siidhiwalayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siidhiwalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar iyo wixii la mid ah, cidda dheelaysa firinbi u qaban; dhexdhexaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siidhiwale
m. n. referee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siidhiwale
- siidhiwalaha: (n) referee (rifirii); umpire ~ aarbiitare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siidhiwale
-ha: (magac, lab, keli) qof ciyaaraha lagu beretamayo ka garsoora; garsoore.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siidhiwale
de: referee
initial: s
lx: siidhiwale
pd: (/ha)
ps: n7-m
xe: The referee was biased in the game.
xv: seeriwale {N}
key: siidhiwale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) qof ama wax meel yaalla, adoo socda hirdiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhinac u sooctaan. Dh: madhitaan.
miidhitaan -ka: (magac, lab, keli) ku xadgudbitan xoog iyo itaal la isu sheegto. Dh: xadgudbitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) iftiimid ama nuurid. Dh: biritaan.
bidhitaan-ka: (magac, lab, keli) sare u dallicitaan. Bidhitaan buu ku saaray haanta awrka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhinacayn
(Dhinacayn-ta)
Dhinac marid ama xigid; dhinac isu burin; xag jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinacayn
m.f.dh eeg dhinacee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhan ka marid; barbar ka joogid. Dh: barbarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xeraad cunis oo cashayn. Dh: fiidimays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liiditaan
-ka: (magac, lab, keli) xaqiraadda cid kale iyo yasiddooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiditaan
-ka: (magac, lab, keli) 'dab' daaritaan ifin.
shiditaan-ka: (magac, lab, keli) wax shidniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibitaan
-ka: (magac, lab, keli) siibidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siifadayn
(Siifadayn-ta)
Siifad ka dhigid, ku rogid, marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siifadayn
m.f.dh eeg siifadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siifadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) siifad ku rogid, ka dhigid, marin; siifadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bilic u yeelid shay. Xafladdu siinaadayn bay u baahantahay Dh: qurxin; sharfid, hagaajin. Li: foolxumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siiriwale
m.l la-mid: seeriwale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiriwale
-ha: (magac, lab, keli) eeg siidhiwale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) xabsi ku riditaan. Dh: xiritaan.
xidhitaan-ka: (magac, lab, keli) xadhig meel ku dhuujinitaan. Dh: xiritaan.
xidhitaan-ka: (magac, lab, keli) albaab furan qufulitaan. Dh: qufulitaan, xiritaan.
xidhitaan-ka: (magac, lab, keli) shuruud ama masalo keeniddeed iska doonitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididalay
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta inta kalagoyska mataanaha iyo faraha u dhaxaysa ee dhabarka baabacada; lugta inta labada kuraamood iyo faraha u dhaxaysa ee cagta dhabarkeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biibiilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biibiib ama biibiile samayn. Biibiilaynta biiqbiiqda naga daaya. Dh: biiqbiiqlayn.
biibiilayn-ta: (magac, dhedig, keli) codka ka soo baxa biibiida samayn. Biibiilayn baaq maaha. Dh: dhiiqdhiiqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhitaan
-ka: (magac, lab, keli) kala yaacitaan; kala bixitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiqhiqlayn
m.f.dh hiqhiqlee. la-mid: hiqlayn, hiqlays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiqhiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hiqhiq samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libdhitaan
-ka: (magac, lab, keli) kolba in yar sii qarsoomid. Libdhitaankii cadceedda waan eegaayay. Dh: qarsoomid, libritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saydhitaan
-ka: (magac, lab, keli) 'dareere iyo wixii la mid ah' saydhitaan.
saydhitaan -ka: (magac, lab, keli) 'mici' ku saydhitaan.
saydhitaan -ka: (magac, lab, keli) 'qodax' saydhniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiditaan
-ka: (magac, lab, keli) degitaan: quusitaan; tiinbad.
