sidaaweeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidaaweeye
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar fac weyn oo ay Soomaalidu ciyaari jirtay, waxay na ka dhexeysaa ragga iyo haweenka. Waa ciyaar ka mid ah ciyaaraha jiibta, jaanta iyo sacabka leh, waxay na caan ku tahay gobollada Bari, Sanaag, Sool iyo Togdheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweeye
-ha: (magac, lab, keli) koob dheg leh oo yar oo wax lagu cabbo. Dh: bilaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaweeye
-ha: (magac, lab, keli) qof cid kale oo dacwadi ku socoto iska xilsaara oo aan dhawaalihii arrinta dhammayn lahaa aan ahayn. Dh: dhaweeye. Li: dhammeeye.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo dhaweeye
-dhaweeyaha / soo dhaweysada: (n) receptionist (risep-shaniist)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxaa weeye
class-expr: it is ... / there is ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxaa_weeye
de: it is ... / there is ... Used in subordinate clauses
initial: w
lx: waxaa weeye
ps: class-expr
xe: I can not give you any new information because there is not anything new that I have heard.
xv: War cusub kuma siin karo sababtuna waxaa weeye weli ma maqlin wax cusub.
key: waxaa_weeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siddeetameeye
(Siddeetameeya-ha)
Tiro siddeetan ku dhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddeetameeye
m.l.t. Tiro qiyaas ahaan siddeetan u dhow. la-mid: siddeetaneeye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siddeetameeye
m.l.t. Tiro qiyaas ahaan siddeetan u dhow. la-mid: siddeetaneeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siddeetameeye
num: about eighty, eighty-ish, 80 or so
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siddeetameeye
-ha: (magac, lab, keli) tiro siddeetan ku dhow; siddeetaneeye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siddeetameeye
de: about eighty, eighty-ish, 80 or so
initial: s
lx: siddeetameeye
pd: (/ha)
ps: num-m
key: siddeetameeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddeetaneeye
m.l.t la-mid: siddeetameeye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siddeetaneeye
-ha: (magac, lab, keli) eeg siddeetameeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweyn
(Daaweyn-ta)
Daawo siin; daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyn
m.f.dh eeg daawee. la-mid: daaweysiin, daweyn, daweysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyn
vl. n. treatment, giving medical attention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buka dawo u fidin oo xanuun ka daaweyn. Dh: dawayn, daaways.
daaweyn -ta: (magac, dhedig, keli) bir iyo wixii la mid ah, dubbayn oo daawe ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daaweyn
طب
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safeeye
m. n. cleaner, person who cleans
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safeeye
-ha: (magac, lab, keli) qalbka ama qof wax safeeya. Safeeye gaariga il sifee. Dh: nadiifiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safeeye
de: cleaner, person who cleans
initial: s
lx: safeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: safeeye
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxeeye
m. n. rectifier {physics}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxeeye
de: rectifier {physics}
initial: s
lx: saxeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: saxeeye
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sifeeye
name-m cleaner; distinguisher; explainer; he who makes clear or describes clearly. Syn: Sifeeya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaneeye
m.dh Iniin meseggo ama galley inta aysan habuuq noqon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caaneeye
m.dh Iniin meseggo ama galley inta aysan habuuq noqon.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caateeye
name-m cause to become skinny; cause to lose weight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caateeye
magac loo baxsho wiil ay hooyadii, intii ay uurka ku sidday, ay daal iyo caato mudatay oo ay la dhuubatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caateeye
-ha: (magac, lab, keli) cudur dadka ku dhaca oo dila unugyada difaaca oo keena inaanu qofku xanuunada iska celin. Waxa loo soo gaabshaa HIV/AIDS. Timir, caateeye ayuu u dhintay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaawey
(fal) cadow ka dhigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ddaaweyn
de: treatment, giving medical attention
lx: ddaaweyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ddaaweyn
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHANEEYE
(Daneie) May, S Euphorbia tirucalli L. Euphorbiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeeye
-ha: (magac, lab, keli) ninka maadda sameeya ce dadka maaweeliya. Aw Kuuke wuxu ahaa maadeeye caan ka ah geeska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof madax ka ah mashruuc weyn ama wakaalad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maareeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof madax ka ah mashruuc weyn ama wakaalad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maareeye
m. n. manager, administrator, director, foreman, monitor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maareeye
-maareeyaha: (n) director (diraktar); manager (maanijar); controller (kon-taroler); leader (liidher)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maareeye
-ha: (magac, lab, keli) eeg maamule.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maareeye
de: manager, administrator, director, foreman, monitor
lx: maareeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maareeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saameele
-ha: (magac, lab, keli) qofk wax ku leh dhibbato dhacaysa, qof saami ku leh dhib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarreeye
(Sarreeya-ha)
1. Meel sare ama darajo sare gaarey.
2. (*) Darajo sare oo askareed (sarreeye guuto; sarreeye gaas); janan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarreeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Ilaah. 2. Daraja sare oo askareed; jeneraal. 3. Xisaab jajab ah oo la qaybinayo tan kor la dhigo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarreeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Ilaah. 2. Daraja sare oo askareed; jeneraal. 3. Xisaab jajab ah oo la qaybinayo tan kor la dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarreeye
m. n. head, chief, commander; general; numerator {mathematics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarreeye
-ha: (n) one who is superior to another in rank or quality; high in stature; leader (liidher)
sarreeye -ha: (n) [Mathematics] numerator (nuu-ma-reeytar); the number above the line in a common fraction ~ sarreeyaha xisaabta jajabka ah
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sarreeye
Generale
General
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sarreeye
-ha: (magac, lab, keli) Eebbe, Alle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarreeye
-ha: (magac, lab, keli) derejo ciidan garaadaha ugu sarreeya ciidanka: janan.
