sibiibix
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibiibix
m.dh.kh S. ah: meel kor siman ama qoyan oo lagu simbiriirixanayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiibix
-da: (magac, dhedig, keli) meel lagu sibiibixanaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibiibixi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel siman ama qoyan ku taraarixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiibixi
(fal) meel lagu silbado ka dhig; sibiibixo ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibiibixo
sibiibixo¹: m.dh 1. Meel siman ama qoyan oo lagu siibto. 2. la-mid: sibiibixasho.
sibiibixo²: f.mg3 (-xday, -xatay) Meel siman ama qoyan ku simbiriirixasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sibiibixo
f.mg3 (-xday, -xatay) Meel siman ama qoyan ku simbiriirixasho. m.f.dh, sibiibixasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sibiibixo
v. slip, slide
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiibixo
(fal) 'meel korkeedu siman yahay ku silbo; sinbiriirixo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sibiibixo
bw: sidbo
de: slip, slide
initial: s
lx: sibiibixo
nt: sibiibixasho (/da) [vn-f]
pd: (sibiibixaday)
ps: v3a=intr
key: sibiibixo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibibix
-da: (magac, dhedig, keli) meel siman oo aan kala dheerayn, oo lagu siibto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiibixad
-ka: (magac, lab, keli) sibiibixasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibiibixin
m.f.dh eeg sibiibixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiibixin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel sare ama sibiqsibiq ah ka soo dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sibiibixasho
(Sibiibixasha-da)
Sidbasho; sinbiriirixasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sidbasho
(Sidbasha-da)
Sibiibixasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinbiriirixasho
(Sinbiriirixasha-da)
Sibiibixasho; sidbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barriiqo
barriiqo¹: m.dh (-ooyin, m.l) Raadka uu wax sabiibixday dhulka ku reebo.
barriiqo²: f.mg3 (-qday, -qatay) Ku b.: wax meel sibiibix ah ku sidbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muluqmuluq
m.dh 1. Socod badan oo meelo kala duwan la gelayo iyada oo aan ujeeddo fiican laga lahayn. 2. M. leh: wax gacanta ka sibiibixanaya. 3. Khayaano iyo mardaddabaan.

murguxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax kuusan oo gacanta ka sibiibixanaaya ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibiibixasho
m.f.dh eeg sibiibixo². la-mid: sibiibixo¹ (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barriiqo
f.mg3 (-qday, -qatay) Ku b.: wax meel sibiibix ah ku sidbasho. m.f.dh, barriiqasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muluqmuluq
m.dh 1. Socod badan oo meelo kala duwan la gelayo iyada oo aan ujeeddo fiican laga lahayn. 2. M. leh: wax gacanta ka sibiibixanaya. 3. Khayaano iyo mardaddabaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
slide
/slaydh/ slid; (v) 1. sibiibixasho (sidbasho, siibasho) 2. bir-ciyaareed oo carruurtu iska soo-daayaan 3. dhuumasho (si qarsoodi ah u bixid).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barriiqasho
-barriiqashada: (n) the act or an instance of slipping or sliding ~ sibiibixasho
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scivolare
v.intr. - sibiibixasho, sibiriirixasho, taraarixid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
slittare
v.intr. - ku socosho gaadiidka barafka; sibiibixasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liisho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan girgirro lahayn oo sibiibix ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiibixasho
-da: (magac, dhedig, keli) sidbasho; sibiibixasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibiib
m.l/dh la-mid: sabiib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiib
-ka: (magac, lab, keli) miraha canabka oo la galajyay, sabiib.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sibiqsibiq
-ah: (adj) unnoticeable (an-noo-tisi-bal) without noticing
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibiibid
(Dhibiibid-da)
Dhiig badan oo lala sigto aad uga bixid; (ama dhibibid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibiibid
m.f.dh eeg dhibiib². la-mid: dhibibid, dhibiib¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibiibid
-da: (magac, dhedig, keli) dhiigbax dabadii, dawakhaad dareemis. Dh: dhibiibyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
simbiirid
m.f.dh eeg simbiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simbiirid
-da: (magac, dhedig, keli) si dadban; si leexsan. Dh: simbiidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibbi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Silsillad dahab ah. 2. Kuul leh midab ka kooban dhibicyo madow iyo caddaan ah oo haweenku qoorta ku xirtaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biibii
biibii! (ereycodeed) tusmeeya codadka hoonka ee isdabajoogga ah ama codka ka soo baxa biiqiiqda. Dh: dhiidhii, biiqbiiq, biibiib!
