siibis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibis
-ta: (magac, dhedig, keli) siibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibis
(Iibis-ka)
Iibinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibis
m.l la-mid: iibin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibis
vl. n. buying, selling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibis
-ka: (n) the act of selling (seeling) ~ gadid -da, iibin -ta.
soo iibiska: (n) the act of purchasing (peerjaasing)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibis
de: buying, selling
lx: iibis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: iibis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiibis
-ka: (magac, lab, kali) habka la iskula helo aadu jiibta oo farshaxan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niibis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg niibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibid
(Siibid-da)
Wax salkiisa ama docdiisu meel ku aasan tahay ama ay ku jirto, xoog u soo jiidid taniyo intuu ka soo wada baxo isagoo aan kala go'in; bixin; rujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibid
m.f.dh eeg siib².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Siibid
Smontatura
Dismantlement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibid
-da: (magac, dhedig, keli) shey wax kale ku dhexjira, in ka soo saarid; wax docdiisa kale ay meel ku aasan tahay ama ay ku jirto, xoog u soo jiidid tan iyo intuu ka soo wada baxayo isagoon. kala go'in. Dh: bixin, saaris, siibis, miiqid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
siibid
نَزَعَ (تَوْبًا حِذَاءَ قُبَّعَةً إِلحَ)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asiibid
(Asiibid-da)
Ku dhicid; ku abbaarmid; helid; la helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiibid
m.f.dh eeg asiib. la-mid: aseebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asiibid
-da: (magac, dhedig, keli) abbaarid: la helid. Asiibiddaada maad hubisay?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiibis
(Dhiibis-ta)
Dhiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibis
dhiibis¹: m.l la-mid: dhiibin.
dhiibis²: m.dh la-mid: dhiibid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhiibis
delivery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiibis
-ta: (magac, dhedug, keli) eeg dhiibin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiidis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg shiidid. shiidis-ta: (magac, dhedig, keli) 'dhagax' shiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilis
-ta: (magac, dhedig, keli) shiilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqis
-ta: (magac, dhedig, keli) sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibibix
-da: (magac, dhedig, keli) meel siman oo aan kala dheerayn, oo lagu siibto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibmid
(Siibmid-da)
Soo bixid; ruqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibmid
m.f.dh eeg siiban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibmid
-da: (magac, dhedig, keli) soo bixid; ruqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siriris
m.l la-mid: siririn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siriris
-ka: (magac, lab, keli) siririn. siriritaan-ka: (magac, lab, keli) miyirbeelitaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ibis
/aybis/ (n) shimbir weyn oo laga helo meelaha biyo galeenka ah iyo cimilada kulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibi
f.g2 (-iyay, -isay) Lacag badeeco ku beddelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iibi
f.g2 (-iyay, -isay) Lacag badeeco ku beddelid. m.f.dh, iibin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibi
v. sell, trade off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibi
-yey / say: (v) sell (seel) ~ gad, sii iibi
soo iibi -yey / say: (v) purchase (peerjas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibi
(fal) wax aad haysato lacag ku bedelo ama ka ganacso. Dh: gad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibi
de: sell, trade off
lx: iibi
pd: (iibiyey)
ps: v2a=
key: iibi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siib
(Siib-ka)
(caw, kd.) in isku xiran ama isa suran oo kol la soo siibo; cuntub: xirmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siib
siib¹: m.l (siibab, m.l) Laba barshin oo caw ah.
siib²: f.g1 (-bay, -btay) Qodax, musbaar, xidid iyo wixi lamida oo meel ku jirey ka soo saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siib
f.g1 (-bay, -btay) Qodax, musbaar, xidid iyo wixi lamida oo meel ku jirey ka soo saarid. m.f.dh, siibid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siib
m. n. bundle of palm fronds ~ leaves
siib v. pull up ~ out, remove, extract
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siib
-ay / tay: (v) pluck (palaak); pull out; rip out. Ex: ubaxa soo siib; pluck the flower
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siib
(fal) shey waxyaalo kale ku dhexjira, adiga oo aan kala furfurin, in ka soo saar.
