sidaas_darteed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidaas_darteed
de: for that reason; therefore
initial: s
lx: sidaas darteed
ps: np / conj
key: sidaas_darteed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidaas darteed
n. phr., [conjunction] for that reason; therefore
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sidaas daradeed
donc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guunfood
(Guunfood-ka)
Neef dheddig, kolka uu inta awr u baahdo waayo oo sidaas darteed u rimi waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haddaba
Sidaas darteed; kolka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naashiso
(Naashisa-da)
Naag sharcigu caddeeyey inay ninkii qabey caasi ku tahay oo sidaas darteed ayan wax xaq ah ku lahayn; naakirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salammadle
(Salammadla-ha)
Shinbir Afrika ku nool, oo aad u xoog badan; wuxuu lee yahay sur iyo lugo dheerdheer, dabo dheer oo dhulka gaarta iyo cuntub baalal fiiqfiiqan ah oo qadaadka ka taagan; wuxuu cunaa oo aad u laayaa halaqa oo sidaas darteed dhulal badan waa mamnuuc in la dilo; kolkol dhulkuu ku ordaa oo fardaha kama gaabiyo, hadduu duulona aad buu cirka ugu fogaadaa; (ama shalammadle).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
borojekshan-sargo'an
m.l (-no, m.dh) (juqraafi) Nooc khariidad brojekshan ah, taas oo u muuqata sida iyadoo galoobka laga arko fogaansho ma dhawaato ah, sidaas darteed hal galoob-badh ayaa lagu muujiyaa khariidad brojekshan. Fallaaraha ilayska ee borojekshanka samayntiisa saldhig u ah waa barbaro waxayna ku qotomaan sallaxa borojekshanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cag-qoolaaban
m.dh (daawo) Qaabdarro cageed oo lagu dhasho saameyn kartana hal cag ama labada cagoodba taasoo qofka qaba uusan cagta cad wada dhig karin dhulka. Nooca ugu badan (Talipes Equinovaris) lugtu waxay u godontahay hoos waxayna u qalloocantahay gudaha sidaas darteed qofka qaba wuxuu u socdaa girgirka dibadda xiga ee dusha cagta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuncun
cuncun¹: m.l Xajiin oogada nafleyda ku dhacda oo keenta xoqod badan.
cuncun²: m.l (daawo) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. Holaca muddada gaaban waa falgal difaac oo degdeg ah oo ay soohyadu kaga hartagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaad. Astamaha: xanuun, kul, cassaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cadcad waxay galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda buskood.
cuncun³: f.g1 (-nay, ntay) Xajiin xoqod u baahan dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeyl
m.dh (-lo, m.l) (daawo) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. la-mid: dabayl¹ (5).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalmaddeyn
dhalmaddeyn¹: m.f.dh eeg dhalmaddee. la-mid: dhalmaddeys.
dhalmaddeyn²: m.dh (cilmiga naflayda) Xilliga qofka dumarka ah ay ka joogsato caadadu taas oo ay keentay ugaxleyda oo joojisa sameyntii unugga ukunta, sidaas darteed haweeneydu mardambe uur ma qaadi kareyso. Dhalmadayntu waxay dhici kartaa da'da u dhexeysa dhexda soddomaadka iyo kontomaadka, sida badan inta u dhexeysa da'da 40 - 50sano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirad
diirad¹: m.dh (-do, m.l) Aalad lagu kala garto jahooyinka, leh qaab sacadeed oo lagu hoggaamiyo maraakiibta.