biibii-da: (magac, dhedig, keli) dhuun yar oo laga bixiyo qudaxda dhammaajada xilliga ay curdinka tahay. Biiqbiiqda adhijirtu afuufayso bartan baa laga maglaa. Dh: biiqbiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabiib
(Sabiib-ta)
Miraha canabka jaadadkooda jaad ka mid ah oo ad'adag oo aad loo jecel yahay; waxay ka baxdaa dhulalka Bari, badanaana, iyadoo engegan baa ganacsi la geliyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabiib
m.l/dh Miro canab oo la qallajiyey. la-mid: sibiib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabiib
m.l/dh Miro canab oo la qallajiyey. la-mid: sibiib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabiib
m. n., [collective] raisins
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabiib
-ka: (n) raisin (reey-zan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabiib
-ka: (magac, lab, keli) midho cinab ah oo la engejiyay oo muddo dheer la haysan karo oo aad u macaan. Wax la cuno sabiib baa ah, nin samaystay baa faan leh, waxaad haysataa saas ah.
sabiib-ta: (magac, dhedig, keli) midhaha cinabka jaadadkiisa jaad ka mid ah oo ad'adag oo baxa dhulalka kulaylaha ah, aalaa iyagoo dheecaanka laga miiray oo engegan ayaa laga ganacsadaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabiib
bw: Arabic
de: raisins
initial: s
lx: sabiib
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: sabiib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiil
-sha: (magac, dhedig, keli) xubinta taranka ee xoolaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibid
(Siibid-da)
Wax salkiisa ama docdiisu meel ku aasan tahay ama ay ku jirto, xoog u soo jiidid taniyo intuu ka soo wada baxo isagoo aan kala go'in; bixin; rujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibid
m.f.dh eeg siib².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Siibid
Smontatura
Dismantlement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibid
-da: (magac, dhedig, keli) shey wax kale ku dhexjira, in ka soo saarid; wax docdiisa kale ay meel ku aasan tahay ama ay ku jirto, xoog u soo jiidid tan iyo intuu ka soo wada baxayo isagoon. kala go'in. Dh: bixin, saaris, siibis, miiqid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
siibid
نَزَعَ (تَوْبًا حِذَاءَ قُبَّعَةً إِلحَ)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibis
-ta: (magac, dhedig, keli) siibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixiix
-a: (magac, lab, keli) qof magaciis, uu isagu gacantiisa ku qora; saxiix.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sixiix
توقيع، إِمْضاء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mihiibi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid wax mulkisiin. la-mid: mahiibi, mahiibsii, mihiibsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiliq
-a: (magac, lab, keli) birta lagu jebiyo ceelasha ama lagu qodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriirix
f.g1 (-xay, -xday) Wax aqoon yar ka helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biriirix
f.g1 (-xay, -xday) Wax aqoon yar ka helid. m.f.dh, biriirixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabiibid
(Dabiibid-da)
