si ... u
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
si ... u
[adverbial] [expression] like, as, how, so, in order that, in such a way
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirin
(Biirin-ta)
Gundhig hadba wax yar ku sii darid si uu u bato; kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boholaddumin
(Boholaddumin-ta)
(qof) meel walba cabsi ka tusid si uu wixii uu samayn lahaa uga baqo oo isaga daayo; boholatusid; hogatusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bushintuur
(Bushintuur-ka)
Geela la hoggaaminayo oo bushintana laga xiro si uu u dheereeyo (sida sandulleynta dibida); faruurxir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagafcagaf
(Cagafcagaf-ka, Cagafcagaf-ta)
Gaari xoog badan oo wax jiida: wuxuu dhinacyada ku lee yahay labo daliigood oo waaweyn oo bir ah oo ballaaran oo garangaro ilko leh ku kor rogmada, si uu dhulka qarfada ah ama ciidda leh u maro; gaari, wax lagu qardajeexo leh, oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciirsan
Si uu yeelo garan la'; naftu hayso; lagu biyakeenay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digid
(Digid-da)
Cabsi, dhib, xumaan, ama wax la mid ah oo soo socda, qof, kd., u sii sheegid; (qof) wax u daran oo ku soo fool leh ama lala maaggan yahay, dareensiin, ogeysiin, si uu isu ilaaliyo oo uga gaashaanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duufsasho
(Duufsasha-da)
1. Falaad ama dhaqan xun oo qof loo macaansho si uu ugu bogo oo isagana u falo oo u raaco.
2. (-') Sanka oo xoog loo fiifsado, si duufka ku jiraa uga yimaado; duuf iska keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farriin
(Farriin-ta)
Hadal qof loo dhiibo si uu cid kale u gaarsiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbasho
(Gabbasha-da)
Nabar laysku soo tuuray oo lagu kaco si uusan wax ugu dhicin: ka leexasho; gaashaan ama qalab kale ku balfin; iska gaabin; kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaammacoodin
(Halaammacoodin-ta)
Hilib, kd., dab ku ugid ama saarsaarid, si uu korka keliya uga bislaado; yacyacood ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemaar
(Heemaar-ka)
1. Badar (budo, jiriir, buunshe) lagu daro burcadka la shiila hayo, si uu miidda iyo gufarka u kala sooco, dabadeedna weelka guntiisa ku hara.
2. Waxyar; dindin; qarroor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiil
1. (Hiil-ka) Labo qof oo la kala godobsado oo mid, af ama addin wax laga taro, si uu kan kale uga adkaado; hiillo; danaano.
2. (Hii-sha) a) Digo ama saalo badan oo xeryaha ariga ku ururta. b) Geed yar oo xoolaha cuna caanohooda xaraar ka dhiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiillo
(Hiilla-da)
Labo qof oo dagaallama haya oo mid lala safto, si uu kan kale uga adkaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillaabo
(Jillaaba-da)
Qof socona haya oo, si uu u kufo ama u turaanturroodo, lug loo dhigo; suuldaar; jallaafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koowi
(Koowi-ga)
1. Qoryo geedquwaax ah oo shabaagta la dhiga hayo lagu xiro si uu u sabbeeyo oo meel fog looga arko.
2.* Wixii sabbeeya oo waddada maraakiibtu marayso lagu asteeyo oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korin
(Korin-ta)
1. Wax dhashay ama yar dheefin si uu korriimadiisa u dhammaysto.
2. Meel sare gaarsiin, geyn, saarid.
3. Dhibaato ka bixin, ka saarid; nabadgelin; samatabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luul
(Luul-ka)
Iniino kulkulucsan oo dhagaxdidib ama xaraar ah oo badanaa cad kolkolna midabyo kale leh oo aad qaali u ah; waxaa si yaab leh u sameeya lohodka qaarkiis: qalbacyada dhulmanta bahalku ku jiro baa waxaa soo dhexgala bahal kaloo yar ama iniin ciid ah ama wax kale; kolkaasaa bahalku si uu waxaan gudihiisa soo galay uga nabad galo, dhacaan qoyan oo xabag oo kale ah ku daboolaa oo kubbad kulucsan ka dhigaa; dabadeed kubbaddaa adkaata oo luul noqota; luulka la beero isaguna waa la mid: qalbacyada gudohooda baa uun wax loo geshaa oo dabadeed bahalku luul ka dhigaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maalin
1. (Maalin-ka) Maalinta.
2. (Maalin-ta) a) 12ka saac oo iftiinka ah oo qorraxdu soo jeeddo; waqtiga habeenka, waqtiga ka dhigan, b) Dharaar; casho; ayaan. c) Qof neef irmaan ammaaneysiin, si uu caanaha uga maalo; maalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maandhaaf
(Maandhaaf-ka)
(is maandhaaf) Arrin laysku diido oo qofba si ula ekaata; heshiinwaa; khilaaf, is-afgaranwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Minbar
(Minbar-ka)
Meel kor u qaadan oo qofka khudbada akhriyayaa ama wax wacdiyayaa fuulo, si uu u muuqdo codkiisana loo maqlo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dib ... u
adv-loc: backwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sare ... u
adv-loc: upwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aad ... u
[adverbial] [expression] very much, quite, a lot; hard, firmly
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hor ... u
adv-loc: forwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
si cad u
[adverbial] [expression] clearly, plainly
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gees ... u
adv-loc: sideways
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoos ... u
adv-loc: downwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sow ... ma
qw / class: isn't it?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxay ... u
question word: why?, what for?