siiddey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiddey
(fal) faraha ka qaad wax aad haysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siiddeyn
(Siiddeyn-ta)
Wax la hayo faraha ka qaadid, ka wareegid, oodda ka rogid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Siiddeyn
Rilasciamento
Release
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la hayo faraha ka qaadid, ka wareegid, oodda ka rogid: siiddeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiddeys
-ka: (magac, lab, keli) siiddeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarriig
(Sarriig-ta)
1. Nafta iyo sharafka oo la dhawro, oo aan wax xun loo quurin; xilkas; xishood; sheex.
2. Wax dhuuban oo laamo ama wax kale ka taagtaagan yihiin oo inta gunta ilkaha ama wax kale lagaga qabto, iyadoo aan kolna la siiddeyn, dhifasho xoog leh, lagu murxiyo, lagu diiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buufi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax neef ku shubid. 2. Neef maaddo ur leh ama sun ka sameysan meel ku siiddeyn. 3. Hoore midab leh oo tuubbo si xoog leh uga baxayo meel ku rinjiyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buufi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax neef ku shubid. 2. Neef maaddo ur leh ama sun ka sameysan meel ku siiddeyn. 3. Hoore midab leh oo tuubbo si xoog leh uga baxayo meel ku rinjiyid. m.f.dh, buufin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deliver
/dhiliver/ (v) 1. u geyn (v) 2. gaarsiin (v) 3. siiddeyn (fasaxid) (v) 4. ummulin (dhalin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ooze
/uus/ (n) dhoobo ama biyo dhooqa ah.
ooze: /uus/ (v) 1. biyo ama dareere aayar u tifqaya (si yar u daadanaya) 2. dareer ama biyo siiddeyn (tifqin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
secrete
/sikriit/ (v) 1. qarin 2. dheecaan sii-deyn (siiddeynta dheecaan ama dareere jirka ama dhirtu sii deyso).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetadheerayn
-ka: (magac, lab, keli) gaabin la'aanta seetada neefka lagu xidho.
seetadheerayn-ta: (magac, dhedig, keli) in muddo ah deyn; siiddeyn; seetadheerays.
seetadheerayn -ta: (magac, dhedig, keli) xorriyad uu ku socdo oo uu wax ku maamusho siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiddeyn
(Shiddeyn-ta)
Shiddo gaarsiin, badid; dhibid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiddeyn
m.f.dh eeg shiddee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiddeyn
-ta: (n) the act of annoying someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddo gaarsiin: shiddo badid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidde
m.l la-mid: siddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidde
-ha: (magac, lab, keli) meel alaabada iyo weelasha loo yeelo oo loogu talaggalay in gacanta lagu qabto oo lagu qaado ama lagu sido. Dh dhag, sido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidday
(fal) sidde u samay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax siddo u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidday
(fal) dhibaato gaarsii; dhibaatee; shiddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiddee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cid shiddo ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiddee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cid shiddo ku abuurid. m.f.dh, shiddayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiddee
v. disturb, be a nuisance to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiddee
-yey / shiddeysay: (v) annoy (a-nooy)-, irritate (i-ri-teeyt)-, bother (baather) ~ rabshee, dhib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddee
(fal) eeg shidday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiddee
de: disturb, be a nuisance to
initial: s
lx: shiddee
pd: (shiddeeyey)
ps: v2b=tr
key: shiddee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddeyn
m.f.dh eeg siddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siicley
m.dh Haweenay dhega-adag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siicley
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay dhega adag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siiddaa
v. release, let someone go, allow to go
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siiddaa
-yey / siiddaysay: (v) set free; release (riliis); let go
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiddaa
(fal) wax aad gacanta ku haysay faraha ka qaad. Dh: fasax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siiddaa
a: sii daa
de: release, let s.o. go, allow to go
initial: s
lx: siiddaa
pd: (siiddaayey)
ps: v2a=expr
key: siiddaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinley
-da: (magac, dhedig, keli) maansooyin silsilad ah oo qaafiyadda siinka ku socoday oo toddobaatanaadkii ay ka qaybgaleen abwaanno badan oo Soomaaliyeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiddoley
f. n. negative {grammar}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiddoley
de: negative {grammar}
lx: diiddoley
pd: (-da)
ps: n1-f, n7-f
key: diiddoley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriiddey
(fal) ka ilaali jileeca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįiddooy
m.dh.kh Neef irmaan oo aan oggolayn in la liso (geel).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddo gaadhsiin; dhibid; shiidaadid. Dhibaato gaadhsiin, qaxar gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddays
-ka: (magac, lab, keli) shiddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibidhee
(fal) samayso sibidh ama shamiitee. Sibidhee daarada aqalka. Dh: sabadee, sibdhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddeysi
m.l la-mid: siddeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddeyso
f.mg3 (siddeystay, siddeysatay) Weel iyo wixi lamida siddo u yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siifaday
(fal) siifad mari, ku rog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siifadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Doon siifad marin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siifadee
v. rub ~ lubricate with shark-liver ~ fish oil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siifadee
(fal) eeg siifaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siifadee
de: rub ~ lubricate with shark-liver ~ fish oil
initial: s
lx: siifadee
pd: (siifadeeyey)
ps: v2b=tr
key: siifadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinadee
(fal) qurxi ama bilic u yeel. Siinadee gurigaaga socotadana sooryo sii. Dh: qurxi. Li: foolxumee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sugidley
f. n. indicative {grammar}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sugidley
de: indicative {grammar}
initial: s
lx: sugidley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: sugidley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiriiddeyn
(Jiriiddeyn-ta)
Jiriiddada buurid; hadba jiriid muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriiddeyn
m.f.dh eeg jiriiddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididdeyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Xidid yeelasho. 2. Ku x.: meel mudda badan ku sugnaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xididdeyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Xidid yeelasho. 2. Ku x.: meel mudda badan ku sugnaansho. m.f.dh, xididdeysasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Side
Carrier
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Side
Dhinac
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
side
(n) the left or right half of the trunk of a human.
