sign in
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sign in
/sayn in/ (v) saxiixid kolkaad timaaddo (saxiixa isasa-soo xaadirinta).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarako
f. n. sign in Arabic writing indicating a vowel sound
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarako
bw: Arabic
de: sign in Arabic writing indicating a vowel sound (placed above or below the consonant); See also: xarakad
initial: x
lx: xarako
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xarako
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
sign (n)
alaami
astaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigin
-ka: (magac, lab, keli) ilbidhiqsi, ilgibidhsi; sikin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Lignin
Lignin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigtin
m.dh Ku dhawaanshaha nafley halis kaabiga u gaadho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siniin
(Siniin-ta)
Sanuun; ur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siniin
m.dh.w eeg sano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siniin
f. n. unpleasant ~ musty smell
siniin [feminine] n., pl. years
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siniin
(adj) long-time or longtime (loogi-teeym)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siniin
-ta: (magac, dhedig, keli) sanuun; urta dufanka, Siniin subaq baa kaa soo uraysa. Dh: ur.
siniin-ta: (magac, dhedig, keli) neef aan weyd ahayn. Lax siniin leh ayaa loo loogay iyaga.
siniin: (falkaabe) sannado ka hor dhacay. Siniin miniin wixii dhacay maanta maxaa soo celiyey?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinsin
(Sinsin-ta)
Sisin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinsin
f. n. sesame
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sinsin
-ta: (n) sesame (sa-se-mi);
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinsin
-ta: (magac, dhedig, keli) geed leh ininyo laga sameeyo saliid. Dh: sisin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinsin
a: sisin
de: sesame
initial: s
lx: sinsin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: sinsin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sit in
/sit in/ (v) booskiisii fariisasho (booskiisii matalid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digniin
(Digniin-ta)
War ama si kale oo la isugu sheego ama la isugu baaqo cabsi ama wax kale oo soo socda ama laysla maaggan yahay, si laysaga ilaaliyo oo looga dhawrsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digniin
digniin¹: m.dh la-mid: digid.
digniin²: m.dh 1. War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto. 2. Hadal, qoraal iyo wixi lamida oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digniin
m.dh 1. War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto. 2. Hadal, qoraal iyo wixi lamida oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
digniin
caution, warning
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digniin
vl. n. warning, alert, alarm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
digniin
-ta: (n) warning (wooning); caution (kooshan) ~ taxadar
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
DIGNIIN
Ammonizione
Warning
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Digniin
Avviso; ammonizione
Notice; warning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digniin
-ta: (magac, dhedig, keli) wargelin ama sii sheegid wax dhici doona iyadoo halis soo socota, cid lagu baraarujinayo. Dh: ogeysiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digniin
de: warning, alert, alarm
lx: digniin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: digniin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
digniin
إباء، رفض
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidniin
-ka: (magac, lab, keli) siditaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sign up
/sayn up/ (v) saxiixid hishiis ama kunturaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
signaan
m.f.dh eeg sigan. la-mid: signaansho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sink in
/sink in/ (v) 1. dhuuxid (si-fiican u fahmid) 2. liqid (gurid, dareere dhex-gala shay adag).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinniin
-ka: (magac, lab, keli) simitaanka laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sugniin
(Sugniin-ka)
Sugidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sugniin
sugniin: m.l/dh la-mid: sugid.
sųgniin: m.l/dh la-mid: sųgid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sugniin
vl. n. waiting, act of expecting
sugniin vl. n. feeling of certainty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sugniin
-ka: (n) 1. the act of waiting. 2. the act of confirming ~ see also [eeg] sugitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugniin
-ka: (magac, lab, keli) wax maqan sugitaankiisa lafteeda.
sugniin -ka: (magac, lab, keli) xaqiijinta wax jiritaankiisa; wax ka war sugitaan. Ramadaanka sugniin la'aan aan aragtida bisha la sugin lama soomo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigniin
-ka: (magac, lab, keli) dib caano uga maalniin. Dh: xigitaan.
xigniin-ka: (magac, lab, keli) qaraabo ahaan ugu xigitaan.
