sifsif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sifsif
(Sifsif-ka)
Tolmo dunta si gaar ah la isaga kor boodbootiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifsif
sifsif¹: m.l Tolmada dharka oo si gaar ah dunta la isaga kor boodbootiyo.
sifsif²: f.g1 (-fay, -ftay) Tolmada dharka si gaar ah dunta isaga kor boodbootin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sifsif
m. n. stitch in embroidery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifsif
-ka: (magac, lab, keli) tolmo si gaar ah laysaga boodbootiyo dunta wax lagu tolayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sifsif
de: stitch in embroidery
initial: s
lx: sifsif
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: sifsif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifsifid
m.f.dh eeg sifsif².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifsifid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaybinaayo inyar inyar siin.
sifsifid-da: (magac, dhedig, keli) sifsif ku samayn ama u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siif
m.l Meesha ay wax ka soo unkamaan; sinji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siif
m.l Meesha ay wax ka soo unkamaan; sinji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siif
-ta: (magac, dhedig, keli) saliid daawo ah oo laga shiilo beerka libaaxa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
oisif
oisif, adj. - aan shaqo lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifid
m.f.dh eeg sif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifid
-da: (magac, dhedig, keli) saf saf ka dhigid; sarcid; safid.
sifid-da: (magac, dhedig, keli) eeg sifayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifir
m.l (sifirro, m.dh) Sullan; isir; walcan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sifir
m. n. zero, nought
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sifir
nickname-m zero, nought. Lit: good for nothing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sifir
-ka: (n) cipher (sifir); zero (zi-irow) ~ see [eeg] ebar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifir
-ka: (magac, lab, keli) lanbarrada tirada mid. ka mid ah oo aan keli ahaan waxba u noqon karin, haddiise 'markuu qoraal yahay' ay xagga midigta lambarro kale ka xigsadaan kolkaas tirada tarmiya oo tobanjibbaara. Dh: baabbah; ibir; eber; 0.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sifir
a: sufur
bw: Arabic
de: zero, nought
initial: s
lx: sifir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sifir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silif
m.dh (-fyo, m.dh) Caraf ka soo baxda cunto la karinayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silif
-ka: (magac, lab, keli) caraf ka soo baxda cunto la karinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sisib
m.dh (sisibo, m.l) Meel siman oo lagu simbiriirixan karo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sisib
Slip-off stope
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sisib
f. n. slippery place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sisib
-ta: (magac, dhedig, keli) meel daadmareen. ah oo dhagax ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sisib
de: slippery place
initial: s
lx: sisib
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: sisib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sisin
(Sisin-ta)
Nagaar la beero oo aad uga baxa Aasiya (Shiina, Hindiya, ...), Afrika iyo Ameerikada Hoose; waxaa mirihiisa laga sameeyaa saliid cunnada lagu darsado iyo dawooyin, saabbuunta waxaynteedana wax bay ka tartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sisin
m.dh 1. Geednagaar la beerto oo dhala miro yaryar oo saliid cuntada lagu darsado laga miiro. 2. Miraha geedka sisinta oo laga miiro saliid macsarada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sisin
m.dh 1. Geednagaar la beerto oo dhala miro yaryar oo saliid cuntada lagu darsado laga miiro. 2. Miraha geedka sisinta oo laga miiro saliid macsarada.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sisin
Sesame
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sisin
f. n. sesame
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SISIN
(sisin) All.Som. Sesamum indicum L. Pedaliaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sisin
-ta: (n) sesame (ses-a-mi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sisin
-ta: (magac, dhedig, keli) nagaadh la beero oo aad uga baxa Aasiya, Afrika iyo Laatiin Ameerika. Waxa midheheeda laga sameeyaa daawooyin iyo saliid cunnada lagu darsado; waxa kale oo ay wax ka tartaa samaynta saabuunta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sisin
a: sinsin
de: sesame
initial: s
lx: sisin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: sisin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nifnif
-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaga u sameeyo qof marka uu isku dayo inuu wax qaado ama riixo wax aanu awoodin. Dh: iris'iris, girif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rifrif
(Rifrif-ka)
Timo la rifay wax ka haray; idif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rifrif
rifrif¹: m.l.u 1. Timo si xun loo xiiray. 2. Ganka ay yeeshaan maro, derin iyo wixi lamida. 3. Cad-cad ka haray wax la kala googooyay.
rifrif²: f.g1 (-fay, -ftay) 1 . Timo, dhogor iyo wixi lamida si aan sinnayn u xiirid. 2. Waraaq, maro iyo wixi lamida cadcad yaryar u googooyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rifrif
m.l.u 1. Timo si xun loo xiiray. 2. Ganka ay yeeshaan maro, derin iyo wixi lamida. 3. Cad-cad ka haray wax la kala googooyay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rifrif
m. n. shaved hair, stubble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rifrif
-aytay: (v) make someone bald; give a bad or uneven hair cut ~ hoolhool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rifrif
-ka: (magac, lab, keli) timo si xun loo xiiray.