dhinac
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
side
/saydh/ (n) gees (dhinac, hareer).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
side
n., barbar, -ki, dhan, -ki, gees, -ti, hareer, -ti; on all sides, hareero, -ihi; by the side, is garab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidde
(Bidda-ha)
Nin xornimadii laga qaaday, oo sida xoolaha oo kale, qof kale gacanti ku jira; addoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidde
m.l (-dayaal, m.l/dh) Nin la leeyahay, aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto; addoon; cabiid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bidde
m.l (-dayaal, m.l/dh) Nin la leeyahay, aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto; addoon; cabiid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bidde
m. n. male slave
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bidde
nickname-m servant or slave. Lit: faithful, obedient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bidde
-biddaha: (n) [Pl. biddood-ka] male chattel; male slave ~ addoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidde
-ha: (magac, lab, keli) qof rag ah oo la addoonsado. Dh: addoon, bita, biti.
bidde: magaca wiil looga jeedo adeeg badane ama daacad badane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bidde
de: male slave
lx: bidde
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: bidde
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidde
(Fidda-ha)
Duco gaar ah oo dadka dhintay loo baxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidde
m.l Werdi loo akhriyo dadka dhinta. la-mid: fiddow, fidyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidde
m.l Werdi loo akhriyo dadka dhinta. la-mid: fiddow, fidyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidde
m. n., [collective] funeral prayers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidde
-ha: (magac, lab, keli) duco iyo quraan dadka dhintay loo baxsho.
fidde-ha: (magac, lab, keli) cunto sadaqad iyo duco loo niyoodo oo qof dhintay loo bixiyo. Dh: axan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidde
cf: axan
de: funeral prayers
lx: fidde
pd: (/ha)
ps: n6-m-col
key: fidde
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
giddy
/gidhi/giddiness; dawakhsan, wareersan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
giddy
a., wareersan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hidde
(Hidda-ha)
1. Dhaqan fil weyn oo waa uu abuurmay iyo cid laga dhaxlay la illaawey oo aan taariikhdu sheegi karin (xeer, caado, sheeko, maahmaah, kd.) oo qolo ama tol u gaar ah, oo facba faca ka danbeeya gaarsiiyo oo u dawiyo.
2. Dhur; sinji; dir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hidde
m.l Soo yaal fil weyn oo la iska dhexlo oo ummad gaar ahi leedahay. la-mid: hiddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hidde
m.l Soo yaal fil weyn oo la iska dhexlo oo ummad gaar ahi leedahay. la-mid: hiddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hidde
m. n., [collective] (adj.): custom, culture, tradition, heritage; traditional
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hidde
-hiddaha: (n) culture (katjer); custom (kastem) ~ dhaqan, hiddo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hidde
Tradizione
Tradition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidde
-ha: (magac, lab, keli) dhaqan fil weyn oo facyawgii hore laga dhaxlay, sida xeerka, caadada, sheekoxariirta, maahmaahda, iyo wixii la mid ah oo qolo ama tol u gaar ah, oo facba facca ka danbeeya gaadhsiiyo oo u soo gudbiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hidde
de: custom, culture, tradition, heritage; [atr.] traditional
lx: hidde
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: hidde
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hidde
تراث
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Iidle
name-m holiday, feast, blessed, festival; lit: the one born during a religious holiday. Syn: Iido, lidow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Iidle
magac loo baxsho wiil dhashay maalin iideed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiide
(Jiida-ha)
Xarig wax lagu wado ama lagu jiido; hoggaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiide
m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. Bir ama xarig laba wax layskula xiro si ay isu jiidaan. 2. Foolasha yaryar ee hoose oo xaya-waanka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiide
m. n. halter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiide
-ha: (magac, lab, keli) gaadhi hubka waawayn ee madaafiicda goobta lagu jiido.
jiide-ha: (magac, lab, keli) mid ka mid ah miciyada awrka oo u soo baxa kolka uu siddeedjir gaadho.
jiide-ha: (magac, lab, keli) xadhig lagu xidho saca Do lisitaanka ka carara. Jiidaha Ilaahay haddii la igu jeeraarsho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiide
de: halter
lx: jiide
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jiide
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shide
magac loo baxsho wiil gabdho badan la dhashay ama laga filayo firfircooni iyo raganimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shide
-ha: (magac, lab, keli) shiddo; dhibaato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siday
conj., vl. pron. the way she; how she ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siday
(adv) as she or as they. Ex: siday tiri; as she did or said.-sidee: as you...siduu: as he..
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siday
de: the way she; how she ...
initial: s
lx: siday
pd: (sidey)
ps: conj + vpro
xe: How is your sister?
xv: sey
key: siday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siddi
-da: (magac, dhedig, keli) qaab ciyaarta soomaalidu lahaayeen. Hays moodin adigee siddida iyo heeladu way kaa sokaysaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siddo
(Sidda-da)
Meel alaabada iyo weelasha loo yeelo oo loogu talaggalay in gacanta lagu qabto oo lagu qaado ama lagu sido.