xigniin -ka: (magac, lab, keli) xaggiisa u dhawaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
signorina
s.f. - inan, gashaanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhigniin
(Dhigniin-ka)
Qorniin: dhigis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigniin
m.l la-mid: dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhigniin
vl. n. act of writing; putting something down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhigniin
-ka: (n) the act of writing (raayting) ~ dhigmo, qoraal. Ex: dhigidda far Soomaaliga; the writing of the Somali language. 2. the act or procfess of putting or placing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhigniin
de: act of writing; putting s.t. down
lx: dhigniin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhigniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigniin
-ka: (magac, lab, keli) fiigitaanka laftiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiigniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg hiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidniin
-ka: (magac, lab, keli) wax shidid. shido: (fal) 'dab hurso, daaro, noolayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilniin
-ka: (magac, lab, keli) shilidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirniin
-ka: (magac, lab, keli) shiritaan.
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
sign (v)
sahiihaal
saxeexid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sign for
/sayn for/ (v) u saxiixid (siiba markaad wax qaabisho ama aqbasho).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sign out
/sayn awt/ (v) saxiixid kolkaad baxayso (saxiix sheegaya inaad baxday).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibniin
-ka: (magac, lab, keli) siibitaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sign
Calaamad
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
sign
(n) (m) something that suggests the presence or existence of a fact, condition, or quality, esp. the physical or mental conditions that assist in diagnosing a disease.
astaamaha lagu garto cudurka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sign
/sayn/ (n) 1. calaamad (summad, astaan u yeelid) (v) 2. saxiixid (qof magaciis ku saxiixid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sign
n., bar, -ti, sumad, -di, calaamad, -di; of the camel's anger, doob, -ti; v.tr., (mark) calaamadi, sumad; (ratify by hand) saxeex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siin
1. (Siin-ka) a) Magaca xarafka 18d. oo alifka Soomaalida; (s). b) Duuf. c) Dheeh weelasha jikada oo birta ah qaarkood loo yeelo. d) Raadyo; taar.
2. (Siin-ta) Wax ama hanti qof bixiyo oo qof kale ku wareejiyo ama u dhiibo ama gacanta ka saaro; deeq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siin
siin¹: m.l (-iiman, m.l) 1. Magaca xaraf oo ka mid ah xarfaha af carbeedka 2. Duuf. 3. Taar. 4. Maacuunta inta birta ka samaysan oo dhalada iyo macdinka ahayn. 5. S. ah: subag dhalaashan. 6. (-iiman, m.l) Dheeh weelasha jikada oo birta ah qaar-kood oo loo yeelo.
siin²: m.f.dh eeg sii². la-mid: siis.
siin³: f.mg1 (-iyay, -isay) Subag burcad ah weel gudihiis ku dhalaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siin
m.l (-iiman, m.l) 1. Magaca xaraf oo ka mid ah xarfaha af carbeedka 2. Duuf. 3. Taar. 4. Maacuunta inta birta ka samaysan oo dhalada iyo macdinka ahayn. 5. S. ah: subag dhalaashan. 6. (-iiman, m.l) Dheeh weelasha jikada oo birta ah qaarkood oo loo yeelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siin
vl. n. gift, concession, giving
siin m. n. S [letter of the Arabic & Somali alphabet.]
siin m. n. telegram, cable
siin m. n., (mass n.): nasal mucus
siin m. n. metal utensil with enamel work
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siin
-ta: (n) the act of giving (giving); paying (peeying) ~ bixin-ta
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Siin
Dono
Gift
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siin
-ka: (magac, lab, keli) dheeh weelasha jikada oo birta ah qaarkood loo yeelo.
siin-ka: (magac, lab, keli) dareere is jiidanaaya oo ka yimaada sanka noolaha. Siin, nin duray hayo sankiisa ka eega! Dh: duuf.
siin-ka: (magac, lab, keli) raadyawga; taar.
siin-ka: (magac, lab, keli) magaca xarafka 18aad, ee Alifba'da Carabiga.
