sidbad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidbad
-ka: (magac, lab, keli) sibiibixad; sinbiriirixasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lidbad
-ka: (magac, lab, keli) meesha la marayo oo qoyan aawadeed, kolba silbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibad
1. (Siibad-da) Deyr; xero; sariibad.
2. (Siibad-ka) Siibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibad
siibad¹: m.l la-mid: siibasho.
siibad²: m.dh (siibado, m.l) Dayr; heeraar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siibad
f. n. enclosure, fence
siibad vl. n. slipping out, being pulled out ~ uprooted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibad
-da: (magac, dhedig, keli) deyr, xero; sariibad; maskarad.
siibad -da: (magac, dhedig, keli) suusadda ama halka shey laga furo ama laga xidho.
siibad: -ka: (magac, lab, keli) siibasho; sinbiriiraxasho.
siibad -ka: (magac, lab, keli) 'miiq' siibasho.
siibad-ka: (magac, lab, keli) dhuumasho, dusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doomaar
(Doomaar-ta)
1. Geedo yaryar oo saaruqda kamid ah oo aan caleemo dhab ah iyo jirrid midna lahayn; waa cagaaran tahay waxayna ka baxdaa dhagxanta iyo goomaha iyo wixii la mid ah oo biyaha ku dhexjira korkooda; Waxay u eg tahay xayn - xayndhada ku korsocodkeeduna waa dhib oo waa lagu sidbadaa; ajo.
2. Naq degellada ka baxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinbiriirixad
-ka: (magac, lab, keli) sidbad; sinbiriirixasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shidaad
nickname-m bother, disturbance. Cf: Shiddo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidaada
adv, pro-det: your way; like you
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidaada
de: your way; like you
initial: s
lx: sidaada
ps: adv + pro-det
xe: Say it like you (usually) do!
xv: Sidaada u dheh!
key: sidaada
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidqaad
m.l Marka ilmuhu caloosha galaan iyo marka ay dhashaan muddada u dhexey-sa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidqaad
-ka: (magac, lab, keli) xilliga ay dhediggu ilmaha uurka ku sidaan; inta neefka ilamaha, caloosha ku qaado oo ku sido. Dh: sid. sif: (fal) wan, lax ku bood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sisibad
-ka: (magac, lab, keli) sidbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sida
Si la mid ah; si u eg; oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sida
fk. la-mid: si.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sida
fk. la-mid: si.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sida
n. phr. or [adverb] like, thus, as
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sida
comme, comment.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sida
(adv) 1. like (laayk); such as (saj aaz); Ex: sida libaaxa; like the lion 2. (conjunction) As (aaz) Ex: arrin- tu sida aad u sheegtay u ma xuma; the situation is not as bad as you said, sida ugu dhaqso badan; as soon as possible
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sida
Come
As: like
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sida
(falkaabee) si.
sida: (falkaabee) oo kale; si la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sida
de: like, thus, as
initial: s
lx: sida
ps: np / adv
xe: As it is known ...
xv: Sida la ogyahay ...
key: sida
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sida
كَ، كَـ، مِثْلِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidad
-ka: (magac, lab, keli) tiro; cadad. Habeenkoo dhan cidadkiisu way sida hillaac roobe. Dh: cadad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibad
(Dibad-da)
Meel bannaan ama aan kor ka awdneyn; (ama dibed).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibad
m.dh 1. (fk) Meel bannaan ama awdnayn. 2. Dal shisheeye. la-mid: dibed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibad
m.dh 1. (fk) Meel bannaan ama awdnayn. 2. Dal shisheeye. la-mid: dibed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibad
f. n., loc. outside, out-of-doors, outside, external
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibad
-da: (n) 1. outside (aawt-saaydh); out (aawt); exterior (ekis- tiiriyer). Ex: guriga dibaddiisa; outside of the house. 2. (adj) abroad (a-baroodh)', external (ikis-teernal) ~ khaarij. Ex: arrimaha dibadda; external affairs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibad
-da: (magac, dhedig, keli) wax meesha aad joogto ka baxsan. Dibadda ayaynu xalay seexannay. Dh: barrax. Li: gudo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibad
de: outside, out-of-doors, outside, external
lx: dibad
pd: (-da)
ps: n1-f-loc
xe: outside the building
xv: dibed
key: dibad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dibad
ثَوْرِ ذَكَرِ الْبَقَرِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idaad
(Idaad-da)
Xarig adag oo yaryar oo inta jilib lacaaf leh afka lagaga xiro, badda, kd., lagu tuuro oo kalluunka lagu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idaad
idaad¹: m.dh (-do, m.l) 1. Bir qaroofan oo mallayga lagu dabo. 2. Laqanyo.