sarreeye-ha: (magac, lab, keli) qof meel sare ama darajo sare gaarey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarreeye
de: head, chief, commander; general; numerator {mathematics}
initial: s
lx: sarreeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: sarreeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqeeye
-ha: (magac, lab, keli) qofka shaqada qabta; shaqaale.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xiddeeye
name-m decorator; ornamentor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kidaareed
(tilmaame) wax kimis iyo muufo la xiriira.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
madaxeeye
header
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cidhifeeye
Polariser
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiradeeye
m.l (naxwe) Qurubyada wax diiradeeya oo kala ah: “baa”/”ayaa”, “waa” (eeg qurub diiradeed).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiradeeye
m.l (naxwe) Qurubyada wax diiradeeya oo kala ah: 'baa'/'ayaa', 'waa' (eeg qurub diiradeed).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirdaaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof ji maqaarka sare bukooday laga bogsiinayo. Dh: jirdabiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lixdameeye
(Lixdameeya-ha)
Tiro lixdan ku dhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixdameeye
m.l Tiro qiyaas ahaan u dhow lixdan. la-mid: lixdameeyo, lixdaneeye, lixdaneeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lixdameeye
m.l Tiro qiyaas ahaan u dhow lixdan. la-mid: lixdameeyo, lixdaneeye, lixdaneeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lixdameeye
num: about sixty, sixty-ish, 60 or so
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lixdameeye
-lixdameeyada: (n) during the Sixties(sikistis); the decade from 1960 to 1969 ~ lixdamaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lixdameeye
-da: (magac, dhedig, keli) lixdan iyo todobaatan inta u dhaxaysa. Aabbahay lixdameeye ayuu jiraa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lixdameeye
de: about sixty, sixty-ish, 60 or so
lx: lixdameeye
pd: (lixdaneeyo)
ps: num-m
key: lixdameeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixdaneeye
m.l la-mid: lixdameeye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaaneeye
-ha: (magac, lab, keli) qof sheeko macaan oo sida ay wax ahaayeen qurxiya amal wax ku dardara. Af miishaar waa macaaneeye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabanneeye
-ha: (magac, lab, keli) nagaadh sanboorka iyo waxyaalo kale lagu daweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Laba wiil oo isku hooyo iyo aabbe ah, wiil saddexaad oo waalidkood dhalay oo ku soo kordha. 2. Arrin, dood iyo wixi lamida oo laba qof isku hayaan qof aan loo baahnayn oo soo dhex gala siina fidneeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexeeye
m. n. anything making a third ~ bringing the total to three
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexeeye
-ha: (magac, lab, keli) mid labo saddex ka dhiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexeeye
de: anything making a third ~ bringing the total to three
initial: s
lx: saddexeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: saddexeeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soddomeeye
(Soddomeeya-ha)
Tiro sodden ku dhow, (ama soddomeeyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddomeeye
m.dh la-mid: soddomeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soddomeeye
num: about thirty, thirty-ish, 30 or so
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddomeeye
-ha: (magac, lab, keli) tiro soddon ku dhow; soddomeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soddomeeye
de: about thirty, thirty-ish, 30 or so
initial: s
lx: soddomeeye
pd: (/ha)
ps: num-m
key: soddomeeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddoneeye
m.l.t. Tiro qiyaas ahaan soddon u dhow. la-mid: soddomeeye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaaleeye
-ha: (magac, lab, keli) qof caan ku ah isku soo dhawaynta iyo midaynta dadka. Walaaleeye Alloow ha noo waayin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacaseeye
m.l (daawo) Cudur dadka ku dhaca oo casaan ka dhiga midabka indhaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhacaseeye
m.l (daaw.) Cudur dadka ku dhaca oo casaan ka dhiga midabka indhaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhacaseeye
m. n., [collective] jaundice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhacaseeye
-indhacaseeyaha: (n) yellowish discoloration of the whites of the eyes; jaundice (joon-das); icterus (iktaras)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhacaseeye
-ha: (magac, lab, keli) cudur dadka ku dhaca oo casaan ka dhiga midabka indhaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhacaseeye
a: indhacagaarshe
de: jaundice
lx: indhacaseeye
pd: (/ha)
ps: n0-m-col
key: indhacaseeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nirgasameeye
-ha: (magac, lab, keli) eeg nirgadhoob.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SHAMAMAXEEYE
Parkinsonia scioana 10
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barwaaqeeye
m. n. fertilizer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barwaaqeeye
de: fertilizer
lx: barwaaqeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: barwaaqeeye
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Midab-beege
Colorimeter
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUDH-WEEYNE
(Mud-weine) N Diplostigma canescens K.Schum. Asclepiadaceae.
May Ecbolium violaceum (Vahl) Hillcoat & Wood. Acanthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadacdheere
m.l Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka Afgooye oo leh sacab iyo biro layska garaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sambanneeye
m.l Geed-nagaar laamo iyo caleemo jilicsan leh oo aan qodax lahayn oo sanboorka iyo cudurro badan lagu daaweeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sambanneeye
-ha: (magac, lab, keli) nagaar lagu daweeyo sanboorka iyo waxyaalo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanbanneeye
(Sanbanneeya-ha)
Nagaar sanboorka iyo waxyaalo kale lagu daweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanbanneeye
m. n., [collective] herb used for curing asthma
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbanneeye
-ha: (magac, lab, keli) geed la is kaga shubo sanka marka uu xidhmo ama cabbudho sida qof sanboor hayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanbanneeye
de: herb used for curing asthma
initial: s
lx: sanbanneeye
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: sanbanneeye
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xannaaneeye
m. n. nurse, attendant, care-giver
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xannaaneeye
-xannaaneeyaha: (n) caretaker (keer-teey-ker); custodian (kas-toodiyari) ~ daryeele