siin-ta: (magac, dhedig, keli) wax ama hanti qof bixiyo oo qof kale ku wareejiyo, u dhiib. Siinta Eebbaa lagu baahi gooyaa. Dh: deeq.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Binin
name-m small; tiny
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gigni
-da: (magac, dhedig, keli) afarta addin oo fidsan meel sare ku tigtignaan. Dh: gignaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ginin
-ka: (magac, lab, keli) wax aan buurnayn oo laxaad yar. Dh: xuus, dhuuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iniin
(Iniin-ta)
Abuur yar oo adag; lafta miraha; hal ciid ah ama badar ama wixii kaloo sidaas u yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iniin
m.dh (-no, m.l) Mirta ay dhirtu ka abuuranto. la-mid: iniix.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iniin
m.dh (-no, m.l) Mirta ay dhirtu ka abuuranto. la-mid: iniix.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iniin
f. n. grain, seed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iniin
-ta: (n) [iniino-ha] seed (siidh); nut (nat); pip (pip)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iniin
-ka: (magac, lab, keli) subagga burcadka ah ee mar soo baxa. Dh: burcad.
iniin-ta: (magac, dhedig, keli) laf yar oo ku jirta midhaha dhexdiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iniin
cf: daafi
de: grain, seed
lx: iniin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: iniin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
iniin
حَبَّة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanin
(Sanin-ta)
Sanuun ama ur kale urin; saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanin
m.f.dh eeg sani.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanin
f. n., (mass n.): smell ~ aroma (not necessarily pleasant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanin
-ta: (magac, dhedig, keli) sanuun ama ur kale urin; saadin.
sanin-ta: (magac, dhedig, keli) urinta sanuun ama ur kale. Sanin baa inna saaqday. Dh: ur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanin
cf: sanuun, ur
de: smell ~ aroma (not necessarily pleasant)
initial: s
lx: sanin
pd: (-ta)
ps: n2-f-mass
key: sanin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigan
f.mg1 (sigtay, sigatay) Wax halis u dhow ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sigan
f.mg1 (-gtay, -gatay) Wax halis u dhow ahaansho. m.f.dh, signaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigib
-ta: (magac, dhedig, keli) geed laamo dhuudhuuban oo ulo fiican laga goosto.
sigib -ta: (magac, dhedig, keli) jactadka iyo qalqallooca maro iyo wax lamid ah ka muuqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sigid
(Sigid-da)
1. Wax halis ah ama waxyeello leh, cid wax yar u marid, u jirsasho.
2. Meel ama wax la tooganayo, meel u dhow ku dhufasho, ag marin, ku dhufan gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigid
m.f.dh eeg sig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigid
-da: (magac, dhedig, keli) dirqi ku baxid.
sigid-da: (magac, dhedig, keli) meel ama wax la tooganayo, meel u dhow ku dhufasho; ag marin. Dh: sigis.
sigid-da: (magac, dhedig, keli) wax halis ah ama waxyeello leh, cid wax yar u jinsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigis
m.l (sigisyo, m.dh) Maro si gaar ah loo tolay oo cagaha la gashado intaan kabaha la illan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sigis
m.l (-syo, m.dh) Maro si gaar ah loo tolay oo cagaha la gashado intaan kabaha la illan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sigis
m. n. stocking, pair of socks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sigis
-ka: (n) [plural sigsaan -ta] sock (sook) ~ sharaabaad -see [eeg] sigsaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel wax lala shiishaayo meel u dhow ku dhufad ama ag marin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sigis
de: stocking, pair of socks
initial: s
lx: sigis
pd: (-ka Pl: sigsaan (ta))
ps: n2a-m, n8-m
syn: iskaalso, sharabaad {N}
key: sigis
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
signe
signe, n.m. - summad; astaan; saxeexid, calaamad (xusuus ah)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sijin
m.f.dh eeg siji. la-mid: sijis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sikin
(Sikin-ta)
1. Durkin yar; nuuxin.
2. Badar kala soocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikin
m.f.dh eeg siki.