo socota lagu shubo, oogada ku mudid oo dawadii ku dhiijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irbadayn
m.f.dh eeg irbadee. la-mid: cirbadayn, cirbadays, irbadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof buka, irbad ku durid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddo gaadhsiin; dhibid; shiidaadid. Dhibaato gaadhsiin, qaxar gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
si badan
[adverbial] [expression] abundantly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
si_badan
de: abundantly
initial: s
lx: si badan
pd: (badnaa)
ps: adv-expr
key: si_badan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siiddeyn
(Siiddeyn-ta)
Wax la hayo faraha ka qaadid, ka wareegid, oodda ka rogid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Siiddeyn
Rilasciamento
Release
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la hayo faraha ka qaadid, ka wareegid, oodda ka rogid: siiddeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siifadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Doon siifad marin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siifadee
v. rub ~ lubricate with shark-liver ~ fish oil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siifadee
(fal) eeg siifaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siifadee
de: rub ~ lubricate with shark-liver ~ fish oil
initial: s
lx: siifadee
pd: (siifadeeyey)
ps: v2b=tr
key: siifadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siraadan
La siraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la siraaday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siraadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la siraaday ahaansho. m.f.dh, siraadnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siraadan
der. [adjective] lit, illuminated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siraadan
-siraadnaa / siraadnayd: (v) ignited (ig-naaytidh); kindled (kin-dhelidh); luminiferous (luu-mi-fin-arous); lit ~ daaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadan
(tilmaame) mid la siraaday ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siraadan
de: lit, illuminated
initial: s
lx: siraadan
pd: (siraadnaa)
ps: adj-der
key: siraadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ammaaradayn calaamadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiikaday
(fal) qori tiikad ah ku kaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cilladayn
(Cilladayn-ta)
Cillad ku ridid, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilladayn
m.f.dh eeg cilladee. la-mid: cillayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cillad u yeelid; cillad ku ridid. Dh: kharribid, xumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadayn
m.dh la-mid: irbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) irbad ka dhigid ama irbad ku mudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof qof kale garbis xoog leh ku jiidha. Markuu i garbiyey ayaan daafadayntiisii la dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, fidmo ku abuurid ama ku ridid. Dh: fidnadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mixnadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato ku samayn; mixnad u horseedid. Dh: dhibaatayn, mushkiladayn. Li: wanaajin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabbad ku dhisid, ka dhigid; sabbadays; shubid; sagbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargadayn
m.f.dh eeg sargadee. la-mid: sergedeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhengadayn; sargad la dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) suuq geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siigadaaq
m.l.kh S. ah: xoolo meel cagtu ku badatay daaqa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
summadayn
vl. n. branding, marking; endorsement
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
summadayn
de: branding, marking; [ext.] endorsement
initial: s
lx: summadayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: summadayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) suuradin; suuradays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiikadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tiikadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarfadayn
m.f.dh eeg xarfadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarfadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si xariifnimo ah ula ciyaarid. Cali xarfadaynta aad buu u yagaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saawiyadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) saawiyad saarid gidaar ama wax kale oo la simayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaasadayn
(Siyaasadayn-ta)
Si siyaaso ah, cid la gelid, wax kaga qabasho; xeeladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaasadayn
m.f.dh eeg siyaasadee. la-mid: siyaasadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaasadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si siyaaso ah, cid ula dhaqmid, wax kaga qabasho, xeeladayn. Dh: xeeladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqalyayn
m.f.dh la-mid: diiqalyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabarad ku garaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sadaqad u bixin; sadaqays.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Shaabadayn
Timbrare
To stamp
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shabbadayn
(Shabbadayn-ta)
Shabbad ku dhufasho, la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbadayn
m.dh la-mid: shaabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shabbad ku dhufasho; tiimbarayn; shaabbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shurbadayn
(Shurbadayn-ta)
Shurbad ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shurbadayn
m.f.dh eeg shurbadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shurbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shurbad ka dhigid, mushaali ka dhigid. Dh: maashaaliyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibadsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof sinbiriirixin.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Siibanayya
glisser.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sindadabyo
m.dh Nooc ka mid ah tabaha legdanka oo qofka inta sinta la saaro la legdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sindadabyo
-da: (magac, dhedig, keli) sinta oo aan toos u muuqane, qallooc ku hara jiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinsaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sinsaaro ku legdid; sinsaarayn; sinsaarays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadnaan
m.f.dh eeg siraadan. la-mid: siraadnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax siraadan ahaan.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sii qaadayya
emmener.