sida caadiga ah
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sida caadiga ah
(adv) usually (yuush-wali); habitually (habij-wali); as usual; often (o-fan) ~ badanaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bituuminas
m.l (jooloji) Dhuxuldhagax madowdhalaal ah; 75% ilaa 92% oo ka mid ahiba waa kaarboon; 4.5% ilaa 5.6 % waa haydarojiin. Sida caadiga ah, waxaa loo yaqaan dhuxul guri. B. waa dhuxul-dhagax heer sare ah oo ka darajo sarraysa lignaytka, kana darajo hooseysa antarasayt. Waa dhuxul dhagaxda ugu badan uguna muhiimsan ee la helo iyadoo siyaabo dhawr nooc ah u jirta, sida dhuxulkook iyo dhuxulneefeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caado-immaansho
m.dh (c.baay.) Xilliga caadadu ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabcan
fk. Sida caadiga ah.

laba-eefle
m.l (-layaal, m.l/dh) (kiimika) Walaxda leh astaamaha asiidha iyo kuwa beyskaba. Ereygan waxa sida caadiga ah loo adeegsadaa ogsaydhada iyo haydarogsaydhada biraha sameeya ayoonnoo togan iyo ayoonnoo kakan oo taban labadaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxmiyad
m.dh (-do, m.l) (juqraafi) Degaan ay sameeyeen dad ka soo fogaaday dalkii ay u dhasheen; degaanka cusubi sida caadiga ah waa mid aan hore loo degganeyn amase loo degganaa si teel-teel ah.

raso-qaaradeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Gogosha badda ee garabka ku haysa qaaradaha oo ay ku daboolan yihiin biyo gun gaaban. Sida caadiga ah guntaas biyuhu waxay xirtaa ilaa 600 oo cagood (182.9 mitir)

tabaashiir
tabaashiir¹: m.l Wax qalin ahaan lagu qoro sabburadaha.
tabaashiir²: m.l (jooloji) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taran badan
m.l (kiimika) Iskudhis ka kooban molikuyuullo aad u waaweyn oo ka samaysmay xubno molikuyuuleed oo soo noqnoqday (tarmiyeyaal). Taran badanya-du sida caadiga ah ma laha cuf molikuyuul go'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurdoox
m.l Cunugga aan sida caadiga ah u dhalane bogga hooyadiisa laga soo saaray; bogdoox.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bituuminas
m.l (jool.) Dhuxuldhagax madowdhalaal ah; 75% ilaa 92% oo ka mid ahiba waa kaarboon; 4.5% ilaa 5.6 % waa haydarojiin. Sida caadiga ah, waxaa loo yaqaan dhuxul guri. B. waa dhuxul-dhagax heer sare ah oo ka darajo sarraysa lignaytka, kana darajo hooseysa antarasayt. Waa dhuxul dhagaxda ugu badan uguna muhiimsan ee la helo iyadoo siyaabo dhawr nooc ah u jirta, sida dhuxulkook iyo dhuxulneefeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caadadu
ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabcan
fk. Sida caadiga ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laba-eefle
m.l (-layaal, m.l/dh) (kiim.) Walaxda leh astaamaha asiidha iyo kuwa beyskaba. Ereygan waxa sida caadiga ah loo adeegsadaa ogsaydhada iyo haydarogsaydhada biraha sameeya ayoonnoo togan iyo ayoonnoo kakan oo taban labadaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maxmiyad
m.dh (-do, m.l) (juqraafi) Degaan ay sameeyeen dad ka soo fogaaday dalkii ay u dhasheen; degaanka cusubi sida caadiga ah waa mid aan hore loo degganeyn amase loo degganaa si teel-teel ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raso-qaaradeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Gogosha badda ee garabka ku haysa qaaradaha oo ay ku daboolan yihiin biyo gun gaaban. Sida caadiga ah guntaas biyuhu waxay xirtaa ilaa 600 oo cagood (182.9 mitir)
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabaashiir
tabaashiir¹: m.l Wax qalin ahaan lagu qoro sabburadaha.
tabaashiir²: m.l (jool.) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taran-badan
m.l (kiim.) Iskudhis ka kooban molikuyuullo aad u waaweyn oo ka samaysmay xubno molikuyuuleed oo soo noqnoqday (tarmiyeyaal). Taran badanyadu sida caadiga ah ma laha cuf molikuyuul go'an.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurdoox
m.l Cunugga aan sida caadiga ah u dhalane bogga hooyadiisa laga soo saaray; bogdoox.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anomalous
/anaamalas/ (adj) wax sida caadiga ah ka duwan. e.g. These results are anomalous.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
big
/big/ (adj) wayn (weyni) sida caadiga ah ka weyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sida dabiiciga ah
(adv) naturally (naay-jaraali); by nature ~ sida caadiga ah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milan caadi ah
m.l (-nno ..., m.dh) (kiimika) Milanka ay ku jiraan culays hal garaam isudhigan halkii litir ee Milan ahba. Waxa lagu asteeyaa summadda N, sida O.2N, I.ON, iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milan caadi ah
m.l (-nno ..., m.dh) (kiim.) Milanka ay ku jiraan culays hal garaam isudhigan halkii litir ee Milan ahba. Waxa lagu asteeyaa summadda N, sida O.2N, I.ON, iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sida runta ah
[adverbial] [expression] really, actually, in truth, in fact
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jajab caadi ah
Common fraction
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Shaqo caadi ah
Lavoro ordinario
Ordinary work
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shirkad caami ah
n. phr. public company
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mid ka mid ah
num-expr: one (of several), one kind ~ type of
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mid la mid ah
the same as; similar
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro maangal ah
Real number
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhidib maangal ah
Real axis
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Logardam caadi ah
Common logarithm, Natural logarithms
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Shaqaale caadi ah
Personale ordinario
Ordinary personnel