shiiditaan -ka: (magac, lab, keli) dhagax la dhicitaan, ku tuuritaan; meditaan; aa'itaan.
shiiditaan -ka: (magac, lab, keli) ridgitaan: budayn; daqiijitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirdilyayn
m.f.dh la-mid: sirdilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xildhibaan
(Xildhibaan-ka)
Qof wixii xil leh iska ilaaliya; xilkas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xildhibaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Xubin gole shacbi ka tirsan. 2. Qof xil qaadi kara.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xildhibaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Xubin gole shacbi ka tirsan. 2. Qof xil qaadi kara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xildhibaan
m. n., [compound] responsible person; higher official, functionary
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xildhibaan
-ka: (n) 1. responsible person. 2. MP (Member of Parliament)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xildhibaan
-ka: (magac, lab, keli) qof wixii xil ah iska ilaaliya. Dh: xilkas.
xildhibaan-ka: (magac, lab, keli) nin xubin ka ah gole baarlamaan ama gole guurti. Sahal wuxu u sharraxan yahay xildhibaan. Dh: mudane, dibitee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xildhibaan
de: responsible person; [ext.] higher official, functionary
initial: x
lx: xildhibaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xildhibaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Xildhibaan
مَسْئُول
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biibbiilayn
(Biibbiilayn-ta)
Biibbiile samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biibbiilayn
m.f.dh eeg biibbiilee. la-mid: biibbiile (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biidhiqaate
-ha: (magac, lab, keli) qof aan ka xishoon inuu sedquursi qaato; marka qofku ciddi uu wax u qabtaba ku xidho inuu lacag ka qaato. Biidhiqaate balaayaa dirsata. Dh: laaluushqaate, gubbaqaate.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayidcalayn
(fal) qofka kolka abaalkiisa laga waraabiyo, ee hagaag loo jilciyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Silsiladayn
(Silsiladayn-ta)
Silsilad ku xirid, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silsiladayn
m.f.dh eeg silsiladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silsiladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) silsilad ku xidhid. Dh: jeebayn, katiinadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidhlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bidhbidh soo noqnoqonaysa ahaan. Hillaacaa soo bidhbidhlayn hayaa waa bilowgii guga e'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqbiiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka biiqbiiqda samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhisanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala yaacsanaan; kala firdhisani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libdhisanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax libidhsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabaalayn
m.f.dh eeg suuldhabaalee. la-mid: suuldhabaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sanqadh laga sameeyo suulka iyo fardhexada oo laysla dhacaayo. Suuldhabaalayn ayaad iigu yeedhay.
suuldhabaalayn -ta: (magac, dhedig, keli) suuldhabaalays; kindho samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciidmuunadayn
f. n., [compound] soil-sampling
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciidmuunadayn
de: soil-sampling
lx: ciidmuunadayn
pd: (-ta)
ps: n1-f, n2a-f-cmp
key: ciidmuunadayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala filiqsan ama daassan, kolba mid qaadid. Gorowgii waxan ku dhammeeyey haldhablayn. Dh: halhalayn, haldhablayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, su'aal dadban ku xujayn; halxidhaale ku xidhid. Dh: halxidhaalays.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saddexagalayn
Triangulation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiish-wanaag
(n) marksman (maarkis-man); sharpshooter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbiralaaye
-ha: (magac, lab, keli) nooc haadka ka mid ah oo yilida u eg oo shinbiraha iyo bahalaha yaryar cuna kolkuu lalayana wuxu awood Eebbe u siiyay inu hawada iska joogsan karo wakhti dheer.
shinbiralaaye -ha: (magac, lab, keli) qori labo farraarood leh oo cinjir dhexda ka ballaadhan lagu xidho oo dhagax yar la saaro oo shinbiraha lagu gano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiibsanaan
m.f.dh eeg dhiibdhiibsan. la-mid: dhiidhiibsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiidhiibsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dhidhiib u fadhiya ahaan.