1. Qof buka geedo siin ama dacarfaalid.
2. Takhtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabiibid
m.f.dh eeg dabiib². la-mid: dabiib¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabiibid
-da: (magac, dhedig, keli) qof buka, geedo, Qur'aan ama wax kale, ku daawayn. Wadaadku dabiibidda ijaaso ayuu u haystaa. Dh: baanasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibiibi
-ga: (magac, lab, keli) dawakhaad iyo tamarla'aan ku dhacda qof uu dhiig badani ka baxo. Dhibiibiga waa lagu dhintaa. Dh: dhiigbax, dhibib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digiigix
m.l 1. Naxariis. 2. Meel hoobad ah. la-mid: dagiigix.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digiigix
m.l 1. Naxariis. 2. Meel hoobad ah. la-mid: dagiigix.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digiigix
-a: (magac, lab, keli) dareen naxariiseed oo kugu dirqiya inaad qof dhibban u damqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mihiibid
m.f.dh eeg mahiib². la-mid: mahiib¹, mahiibid, mihiib¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mihiibin
m.f.dh eeg mihiibi. la-mid: mahiibin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabiibid
m.dh la-mid: namiinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siqiirid
(Siqiirid-da)
Saqiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqiirid
m.f.dh eeg saqiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqiirid
-da: (magac, dhedig, keli) cunug markuu dhashayba dhintay; yaraan ku dhimasho; saqiirid. siqiirnimo -da: (magac, dhedig, keli) mid yaraan ku dhintay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiniinix
(Tiniinix-a)
Bocoosha badda kuwo ka mid ah oo midabyo badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiniinix
m.l (-xyo, m.dh) 1. Bocoosha badda kuwo ka mid ah oo midabyo badan. 2. Midabyo badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiniinix
m. n., [collective] rich color mixture, multicolored pattern
tiniinix m. n. colorful seashell species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiniinix
-a: (magac, lab, keli) bocoosha badda kuwo ka mid ah oo midabyo badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibiibtir
(Dhibiibtir-ka)
Qof dhibiibay oo dhiig badani aad uga baxay, degdeg wax ku soo celiya xooggii ka ba'ay oo uu ku soo ladnaado; (ama dhibibtir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibiibtir
dhibiibtir¹: m.l 1. Nafaqo la siiyo qof dhiig badani ka soo baxay. 2. la-mid: dhibiibtirid. la-mid: dhibibtir¹.
dhibiibtir²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof dhibiibay nafaqo siin. la-mid: dhibibtir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibiibtir
dhibiibtir¹: m.l 1. Nafaqo la siiyo qof dhiig badani ka soo baxay. 2. la-mid: dhibiibtirid. la-mid: dhibibtir.
dhibiibtir²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof dhibiibay nafaqo siin. m.f.dh, dhibiibtirid. la-mid: dhibibtir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibiibtir
vl. n., [compound] prevention of bleeding; blood transfusion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibiibtir
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhibiibitir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibiibtir
de: prevention of bleeding; [ext.] blood transfusion
lx: dhibiibtir
pd: (-ka)
ps: vn2-m-cmp
key: dhibiibtir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibirdibir
-ta: (magac, dhedig, keli) milayga hiimamawga ah ee labada gellin aan la kala garan qofka iyo geedka.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isir tibix
Factor of a term
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyibidix
m.dh Ciyi loo leexshay bidix oo lagu daray masaydii bidixda ka jirtay masayda ciyiga laga qabtay, marka raarka la sameynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digiigixo
f.mg3 (-gixday, -gaxatay; -gaxan) 1. U d.: cid u naxariisasho. 2. Meel hoobad ah ka daadegasho. la-mid: dagiigoxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digiigixo
f.mg3 (-gixday, -gaxatay; -gaxan) 1. U d.: cid u naxariisasho. 2. Meel hoobad ah ka daadegasho. m.f.dh, digiigaxasho. la-mid: dagiigoxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giriirixi
f.g2 (-iyay, -isay) Is g.: isa soo mataxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giriirixi
(fal) isa soo mutux; isa soo taag oo indhaha soo caddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hibitiqid
(Hibitiqid-da)
Biyo ama wax kale oo shubma oo dhibic dhibic u soo baxa, soo deyn; darrorid yar; habyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hibitiqid
m.f.dh eeg hibitiq². la-mid: hibitiq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibitiqid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ama dareere kale kolba in yar dhibicdhibic u tiixtiixid. Dh: dhibiclayn, habyid, darroorid.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Ibis ibis
(I) Tantalo;
(E) Wood Ibis;
(S) Shek Harire (B. G.: Sek harire)
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Labotibix
Binomial
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miciinbid
-ka: (magac, lab, keli) cid gargaar ka doonid; dhib cid ula ciirsasho. Dh: maciinbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mihiibsii
f.g2 (-iiyay, -isay) U m.: cid hanti siin. la-mid: mahiibsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mihiibsii
v. put into someone's hand; consign; deliver ~ give (to someone)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mihiibsii
(fal) sii oo faraha kaga rid. Ammaanadaa ninkii lahaa mihiibsii. Dh: guddoonsii, taqabalsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mihiibsii
a: mahiibsii
de: put into s.o.'s hand; consign; deliver ~ give (to s.o.) (with preposition u)
lx: mihiibsii
pd: (mihiibsiiyey)
ps: v2a=tr
key: mihiibsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaxiibid
(Saaxiibid-da)
Saaxiib noqosho; rafiiqid.