siib -ka: (magac, lab, keli) ladhka marada iyo silisildda ilkaha leh ah ee surwaalka lagu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siis
m.l la-mid: siin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siis
-ka: (magac, lab, keli) wax siin. Dh: deeq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibis
(ereycodeed) awrta lagu yidhaa oo lagu amarayo inuu lugaha isku keeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibin
(Iibin-ta)
Alaabta, kd., la ganacsado rogrogiddeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibin
m.f.dh eeg iibi. la-mid: iibis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibin
vl. n. sale, selling, marketing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibin
-ta: (n) selling (seeling)', sale (seeyl) ~ gadida, iibis-ka, —soo iibinta: (n) the act of purchasing (peerjaaysing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo ama badeecad, lacag ku beddelidi. Dh: gadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibin
de: sale, selling, marketing
lx: iibin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: iibin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiibi
f.g2 (-iyay, -isay) Jiib tirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiibi
f.g2 (-iyay, -isay) Jiib tirin. m.f.dh, jiibin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiibi
v. join in a chorus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiibi
(fal) qofka ciyaarta ku jira jiibta u hoori ama heesta u qaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiibi
de: join in a chorus
lx: jiibi
pd: (jiibiyey)
ps: v2a=
key: jiibi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kibis
(Kibis-ta)
Cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo ama caano ama wax kale lagu qaso oo dabadeed inta qaabab badan loo yeelo, la dubo; laxoox; rooti; muufo; (ama kimis).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibis
m.dh (-bso, m.l) Cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo, caano ama wax kale lagu qaso oo dabadeed inta qaabab badan loo yeelo la dubo; muufo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kibis
m.dh (-bso, m.l) Cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo, caano ama wax kale lagu qaso oo dabadeed inta qaabab badan loo yeelo la dubo; muufo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kibis
f. n., (mass n.): bread
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibis
-ta: (magac, dhedig, keli) cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo caano ama wax kale lagu qaso oo qaabab badan loo dubo. Dh: kimis, loxoox.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kibis
a: kimis
de: bread
lx: kibis
pd: (-ta Pl: kibso ~ kibiso (/ha))
ps: n3-f-mass, n1-f
key: kibis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riibi
(Riibi-ga)
Bahal duula oo xoolaha cuna; dhuug; gendi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riibi
m.l.u Dhuug; gendi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riibi
m.l.u Dhuug; gendi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riibi
m. n., [collective] tse-tse fly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riibi
-ga: (magac, lab, keli) cayayaan duula oo xoolaha cuna. Dh: dhuug, dhuu, gendi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riibi
de: tse-tse fly
lx: riibi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
syn: dhuug, gendi
key: riibi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiis
m.l (jooloji) Dhadhaab dhalan rogan oo u kala jajabi karta saxanno badan oo fidsan khafiifna ah (thin plates) kulka badan iyo cadaadiska dartood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiis
m.l (jool.) Dhadhaab dhalan rogan oo u kala jajabi karta saxanno badan oo fidsan khafiifna ah (thin plates) kulka badan iyo cadaadiska dartood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibbi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Silsillad dahab ah. 2. Kuul leh midab ka kooban dhibicyo madow iyo caddaan ah oo haweenku qoorta ku xirtaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiq
-da: (magac, dhedig, keli) erey hadalka ullajeeddooyin badan u yeela oo muujiya fudayd iyo degdeg. Bidaari sibiq bay kugu gashaa. Dh: sulux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sibir
1. (Sibir-ka) a) Dacar. b) Shammiinto.
2. (Sibir-ta) Lugta geela saanteeda iyo weelka saantaas laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibir
sibir¹: m.l 1. Xabag qaraar oo daawo ahaan loo isticmaalo. 2. Shamiinto. 3. Dhul-dhaca aqalka oo la kebisey.
sibir²: m.dh (-bro, m.l) 1. Lugta dambe ee geela boqonteeda. 2. Maraqsaarta geela.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sibir
m.l 1. Xabag qaraar oo daawo ahaan loo isticmaalo. 2. Shamiinto. 3. Dhul-dhaca aqalka oo la kebisey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sibir
m. n. very bitter resin used as a purgative medicine
sibir m. n. cement; mortar (for bricks)
sibir [feminine] n. tendon of camel's leg
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sibir
-ka: (n) cement (si-ment) ~ sibidh, shamiito, shamiinto
sibir -ka: (n) a drug used as laxative or medicine ~ burkaanti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibir
-ka: (magac, lab, keli) dacar; sibidh.
sibir-ka: (magac, lab, keli) shamiito; sibidh.
sibir-ta: (magac, dhedig, keli) lugaha danbe ee geela halka godan ee ay lugaha danbe ka laabmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidbi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax simbiriirixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigis
m.l (sigisyo, m.dh) Maro si gaar ah loo tolay oo cagaha la gashado intaan kabaha la illan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sigis
m.l (-syo, m.dh) Maro si gaar ah loo tolay oo cagaha la gashado intaan kabaha la illan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sigis
m. n. stocking, pair of socks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sigis
-ka: (n) [plural sigsaan -ta] sock (sook) ~ sharaabaad -see [eeg] sigsaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel wax lala shiishaayo meel u dhow ku dhufad ama ag marin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sigis
de: stocking, pair of socks
initial: s
lx: sigis
pd: (-ka Pl: sigsaan (ta))
ps: n2a-m, n8-m
syn: iskaalso, sharabaad {N}
key: sigis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siiba
fk. Gaar ahaan. Tusaale: “Cali wuu hadal badanyahay, siiba markuu marqaansan-yahay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siiba
fk. Gaar ahaan. Tusaale: Cali wuu hadal badanyahay, siiba markuu marqaansanyahay.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Siiba
par dessus tout.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiba
gaar ahaan; weliba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibo
f.g3 (siibtay, siibatay) Qodax, musbaar, xidid iyo wixi lamida oo meel ku jirey ka soo bax-sasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siibo
f.g3 (-btay, -batay) Qodax, musbaar, xidid iyo wixi lamida oo meel ku jirey ka soo baxsasho. m.f.dh, siibasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siibo
v. detach, extract, pull out ~ uproot for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibo
(fal) wax siiban noqo.
siibo: (fal) 'adoo dad ku dhexjira' ka dhexbax: dhuumo.
siibo: (fal) aqoon, orad iyo wixii la mid ah, ka wada badi dadka kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siibo
de: detach, extract, pull out ~ uproot for oneself
initial: s
lx: siibo
pd: (siibtay)
ps: v3b=tr
key: siibo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Siidi
name-m Saeed or Said; loyal, obedient (Arb)
name-m master
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Siidi
magac loo baxsho wiil daacad in uu noqdo loo rajaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siimi
f.g2 (-iyay, -isay) Duuf iska soo saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siimi
f.g2 (-iyay, -isay) Duuf iska soo saarid. m.f.dh, siimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siimi
(fal) «u ~» ilmo iyo wixii la mid ah, duuf iyo siin ka bi'i. Ka siimi cunugga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siiri
m.l (-iyaal, m.l/dh) Firimbi. la-mid: siidhi.