diirad²: m.dh (-do, m.l) (naxwe) Marka uu qof hadlayo, weer kastoo ka mid ah warkiisa waxaa ka mid ah qayb uu si gaar ah u danaynayo, sidaas darteed hadluhu wuxuu adeegsadaa summad (baa/ayaa, waa) u baaqda dhegeystaha qaybtaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooxo-daldalan
m.dh (-ooyin ..., m.l) (juqraafi) Waadi laageed ku darma waadi weyn, laagtaas oo ka soo dhacaysa meel joog door ah ka sarraysa waadiga weyn, sidaas darteed biyaha ku qulqulaya waadi laageedkaas waxay ku galaan waadiga weyn si biyo dhac ama daadag ah. D.ooyinka ama waadiyaasha daldalan waxay caan ku yihiin dhulalka socodka baraf weynuhu uu gooyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falnaq
m.l (-qyo, m.dh) (daawo) Hawl uu fuliyo, ogaanla'aan, xiriirka ugu fudud ee unug maskaxeed iyo muruq. Sidaas darteed dareenka xannunka leh sida irbad mudid waxay keeneysaa dhaqaaq deg-deg ah oo faraha lala boodo inta maskaxdu ayan amar u soo dirin muruqii ay saameysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobol-dabiici
m.l (-llo ..., m.dh) (juqraafi) Meel gudaha xuduuddeeda ay ka jiraan darajo sare ee mid ahaansho qaabeed, marka la bar-bar dhigayo meelo kale, ha ahaato xagga kala sarraynta, cimilada, degaanka, sidaas darteed ilaa xad mid ahaansho qaabeed ee xagga dhaqaaqa dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudbiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (c.nafl) Noole, sida badan cayayaan oo ka qaada deriskunoole qof oo u gudbiya qof kale sidaas darteed ay cudur u keenaan. Sida kaneecadu u tahay gudbiyaha duumada, filaariyasiga iyo qandho dillaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
had
had¹: m.dh (-do, m.l) 1. Waqti la yaqaan oo bilaw iyo dhammaad leh; goor, kol, ammin. 2. H. iyo goor ama had iyo jeer: mar kastaba. 3. H.ahaa: goortan, waqti-gaan. 4. H.ba: kolkii in la joogaba; marmar. 5. H.da: goorta la joogo; amminka. 6. H.daa: waqtigaan, goortan. 7. H.daba: sidaas darteed. 8. H.dana: kol labaad, kol dambe; misana. 9. H.dee: sidaas darteed, haddaba. 10. H.deer: hadda, amminka.11. H.ma?: goorma? 12. H.diiba: waqtiga la joogo; amminka, hadda.
had²: xi. eeg haddii.
had³: f.mg1 (-day, -dday) 1. Wax fahmid ama garasho. 2. Wax xusuusid. 3. Qof dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haddee
fk. Sidaas darteed; haddaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holac
holac¹: m.l (-yo, m.dh) Kulayl; dab; olol; holoc.
holac²: m.l (daawo) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. H.a muddada gaaban waa falgal difaac oo degdeg ah oo ay soohyadu kaga hortagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaado. Astamaha: xanuun, kul, casaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cad-cad galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda biskood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugleyn
m.dh (daawo) Hirar cadaadis ah oo is daba joog ah oo dhex maraya halbowle waxaana keenay iskuroorka hannaansan ee muruqa qolka bidix ee wadnaha, sidaas darteed waxay u dhigmaan xawliga garaaca wadnaha inta goor uu wadnuhu (garaaco/daqiiqaddiiba) waxa si sahal ah looga dareemi karaa halbowlayaasha meel soke ku yaal, sida halbowlaha kalka dibadeed ee tagoogta (radial artery) ama halbowlaha luqunta (karotid artery).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kol
kol¹: m.l 1. la-mid: kal 1. (kolal, m.l) Waqti, jeer; mar. Tusaale: “Cali kol baan arkay”. 2. K.ba: mar walba. 3. K.ka: haddaba, sidaas darteed. 4. K.kiiba: isla waqtigii. 5. K.naba ama k.laba: si kastaba; dhab ahaan. 6. Waa k. iyo laba: marmar buu dhacaa.
kol²: xi. K.ka ama k.kii: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tusaale: “Kolka uu geelu oomo ayuu olol badnaadaa.”
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raad-guri-cagaar
m.l (-dad, m.l) (c.cimi.) Muuqaal fallaaraha qorraxeed ee galay raadgoobid raadgoob¹ gibilka dhulka: gibilku wuxuu u oggolaadaa tamarta qorraxeed ee hirarka gaaban inay gaarto dhulka dushiisa; tamartaasi waxay kululaysaa dusha dhulka, dabadeedna dhulku tamar kulul oo hirarkeedu ay dhaadheeryihiin ayuu gibilka ku sii daayaa, kulaylkaasna gibilka ayaa lagu hayaa gaar ahaan marka cirku caad leeyahay. Sidaas darteed gibilku wuxuu u shaqaynayaa sida qarshada guri cagaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidaa_daraadeed
de: for that reason, therefore
initial: s
lx: sidaa daraadeed
ps: conj-expr
key: sidaa_daraadeed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sidaas-awgeed
(adv) for that reason; hence (hens) consequently, therefore sidaas darteed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidaa daraadeed
conj-expr: for that reason, therefore
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidaardanbeed
-da: (magac, dhedig, keli) timaha oo qadaadka danbe ka hugma.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saandambeed
-ka: (magac, lab, keli) wax saaddambe la xiriira.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
shaag Carbeed
Arabian cartwheel
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qiyaas xariiqeed
Scale-1 Ine