rifrif -ka: (magac, lab, keli) ganka ay yeeshaan maro, derin iwm.
rifrif -ka: (magac, lab, keli) cad-cad ka haray wax la kala googooyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rifrif
de: shaved hair, stubble
lx: rifrif
pd: (-ka)
ps: n-m
key: rifrif
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safsaf
m. n. sieve; sift, motion used in winnowing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
safsaf
-ka: (n) line after a line
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safsaf
de: sieve; sift, motion used in winnowing
initial: s
lx: safsaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: safsaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Silsil
(Silsil-ka)
1. Badar ama wax la mid ah oo la kala sooca hayo, oo inta weel ballaaran lagu shubo si xoog badan loo gilgilo, loo ruxruxo.
2. Wareer iyo dhaqdhaqaaq meel la geliyo; qas.
3. Mayrista bariiska karinta loo diyaarinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silsil
silsil¹: m.l 1. Gilgilidda badar iyo wixi lamida oo la kala soocayo weel ballaaran gudihiisa lagu gilgilo. 2. Biyo yar oo badar lagu mayro.
silsil²: f.g1 (-ilay, -ishay) 1. Badar biyo ku dhaqid. 2. Wax rabsho ku samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
silsil
v. shake up, winnow; wash rice (before cooking); create a disturbance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silsil
(fal) weerar geli; qas; gilgilid.
silsil-ka: (magac, lab, keli) badar ama wax la mid ah oo la kala soocayo, oo inta weel ballaadhan lagu shubo si xoog badan loo gilgilo, loo ruxruxo.
silsil -ka: (magac, lab, keli) mayrista bariiska karinta loo diyaarinayo; qasaasilid.
silsil-ka: (magac, lab, keli) wareer iyo dhagdhaqaaq meel la geliyo; gas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
silsil
de: shake up, winnow; [ext.] wash rice (before cooking); [fig.] create a disturbance
initial: s
lx: silsil
nt: silsil (ka) [vn-m], silsilid (da) [vn-f]
pd: (silsilay)
ps: v1=tr
key: silsil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinsin
(Sinsin-ta)
Sisin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinsin
f. n. sesame
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sinsin
-ta: (n) sesame (sa-se-mi);
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinsin
-ta: (magac, dhedig, keli) geed leh ininyo laga sameeyo saliid. Dh: sisin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinsin
a: sisin
de: sesame
initial: s
lx: sinsin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: sinsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqsiq
f.mg1 (-qay, -qday) Ka s.: ceeb ka dhowrsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siqsiq
v. feel disgusted; be sick (about), feel like vomiting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqsiq
-a: (magac, lab, keli) dhadhan ama ur sillan oo cunno xumaatay ama wax kale laga qaado oo mantag lagu sigto; yaqyaqsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siqsiq
cf: yaqyaqsi
de: feel disgusted; be sick (about), feel like vomiting
initial: s
lx: siqsiq
pd: (siqsiqay)
ps: v1=intr
key: siqsiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sirsir
(Sirsir-ka)
Sallax: digdigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirsir
m.l.kh (-rro, m.dh) 1. Dowlisgoys; xariggoys. 2. S. ah: sallax; digdigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sirsir
m. n. flat slippery rock; lines drawn above one another (in art work); slim but strong, small but powerful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirsir
-ka: (magac, lab, keli) wixii adag ee aan hore loo jarin.
sirsir-ka: (magac, lab, keli) digdigo; sallax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sirsir
cf: sallax
de: flat slippery rock; [ext.] lines drawn above one another (in art work); [fig.] slim but strong, small but powerful
initial: s
lx: sirsir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sirsir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiftif
m.l (-fyo, m.dh) Nin ciidan ka tirsan oo dhar cad ah oo dadka dabagala; jaajuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiftif
m.l (-fyo, m.dh) Nin ciidan ka tirsan oo dhar cad ah oo dadka dabagala; jaajuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiftif
m. n. spy; detective
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiftif
-ka: (n) 1. spy (ispaay); informer (in-foormar);; undercover agent ~ basaas, jaajuus 2. detective ~ dambi-baare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiftif
-ka: (magac, lab, keli) sonkor, xulbad laysku daray oo khamiiray oo dumarka saarka tumanayaa ay cabbaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiftif
de: spy; detective
initial: t
lx: tiftif
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: jaajuus
key: tiftif
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tiftif
جاسوس
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rifrifo
f.mg3 (-ftay, -fatay) Laf hilib ka feenasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
signify
/signafay/ (v) tusin (muujin, ka macna ahaansho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siisiib
m.l Raar wada cad oo aan marriin lahayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sirsiro
-sirsirtay / sirsiratay: (v) influnce someone for someone's own advantage; take advantage of one's ignorance ~ sasabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifaysmid
m.f.dh eeg sifaysan¹. la-mid: safaysmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifaysmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sifaysan noqod.