idaad²: f.mg1 (-day, -dday) Laqanyo dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idaad
f. n. fishing line, tackle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idaad
-da: (magac, dhedig, keli) dareen uu keeno cunitaanka baruurta idaha iyo wax la mid ah. Dh: laqanyo, ladaadyo.
idaad-da: (magac, dhedig, keli) xadhig dhuuban oo aad u adag oo callaafta lagu xidho marka la kalluumaysanayo. Waan soo kalluumaysan lahaaye, idaaddii baa iga luntay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idaad
de: fishing line, tackle
lx: idaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: idaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
igbad
m.l la-mid: igbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irbad
(Irbad-da)
Bir yar oo dhuuban oo caarad fiiqan iyo dalool leh, oo inta dun la gesho, wax lagu tolo; (ama cirbad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irbad
m.dh (-do, ml.) 1 . Bir yar oo dhuuban oo caarad fiiqan iyo dalool leh oo inta dun la gesho wax lagu tolo. 2. Bir yar oo dhuuban oo caarad fiiqan iyo dalool yar dhaxda ku leh gadaalna ku leh dhuun oo inta daawo lagu shubo wax lagu mudo. 3. In daawo ah oo hal mar la isku mudo. la-mid: cirbad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
irbad
m.dh (-do, ml.) 1. Bir yar oo dhuuban oo caarad fiiqan iyo dalool leh oo inta dun la gesho wax lagu tolo. 2. Bir yar oo dhuuban oo caarad fiiqan iyo dalool yar dhaxda ku leh gadaalna ku leh dhuun oo inta daawo lagu shubo wax lagu mudo. 3. In daawo ah oo hal mar la isku mudo. la-mid: cirbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
irbad
f. n. needle; syringe, injection
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
irbad
-da: (n) needle (niidhal) ~ cirbad, mudac, maxaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irbad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg iraab.
irbad -da: (magac, dhedig, keli) bir yar oo dhuuban oo caaro leh oo dalool xagga dambe ku leh oo dun lagu xidho oo maryaha lagu tosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
irbad
a: cirbad {N & O < Arb}
de: needle; syringe, injection
lx: irbad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: irbad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midba
num-expr / pro: each one
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midba
de: each one
lx: midba
ps: num-expr / pro
see: midkiiba
key: midba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ribad
m.l la-mid: ribasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ribad
-ka: (magac, lab, keli) huurshaa iyo hadhaa aan qiimo lahayn. Dh: jaqanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabad
(Sabad-ka)
Guriga agagaarkiisa; heelad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabad
m.l (-do, m.dh) Agagaarka guriga, xerada iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabad
m. n. area surrounding a house, village ~ camp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabad
-ka: (magac, lab, keli) guriga agaggaarkiisa. Sabadka reerka sumalka daaqaaya Saxaneey ayaa leh? Dh: heelad, duleed.
sabad -ka: (magac, lab, keli) shubka ama sabadda laga sameeyo jayga iyo sibidhka la isku laaqay. Goormaad sabada shubaysaan..
sabad -ka: (magac, lab, keli) aqalka agagaarkiisa. Sabadka aqalka ma dhaafto carruurtu. Dh: daarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabad
de: area surrounding a house, village ~ camp
initial: s
lx: sabad
pd: (-ka)
ps: n-m
key: sabad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidaa
[adverbial] [expression] such, that way, like that
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sidaa
(adv) that way (thaat weey); such a way (saj e weey) ~ saa, saas, sidaas. Ex: sidaa miyaad rabtaa? do you want it that way?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidaa
(falkaabee) sidaas; saas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidaa
de: such, that way, like that
initial: s
lx: sidaa
ps: adv-expr
key: sidaa
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sidan
fk. la-mid: si.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidan
n. phr., deictic: thus, like this, this way
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sidan
ainsi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sidan
(adv) this way; like this; in this way ~ sidaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidan
de: thus, like this, this way
initial: s
lx: sidan
ps: np + deic
xe: Is this correct?
xv: sidaan
key: sidan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siday
conj., vl. pron. the way she; how she ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siday
(adv) as she or as they. Ex: siday tiri; as she did or said.-sidee: as you...siduu: as he..
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siday
de: the way she; how she ...
initial: s
lx: siday
pd: (sidey)
ps: conj + vpro
xe: How is your sister?
xv: sey
key: siday
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidbi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax simbiriirixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidbo
f.mg3 (-baday, -batay) Meel siman oo qoyan ku simbiriirixasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidbo
v. slip, slide
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidbo
(fal) sibiibixo; sinbiriirixo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidbo
bw: sibiibixo, sisibo
de: slip, slide
initial: s
lx: sidbo
nt: sidbasho (/da) [vn-f]
pd: (sidbaday)
ps: v3a=intr
key: sidbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sidid
(Sidid-da)
Wax kor loo hayo meel ku hayn ama meel u wadid, u qaadid; xanbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidid
m.f.dh eeg sid³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dushaada ku saaran ama aad gacanta ku hayso qaadiddiisa, sii wadid illaa aad halkii la dhigi lahaa geynayso. Dh: qaadid, xanbaarid, sidis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sigad
(Sigad-ka)
Sigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigad
m.l la-mid: sigasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sigad
Sul punto di pericolo
Danger-brink
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sigad
magac loo baxsho wiil dhalashadiisii ku sigtay in uu ku surmo oo ku dhinto ama hooyadii halis ku gashay fooshiisii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigad
-ka: (magac, lab, keli) halis ama cabsi ku dhiciddeed wax yar u jirsasho; sigasho. Dh: sikad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siiba
fk. Gaar ahaan. Tusaale: “Cali wuu hadal badanyahay, siiba markuu marqaansan-yahay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siiba
fk. Gaar ahaan. Tusaale: Cali wuu hadal badanyahay, siiba markuu marqaansanyahay.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Siiba
par dessus tout.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiba
gaar ahaan; weliba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikad
-ka: (magac, lab, keli) sigasho.
sikad -ka: (magac, lab, keli) silasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixad
m.l la-mid: saxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixad
-ka: (magac, lab, keli) cunaha oo waxyari kuu galaan oo aad ku qufacdaa; wax ad hunguriga. marinayso ku saxasho oo ku quficid. Dh: saxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbad
f.mg1 (-day, -dday) Wax karsamaya takhid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badbad
f.mg1 (-day, -dday) Wax karsamaya takhid. m.f.dh, badbadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badbad
v. boil (of a semi-liquid substance)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badbad
-ay/day: (v) boiling over; to overflow while boiling ~ karkar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badbad
de: boil (of a semi-liquid substance)
lx: badbad
pd: (badbaday)
ps: v1=
key: badbad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biddad
(Biddad-da)
Naag sida biddaha loo addoonsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biddad
m.dh (-do, m.l) Haweeney la leeyahay aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biddad
f. n. female slave
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biddad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo la addoonsado. Biddad ama buulka ku hayso ama bud la agtaagnoow. Dh: addoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biddad
de: female slave
lx: biddad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: biddad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cidaad
(Cidaad-da)
Catir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidaad
m.dh (-do ml.) Meyrax jilcan, si gaar ah loo farsameeyey oo weelasha la culay lagu nadiifiyo.